TAARIIKHDA
& DHAQANKA LUMAY WAXA HOGAANKA U HAYA WAQTIGA.!
Barkhad
Shire Yusuf
Bossaso, Somalia
Wax badan waxaad aragtaa iyadoo laga sheekaynayo
halyey Somaliyeed, abwaan, geesi gobanimo u dirir
darteed naftiisa u huray, hooyo soomaliyeed oo taariikhda
baal dahabi ah ka gashay, iyo dad aan tiro yarayn
qoraalna aan lagu soo koobi karin, laakin marka laga
sheekaynayo waxqabad koodii & dhaxalkii ay uga
tageen jiilkii shalay & kan maantaba uu qof kasta
oo aan warmoog ahayni dareemayo inay ahaayeen qayb/dad
muhiim ahaa oo doorkii & kaalintii ay bulshada
dhexdeeda ku lahaayeen maanta goob banana taahay.
cid kaalin toodii buuxinaysaana aysan maanta muuqan.
Qof kasta oo qoraalka intiisa kori akhriya waxa uso
baxaya jawaab ay maskaxdiisu siiso, waa hadii uu is
weydiiyo dad noocas oo kale ah maxaa bulshada maanta
u diiday?.
Hadaba jawaabaha qofba mid helayo ayaa in badan kala
duwanaan doona. Waxaase laga yaabaa in qayb aad ubadan
u arkaan in waayuhu is bedeleen oo hadii shalay ninka
gabyaaga ah amase geesigii ku diriri jirey hubka gacanta
aan dhaafin & weliba kuwi laabla kaca wadaninimo
qiiro ku dheehan tahay godka u galay, bulshaduna amaahisay
taageero iyo xusuus waarta ay ahayd modo/fashion waqtigaas
socday.
Halka qaar badan u arkaan in qarankii dumay uu galaaftay
sooyaalkii hidaha & hab dhaqankiiba. Oo hadii
maanta uu bulshada halyey ku dhex jiro uu san haysan
awoodii qaran oo u daadihin lahayd horumarka wadaninimo,
mid suugaaneed & inuu dadka iyo dalka wax u qabto,
kadibna uu galo baalasha taariikhda aan duugoobin.
Hadaba si jawaabta/ha kasoo baxaya dareen dad kala
duwan loo xaqiijiyo loona miisaamo dhab ahaantooda,
marka hore aan qiimeeyo oo qoro aragtidayda ku wajahan
dhawr eray oo ku jira fikradaha aan ka male awaalay
dad aan gaar ahaan loo tilmaami karin ama loo sumad
sooci karin.
Erayada marka aan leeyahay firkradayda, maaha inaan
ka warbixinayo macnaha guud ee eraykasta leeyahay,
balse waxaan ka hadlayaa micnaha & mansabka ay
qormadan kaga jiraan oo keliya.
QARAN: Qaran maka laga hadlayo lafdi iyo lubi
ahaanta erayga, waa mgac aan keli ahan u taagnayn
oo kasoo if baxay saddex magic oo laysu geeyey.
D+D+D = QARAN. Oo lamacno ah Dad
+ Dal + Dawlad = Qaran.
Hadaba maanta Somaliya waxa ka maqan dawlad. Dawladna
waxaa udub dhexaad u ah Dad & Dal, mana jirto
dawlad aan dad & dal toona lahayn dunidan aan
maanta joogno, labadaas wadartooda waxa kasoo baxa
Dawlad.
TAARIIKH: Waxan kusoo koobayaa “Wixii tegay
oo xog laga reebo” kadibna waxa kasoo baxa warbixin
ay qaataan dad kala duwan oo aragtidooda kala duwan
asaas uga dhigaya sooyaalka taariikhda kuna xaqiijiya
warbixintooda..
Taariikhda waxa hogaanka u haya waqtiga, waxana maamula
waayaha, dadkaana ehel u ah. Waxay leedahay ilo &
ubuc.
Hadaan ku laabto mowduuca dulucdiisa.
Erayada aan kor kusoo xusay waxay u gogol xaarayaan
xaqaa’iqda Dhaqan dooriska iyo hidaha lumay, inay
tahay wax aan marmarsiinyo loo yeeli karin.
Tusaale ahaan, aragtida ah in dhib oo dhan ay qaran
jabka ka timid.
Hadii Qaran = Dad + Dal + Dawlad, oo dawlad dhexe
oo keliya maqantahay, daliil cad miyaaney ahayn in
dawladii dalka ka dhisnayd qiyaastii 30 sano ay keeneen
awooda Eebe iyo dad wadaniyiin ah.
Hadaba waxa isweydiin leh, hadii Somaaliya oo aan
calan, dawlad, af qoran iyo aqoon midna lahay, oo
ahayd dad & dal la gumeysto oo keliya, halka ay
maanta joogtona ka liidatey (waa marka laga eego wacyiga’e)
ay dad ka qiirooday dhibtaas, jahligaas, dawlad la’aantaas
& gumeysigaas soo gaarsiiyeen ilaa heer dawlad
xor ah oo aduunka laga yaqaan, iyadoo aysan jirin
hab qoraal afka soomaaliga ku guuleystey inay qoraan,
oo ilaa hada waxqabadkooda mirihiisii aan ku taaganahay.
Miyaaney ahayn in jiilka maanta uu ka idlaaday nin
doorkii u gutanlahaa sidii uu u badbaadin lahaa dalka
& dadkaan mugdiga kusii siqiaya. Waa yaabe ma
hooyooyinkii halyey dhali jirey baa gedoodey, mase
nin doorkii loogu abtirin jirey baa gaagaxay.
Waxaa qarnigii tegay taalooyin loo dhisay dadkii
usoo halgamey wadankan sida:
Sayid Max’ed C/lle Xasan, Dhagax-tuur, Xaawo Taako,
Cali Faahiye Geed iwm. Qaar kalena taariikhda lagu
xusay.
Waxase isweydiin mudan yaa qaringan loo dhisi doonaa
taalo? Yaa magaciisa wax badan barayaasha dugsiyadu
sabuurad ku qori doonaan? Si loo baro jiilka soo koraya?
Barkhad Shire Yusuf
Bossaso, Somalia
shireson@hotmail.com