Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

MAGAALADA CARMO OO LOO AQOONSADAY HEER DEGMO

Radio Midnimo (Boosaaso) 28.05/2003 Kulan xalay ay yeesheen Golaha Xukuumada Puntland ayaa waxaa lagu aqoonsaday in magaalada Carmo in ay noqoto degmo ku soo biirtay degmooyinka dowlad Goboleedka Puntland.

Degmada Carmo ayaa qiyaastii magaalada Boosaaso ka xigta 100 KM dhinaca Koonfureed, waxaana la aasaasay sanadkii 1994, waxaana tan iyo xiligaas degmada ka muuqday horumar dhinaca dhismaha iyo adeegga dadwenaha, Carmo waa magaalo ay weli ka socoto horumarin xoog weyn, waxaa la geliyey laymankii Telefoonada, waxaa kaloo laga hirgeliyey ileyska korontada.

Degmada waxaa ku yaal ilaa iyo iminka hal warshad oo sameysa barafka, wxaana ay leedahay Iskuul Hoose Dhexe iyo Saldhig Boolis, waxaana ay ku taal deegaan u dhow dhul beereedka Barookhle oo ah goobta ugu beero waaweyn gobolka Bari.

Kulankan ayaa jewigiisu ahaa mid doodo adag la is weydaarsanayey, waxaana gudoominayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/laahi Yuusuf Axmed, waxaa kaloo ka mid ahaa arrimhii looga hadlay kulankii xalay xaalada nabadgelyada magaalada Boosaaso, heerka uu marayo heshiiskii nabadeynta Puntland sidii dib loogu celin lahaa in ku dhow 150 qofood oo u dhashay dalka Sirilaanka oo ku sugan magaalada Boosaaso, loona keenay in si tahriib ah loogu dhoofiyo wadamada Yurub.

Dhinaca kalena, waxaa lagu gudoomiyey kulankaas in xilka ku simaha Madaxweynaha uu noqonayo Siciid Caduur, oo ah Wasiirka Caafimaadka, sidoo kale Faarax Maxamuud Yuusuf (Dooxojoog) oo ah Wasiirka Ganacsiga ayaa noqon doona Sii hayaha Maamulka Dowladda ee Mandiqada Gobolka Bari.

Dood dheer kadib Waxaa kaloo aqlabiyad buuxda lagu ogolaaday in magaalada Carmo loo aqoonsado heer degmo.

Warku wuxuu kaloo intaas ku darayaa in kulankii xalay lagu soo bandhigay in ciidamda Gen. Cadde Muuse maanta loo rari doono magaalada Qardho.

Radio Midnimo, Boosaaso
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.