Maanta marka la fiiriyo xaalada Puntland ayaa waxaa moodaa
in ay mareyso heer kala guur ah oo u eg in ay labo dhinac
leedahay waa kan hore haddii lagu heshiin waayo heshiiska
aysan inbadan umaddu ka war qabin laakiin inta waddaa
ay sheegto in uu gabo gabo yahay ka dibna arintu kooro
oogadood isku laasho,dhinaca kalena waa in ay ka soo baxaan
wax loo dhan yahay oo ay umaddu kaga bugsooto dhibkii
raadka ku reebey ee ay soo martey,waxaana rajeynayaa mar
haddii meel kasta la soo taabtey in maanta caqligu shaqeeyo
oo ay arintu noqoto mid la soo kufiyo.
Hadaba iyada oo ay xaalada puntland ay halkaa mareyso
ayaa aniga waxaa indhaheyga soo jiitey maqaal dheer oo
aan ka fogeyn arimaha layaabka leh ee ka dhacaya dalka
kaas oo lagu daabacay bogaga hore ee Mudugonline.com qormadaan
qoraalkeeda ayaa waxaa ka muuqdey in lagu soo ururiyey
xogo badan oo aan is leeyahay aad ayaa loogu kuur galey
raadin tooda waayo waxaaba ku jira kuwo shaqsi ah oo daaha
ka qaadaya habdhaqanka qof iska leeyahay, waxaana meesha
laga saari karin in saxaafada iyo suxufiyiinta looga fadhiyo
in ay iftiimiyaan arimaha muuqda iyo kuwa qarsoonba iyaga
oo raacaya habka iyo nidaam saxaafadeedka lagana fogaanayo
wax keeni kara cadaalad daro, ka dibna ay ka dhalato in
qof, guruub, beel, ama qaranba cagta la mariyo oo meel
looga dhaco ama eed iyo dhaleecayn meelkale laga leeyahay
dusha looga tuuro qolo kale oon shaqo ku lahayn laakiin
loo maleyn karo in ay si ugu ekaan karaan eedaa iyada
ah.
Intaas oo dhan marka meel la iska dhigo ayaa waxaa ii
muuqda ciwaan far waaweyn lagu qorey oo loogu yeerey WASIIRNIMADA
XASAN DAAFEEDOW; XILKA MID AH XILALKA AAN LOO MEEL DAYIN....Runtii
marka aad agarto qormo lagaga hadlayo maamul iyo masuuliyad
la dayacay ama lagu tagri faley waxaad jecleysaneysaa
in aad loogu xoojiyo carabkana lagu adkeeyo khaladaadka
ay iska caadeysteen madaxdu kuwaas oo kala garan waayey
waxay yihiin iyo wixii loo dhiibtey ka dibna sidey doonaanba
u dhaqma iyaga oo u qaba in aan waaguba baryeyn oo aan
cidi arkeyn, hadaba mar hadii aan cidi wax ka qabin in
lala xisaabtamo masuuliyiinta ayaa waxaa la is weydiinayaa
yaa mas,uul ah, sideese ayaana masuul lala xisaabtami
karo lagu noqdaa?.
Hadaba Muxsin Yaasiin oo qorey ciwaanka kor ku qoran
ayaa inoo sheegey sida wasiirka xilkiisa la dhaliilayo
loogu dhiibey jagadaan dayacu ka yimi markii uu ka hadlayeyna
waxa uu yiri "XASAN WAXAA SHAQADA GEEYEY ISMAACIIL
XAAJI WARSAME OO UU KALA HADLEY MAXAMED-DHEERE DIAKONIA
OO AY XASAN ILMO HABREED YIHIIN".
Sida muuqata wasiirku shaqada waa la geeyey waxaana geeyey
labada nin ee kor ku xusan qaabka loo geeyeyna waa qaab
waasto ah waana noocyada la isticmaalo kan ugu liita waayo
waxa uu ku dhisan yahay daneysi iyo anigaa ku geeyaye
ii hay, Waana halka ay somalidu ka tiraahdo (ushaada ninkaad
ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa,) markaa hadii ay taasi
cataadey waxaa meesha ka baxaya in aaney jirin cid la
xisaabtami karta wasiirka waayo wasiirba ma aha, waxaana
mudan in lala xisaabtamo cidii meesha geysey oo ah labada
nin ee kor ku qoran iyaguna ay qaadaan wixii ka xumaada
shaqadii ay u dhiibeen, waxaa kale oo halkaan ka cad in
maamulkii jirey ee umadu dhisatey uu galay gacmo dhowr
qof oo kaliya oo iyagu markaa masiirka iyo maareyntaba
go-aan ka gaari kara awoodana in ay masraxa soo saaraan
hadba qofkii ay u arkaan in uu yahay qof la shaqeyn kara
iyaga.
Waxaa kale oo uu qoraagu cadeeyey in uu wasiirku ku dhashey
tuulada daafeed ee ku taal koonfurta somaliya sida magaciisaba
ku cad taas oo cadeyneysa in uusan Puntland ku dhalan,
iyada oo ay jogaan jagooyin kala duwanna ka qabteen rag
ku dhashey Itobiya oo wax naaneys ahna aysan lahayn, waxaa
kale oo uu qoraalka ciwaanka sare lehi uu qirayaa in waqtigii
xilka loo dhiibey xasan ay ahayd waqtigii ay soo ifbaxayeen
khaladaadkii iyo khilaafkii puntland kaas oo markii danbana
ka dhigey mugdiyaal is dhexqaadey dalkii oo dhan ilaa
ay sababtey in wax kasta ay gacanta ka baxaan.
