Federalka
iyo walaalaha Galgaduud
W/Q:Shaafici
Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
”Hubdhigis” iyo ”federal” waa labo erey oo uu mid af soomaali yahay, midna
uu luqad qalaad yahay, hase ahaato ee waa kalmado qofkii aan
tuugnimo iyo burcadnimo jeclayni uu maqalkooda iyo macnahooda
aad ugu farxayo.
Labada erey waxaynu ku hormaraynaa ”federal”
waayo af soomaali ma aha oo waa erey ummado badan ka dhexeeya,
isla markaas waxaa maalmihii danbe lala xuurtaysnaa jariiban
iyo gunuunuc ay horseed ka yihiin labada nin oo la baxay
”Walaalaha Galgaduud” iyo taageereyaal xoogaa ah, oo ayaga
oo aan macnaha iyo nuxurka federalka fahmin ay caadifadi
qaadday.
Sida federalka loola dhacsan yahay, oo ay soomaalidu
ugu riyaaqeen waxay gaarsiisan tahay heer ay shacabka badankoodu
markii ay ereygaas maqlaan ugu qiiroodaan sidii ayaga oo
gabay guubaabo ah ama hees waddani ah dhegaysanaya. Waxaa
laga yaabaa in uu ereygu sidiisaba yahay kalmad dhawaaq
macaan, oo maqalkeedu uu xallad iyo bilic farshaxan ah huwan
yahay, isla markaas waxaa dhici karta in macnihiisu uu xanbaarsan
yahay nuxur iyo narsi ay ummaddu ereyga ka dhedheminayaan
uu nabad iyo naallo waara u soo jiidi doono.
Soomaalida badankooda siiba dadkii ku dhaqnaa
”labadii magaalomadax oo hore” markii ay arrin fahmi waayaan
waxaa alaaba loo soo qaataa tusaale cunto ku saabsan, si
ay sharraxaadda ugu dhegonuglaadaan. Sidaas darteed waxaa
hadda beegtoon in aynu dadka federalka ku fahamsiinno kalmad
ay dadka makhaayadaha gada iyo kuwii inta laanguruusarrada
la carraaba makhayadaha galoobixi jirey ku fahmi karaan
macnaha iyo waxdheefka federalka.
Labada nin oo la baxay ”Walaalaha Galgaduud”
cidina kama ay badsan in federayshin laga dalbado makhaayadihii
ay dabadeed ayaga iyo saaxiibbadood taloxumida ku dumiyeen,
oo ku yiil magaalomadaxdii hore ee jamhuuriyadda Soomaaliya.
Gadaal ayeynu ka sheegi doonna labada nin oo
walaalnimada gaarka ah sheegtay, isuna bahaystay ceebaynta
iyo masabbididda arrimaha federalka iyo waxyaalo kale, hase
yeesho ee waxaynu hortii caddaynaynaa in uu federalka macnihiisu
yahay ”Isku dar” ee uusan ahayn ”Kala jarid”. Taas waxaa
daliil culus u ah in ”Walaalaha galgaduud” markii ay makhaayad
caasimaddii hore ee dalkeenna ku taal horteeda baabuur hanti
ay boobeen laga bixiyey ku baakingareeyaan ay dalabkooda
ka bilaabi jireen ”Faderayshin ii keen”, taas oo ay ka wadeen
in cuntooyin weelal kala duwan ku jirey isku saxan looga
buuxiyo.
Faalladaas cuntada ku saabsani waxay gashaanka
ku dhufanaysaa madalhufinaha iyo macangagnimada aan murtiyaysnayn
ee ay ”Walaalaha Galgaduud” iyo taageereyaashoodu ku mabeen
tan iyo intii la bilaabay in loo ololeeyo arrimaha ”federalka”
iyo ”hubdhigista”. Markii cunto la dalbanayo in federal
la jecel yahay oo “Isku dar” loo yaqaan, haddana markii
ummadda soomaaliyeed in nadaamka federalka lagu dhaqo oo
hubka laga dhigo la rabo in indhaha xanjo la soo marsado
oo federalka iyo dawlado deris ah la iska caayaa waxay inoo
muujinaysaa in ay ”Walaalaha Galgaduud” gardaran yihiin,
oo ay u angaxayaan in aan shacabka iyo kooxaha hubka laga
dhigin iyo in aan ummaddii kala tagtay oo colaadaha ku kala
fogaatey habka federalka la isugu soo jiidin.
