Wararka Mudugonline
|
Aragtida Akhristayaasha
Maanta:
|
ŽHambaad
u dudaye, ee Hannaan umaadan dudin!
ŽIleen
ceeb looma dhinto
ŽDhibaatada
qaadka waa in la is dareensiiyaa!!
|
Hambaad
u dudaye, ee Hannaan umaadan dudin!
Waxaa nasiib darro ah, inaadan
garan wali waxaad u dagaalantay, waxaad u heshiisay,
iyo waxaad hadda u doodaysid.....
Waa mar e, dhulkaagii baad dagaal ka riday, adigoo
waxa kaliya ee aad rabtay ay ahayd, reer hebel baa
dhalasho iyo mansab u leh inay wax xukumaan, iyo kursi
hebel hala isiiyo iwm.....
Kumaadan guulaysan taas......Oo waad ogaatay maanta
inaadan cidna kursiga Puntland aadan ka xigin, dadkuna
usimanyahay, ama dheh Kilka Shanaad buu ka yimi ama
Mudug buu ka yimid e.
Dagaalkii iyo foolxumadii halkaas ka dhacdayna adigaa
ceebteedii qaaday, oo maanta cidkale oo dadka reer
Puntland dacwo u qabaan oon ahayn Kuwa Puntlandstate
oo kale ee Kooxda Carta marin habaabisay majirto..
Midda kale, waxaad ka soo gashay kaneecadii, dhibkii,
sharafxumadii, qaxootinimadii, iyo rafaadkii, markaas
baad usoo noqotay, caruurtaadii, ehelkaagii, dadkaagii,
dhulkaagii, iyo dhulkii Uduga nabadiisii Allaah siiyay,
waad ogeyd sidii laguu soo dhoweeyey hagar la'aanta
ahayd, qolyihii aad ishayseena waxay dhaheen bal aan
arinta xalay dhalay ka noqono...
Adiga ileyn nin Allaah tusay tolkiis baad tahaye,
oon tabar kale lahayne..Markii baad afka furatay,
'xagaa la dhacay, xagaa la iidiiday'...Armaad sumcadii
yarayd ee aad ku heshay heshiiska iska dhumisaa...?
http://www.puntlandstate.com/news.php?page=showcomments&id=256
Hadda doodaada, amase midda website yada PuntlandState
oo dhan, ma aha mid ku tusinaysa inay yihiin dad xalaal
ah, waxa kaliya ee laga akhrisan karaa, waa xantii,
xumaantii, xalaalaysigii xoolaha dadweynaha, xiqdigii,
iwm
Intaas waa tan idiin geesay inaad u adeegtaan Kooxda
Carta, G8 (Dooxatada Kismaayo)...iyo Soomaaliland...
Waxaasoo ceeb ah waan aqaan qofka reer tolkay u geystay,
waan aqaan maalintii Kismaayo la qabsanayey qofka
dhinaca kale ka shaqaynayey, waan aqaan maalinkii
Kooxda Carta la dhisayey kan kala furfurayey Puntland,
hadda waan aqaan kan jecel inuu isugu diro dadka beel
beel, jilib jilib...
Miicaad Marasheeg
marasheeg@hotmail.com
ILEEN
CEEB LOOMA DHINTO
Waxaan rabaa in aan wax ka iraahdo
hadaladii ka soo yeeray Xasan Abshir faarax,waxaa
aad iyo aad ayaan daro u ah in xasan uu garan waayo
waxa maslaxada ugu jirta ama horumarka naftiisa iyo
dadkiisaba u ah, Waxaan u arkaa dhaqamada xasan abshir
sidii caloshiisa u shaqaste oo kale maxaa yeelay hadaad
tahay nin u taagan umada wa in aad maslaxadooda ka
shaqaysaa oo arintu ay ka wareegtaa aragtida adiga
kugu kooban hadii kale meel cidla ah ayaad soo istaagaysaa,
taariikhda xasan abshir soomaali inta danaysa ama
ku noolayd ayaa la socota 21 sanadood oo kaligii taliskii
siyaad bare xukunka haystay ayuu xasan ag fadhiyay
Siyaad Bare iyadoo dadkiisii la’laynayo qaarna xabsiga
la dhigayo ayuu isagu hawshiisa ka watay waxaana filayaa
in ay soomaali ku maah maahdo ninkaad u shaada ka
qaadan kartid ayaa loo dhiibtaa.
