Bosaaso, [MOL] 01 August 2003- Xaflad lagu xusaayo 1-da
Ogoosto oo ah xiligii dhidibada loo taagay maamulka Dawlad
Goboleedka Puntland ayaa si weyn looga xusay magaalada
Boosaso xafladaasoo hayd mid si fiican loo agaasimay waxaa
ka soo qayb galay masuuliyiinta maamulka iyo ururada bulshada
rayidka ah. Ciidamo tira badan oo isgu jira daraawiish
iyo booliis ayaa gaardi ku maray meelo badan ooo ka mid
ah magaalada Boosaso, kooxo fanaaniin ah ayaa saakay halkaasi
ka tumay muusig aad u tiro badan iyo heeso qiiro lah oo
wadani ah.
Dhinaca kale waxan laga xusin maanta magaalada Garoowe
1-da Agoos ee maanta oo ku beegan sanad guuradii 5-aad
ee maalintii dhidibada loo taagay Dawlad Goboleedka Puntland
ayaan la xusin sannadkii sadexaad, marka laga reebo hadal
gaaban oo Madaxwayne ku-xigeenka Puntland uu munaasabada
1-da Agoos darteed uu kala hadlay dadwaynaha reer Puntland
saxaafadda isagoo sheegay qiimaha maalintaas u leedahay
shacabka Puntland oo uu sheegay inay intii ay dhisteen
Dawlad Goboleedka ay ku tilaabsadeen horumar la taaban
karo.
Xuska maalintaan oo si wayn looga dareemi jiray gobolada
Puntland ayaa sannadkii 2001 waxaa joojiyay shacabka reer
Garoowe oo iyagu xiligaas diidanaa xil kororsiga golaha
xukuumadda iyo golaha wakiilada, waxayna cagta mariyeen
waqtigaas tarabuunkii loo dhisay in uu Madaxweynaha Puntland
salaanta ku qaato.
Magaaloyinka Laascaano gaalkacyo ayaan iyagana laga xusin
xuskaa qiimaha badnaa.
Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Ergada Somalida
oo looqaybiyay Qoraalka Dastuurka
Nairobi , (AllPuntland)- Madaxda kooxaha iyo masuuliyiinta
fadhida gogosha nabadaynta Soomaaliyeed ee iminka loo
fadhiyo Mbagathi ayaa xalay loo qaybiyay qoraalka dastuurka
dawladda federaalka ah ee kumeel gaarka ah ee la dhisi
doono.
Qoraalkaan ayaa loo qaybiyay ergada fadhida gogosha nabdda
ka dib markii qoraalkaasi laga saxay meelo ay xoogaa ay
ka biyo diideen madaxda Soomaaliyeed .
Dastuurkan iminka loo qabiyay ka qayb galaaasha shirka
ayaa u jeedadiisu tahay in madaxada Soomaalida oo cabashooyin
yar yara soo gudbiyay ay ku qancaan dib u sixiddaan ugu
danbaysay.
Qodobada dastuurkaan laga saxay waxaa ka mid luuqada
rasimaga ah oo laga dhigay tan Somaliga (Maxay iyo Maayga)
iyo afka carabiga, Diinta Islaamka oo Muqdas inay tahay
lagu muujiyay iyo arinka Midnimada oo lama tabtaan laga
dhigay, qodobadaan ayaan cad cadayn marka la akhriyo qoraalkii
horay looga diyaarshay Dastuurka oo ay diyaariyeen khubaro
Somali ah oo kaashanayay Ajnabi aqoon u leh samaynta dastuurada.
Qoraalkaan ayaa u muuqda mid la isku wada raacsan yahay
oo shirka ka dhigaya mid gabo gabadiisu ay soo dhawaatay
waxaana uu ka mid ahaa ansixinta dastuurku caqabadaha
ugu waawayn ee shirka hortaagnaa.
AllPuntland
|