Ikhyaarta mihiiggaanka ah oo federalka xiisaynaya,
oo ogsoon baahida loo qabo iyo sida uu u midayn karo ummadda
iyo sida uu kalsooni u siin karo bulshada kala shakisan
waxay og yihiin in uu federalku yahay baraf lagu daminayo
qaxanka qabyaaladda, ee uusan ahayn in ummadda qabiilooyin
loo kala jarjaro.
Waxaa la wada og yahay in ay bushada soomaalidu
beelo u kala miirantay, laakiin su’aasha ugu weyni waxay
tahay ma federal baa markii ay kala miirmayeen la haystey?
Waxaa iska cad in uusan jirin qof oranaya: ”Waxaa soomaalida
qabyaaladda baray habka federalka oo ah in wax la isku daro”.
Hadda ayeynu soo gaarney markii aynu sheegi
lahayn kuwa ay yihiin “Walaalaha Galgaduud”, waana Cabdiqaasim
iyo Barre Hiiraale. Qof kasta oo federaalka caaya ama ama
dawladda Itoobiya masabbidaa wuxuu taageersan yahay labadaas
shakhsi, oo ka tirsanaa maamulkii ummadda oo midaysan xoogga
ku qabsaday oo shacabkii oo qabyaalad isu laynaya uu cimrigiisu
go’ay.
Cabdiqaasim iyo Barre Hiiraale waxay macagacaas
(Walaalaha Galgaduud) ku dhawaaqeen oo la baxeen intii aan
Carta durbaankii iyo halaasigii lagu qaban. Sida ay dadka
qaarkood sheegaan waxaa magaca ”Walaalaha Galgaduud” laga
dhaxlay jaalle Maxamed Siyaad Barre, oo ku beerdulucsan
jirey Cabdiqaasim, oo uu ka jeclaa carruurtiisa iyo aqalladiisa.
Ama jaalle Siyaad ha laga soo xigto ama Ismaaciil
Cumar Geelle ee kolley waxaa Carta durbaan laga garaacay
markii uu magacu ka hirgalay meelo badan oo Soomaaliya ka
mid ah, wuxuuna macagu shaqeeyey intii aysan ganacsatada
Jibuuti qaarkood iyo ganacsatada Banaadir qaarkood ku heshiin
in shir qof kasta u furan laga bilaabo dalka Jibuuti.
Dadkii ugu badnaa oo shirkaas iska xaadiriyey
waxay ahaayeen danyar horay Jibuuti ugu noolaa, oo markii
ay ogaadeen in uu furmay shir laga helayo cunto iyo jiif
bilaash ahi isku qoray in ay yihiin ergooyin laga soo xulay
gobollada Soomaaliya. Runtii waxaa la oran karaa faa’iidada
keli ah oo Carta laga helay waxay ahayd in soomaali baahani
ay ka heleen cunto ay ku noolaadeen halkii sano oo uu shirkaasi
socdey.
Arrintii riwaayaddaas ugu xiisaha badnayd waxay
ahayd in ay shirka isku qoreen dad dalka Jibuuti u dhashay,
oo kaga qaybgalay in laga soo diray soomaaliya, waxaan fursaddaas
u sahley in ay dadka reer Jibuuti qaarkood ku hadlaan af
soomaali iyo in dadka shirka ka qaybgelayey aysan ahayn
dad aqoonsi dhiibanayey oo aysan soomaaliya ka jirin wax
baasaboor iyo teesare ahi, isla markaas dadku kama ay socon
maamullada iyo kooxaha dalka haystey, ee waxay ahaayeen
dad af soomaali ku hadlaya oo aan badankooda cidina garanayn.
Waxaa la garaney wadaaddada qaarkood iyo rag
kacaankii u shaqayn jirey, oo ay ka mid ahaayeen shiikh
Cumar-Faaruuq, jeneraal Gaanni, kornayl Ahmed Cumar Jees
iyo mudane Cabdiqaasim. Waxaa sidaas oo kale la garaney
qoraagii caanka ahaa oo asaga oo yar ku soo caanbaxay in
uu diyaariyo sheekooyin xallad leh. Waa Maxamed Daahir Afrax!
Qoraagaasi wuxuu mar danbe qoray buug yar, oo uu isku deyey
in uu bixiyo sawir aan macquul ahayn oo ah in ay shirkii
Carta iyo Ismaaciil Cumar Geelle fiicnaayeen, laakiin ay
xun yihiin Cabdiqaasim iyo Xassan Abshir oo uusan shirku
mufashil ahayn ee ay nimankaasi masuuliyad la saaray ku
gaboodfaleen. Buuggaasi wuxuu ahaa mid aan misaan weyn lahayn,
oo uu mudane Afrax moodey in uu kaga bixi karo ceebihii
uu soo jidey shirkii ay ganacsatadu wateen oo lagu xoolaystay,
waase haddii uu helo cid ka akhrisata! Run ahaantii Maxamed
Daahir Afrax waa nin ay dadka sheekooyinka jeceli aad u
qaddariyaan, oo aannu ka caloolxumaannay in meelaha qaarkood
lagu arkay iyo in uu ammaanay wax aan in la ammaano astaahilin.
