Nayrobi, [MOL] 05 Aug- Oday dhaqameedyo Soomaaliyeed
oo gaaraya illaa 30 ayaa maalintii shalay lagu dhaariyay
Madasha shirka nabadeynta Somalida ee Mbagathi. dhaarta
odayada oo ahayd mid aan horey loo ogayn ayay gudiga qabanqaabada
shirku ku sheegeen inay la xiriirto sidii loo yarayn lahaa
dad sheeganaya darajooyinka Isimnimada. Odayaal badan
ayaa arinta dhaarinta ka biyo diiday iyadoo arintu ku
noqotay lama filaan. waxyaabaha lagu dhaarinayay odayada
ayaa waxaa ka mid ahaa inay ku dhaartaan inay beeshooda
wakiil rasmi ah u yihiin iyo inay si cadaalad ah u soo
xuli doonaan xubnaha baarlamaanka. odayaasha diidan dhaarta
ayaa ku doodaya in horey loo ogaa inay beelahooda ka wakiil
yihiin laguna yaqaan cadaalad.
Waxaa wali la sugayaa Isimo Puntland ah oo aan wali shirka
soo gaarin. waxaa la saadaalinyaa in asbuuca dambe la
gudo galo xulashada xubnaha baarlamaanka haddii aysan
imaan caqabad kale oo horistaagta horey u socodka shirka.
Mudugonline.com
Xadaafiir uu
Maray Nin Looga Shakiyay Al-qaacida
Waxaa af-Soomaali u tarjumay
Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada
abdulfatah@yahoo.com
Nin dhalashada dalka Kenya haysta, oo shan asbuuc lagu
haystay saddex dal oo kala duwan kadib markii si khalad
ah looga shakiyay in uu ka tirsan yahay ururka Al-qaacida,
ayaa BBC-da uga warramay dhibaatadii uu maray.
Mr. Khalif Abdi Hussein, oo da’diisu tahay 40 jir, ahna
macalin Muslim ah, asal ahaanna Soomaali kasoo jeeda,
ayaa isaga iyo afar kale lagu xiray dalka Malawi bishii
June, ka hor intii aan dalkaas laga qaadin.
Masaafurinta raggaas ayaa dalka Malawi ka dhalisay mudaharaadyo
rabshado wata.
Isaga oo ka hadlaya arrintaas, kadib markii uu ka soo
tegay caasumadda dalka Suudaan ee Khartuum kuna sugan
Nairobi, ayaa Mr. Khalif Abdi Hussein wuxuu u sheegay
BBC-da (qaybteeda Shabakadda Barnaamijyada Afrikaanka)
in naxdin iyo sas ay ugu horreysay markii uu maqlay albaabka
oo la qaraacayo saacaddu markay ahayd 0200, bishii June
ee sannadkan.
Wuxuu yiri, “Qof ayaa cod qeylo ah ku yiri, “albaabka
fur!”, waxaan weydiiyay cidda ay ahaayeen, waxayna ii
sheegeen in ay ka socdaan waaxda Sodcaalka (immigration)”.
“Way soo galeen waxayna baareen gurigeygii. Waxay qaateen
dhammaan dukumiintiyadeydii, buugaagteydii, xaashiyaheygii,
iyo teleefoonkaygii gacanta (mobile phone)”.
‘Mushkiladda Waaxda Sodcaalka’
Mr. Xuseen wuxuu sheegay markaas ka dib in la xiray oo
booliisku la wareegeen, laakiin wuxuu sheegay in booliisku
aysan u caddayn sababta loo xiray.
Wuxuu yiri, “waxay sheegeen in laygu haysto dhibaato
xagga sodcaalka la xiriirta. Laakiin ma’ aanan fahmin
waxa ay ula jeedeen dhibaato xagga sodcaalka la xiriirta.
Kadib waxay ii kaxeeyeen saldhigga booliska, halkaas oo
aan kula kulmay saaxiibbadey – afartii kale oo aniga layla
xiray”.
Muddo ilaa shan asbuuc ah, xubnaha qoysaska shantaas
nin ma awoodin in ay ogaadaan meel ay ku sugan yihiin,
iyadoo ay jireen warar tibaaxayey in lagaba yaabo in loo
duuliyay saldhigga mareykanka ee Guantanamo Bay, halkaas
oo loo qaaday dad badan oo looga shakiyay Al-qaacidda.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo qareenno ayaa qaaddacay
kana horyimid go’aankii dowladda ee shantaas nin dalka
looga duuliyay waxayna dalbadeen in ay ogaadaan meesha
loo qaaday.
