Abdirizak
Durqun
Arnold
Holster oo ahaa makhawi saxafi ah, oo qayb wayn ku lahaa
in dhidibbada loo aaso, Dugsiga Saxaafadda ee Jaamacadda
Harvard, ayaa meel la wada sheekaysanayo lagu waydiiyey,
"Arold(ow) horta saxafi kee ugu xun"?. Isagoon laba-labayn
buu yiri, "Jaraa'idkii maanta soo baxay yaa haya"? Saa
wiil yar baa yiri "kii shalay tuulada ka soo baxay baan
hayaa". Markii loo keenay, Arnold bog iyo labuu inta
rog-rogay yiri, "halkan ila akhriya". Meesha waxaa ku
yaalla khabar gaaban iyo tusmo oranaysa, Eey Baa Nin
Qaniinay. Arnold wuxuu dadkii meesha joogay u tilmaamay
in qofkii cinwaankaas akhriyaa uusan badanka isku dhibayn
inuu qormada sii akhriyo. Waa mide, eey baan nin qaniinay
khabar (war) qiimo saxaafadeed leh ma aha, waayoo waxba
kama duwana Nin Baa Qado Cunay. Waa wax soo jireen ah
oo dadku wada ogyahay. Waa marka labaade, ciwaanka iyo
qoraalku ma kala micne badna, oo labaduba waxay sheegayaan
Eey Baa Nin Qaniinay. Sabab kugu xiiso galisa inaad
qoraalka akhrisaa ma jirto, wayoo micnihii cinwaankuu
ku dhanyahay, isgana kamaba helin.
Mid
tan u dhiganta, ama kaba sii fiican ayaa waxaa laga
wariyay nin qoraa iyo fiilasuuf ahaa, oo la oran jiray
Ibn-Khalduun. Waagi muslimiinta Spain laga soo
saaray ayaa waxaa la weyddiiyay maxaa islaamku dib ugu
sii guranayaa? Ibn-Khalduun wuxuu yiri "arrintaan in
badan baan ka fikaray, muslimiintu waxay ka fariisteen
xagga caqliga meel walba waxaa jooga kuwu ku fasira
biyaha, biyo [Yufassiruunal Maa'a Bil-Maa']."
Ibn-Khalduun wuxuu intaas ku daray " Waa belo (Musiibah)
markay xukunka rabaan kuwo aan abbaar iyo garaysi
toona lahayn (Qeyra qaaddiriin calal mandaq), oo
haddana raba in dadku raaco oo la rumeeyo". Waa maxay
biyo? haddeey agtaada ka tahay, biyuhu waa biyo; sida
Ibn-Khalduun na barayo, Islaamka waxaad ku tahay dulsaar.
Markii sua'aalaha lagaa badiyo oo aad wax garan weydid,
waa ku khasban tahay inaad ku soo gaagaabsatid "sidii
la lahaa, sidaan maqlay iwm".
Usbuuc
aan fasax ahaa baan akhriyay dhowr website oo Soomaalidu
warar ku qorto. Anoon iska warqabin baan arkay anoo qoslaya,
waayoo waxa dadku qorayaan waa kaa yaabinayaan. Wixii
aan soo akhriyay waxaa iigula yaab badnaa tusmo aan
ku arkay Puntland Post, oo sidatan leh: Heshiis
Qarsoodi ah oo la Sheegayo inuu Dexmaray J. Cadde iyo
Col. Cabdullahi. Qofka waxakan qoray waxaa u muuqda
oo kaliya wax uusan raalli ka ahayn oo dhacaya.
Dariiqa uu uga hortagayose waa dariiq isga naftiisa qaawinaya.
Sina uma billaan karo haddii qoraalku dhan walbaba
seego. Marka laga soo tago qoraalka guud oo luqadaha
lagu barto, sida xarfaha iyo shaqalka IWM, waxaa kaloo
loo baahanyahay xirfadda qoraannimada, tan saxaafadda,
tan anshaxa, garaysi, miizaan iyo run ku doodid. Waxaa kaloo
loo baahanyahay inaad micnaha iyo fikirka wax ku soo
kordhisid, wayoo haddii aadan wax soo kordhin waxaad
dadka ka dhaadhicisaysaa: Caqli ma lihidin. Qoraalku
markuu dhan walbaba seego wax ceeb ka badbaadin kara
ma jiraan. Qoraalse ceebi wax kama dhintee qofkii
qoray baa qaada.
Dacaayaddu
qoraalka la aqbalsanyahay bay ka mid tahay, waana tan
malaha ugu badan ee caalamku ku dhaqmo. Ninkii aan dicaayad
ku dhaqmayn oo run sheegayaa, tababar khaas ah oo ka
badan kan qoridda luqadaha uma baahna. Qoraallada dicaayadduse
waxay u baahanyihiin tababar sare iyo xirfad gooniya
waayoo been si loo iibiyaa waa dhib badan tahay. Qofkii
been eebi la yiri aad buu u dhibban yahay, haddusan
xirfaddeed lahaynna qaawanaan buuba damagsanayaa. Qofkii
u qaata inuu dadka ka caqli badan yahayna waa qof nasiib
daran. Waxaa ii muuqata in qofka waxakan qoray uu indha-adag
yahay, qaawan yahay, oo nasiib daran yahay.