Qoraagaas caanka ahi waa ninka keli ah oo intii
ay dawladokusheeggu jireen diyaariyey sheekooyin xagga farshaxanka
u dhigmi kara sheekooyinka casriga ah oo ay bulshooyinka
horamay qoraan, wuxuuna ka mid ahaa dadka farakuriska ah
oo aqoonta ka lahaa dadkii hugunkaas Carta lagu hodey ama
ayagu wax ku hodey.
Waxaa shacab aan xog’ogaal ahayn maskaxda loogu
shubay in ay shirkii Carta isugu yimaadeen dad badan oo
aqoon sare lihi, warkaasina waa been riqiis ah oo in lagu
qoslo mudan. Run ahaantii dadkii isugu tegey shirkaas waa
uu ku yaraa qof haysta shahaadada Ph.D (doctor of philosophy),
oo wax tacliin heerkaas ah leh waxaa ka joogey qof ama labo
uu Maxamed Daahir Afrax ka mid yahay. Waxaa caaqnimo weyn
ah in markii magacyada Cabdiqaasin iyo Xassan Abshir la
qorayo lagu horqoro Dr! Dadka soomaalida ahi waxay qabaan
cudur magacjacayl ah, oo faraya in ay sheegtaan jagooyin
been ah iyo tacliin been ah. Dhab ahaantii waxaa Dr loo
qori karaa ruux haysta shaadada Ph.D (doctor of philosophy).
Xaggee bay labadaas nin ka qaateen shahaadada loo qorayo,
goorma ayeyse qaateen?!
Askartii xilligii kacaanka sida fudud loo dallacsiin
jirey iyo dadkii meelaha hanuuninta ku soo caanbaxay ayuu
mid kastaa markii uu goobtii uu bulaanku ka socdey gaarey
wuxuu magaciisa ku horqoray Dr, waxaana shacabkii masaakiinta
ahaa laga dhaadhiciyey in ay Carta joogeen dad aqoonta ”yahamiin”
ku ahi. Waa kuma ninka tacliinta sare lahaa oo shirkaas
joogey oo aan ahayn dadka farakutiriska ah oo aynu sheegnay,
aqoontuse ma in uu qof kastaa Dr iska qorto ayaa mase waa
wax loo dhibaatoodu oo dadaal dheer iyo karti weyn u baahan?!
Wadaaddada laftooda dadka soomaalida ahi ma
ay kala yaqaanniin in ay aqoon macquul ah leeyihiin iyo
in ay masalogaabyo yihiin, waayo bulshoweyntu inta ay diinta
uga baahan tahay waa wacdi yar iyo in looga jawaabo masalooyin
yaryar.
Tusaale yaab badan ayaan idinku qancinayaa
in ay xagga diinta aqoondarro weyni ka jirto. Mar aannu
joogney magaalomadaxdii hore ee dalka ayaannu u baahannay
culumo wax naga bara labo cilmi oo xagga diinta aad u waaweyn,
oo uusan qofku ilaa uu ayaga fahmo diinta fahmi karin. Labadaas
cilmi mid waa ”Usuulul fiqhi” midna waa ”Musdalixul xaddiis”.
Midka hore waxaa lagu daraaseeyaa sida qur’aanka
iyo xaddiiska loo daliishado iyo sida ujeeddada daliishiga
loo abbaaro oo xeerar guud oo wax loo daliishan karo ama
wixii iswaafiqi waaya xal loogu heli karo ayaa lagu bartaa.
Midka labaad waxaa lagu bartaa sidii xaddiisyada loo kala
weriyey iyo dadkii kala weriyey. Arrintaas ayey ka abuurantaa
in ay xaddiisyada qaarkood wax fiican oo diin ah yihiin,
qaarna ay yihiin wax aan diin ahayn oo aan la daliishan
karin. Runtii waa cilmi ballaaran oo lagu fahmo dhibaatooyinka
iyo halisaha xagga xaddiiska ka jira.
Labadaas cilmi midka hore wax habayaaraato
ee garanaya waxaa jamhuuriyaddii Soomaaliya joogey labo
nin oo soomaali ah iyo nin oromo ah. Labadii soomaalida
ahaa mid wuxuu ku dhintay dalka Uganda oo magaciisa waxaa
la oran jirey Nuur Cali-Colow Axmed midka dalka sucuudiga
ayuu joogaa oo waa ninka la yiraahdo Shariif Cabdinuur.
