WADNAHAAGU
NUGULAA WAA-WAREYDU WAA MAXAY
Shirka haatan ka socda duleedka nairobi, laguna xalinayo
hardanka siyaasadeed ee soomaalida ka dhaxeeyey dhowr
iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, ayaa waxaa laga
hadal hayaa in uu cabdullahi yusuf ugu rajo weyn yahay
xilka madaxweynenimada ee lagu wado in halkaa lagaga
dhawaaqi doono kadib markii ay doorashadu qabsoonto.
Siyaasiyiin badan, iyo kuwo dhawaan siyaasda ku soo
biiray ayaa hadaba ka kala baxshay aragtiyo kala duwan,
waxaana arintaasi ay saameeyn ku yeelatay qabaa'ilo
badan oo soomaaliyeed, iyada oo kuwo aad u badana ay
soo dhaweeyeen. Hadaba hadal heynta cabdullahi yusuf
ayaa waxaa ay tahay toobig-ga ugu badan ee laga hadlo,
meel kastaba haday ahaan laheyd masaajidada, goobaha
lagu qayilo, iyo goobaha waxbarashadaba.
Qabaailada Marexaan, Ceyr [Habargidir], Abgaal, ayaa
badankood isku aragti ka ah shirka ka socda wadanka
kenya, waxaana ay aragtidoodu ku saleysan tahay naceyb
ay u qabaan cabdullahi yusuf, mana ah dan sare oo somaliyeed.
Hadaba Labada hogaamiye ee kala ah Cabdulkasim salaad
iyo Muuse suudi ayaa midna daliishiisu waxa ay tahay
Ethiopia, halka midka kalena uu hadal hayo awood qabiil.
Dhammaan qabaailada kale ee Daaroodka, hawiyaha sida
Beelaha sacad Saleebaan saruur oo habar gidir isku ah,
Duduble, Murursade, Dir, Sheeqaal iyo kuwo kale oo badan
aya iyaguna taageero, iyo ka aamusid isku darsaday halka
Beelaha Digil iyo Mirif ay full support siiyeen hogaamiyaha
Puntland cabdullahi Yusuf.
Qofkii taga madasha shirka ayaa garanaya xaqiiqda ka
jirta halkaa, hase ahaatee waxaa xaqiiq ah in is bedel
weyn uu ku dhacay shacab weynaha somalida, ayna runtii
hadal hayaan badankood Cabdullahi Yusuf oo lagu dooranayo
wax yaabaha ay kamidka yihiin hal adeyga iyo siinta
uu nabada iyo kala dambeynta siiyo mudnaanta koowaad.
Cabdullahi yusuf waxaa lagu bartay kala dambeyn iyo
nidaam halka uu ku sugan yahay, waxaana soomaalidu ay
muujisay dareenka ay u qabaan arintaas.
Qabaa'ilada diidan cabdullahi Yusuf, ayaa laga yaabaa
in ay ka baqayaan in ay waayaan sad ay is lahaayeen
badsada, waxaana isla cabdullahi yusuf uu diiday in
uu la hadlo kooxaha qaarkood oo iyagu damacsanaa in
ay gor gortan la galaan. Xanta ugu badan ee haatan socotaa
ayaa ah mid u dhexeysa Hogaamiyaha beesha Murursade
maxamed qanyare oo isaga iyo cismaan caato ay soo kala
dhex galeen khilaaf xaga kooxda G-8 ka ah, iyo labada
hogaamiye ee gacan yaraha u ahaa muuse suudi oo iyana
maanta kaga haray qaadhicista uu shirka qaadhacay.
Hadaba waxaa ay soomaalidu tiraahdaa war jiraaba cakaaruu
iman, mid lahayaana xiiso ma leh. waxaan qoraalkeyga
ku bilaabay: Raga beelahoodu soo dirsadeen oo gafuurka
taagaya shirkana ka socon la yahay
Xirsi caamiroow lagu hiif laguna
haaraanye
Alleylehe habaar baad qabtaa waana lahubaa
Rag haduu horfuul kaa dhigtoo heybad laguu yeelo
Waa loo hagaajaa anfaca hadasho waa cdeebee.
Qore : Shirwac Cabdi
ragyaqaan@yahoo.com