Waxaan filayaa marka laga hadlayo nidaam sidaa u shaqeeya
in ay iska yar tahay waxa laga sheegi karaa wasiiro ama
waaxo maamul hadii aaney arintu meelkale cuskaney oo aysan
arintu ahayn (miskiin baa misko la fuulo leh), marka waxaan
aad u rajeynayaa in caqligaan awooda in uu wax soo bandhigo
uu markaan isku dayo in uu daaha ka qaado halka sunta
iyo waabayada lagu keydiyo si loo saxo wixii khaldamey,
hadii aan kor waxba ka hagaagin ma filayo in ay hoos wax
ka qabsoomayaan, waayo wax kasta waxay ka yimaadaan kor
waxayna u socdaan hoos waana taa mida tuseysa qofkasta
in halka geela laga maali-la-yahay ay tahay meesha ay
amaradu ka soo baxaan, marka hadii uu yimaado xisaabtan
iyo is ladhiilid waa wax loo baahan yahay waana waxa wax
saxa laakiin u maley maayo in uu wasiir xumeeyey wixii
Puntland ka xumaadey ee waxaan aamin sanahay in ay madaxtooyada
ka xumaadeen, tusaale ahaan meeyey harkii weynaa ee nacfiga
yaraa laakiin uu ruux walba harsanaayey, meeyey maamulkii
aan xooga badneyn laakiin lagu ladnaa, aawey abnigii iyo
is- dhex markii dadka wada dhashey, aawey koritaankii
iyo dhaqaalihii ay dadku sameynayeen, aawey is dhageysigii
iyo is-ixtiraamkii umadaan lagu yaqiin, aawey kala xishoodkii
iyo kala xadeysnaantii dadku, aawey isimadii iyo odayaashii
arintu ay ka go-i jirtey, iyada oo intaas iyo in ka badan
ay dhaceen oo umaddii dhiig ay gacmaha ku wataan loona
saarinayo waxaas oo dhan in ay madaxtooyada ka soo fulayaan
dad badan oo qiimo ku lahaa gudaha iyo dibadaba dhiigoodii
la daadiyey hilibkoodiina la warey banaanka, ayaa maanta
waxaa ka muuqda bogaga hore ee Mudugonline.com ciwaano
lagu eedeynayo nin aan la garaneyn waxa uu umada caadiga
kaga duwan yahay iyadoo lagu eedeynayo jid caro kaawo
ah oo isku xiri lahaa labo magaalo.
Ugu danbeytii waxaan codsanayaa in la saxo waxa weyn
ee ina ka qaloocsamey markaa ayey inoo saxmayaan wax yariye,
hadii aynaan sidaa yeelin waxaa inoo cadaaneysaa in ay
arinteenu noqoneyso (Hal xaaraan ahi nirig xalal ah ma
dhasho) oo ka dibna aan kala garan weyno meesha aan u
socono iyo waxa aan dooneyno hadii aan rabno in aynaan
jidka ka dhicin, markasta waxa aan wax ku dhiseyno waa
in ay ahaadaan caddaallad iyo caqli wanaagsan, si aan
uga fogaano tacasub qof koox iyo beelba, markaas ayey
saxaafadu macno yeelayeysaa waxna sixi kartaa, laakiin
haddii markasta ay xaaladu tahay in aan la gaarsiin halka
dabku ka baxayo oo meel dhexe lala beegsado arintu waxay
noqoneysaa xoog doofaar lagu eryey wax guul ahna ka soo
hoyan maayaan arinta kale ee iyaduna dabartey in caqliga
wanaagsani shaqeeyo, waxaa weeye dhinac jirka uu rayi
kastaaba dhinac jiro isaga oo eexaysanaya qolada uu xaga
fikirka raacsan yahay ka dibna ay u muuqan waayaan waxkasta
oo waaqiciga ka jawaabaya xataa hadii ay u muuqdaana ay
dhinac maraan inta badan waana mida badanaa ay u dhacdo
in ay muuqan waayaan waxyaabaha waawey ee dhacaya iyadoo
dabka lagu shidayo kuwo yar-yar oo markaa qarsoon, ka
dibna waxaa lumaya miisaanka iyo cabirka wanaagsan ee
loo qaadi lahaa jidka haboon.
Gabo-gabadii waxaa albaabkasta taagan maanta eed iyo
wax ismoodsiin faro badan waana mida keentay in umaddaan
meeshii la taabtaaba ay boogta tahay ay sii kala fogaato,
hadaba iyada oo laga duulayo midaa waa in lala jaan qaadaa
halka amuuruhu marayaan oo aan hoos looga dhicin doorka
ummadda loogu aadan yahay lalana yimaado waxyaabaha taabo
gelin karaya in dadku ay ku kalsoonaadaan saxaafada midaas
oo asalkeedu yahay in laga sheego run waliba la soo hubiyey
inta aan la daabicin ee aan laga qorin bogaga hore ee
wararka aduunka.
Booqde Dhiice Malaas Rabaax.
dhiice@hotmail.com
Dhiice@yahoo.com
>>>>Halkaan
ka akhri maqaalkii Muxsan Yaasiin>>>
|