Ninkii oromada ahaa meel uu ku danbeeyey ma aqaan, laakiin
cilmiga danbe waxaa mar gadaale la helay nin dhallinyaro
ah oo dalka Ciraaq ku soo bartay oo magaciisa la yiraahdo
Ahmed-Dheere. Ninkaas ayaa xagga ”Musdalixul xaddiiska”
afar ku ahaa raggii aynu sheegnay.
Haddaba waxaa su’aal ah maxay yaqaaniin wadaaddada
faraha badan oo ay dadka caamada ahi u yaqaanniin caalimiinta.
Waxay garanayaan in ay xafideen xaddiisyo aysan sida loo
kala weriyey iyo cilladahooda aqoon iyo tafsiir ay iska
dulmaraan, ee aysan sida loo daliishado aqoon, oo ay isaga
kaaftoomaan sidii ay u macneeyeen dadkii hore. Waxay dadka
jaamacadaha diinta ka soo baxay samayn karaan in ay jeediyaan
wacdi iyo in ay duruuruxiyaan kitaab aysan xaddiiska ku
qoran cilladihiisa xal u samayn karin iyo aayado aysan sida
macnohooda shishe loola soo baxo aqoon. Intaas waxaa dheer
kutubo hadal ahaan shareecada looga qoray, oo ay ku uruursan
yihiin aragtiyo ay wadaaddo hore ka qabeen nusuusta, kuwaas
oo aysan wadaaddadeenu sheegi karin sababta ay wadaaddadii
hore u qaateen, ee ay iska xafidaan oo fidiyaan, waayo ma
ay yaqaanniin aqoontii ay ku garan lahaayeen sidii ay u
fakarayeen raggaas hore oo ajnebiga ahaa.
Haddaba waa kuma ninka aqoomahaas waaweyn lahaa
oo shirkii Carta ka soo qaybgalay?! Mase ninkii tafsiirka
qur’aanka laqbadiisa ka qalalabsiin karaaba waa shiikh caalim
ah?!
Waxaa laga yaabaa in uu akhristuhu hadda isleeyahay
hal-abuurrada ayaa aqoon u lahaa maaddadooda ah maansada,
oo sidaas ayuu shirkii Carta ku fiicnaa! Haddaba xagga maansada
lafteeda ummadda waxaa laga dhaadhiciyaa oo maskaxda uga
buuxa aragtiyo liita oo been ah. Maansadu waxay leedahay
”Qaabin” iyo ”Doojin”. Qaabintu waa farshaxanka loo bilaabo,
loo daadihiyo oo loo gunaanado. Doojin waxaa la yiraahdaa
kartida miraheeda loo xoojiyo, loo cabbeeyo oo loo feento.
Shirkii Carta qof aan maansadiisa xagga qaabka ku qancay
kama uu soo qaybgelin, laakiin xagga doojinta waxaa dhegahayga
xoogaa soo jiitey nin aanan magaciisa aqoon. Asagana waxay
ceebtiisu xagga doojinta noqotay in uu gabaygii labo mir
oo deelqaaf leh ku daray. Darajada ugu hoosaysa oo uu qofku
maansada ka gaaraa waa in uu maansadiisa deelqaaf ka dhawri
karo, waxaana yaab leh ninkii keli ahaa oo wax ku guuleystey
in uu deelqaaf la soo dhex-istaagey meel ay dad waxwalbaale
ahi ka bulaamayeen, oo haddana laga daawaday meelo badan.
Gabaygu wuxuu ku socdey xarafka ”kaaf”, waxayna labada mir
oo uu deelqaafku halakeeyey ahaayeen:
Kas midnimo haddaad yeelataan, hadal ma joogeene
Kaafina kolkiisii wuxuu, turubka dhawraaba
”Hadal ma joogeene” iyo ”turubka dhawraaba”
midna laguma darin erey ka bilowda xarafkii uu gabaygu ku
socdey oo ahaa ”Kaaf”! Akhri buuggayga Danyarkalkaal haddii
aad faallo dheer oo maansada ku saabsan rabtid!
Haddaba dadkii Carta dhoobtay badankoodu saddex
arrimood ayey yaqiinneen, oo ay fahmi kareen. Saddexdaas
waxyaaloodna waxay ahaayeen ”Quraac”, ”Qado” iyo ”Casho”!