Intii dhiiga la hayd ama dadnimadu
ku jirtay waa ka baxeen soomaaliya oo si cad ayay
uga horyimaadeen dhibaatadii lagu hayay dadkooda ,
marka taas laga soo tago waxa aan goob joog ka’ahaa
3 sanadood ka hor mar Kooxda Carta ay yimaadeen holland
oo shir ay u qabteen dadka si ay uga dhaadhiciyaan
maamulkay soo dhoob dhoobeen, Xasana uu ahaa wasiirkii
maaliyada waxaan ka hayaa xasan afkiisa wax la yiraahdo
Puntilland ma jirto axdigii aanu samaynay markaanu
aasaasaynay Puntilland wuxuu dhigayay in qaranimo
haday timaado Dawlad goboleed yadu bur burayaan garoowana
laga xukumo Muqdihso xaqiiqda aanu wada ogayna waxay
ahayd in aan Dawlad qaranka soomaalieed matasha in
ay san jirin oo waliba loo bur buriyo maamul dhisan,
danta uu xasan watay waxay ahayd oo kaliya in tiisa
shakhsiga ah uu ku dadaalo laakiin uu san wax dana
ka lahayn Puntilland iyo bur burkeeda iyo dadkeeda
toona waxaa lawada ogsoonyahay xasan in uu qayb wayn
ka qaatay bur burka Puntilland ninkii Jaamac daba
ka riixayayna uu isaga ahaa xaqiiqdana lawada ogyahay
in uu Jabuuti kula kulmay Jaamac isagoo C/qaasim uu
soo dirsaday dadku ma indha la’a mana dhaga la’a wixii
Xasan samaynayayna dadku waa ay wada ogyihiin xasana
waxaan hubaa in uusan magac iyo taariikh aan madoobayn
mooyee wax kale uu san hayn.
Puntilland waxaan ku talin lahaa
hadayba noqoto in uu mustaqbalka yimaado in talaabo
adag laga qaado laakiin aan dil ahayn sida, Xabsi
muda dheera iyo ka mamnuucid in uu xil dambe u qabto
Puntilland iyo dadka ku abtirsada dhaq dhaqaaqiisana
lala socdo xasan wuxuu yiri Cartaa Puntiland heshiisiisay
waa wax aad xaqiiqda uga fog, suaashu waa, aaway Carta
, xageebeey ka taliyaan yay matalaan, sadex sano ayay
jireene wax aan bur bur ahayn oo ay qabteen ma lahayaa.
Waxaan anigu shakhsi ahaan oran
karaa xasan iyo kooxda dhimatay ee Carta in ay ahaayeen
Calooshooda u shaqaytayaal aan nina dan ka lahayn,
waxa lagu heshiiyayna ay ahayd muuqaal aan aduunka
wax uga doonano aan samayno meeshii aan qasi karno
ama aan bur burin karnana aan bur burino si aan u
helo tiro dad ah oo aan maskaxda ka xadi karno, xaqiiq
fikirkaas way ku guulaysteen oo Baydhabo iyo Puntillandba
bay u adeegsadeen laakiin intee in le’eg ayuu soconayaa
weeye, jawaabtu waa mudo aad u gaaban. Marka hadalkaygii
waxaan ku soo gaba gabaynayaa in xasan uu iska aamuso
hadii ay ka fursan waydana qirto danbiyadiisii uu
galay waydiistana Shacabka reer puntilland iyo Maamulkooda
iyo waliba Isimadooda cafis iyagay u taalaa waxay
ka yeeli lahaayeen.