Laba toddobaad (fortnight) ka hor, dhibaatada Mr. Xuseen
ayaa looga dooday baarlamaanka dalka Kenya, dowladduna
waxay markii dambe ku dhawaaqday in halka lagu hayo ay
tahay Harare oo ku taalla dalka Zimbabwe.
Mr. Xuseen oo ka hadlaya sidii loo kaxaystay ayaa yiri,
“halkaas - Blantyre, (Malawi) waxay nooga sii gudbiyeen
Lilongwe (Malawi). Markii aannu nimid Lilongwe indhaha
ayay naga duubeen (blindfolded), madaxana dhar ayay nooga
dabooleen.
Mr. Xuseen wuxuu sheegay in shantooda laga shakisnaa
aan loo sheegin sababta loogu gudbinayo dalka Zimbabwe.
“Waxba nooma sheegin. Markii ay diyaaradda nagu qaadeen
waxaan u maleynay in ay dib noogu celinayaan Malawi. Muddo
bil ah ayaannu joognay dalka Zimbabwe”, sidaas waxaa yiri
Mr. Xuseen.
‘Mareykan maynaan arag’
Laakiin Mr. Xuseen wuxuu beeniyay warar sheegayey in
loo gudbiyay saldhigga mareykanka ee Guantanamo Bay ee
dalka Cuba.
“Qof ahaan, ma aanan arag dad mareykan ah.
“Iyaga (Ciidanka Amniga ee Malawi) ayaa noo gacan geliyay
mas’uuliyiinta dalka Zimbabwe, oo iyagu shanteennii meelo
kala duwan nagu xiray”, sidaas waxaa yiri Mr. Xuseen.
Afar asbuuc ka dib, dhammaan shantii nin ee laga shakisnaa
ayaa laga soo qaaday Harare waxayna is arkeen iyagoo jooga
garoonka diyaaradaha ee Khartuum ee dalka Suudaan.
“Waxay rabeen in ay naga helaan wax nagu xiriirin kara
ururka Al-qaacida. Laakiin waa ay ku guuldarreysteen,
sababtoo ah wax xiriir ah nagama dhaxayn innaga iyo Al-qaacida”,
sidaas waxaa yiri Mr. Xuseen.
‘Ma aanan noqon Al-qaacida’
“Waxay noo kaxeeyeen meel fiican waxayna na siiyeen wax
kasta oo aan u baahnayn – markaas bayna noogu fiicnayd
– innaga”, sidaas waxaa yiri Mr. Xuseen.
Kadibna dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqday in shantii
nin lagu hayo Khartuum, iyo in si dhaqsi ah lagu sii deyn
doono.
Sida la sheegay, madaxweynaha dalka Malawi wuxuu qoysaskii
shantii nin ee Al-qaacida looga shakiyay ka raalli geliyay
dhibaatooyinkii loo geystay.
Maalintii Arbacada ahayd, Mr. Xuseen iyo afartii kale
oo lala xiray ayaa lasii daayay waxaana loo sheegay in
ay xor u yihiin in ay aadaan guryahoodii.
Mr. Xuseen ayaa wuxuu yiri, “waxay noo sheegeen in aysan
nagu helin wax caddeyn ah oo ay nagula xiriiriyaan ururka
Al-qaacida”.
Tarjumadii: Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada | abdulfatah@yahoo.com
English Version: http://news.bbc.co.uk/1/hi/world/africa/3116753.stm
-Wassalaamu Calaykum
Ciidankii Mucaaradka
Puntland oo lagu daray kuwa Dawlada
Boosaaso, (AllPuntland)- Taliyaha ciidanka
daraawiishta dawlad goboleedka Puntland C/laahi Cali
Mire (Carays) ayaa maanta saxaafadda u sheegay in la
soo afjaray isku darkii ciidamada Mucaaradka iyo kuwa
dawladda , gaar ahaan kuwii la isaga dari lahaa dhinacyada
Asluubta iyo Booliska.
Ciidaman oo muddo 90 cisho ah ay hawshoodu
socotay isla markaana ay gacanta ku hayeen guddi loo
xilsaaray ayaa horay caqabado yar yar ula kulmay balse
markii danbe la xaliyay.
Dhawaantanna waxaa la isku dari doonaa
ciidamada dhimman ee lagu qaramaynayo ciidamada daraawiishta
Puntland, waxaana ciidamadan la isku daray iyo kuwa
dhimanba la siin doonaa tabo barro sare loogu qaadayo
tayadooda ciidaneed.
AllPuntland
|