Shirkii ugu horreeyey oo si deggan looga wada hadlay labada arrimood oo
aadka u waaweyn ee kala ah ”Federal” iyo ”hubdhigis” waa
shirweynaha hadda loo fadhiyo dalka Kenya. Waxaa halkaas
fadhiya dad badan oo aqoon sare leh, oo ay ilaa dhawr iyo
toban ka mid ahi haystaan shahaadada ugu sarraysa ee jaamacad
laga qaato, Ph.D, isla markaas ay boqollaal ka mid ahi haystaan
shahaadooyin heerar kala duwan ah oo jaamacadood. Aqoonyannadaasi
waxay ku soo kala takhasuseen sharciyada, dhaqaalaha, maamulka,
xalladda, cilminafsiga, sayniska lamihiisa kala duwan iyo
diinta islaamka.
Shirkaas waxaa fadhiya siyaasiyiin waaweyn,
oo horay Soomaaliya jagooyin kala duwan uga soo qabtay,
oo tusaale ahaan waxaa jooga intii ka nool kooxdii uu Aadan-Cadde
hoggaamiyaha u ahaa iyo wixii ka haray dawladdii uu Cabdirashiid
ka dhintay. Kacaankii xataa waxaa ka joogaa dad badan, laakiin
kacaanku khayr ma uu lahayn oo in aysan joogin baa shirka
u fiicnaan lahayd.
Kooxihii dhawr iyo tobankii sano oo la soo
dhaafay dalka ku hardamayey, oo u kala qaybsan kuwo maamullo
soo wakiisheen, kuwo beelo ka socda iyo kuwo kooxo maafiyo
ah, sida Carta, ka socda dhammaantood waxaa ka maqan reer
Hargaysa oo sidii ay Maxamed Siyaad Barre uga xanaqeen weli
furka tuursan. Waxay reer Hargaysa cuskadaan maahmaah ah
”Nin aan talin jirini haddii uu taliyo, nin aan tegi jiri
baa taga” oo ay ula jeedaan in uu Maxamed Siyaad ahaa nin
taloxun, oo ay tegayaan ayaga oo horay uga mid ahaa beelihii
badnaa calanka baluugga ah wada samaystay.
Waxaa jirta maahmaah oranaysaa ”Dhibtii lagula
qabo, catowgeeda laguma degdego”. Haddaba dhibtii kacaanka
oo beelaha oo dhan wada taabatay haddii uu qabiil keli ahi
aad uga cataabo, oo uu ”federal” iyo ”hubdhigis” midna diido,
isla markaas beelaha kale oo walaalaha ah afka loo buuro
waxay noqonaysaa wax aan la hafmi karin.
Hargaysa, Berbera iyo Burco haddii Alle idmo
”federalka” iyo ”hubdhigista” ay asaaggood u heellan yihiin
marna ka ay harimayaan, oo dadkooda ayey wax la qabi doonaan,
hase ahaato ee ”Walaalaha Galgaduud” ayaa waxay cuqdad xun
ka qabaan ”federalka” iyo ”hubdhigista”, isla markaas maqaalku
mowduucaas ayuu ku saabsan yahay.
Cabdiqaasim oo ah ninka sarreeya labada nin
oo isu baxshey ”Walaalaha Galgaduud” ayaa markii uu shirka
lagu heshiinayo ka baxay afka iska furtay. Wuxuu sheegay
in uusan afka ”May” oo lagaga hadlo gobollo dhan oo dalka
ka mid ahi astaahilin in axdiga lagu qoro in uu luqad jirta
oo wax lagu baran doono yahay. Wuxuu arrintaas ku xumaynayaa
shacabka afkaas ku hadla, oo uu og yahay in ay baahi weyn
u qabaan ”federalka” iyo ”hubdhigista”. Markii ay bahweyta
gobolladaas degaa wax ka qaateen go’aanka ”federalka” iyo
”hubdhigista” ayuu guddoomiyaha ”Walaalaha Galgaduud” mudane
Cabdiqaasim Salaad Xassan wuxuu kula dhacay xanaaq uu gaarey
ilaa uu afkooda iyo dhaqankooda u gaarka ah caayo. Xataa
markii uu afka ”May” ku xadgudbayey wuxuu sheegay in uu
afka soomaaligu carabiga yahay! Waxaa yaab leh in aan hadda
ka hor fiirsaday Cabdiqaasim oo carabi lagu waraysanayey
oo si ”Gaja’ Gaja’” ah ugu hadlaya. Haddaba haddii uu afkiisii
yahay muxuu u gaja’ gaja’ lahaa muu sida uu afka soomaaliga
u duruurixiyo ugu hadlo?! Xataa haddii Axdiga qaranka lagu
qoro in uu afkeennu carabi yahay waa been, waayo kunkii
qof oo soomaali ah mid baa kalmado yaryar sida Cabdiqaasim
tuuran kara ee waxay hooyooyinkeen yaqaanniin afka magaciisa
la yiraahdo ”Soomaali”. Luqadda carabigu waa af qalaad,
taasna macneheedu ma aha in aynu gaalo nahay! Luqad diinta
laguma galo lagamana baxo, ee waxaa lagu galaa rumayn Rabbi,
Rasusha, Aaakhiro, Malaa’igaha, Jinniga kw.