Wax ka le oo u furan xasan iima
muuqdaan.
Wabillahi tawfiiw,
AFHAYEENKA BEESHA CUMAR MAXAMUUD
EE MAGAALADA MANCHESTER/UK -
XUSEEN XUUBSIREED.
e-mail mohamoud_hussein@yahoo.co.uk
Dhibaatada
qaadka waa in la is dareensiiyaa!!
Waxaan shaki ku jirin in qaadku
uu ku hayo guud ahaan Soomaaliya dhibaatooyin waaweyn
oo dhinacyo badan, sida dhibbaato dhaqaale, mid caafimaad
iyo mid dhaqanba, laakiin waxaa nasiib darro ah inaan
haba yaraatee dadka wax qora ee Soomaalida ahi aysan
ku dhiiran ineey u tilmaamaan bulshadooda dhibaatada
uu ku hayo qaadku.
Waxaa igu dhaliyey inaan qoro maqaalkan, kadib markaan
arkay maqaal
kusoo baxay 22 may 2003 Mudugonline oo uu qoray walaalkeen
Aden Dirie Ali, oo cinwaankiisu ahaa Puntland
waa loo shaqo tagaa sida sacuudiga. Inkastoo guud
ahaan maqaalku uu ahaa mid muujinaya horumarka iyo
sida looga shaqeysan karo dhulkeena, waxaan walaalkey
Aden ku dhaliilayaa inuu kusoo daro horumarkii iyo
shaqooyinkii ka abuurmay Puntland "Ka ganacsiga
qaadka" asagoo tilmaamay in rag iyo dumarba ka
shaqeystaan ganacsiga qaadka oo ku korsadaan caruurtooda.
Waa wax dhici kara in qaar ka mid ah dumarka iyo ragga
ka ganacsada qaadka ay ku kalliftay ineey ka raadsadaan
waxay ku noolaan lahaayeen oo ku korsadaan caruurtooda,
laakiin ma haboon tahay in lagu dhiirigeliyo isla
mar ahaantaasna loo tuso inuu ka ganacsiga qaadku
yahay shaqo hufan oo positive ah? Waxaan u maleynaynaa
in jawaabta su'aashaasi caddahay oo aysan u baahneyn
inaan ka jawaabo.
Teeda kale, waxaa waajib inagu ah inaan uga digno
qatarta uu leeyahay qaadku umaddeenna, isla markaana
ku boorinno dadka joojinta cunistiisa iyo ka ganacsigiisa
intaba, waayo waxaan ognahay inuu dalka maalin kasta
ka saaro boqolaal kun oo dollar oo aan kusoo badelanno
lacagtaa adag caleen cagaaran oo aan haba yaraatee
laheyn wax faa'iido ah qasaaro mooyaane.
Waxaana hubaal ah, in haddii lacagtaa lagu soo badelanayo
qaadka loo jiheyn lahaa dhinacyada kale ee wax saarka
ay abuuri laheyd shaqooyin badan oo ay ka shaqeysan
kari lahaayeen dhammaan dadka hadda ka shaqeysta qaadka
iyo kuwo kale oo fara badan.
Hadalkeyga waxaan kusoo xirayaa, in qaadku yahay masiibo
ka mid ah musoobooyinka aan dabiiciga aheyn ee aan
gacanteenna ku kasbanayno ee ku habsaday guud ahaan
Soomaaliya, sida dagaalada sokeeye, adeegsiga qabyaaladda
iyo kuwo kaloo badan, isla markaana loo bahan yahay
in looga hadlo si toos ah, loogana digo waxyeeladiisa
dadweynaha.
Qore: Issa Aden Ahmed
issa68@hotmail.com
|
Opinions
expressed in this columns are those of the authors and
not necessarily those of Mudugonline
|
Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran
karo tan Mudugonline.
|
|
|