Bal
marka hore aan runta la beegsanno qoraalkan. Wuxuu ka
warramyaa heshiis qarsoodi ah oo Cadde iyo cabdullahi
galeen. (A) Heshiiskii qarsoodiya ma la sheegaa, ma
la baahiyaa? Heshiisku wuxuu qarsoodi ahaan lahaa hadii
Cabdullahi Yusuf iyo Cadde Muuse ay labaduba qariyaan
markii la wayddiiyana dafiraan. Haddeer, labada ninba
waa qirayaan in heshiis jiro, meel walbana waa laga
sheegay. Marka maxaa qarsoon?. (B) Qarsoodida haddii
uu ka wado dawladda Puntland baa Cabdullahi ka qariyay,
miyuusan isagoo Kenya jooga ku dhawaaqin? miyaanse dowladdu
wax akhrin waxna qorin? (C) Haddii sidoo kale Cadde
ka qariyay dadka racsan, see hadhow u soo raacayaan
markuu Cabdullahi la heshiiyo? Haddase sow ma maqlin
oo ma diidi karaan? (D) Tan kale Haddii aan iska qaadanno
in labada nin heshiis qarsoodi ah galeen, Boqor Buur-Madow
see ku ogaaday oo u dhex booday? Suldaanka uba
daa inuu Puntlander yahay oo sirta meel uun ka soo geli
karo.
Qoraalku
wuxuu ku saleeysan yahay in dagaalku xaalad loo bogay
oo Puntland laga rabo uu yahay. Dagaal joojintuna ay
tahay dhagar iyo mabda' xumo. Marka xubnaha dowladduna
waa inayan ku farxin nabadda, ninkii nabad keenana waa
dhagarqabe. Waxaa taa sheegaya marka qoraalku leeyahay
labada ninba waa ka qariyeen dadka ay u taliyaan. Ma
runbaa in dowladda iyo mucaardkuba isku dan yihiin ,
oo labaduba rabaan in dagaal oognaado? Waxaan qabaa
caqliga ma gasho.
Qoraalku
wuxuu ka warramyaa "heshiis la sheegayo" in Cadde iyo
Cabdullahi galeen. Taasi waxay ku tusaysaa in uu qofkani
soo qoray wax uusan hubin oo loo qaateennimo fiican
aan lahayn, in ka badan "waa la lahaa". Maxaa noo caddaynaya
qofka "sheegaya" sidaas inuu isaga qudhiisa yahay iyo
in kale?. Qoraagu wuxuu go'aansaday markuu ka badin
waayey wax la sheegayo, inuusan qudhiisa difaacin. Inaad
iska duwdo khabarka iyo masu'uuliyadiisa haddaad rabto,
"waa la lahaa" kaa saari mayso. Waxad u baahanyahay
caddayn intaas ka badan. Waa darsiga asalka u ah saxaaf
adda, waxaana kuu dhaanta inaad afkaaga iska furatid
inta meel fagaare ah istaagtid. Ugu yaraan, iddaa ood
u hadashaa carabax bay leedahay.
Nin
aan is naqaan baa maanta wuxuu igu lahaa, Puntland Post
waxaa lagu yaqaan niman Wadaddo ah oo reer Puntland
ah. Iskama xambaaran karo waxaan maqlay oo daku waxay
doonaan bay sheegayaan. Haddayse run tahay in rag
culimo ahi ay waxaas qorayaan, sow Ibn-Khalduun run
ma sheegin markuu lahaa muslimiintu xagga maskaxdeey
ka fadhiyaan? Ilaa qarnigii 14aad iyo maantase, miyaan
muslimiintu ka soo kaban?
Arrinta
oo dhan hadday ku salaysantahay Cabdullahi Yuusuf baan
necbahay; qof dhaamana ha i wayddiin. Xukunkiisa dagaal
baan ka xigaa; in wax la xukumana ma rabo. Haddii dagaal
oognaado malaha Cabdullahi bay u xuntahay; dadka dhimanaya
iyo danta baylahaysana ma kala jecli. Hadde layaab ma
aha inaad aragtid dhiiggaaga oo walaalkaa duullaan ku
yahay. Waa inaadan marnaba ka tagin, dadka badankiisu
waxaan caqli-gal-ahayn nafta uma huraan. Waxa dadka
badankiisu dhiiggaaga u xalaalaysanayaa waxaa weeye,
waa isla saxan yihiin, wayoo inaad saxan tahay baad
ka dhaadhicin weyday. War haddii ay caddahay gobollada
Puntland oo dhan inuu talo xooggan ku leeyahay,
dagaalkii lala galaa uu ku sii xoogaysanayo, danta guudna
aan weli qof ku dhaama la helin, maxaa micne ah ood
soo kordiseen kuwiinna dagaalka rabow?
Fadlan
marka dambe qoraal kan dhaama soo bandhig, oo isku day
inaad wanaagga kula dooddid (Idfac Billatii Hiyya
Axsan...) Cabdullahi Yuusuf iyo dadka la jira.
Hadddadse ogtahay inuu taa kugu dhaamo amaba aadan aqoon
waxa wanaagga guud yahay; iska aamus, issagaa la sii
raacayaa haddii kale. Saxafi xumi kaligii ma ceeboobo;
ismana ogee si dadban buu cadawgiisa ula jiraa.