Dhibaatooyin waaweyn baa laga dhaxli karaa
haddii ummadda luqad aan tooda ahayn axdiga loogu qoro in
ay tahay luqaddooda rasmiga ah, waxaase yaab leh uu hoggaamihaya
”Walaalaha Galgaduud” dhawaan sheegay in ay dadka soomaaliyeed
oo Nayroobi ku shirsani dhammaantood gaalo yihiin, ayna
dooran doonaan madaxweyne gaal ah, waayo waxay isku raaceen
”federal” iyo ”hubdhigis”! Wuxuu kale oo si anshax darro
ah u caayey labada ismaamul oo gacanta ku haya dalka Soomaaliya
barkiis, kuwaas oo uu ku sheegay tuulooyin madaxbannaani
raadinaya!
Keligiis ma aha dadka ”Walaalaha Galgaduud”
iyo taageerayaashooda ah oo ”federalka” iyo ”hubkadhigista”
intay ka caroodeen maryaha xooray, oo ninka ay walaaloobeen
ee Barre Hiiraale la yiraahdaa xataa wuxuu diidey in uu
yimaado shirka weyn oo ay ummadda guud ku guddoonsadeen
arrimo ay ka mid yihiin ”federal” iyo ”hubdhigis”. Awalba
waa la iska ogaa in haddii uu Cabdiqaasim caroodo uu Barrena
toos ula caroonayo waayo waa walaalkiis ka weyn sida ay
isku magacaabeen. ”Labadii walaalo ah, kii lacag leh baa
weyn” waa oraah caan ah.
Soomaalidu waxay ku maahmaahaan ”Naag wacal
dhashay inta ay baaqsatayna badan”. ”Baaqsi” waxaa la yiraahdaa
in tulud geel ah oo abaahootay aysan rimin. Sidaas awgeed
nabadda iyo federalka haddii ay ”Walaalaha Galgaduud” sidaas
xun uga xanaaqsan yihiin, oo ay dadkii muslihiinta ahaa
oo shiraya gaalo ku sheegeen sidee bay u hadlaan, maxayse
ku hadlaan ama sameeyaan markii ay keligood yihiin?!
Waxaa kale oo jira nin ka mid ah taageerayaasha
labada nin oo walaaloobey (Walaalaha Galgaduud), oo magaciisa
la yiraahdo Idaajaa, kaas oo dhawaan qoray maqaal yar oo
uu ”federalka”, ”hubdhigista” iyo shirkaba ku caayey. Waxaa
qosol leh in uu xanaaqa Idaajaa gaarey heer uu qoray in
uu federalku yahay arrin ay Itoobiya ku lugoynayso Soomaaliya.
Hadalkaas wuxuu ka maqlay Cabdiqaasim, waxaase su’aal ah
”Haddii ay Itoobiya u aragto in uu federalku lugooyo yahay
maxay ayada lafteedu ugu dhaqantaa nadaamka federalka, ma
ayada ayaa islugoynaysa?!”.
”Federalka” iyo ”hubdhigista” labadaba waxaa
ku jirta nabadda dalka iyo horumarka mustaqbalka, waxaana
diiddan dad yar oo aan isku kalsoonayn, waayo haddii uu
guddoomiyaha ”Walaalaha Galgaguud” naftiisa iyo ummadda
soomaaliyeed kalsooni ka haysto wuxuu ku biiri lahaa liiska
musharrixiinta si uu u galo tartan xaq ah oo u furan nin
kasta oo rajayn kara in ay ergooyinka shirweynaha joogaa
doortaan.
Ummadda Soomaaliyeed iyo ummadaha caalamku
waxay maanta u midaysan yihiin in uu shirkaani yahay mid
aan asaga oo kale horay loo soo qaban, marka laga eego aqoonyahannada
jooga tayadooda, hoggaamiyeyaasha ka soo qaybgalay tiradooda
iyo tabartooda, siyaasiyiinta iyo ururrada rayidka ah oo
jooga iyo sida ay ugu soo qulqulayaan odayaasha beelaha
u bokhrani. Sida uu caalamku u eegayo shirka iyo taageerooyinka
waaweyn oo dawladda federalka ah loo ballanqaaday waa mid
aan weligeed Soomaaliya soo marin.
