Bosaaso, [MOL] 04 Aug- Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac
oo ah isin ka mida kuwa sida wayn looga haybaysto deegaanada
Puntland ayaa ku gacanseyray shirka dib u heshiisiinta
soomaaliyeed ee ka socda wadanka keenya oo uu casumaad
rasmi ah ka helay. Garaadka oo maanta u waramayay mudugonline
isagoo jooga magaalada laascaanood ayuu sheegay in shirka
aan lagu hayn arimaha soomaaliya waxuuna canbaarayn dusha
ka saaray gudoomiyaha shirka kabligat oo uu ku tilmamay
nin raba inuu assaaso soomali cusub. Garaadku waxuu yiri
uma dulqaadan doono in soomaliya loo kala sameeyo xaddad
kala qaybiya mana soconaayo shirka hadii aan ka maqanahay.
Garaad Cabdiqani ayaa ah Isim ka qayb qaatay dhisada
maamulka Somaliland waxuu ka dibna ka qeyb qaatay shirkii
lagu dhisayay Puntland ee sannadkii 1998, waxuu kale oo
ka qeyb galay shirkii Carta ee aan loo dhameyn oo Garaadku
wax ka soo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan Madaxweynaha
DKMG ah ee kooxda Carta..
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Isimo ka socda
gobolada Sool iyo Sanaag oo maanta soo gaaray Garoowe
Garoowe, [MOL] 04 Aug-Waxaa maanta soo gaaray magaala
madaxda Puntland ee Garoowe sadex Isin oo ka socda gobolada
sool iyo sanaag oo ku socda shirka keenya ee dib u heshiisiinta
Somalida. Isimadaasi waxaa hor kacaayey Garaad saleebaan
oo ah Isim aad looga qadariyo deegaanka Puntland waxaana
safarkaasi ku wehliyey isimo ay ka mid yihiin Garaad Abshir
Salaax, Garaad Cadulaahi Dabagooye, Garaad Abshir ayaa
saxaafada u sheegay in safarkoodu ahaa in ay baxaan Axadii
hore balse hada ay baxayaan talaaddada haddii alle idmo.
Isimadaan ayaa ah kuwii ka haray Isimadii hore ee Puntland
ee shirka Keenya aaday waxaana ay casumaad rasmi ah ka
heleen shirgudoonka shirka Somalida ee Kenya ka socda.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Waftigii Hadraawi
oo Maanta Gaalkacyo soo gaaray
Gaalkacyo, [MOL] 04 Aug-Waftigii uu horkacayey Abwaan
hadraawi ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada
gancasiga labaad Puntland ee gaalkacayo. waxaa wafgtigaasi
halkaasi ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka
oo u ka mid yahay wasiirka arimaha gudaha Axmed Cabdi
Xaabsade oo ka mida gudi wasiiro ah oo loo xilsaaray soo
dhawaynta waftigaasi iyo gudoomiyaha gobolka Mudug Cabdirshiid
Cali Xaashi Dhuubane. waftigaan ayaa waxaa ka muuqday
farax sida ay dadwyenaha reer puntland ugu heelan yihiin
midnimada Somaliya oo ay ku muujiyeen soo dhowaynta qiimaha
badan ee dadweynahu ku soo dhaweeyeen Waftiga.
Abwaan Hadraawi oo aan isku daynay in aaa la xiriiro
ayaa ka cudur daartay daal uu sheegay awgiis inuu weriyaha
Mudug online su'aalo ka waydiiyo Safarkiisa nabada ee
ku marayo gobolada Somaliya.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Lacag Soomaali
been abuur ah oo mar kale ka soo degtay Dekeda Ceel Macaan
Muqdishu, [MOL] 04 Aug-Warar laga helayo
ilo lagu kalsoon yahay ayaa shaaca ka qaadaya in shixnado
Lacago been abuur ah oo shilin Somali ah ay ka soo degeen
dekedda dibiiciga ah ee Ceel Macaan habeenkii xalay. Lacagtaasi
oo ay leeyihiin sida la sheegay ganacsato reer Muqdishu
ah iyo kuwo reer Puntland ah oo canshuur laga qaadi jiray
ka dhuuntay sida uu soo sheegay Mursal Xaaji Hadafow oo
ah weriye ku sugan dekadaasi ayaa sheegaya in xalay markii
seddexaad lacagtaasi ka soo degto dekeda.
Lacagtaasi oo la rumaysan yahay in qaarkeed
si dhuumasho ah loo soo rari doono deegaanka Puntland
ayaa waxuu weriye Mursal sheegay in dhowr jeer oo hore
lacago noocaan oo kale ah ay ka soo degeen dekedaan loona
kala raray Somaliland, Puntland iyo Muqdishu.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
|