Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

Ciraaq oo labo Guulood Usoo Hoyatay!

Ottawa, 29 March 2003 (MOL)- Ciraq ayaa maraykan kaga guulaysatay aragtida Aduunka, Warbaahinta iyo Waliba kala qaybinta golaha ammaanka oo ay la safteen saddex ka mid ah shanta diidmada qayaxan leh Rushka, Fransiska iyo China, guusha labaad ee ay Ciraaq heshay ayaa noqotay iyadoo Ciidan ahaan u jabisay xulufada uu maraykanka horkoca ka yahay oo aan illaa iyo hadda ka qabsan Ciraaq magaalo dhaafsan Umm-Qasaar oo aan xuduudda Kuwayt waxba u jirin laguna qiyaasay dadka ku nool inaysan ka badnayn afar kun oo qof (4000), taasi oo beenaysay in muddo seddex maalmood ah ay ku qabsan doonaan Magaala madaxda Baqdaad.

Muddo afar maalmood ka badan ayay dhaafi la’yihiin xulafadu magaalada al-Nasariya oo ay haatan hakad ku yiihiin hal buundo oo ay sheegeen in saadka ciidamada aysan uga maarmin dagaalkuna uusan dhaafi doonin goobaha uu haatan ka socdo tan iyo inta ay ka imaanayaan boqol iyo labaatan kun(120,000) oo askarta  Maraykan ah oo loogu talo galay inay kaliya waardiyeeyaan saadka ciidamada lagu wado inay ka dagaallamaan Magaalada Baqdaad, waxaa kaloo caddaatay inuu shaqayn waayay qorshahay ugu talo galeen in dagaalku ku socdo sida laga soo xigtay Hogaamiyayaal Maraykan ah oo haatan ku sugan goobaha dagaalka  inay yiraahdeensidaan moodaynay iyo sidaan aragnay waa kaaf iyo kala dheeritaasi oo ku tusinaysa sida ay u niyad jabsanyihiin ciidamada safka hore ee dagaalka ka jooga xulufada maraykanku hormoodka u yahay.

Sagaalka maalmood ee dagaalku socdo ayaa labo jeer Wasiirka Difaaca ee Marakanka uu Rushka, Siiriya iyo Iran ku eedeeyay inay qalab Ciidan ku daldalayaan dalka Ciraaq hadalkaan oo ka danbeeyay canbaarayn Donald Ramsfeld uga timid maamulka uu ka tirsan yahay iyo Warbaahinta oo ku eedeeyay inuu dhayalsaday iska Caabiga iyo Awooda ciidamada Ciraq marar badanna uu iska indha tiray warbixino ku saabsan Quwadda Iraq oo ay soo gudbiyeen CIA'da iyo sirdoonka Ciidamada Marakanka labaduba.

Mudugonline.com


Maraykanka oo Caloolxumo ka Muujiyay  Sida aan Warbaahintooda Luugu kalsoonayn Loogana Maarmay!

Ottawa, 29 March 2003 (MOL)- Qarnigii la soo dhaafay ayaa waxaa weerar ballaaran oo u badnaa dhinca Warbaahinta lagu soo qaaday Dunida Muslimka Dhamaateed xoogeedu ku jeeday Dalalka Carabta si Muslimka looga dhaadhiciyo afkaar iyo dhaqamo Diinta Islaamka ka soo herjeeda oo lagu soo jiidanayo da’yarta iyo dadka aan Saqaafadda Aduunka iyo Ilbaxnimada Islaamka waxba ka aqoon, wixii ka horeeyay 1980 waxaa dunida Muslimka caan ka noqotay Reer Galbeedku Been ma Sheegaan (Al-Khawaaji Maa Yakdib) iyo in aad loola yaabo quwadda horumar iyo Ciidan ee ay leeyihiin taasi oo sababtay in marka la yiraahdo war gaalada ha layska caliyo in dad badan oo Muslimiin ah ay ku jawaabaan oo ma suurto galbaa nimankaan dayaxa tagay in qori kow iyo tobanle ah laysaga celin karo? gaalada in layska celin karo waxay Muslimiintu ogaadeen markii ay Afghanistan ay Rushka ka saartay wadankeeda sannadkii 1989 dhacdadaas ka dib ayaa waxaa reer galbeedku ku baraarugeen in wiilal yar yar ah ay oo diintooda iyo dunidaba aqoon dheeraad ah u leh ay ku soo badanayaan Caalamka Islaamka markaas ayay si ay khatartaas uga hortagaan ku tilmaameen inay Aduunka ku soo fool leedahay Argagixiso aan arxan lahayn oo khatar galinaysa Dunida oo dhan ammaankeeda haddaan laga hortagin haddana ay shalayto ku noqonayso Aduunka oo idil.

Waxaa kaloo khatar iyo dhacdo lama hilmaamaan ah ku noqotay Maraykan iyo xulufadiisa in ay dunida Muslimka ka xorowdo Warbaahinta reer Galbeedka oo ay helaan Idaacado isugu jira maqal iyo aragaba oo soo tabinaya dhacdooyinka aduunka oo dhan muhiimad gaarana siinaya kuwa Muslimka khuseeya sida Falastiin iyo Ciraq oo Al-jazeera ka haqab tirtay dadwaynaha Muskimiinta waxaa dhacaya iyo meesha ay ka dhacayaanba waxayna Maraykanka ku kaliftay inay Al_Jazeera wariyayaasheedii ka cayriyaan Suuqyada Ganacsiga ee ku yaal New York taasi oo dad badani ku tilmaameen inay tahay weerar cad oo Maraykanku ku soo qaaday warbaahinta xortaa ee Aduunka ka dib markuu ku guulaystay inay warbaahinta Dalkiisa ka jirta oo ay ugu horayso CNN ay ka mid noqdeen Waax ka tirsan Wassaaradda Difaaca ee loo yaqaan Pentagon, waxaa kaloo aan haatan xiiso badan loo hayn Warbaahinta Ingiriiska oo ay ugu horayso BBC oo ku tilmaanta akhbaarta uu Raage Omaar ka soo diro Baqdaad mid uusan xor u ahayn soo tabinteeda oo uu naftiisa u baqayo sida la wada ogyahayna muuqaalada uu soo gudbiyo Raage Omaar waa kuwa uu ka soo qaado meelaha Shacabka ee ay sida aan u turidda lahayn ay duqaynta ula beegsanayaan Diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriisku taasoo muujninaysa sida ay Marakanka iyo Ingriisku ay u doonayaan inaan aduunka loo muujin fool xumada ay samaynayaan.

Mudugonline.com




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.