Lacagihii ay ”Walaalaha Galgaduud” dalalka
carabta ka heli jireen waxaa ugu danbaysa maalinta lagu
dhawaaqo dawladda federalka ah, oo hubka ka dhigi doonta
beelaha iyo kooxaha dhibaataysan, oo xilli aan fogayn madaxweynihii
hoggaamin lahaa lagu dooran doono shirweynaha qaran ee muddada
dheer loo fadhiyey, oo lagu heshiisiiyey ummadda Soomaaliyeed
oo soddon iyo dhawrka sannadood ay belaayadu isku diraysey
oo la boobayey.
Sababaha nabadda iyo federalka loo diidayaa
waa ay iska cad yihiin, oo waxaa jirta maahmaah oranaysa:
”Ninkii in la qadiyo ka baqayaa qaybta ayuu ka naxaa”! Wuxuuse
guddoomiyaha ”Walaalaha Galgaduud” moog yahay in uusan federalka
macnihiisu ahayn in uusan markii hubka la dhigo Marka iyo
Kismaanyo midkood fillo ka dhisan karin ama uusan Hargaysa
ka hiraysan karin qol yar oo uu ku qayilo! Dadku iimaanka
ayey iska qaadayaan ee wax ”nabad” iyo ”federal” lagu waayey
miyaa boob iyo tuugo lagu helayaa?! Hubka uu Cabdiqaasim
in laga dhigi doono ka naxsan yahay muxuu ku helay oo aan
godob iyo ceeb ahayn, muxuuse ku falayaa in dawladda ”federalka”
ah oo la dooran doono uu dagaal qabiil kala horyimaado oo
markaas malaysiyadiisa hubka xoog lagaga dhigo, asagana
maxkamad millateri la saaro?! Sow uma fiicna in uu si sharaf
ah haddeer inta ay goori goor tahay u aamuso, oo uu ummaddiisa
federalka ah dhinac ka raaco?! Ciidamada ajnebiga ah iyo
ciidamada ay dawladda ”federalka” ahi isku dubbaridan doonto
oo la isku dhafi doonaase ma waxay u daahayaan ninka miskiinka
ah oo haddeer cayda iyo habaarka nafta ka dhiganaya?!
”Neef la gawracay geedo kama waabto” waa maahmaah
loo daliishan karo in ay ”Walaalaha Galgaduud” ku andacoonayaan
in uu shirku xun yahay oo ay ugu wacan tahay in uu maamulka
Hargaysa ka maqan yahay! Midkii Carta oo uu Ismaaciil Cumar
Geelle ayaga ku soo caleemosaaray waxaa ka maqnaa dhammaan
kooxaha dalka kala haysta iyo dawladgobolleedda ka talisa
saddexmeelood oo meel dalka Soomaaliya, isla markaas maamulkii
Alle ha u naxariistee Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal iridaha
ayuu ka xirtay, oo waa uu quursaday caqlixumada uu Ismaaciil
soomaalida ku hodayey. Dabadeedna waxay ”Walaalaha Galgaduud”
sheegan jireen in ay ayagu madax ka yihiin geyiga uu ka
taliyo maamulka Hargaysa iyo Burco lagu nabadeeyey, waxayna
dagaallo cadownimo ah ka sameeyeen koofurta fog ee Soomaaliya
iyo gobollo ka mid ah Puntland.
Diiddada
uu maamulkii Cigaal laga dumaaley ka cagajiidayo shirkaan
loo dhan yahay waxay ku xiran tahay in uusan Maxamed Ibraahim
Cigaal maamulkaas uga dhiman dad la lugqaadi kara isbddellada
siyaasadeed ee Soomaaliya. Alle ha u naxariisto ee Cigaal
wuxuu qabtay shaqooyin macquul ahaa. Arrimihii ugu horreeyey
ee uu ku tillaabsaday waxay ahaayeen in uu hubka ka dhigay
jafiyihii beeshiisa oo ay SNM dagaallada ka dhex-alooseen,
isla markaas wuxuu xukuumadda ka fogeeyey xubnihii SNM si
aysan mar danbe degaanka iyo beesha dhibaatooyin ugu soo
jiidin.
