KULAN AAN CAADI AHEYN
OO AY MAANTA YEESHEEN GOLAHA XUKUUMADA DGPL.
Boosaaso, (Radiyo Midnimo, 4 May)- Kulan aan caadi
aheyn ayaa saaka waxaa Golaha xukuumadu ku yeesheen dhismaha
madaxtooyada DGPL ee magaalada Boosaaso, kulankaas ayaa waxaa
guddoominayey Madaxweynaha DGPL C/laahi Yuusuf Axmed.
C/shakuur Mire Aadan oo ah sii hayaha xilka Wasiirka
isla markaasna ah ku xigeenka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
ayaa Radio Midnimo u sheegay in shirkaas looga hadlay laba arrimood
oo kal ah, In nabadda la dhiiri geliyo iyo ka hortaga abaaraha.
Waxaana Goluhu isku waafaqay in nabda la dhiiri
geliyo, khilaafaadka Puntlandna lagu dhameystiro wadaxaajood.
Dhinaca kale, waxaa magaalada Boosaaso laga dareemay
dhaqdhaqaaqa ciidamada oo u muuqda kuwo heegan sare la geliyey,
waxaa la xiray dhamaan jididka ka baxa ama soo gala magaalada
Boosaaso, mana jirin saaka wax ka baxay ama soo galay, marka
laga reebo gaadiidka ciidamada DGPL.
Lama yaqaan tallaabadan waxa loo qaaday, balse
waxay u muuqataa feejignaan dheeraad ah oo Maamulka isaga eegayo
ciidamada mucaaradka ee soo gelaya gudaha Puntland.
Dhinaca kalena warar madax banaan oo lagu kalsoon
yahay ayaa waxay sheegayaan waxaa galabta la filayaa in ay jidka
laamiga ah tuulada Al-xamdulilaah soo gaari doonaan Ciidamo
uu horkacayo Gen. Cadde Muuse, caawana ay ku nagaan doonaan
tuulada Juuriile, halkaasna ay beri uga soo gudbi doonaan deegaanka
Gerible oo 15 Km Koonfur ka xigta magaalada Boosaaso, halkaasoo
la filaayo in ay ku nagaan doonaan, mudada uu socdo wadahadlka
nabadeed.
Radio Midnimo
Boosaaso
Mudugonline.com