Bosaaso, [MOL] 04 Aug- Waxaa maanta meel fagaare ah lagu
qisaasay gacan kudhiigle Maxamed oo 1-dii bishaan ku dilay
Qare Cabdi Dheer magaalada gaalkacayo gudaheeda.
Qisaasta Gacan-ku-dhiiglahan ayaa ka danbaysay heshiis
ay gaareen labada beelood una fushay si sharciga Islaamka
waafaqsan, kadib markii uu uu gacantiisa ku toogtay gacan
ku dhiiglaha Cabdi Dheere oo ahaa abaabaha Marxuum Qare.
waxaana goobta qisaastu ka dhacday goob joog ka ahaa masuuliyiinta
gobolka oo uu ka mid yahay taliyaha qaybta booliiska gobolka
Mudug Aadan Nuur Qaal oo isagu asbuucaan ku dhaawacmay
soo qabashadii gacan ku dhiiglaha ka dib markii gaari
kula qalimay meel wax yar u jirta gaalkacyo inkastoo dhaawciisu
fududaa.
Beelaha dega Puntland ayaa bilowgii dagaalkii sokeeye
samaystay heshiis dhegaya in qofkii qof dila isagana la
dilo si loo yareeyo aanooyinka qabiilka ee aan dhamaan.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Gudoomiyaha gobolka Mudug
oo maanta ku tilmaamay hay'ada INXA urur siyaasadeed
 |
gudoomiaha
INXA A/hi Dayin
|
Gaalkacyo, [MOL] 04 Aug- Shir balaaran oo uu maanta ku
qabtay garoonka kubada cagta ee magaalada Gaalkacyo gudoomiyaha
gobolka Mudug Cabdirshiid Cali Xaashi Dhuubane ayna ka
qeyb galeen masuuliyiin sar sare ayuu gudoomiyaha gobolka
Mudug ku sheegay in hay'ada INXA tahay urur siyaasi ah
oo aan lagu tilmaami karin hay'ad ka mida bulshada rayidka
ah taasna uu ku tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali
karin. Dhuubane wuxuu sheegay in bulshada rayidka ah ay
tahay ururada xamaalilayda, tagaasilayda, dhaqaatiirta,
baalashlayaasha iwm. Waxuu yiri gudoomiyahu "waan
soo dhaweynaynaa INXA haddii ay siyaasada faraha kala
baxaan sida ururada bulshada ee rayidka ah.
Ururka INXA oo ah dalad ay ku jiraan ururo badan oo Muqdishu
ka dhisan oo intooda badan sheegta inay u doodaan xaquuqda
aadanaha balse danno qabiil loo aasaasay ayaa loo aaneeyaa
inay qeyb weyn ka qaateen burburkii ku yimid iyo qilaafkii
ku yimid Dawlada goboleedka Puntland sannadkii 2001, qilaafkaas
oo markii dambe isku rogay jabhadayn iyo dagaal hubaysan
ayaa waxaa ku nafwaayay dad badan oo reer Puntland ah.
Cabdullahi Xaaji Dayib oo ah gudoomiyaha hay'ada INXA
ayaa mar waxuu ahaa la taliyaha Jamac Cali Jamac xaga
arimaha caalamiga ah. intii aan loo dooran gudoomiyaha
INXA-na waxuu madax ka ahaa hay'ad kale oo hoos tagta
INXA oo la oran jiray OTP oo markii dambe Dawlad goboleedka
Puntland xafiiskeeda Bosaaso baaritaan lagu sameeyay lagana
joojiyay shaqadii ay haysay ka dib markii lagu tuhmay
inay maalgaliyeen dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Puntland.
Gudoomiyhu ma faahfaahin dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee
hay'ada hadda lagu eedeeyay nooca uu yahay iyo meesha
ay ka wado hay'adaasi arimahaan.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
|