Wuxuu Cigaal
siyaadda soo dhexgalay xilli ay SNM ku guulaysteen in ay
beeshu aamminto in ay beelaha kale ee soomaaliyeed cadowgooda
yihiin, oo sidaas darteed ay noqdaan dal cusub oo Soomaaliya
ka go’a, kaas oo magaciisa la yiraahdo Soomaaliland. Arrimahaas
beesha lagu kiciyey waxay markii uu Cigaal cayaarta soo
galay marayeen heerka ugu sarreeya ee ay dad la kiciyey
gaari karaan. Sidaas awgeed ayuu Cigaal wuxuu cayaaray
labo kaar oo siyaasadeed. Mid wuxuu tusi jirey beesha la
kiciyey oo wuxuu ahaa in ay noqon doonaan dalkii ay SNM
u sheegeen ee Soomaaliland. Kaarka labaad wuxuu ahaa in
aysan jirin soomaali beelohooda iyo degaannadooda nabadeeyey
oo wax lagu darsan karaa, arrintaas oo uu ula jeedey in
haddii ay beelaha kale oo dhami nabad iyo federal caam ah
diyaar u yihiin uu beeshiisa ku darsan doono, haddii kalena
uu meeshooda ku sii maaweelin doono ilaa laga gaarayo xilli
la isugu yeer shir loo dhan yahay oo ”hubdhigis” iyo ”federal”
hirgala dhidibbada loogu aasayo.
”Meel aar fariisan jirey atoor fariisey” waa
maahmaah ku habboon in loo soo qaato Alle ha u naxariisto
ee Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Daahir Riyaale Kaahin. Markii
uu marxuunkii allaystay wuxuu hoggaamihii cusbaa noqday
nin aan kaararkii odayga haysan oo iska xiimaya. Wuxuu xukunkii
u dhawaadey in uu mar kale gacanta u galo SNM, oo ay dadka
iyo degaankuba burburkii iyo halaaggii dib u dabaashaan.
Dagaallo aan loo baahnayn ayuu wuxuu la galay derisyadii,
oo magaalada Laasocaanood ayuu subax kula waabbariistey
dabley geystey khasaarooyin lama illaawaan ah oo naf iyo
maalba lahaa.
Ha la rooro ayuu Riyaale run moodey, oo shirka
weyn oo federal iyo aayo hillaacaya leh ayuu dadkii aaminey
ka hor taagan tahay. Cid reer Hargaysa federal uga baahi
badani ma ay jirto, haddii uu maanta Cigaal noolaan lahaan
wuxuu ogaan lahaa in la gaarey xilligii la isku dari lahaa
beelihii uu kacaanku kala firdhiyey.
Runtii ummadda oo dhan ayey u fiican tahay
in hubka laga dhigaa, waxaana hadda diyaar ah boqollaal
sarkaal oo soomaali iyo ajnebi isugu jira, kuwaas oo qorshaynaya
sidii kooxaha iyo shacabka hubka looga dhigi lahaa, dabadeedna
shidaalka dalka ka buuxa loo qodi lahaa, waxaana dadka dhaca
iyo tuugada u angaxaya u roon in ay nabadda si fudud u yeelaan,
oo ay markii macdanta iyo shidaalka la soo saaro risiq xalaal
ah dalkooda oo nabad ah ka shaqaystaan. Maxaa laga dheefay
hantidii horay loo boobay oo aan in lagu sii gubtey oo lagu
ceeboobey ahayn?!
”Hanqaraarac lug uma dhutiyo” ayey soomaalidu
ku maahmaahaan, oo ummadda 90% israacay xooggooda qof iyo
labo keli ahi ma ay hakin karaan. In Cabdiqaasim iyo Barre
Hiiraale ay u dhammaatay oo aysan ”federalka” iyo ”hubdhigistu”
dartood u dhutinayn waxaa caddaynaya in ay mar hore siyaalo
fooloxun u baroorteen, oo ay jillaafo u waayeen heshiiskaan
caamka ah, iyo in ay dadkii ayaga hoosjoogey oo dhami ka
kala yaaceen Xassan Abshirna Alle ha ka dhigee!
Waxaa xigtaan iyo shantii maqaal oo dhawaan la baahiyey oo kala ahaa ”Itixaad
iyo ilma Yuusuf”, ”Nefis iyo Naxdin”, “Afar gafane iyo
gun gaajaysan”, “Qoraal caddilan iyo qori cabbaysan”,
”Jagooyin been ah iyo jeebab buuxa”, iyo weliba afar buug
horay loo daabacay oo kala ahaa “Danyarkalkaal”, “Hooyooyin
iyo hablo kadeedan”, “Sirmaqabe” iyo “Guur iyo geeri”,
iyo “Naakhuude” iyo qabyooyin kale diyaariyey:
Shaafici
Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se