Shacab ciraaqiyiin ah oo ku dhintay
Qarax gantaal
Ottawa, 26 March 2003 (MOL)-Suuq dad badan ka adeegtaan
ayaa isbahaysiga Maraykanka iyo Ingiriisku la beegsadeen gantaalaha
cruise missiles-ka loo yaqaan halkaas oo ay ku dhinteen dad ka
badan 20 qof 40 kalena dhaawac culus tahay. ciidamada Maraykanka
ayaa la sheegay inay gantaalkaas la rabeen idaacada televishanka
ee Ciraaq oo ay rabeen inay hawada ka saaraan si taas dadka ciraaq
u niyad jabiso oo ay isku dhiibaan. ururada xaquuqda aadanaha
oo ay ku jirto amnesty International ayaa sheegay in ficilada
Maraykanku ka soo horjeedeen axdiyadii Geneva waqtiga dagaalka.
Dhinaca kale dagaalka Ciraaq lagu qaaday ayaa wali
ka socda meelo badan, labadii beri oo la soo dhaafay ayaan ciidamada
huwantu samayn wax horumar ah oo xaga dhulka ah ka dib markii
Ciraaqiyiintu bilaabeen inay iska caabiyaan ciidamada weerarka
ku ah dhulkood. dadka Ciraaq ayaa hadda moodaa inay si midaysan
uga soo wada horjeedaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska
inkastoo aysan Jaclayn xukunka Sadam xuseen oo ah kaliye taliye
qar iska tuura. Dawlada Maraykanka ayaa iminka garowsatay in dagaalkaani
ku dhamaanayn waqti yar lana qiyaasi karin qasaaraha ka imaan
kara.
Mudugonline.com
Caato iyo Cabdiqasim oo ka shiray sidii
isbahaysi cusub oo badala kooxda carta loo samayn lahaa.
Muqdishu, 26 March 2003 (MOL)- Waxaa shirar isdaba
jooga beryahaan uga socdaan magaalada Muqdishu hogaamiye kooxeedyada
Muqdishu gaar ahaan Cusmaan Caato, Cabdiqasim Salad Xasan iyo
Maxamed Qanyare oo kuli isku beel ka soo jeeda una dhaxayn jiray
khilaaf siyaasadeed oo ba'an waayadii hore. shirarkaan ayaa la
sheegayaa in nuxurkiisu yahay inay isku afgartaan in kooxaha muqdishu
ka maarmi karaan shirka Kenya oo iyagu dhisan karaan dawlad lagu
badalo kooxda carta oo waqtigeedi gabaabsi yahay iyagoo soo jiidanaya
siyaasiyiin magac u yaal ah oo aan deeganadooda ku lahayn miisaan
siyaasadeed iyo magac toona. si taas looga miro dhaliyana waxaa
la qorshaynayaan samaynta shir la isugu keeno wixii ka haray baarlamaankii
Carta lagu soo dhisay si ay waqtigana u kordhiyaan uguna soo daraan
kooxaha ay kala hogaamiyaan Cisman Caato iyo Qanyare. Kooxahan
shiraya ayaa waxay ka midaysan yihiin diidmadooda ay wada diidan
yihiin shirka Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ee ka socda dalka
Kenya.
Siyaasiyiinta beelaha Daarood oo Magacyadooda la
wad wado ayaa waxa ka mida Jamac Cali Jamac, Hasan Abshir, Ina
Cumar Jees, Barre hiiraale iyo rag kale. ragaas ayaa loo adeegsan
doonaa si isbahaysiga cusub loogu ekeysiiyo mid matalaya Somaliya
oo dhan. waxaa kaloo Cabdiqasim raadinayaa taageero ciidan sidii
loogu sii difaaci lahaa dhulka jubooyinka oo beeshiisu xooga ku
haysato.
Wali lama saadaalin karo in shirarkaan cusub ka
shasho isbahaysi cusub iyadoo kooxaha Muqdishu ku caan bixeen
shirar iyo isbahaysiyo aan miro dhalin.
Wali lama oga in shirarkaan uu ka mid noqon doono
Muuse Suudi yalaxow oo isna ka soo carooday shirka ka socda Kenya.
Muuse ayaa horey u sheegay in aan jagada Madaxweynenimada lala
qaybsan karin beelaha Hawiye hadalkaas oo ay si weyn u soo dhaweeyeen
Cusmaan Caato, Maxamed Qanyare iyo Cabdiqasim Salad.
Mudugonline.com
Suuqa Gawraca boosaso oo saaka xariga laga
jaray
Bosaaso, 26 March 2003 (MOL)- waxaa saakay subaxnimadii
xariga laga jaray suuqa loogu tala galay gawraca xoolaha lagu
qalo magaalada boosaso. suuqaasi ayaa waxuu ku yaal meel duleedka
boossao ah oo u jirta ilaa 4 kilo mitir.
suuqaan ayaa waxaa dhisidiisa maal geliyey haya'ada
African70 iyo EC iyadoo dawlada hoose ee Boossao ay ka qayb qaadatay
dhismaha suuqaasi.
 |
Faarax doox oo xariga
ka jaraya Suuqa Gowraca xoolaha.
|
xilhayaha dawlada ahana wasiirka gancsiga maamulka
puntlad Faarax Doox Joog ayaa xariga ka jaray suuqaasi oo loogu
talagalay gawrac iyo in hilib nadiif ah laga cuno magaalada boosaso.
duqa magaalada boosaso ayaa ku warbixiyey in suuqaas
dhismihiis ay ku baxday 74 kun oo doolar
gudoomiye ku xigeenka gobolka bari yuusuf Muumin
Bide ayaa warbixin ka jeediyey ku saabsan suuqaasi isla gobtii.
waxaan suuqaasi mamaulkiisa la wareegay rag ganacasato
ah oo ka mushtara hilibka.
waxaa kaloo goobtaasi ka muuqday kooxo haween ah
oo ka ganacsada hilibka oo ku faraxsanaa furitaanka suuqaasi iyo
muhiimada uu u leeyeyahay oo halkaasi ka qadaayay heeso ka turjumaya
faa'iidada suuqaasi.
Weriye C/risaaq (Sheekhaduun)
Mudugonline.com