[2003/March/_includes/slogan.htm]


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ciraaq oo qaraaraaday iyo siday wax u dhaceen

Ottawa, 23 March 2003 (MOL)-Waxaa Maalintii 5-aad socda dagaal aad u qaraar oo cir, dhul iyo baddaba ka socda oo xulafada isbahaysiga Maraykanka iyo Ingiriisku ku qaadeen Dawlada Ciraaq. Dagaalkaan oo maalinba maalinta ka dambeysa ka sii qaraaraanaya ayaa la soo sheegayaa in ciidamada xulafada Isbahaysigu la kulmeen iska caabin weyn oo kaga timid dhinaca ciidamada Ciraaq oo aysan filayn. ciidamada xulafada ayaa la soo sheegayaa in ay la kulmeen qasaare leh dhimasho, dhaawac iyo maxaabiis laga qabsaday. illaa hadda inta la ogyahay shalay, xalay iyo maanta waxaa dhinaca Maraykanka ciidmadooda soo gaaray:

- nin Ciidamada Maraykanka ka mid ahaa oo qarax la beegsaday teendho ay hurdeen saraakiisha ciidanka cirka ee Maraykanka 12 nin oo dhaawac iyo hal sarkaal oo dhintay. ninka Maraykanka ah ee weerarkaan geystay ayaa la sheegay in magaca aabihiis ahaa magac Carabi ah. waxaa la tuhunsan yahay in ninkaas ka xumaaday dadka Muslimka ee Ciraaq ee lagu weerarayo.

- Magaaladii Umm Qasr oo ciidamada isbahaysigu sheegeen inay qabsadeen bilowgii dagaalka oo wali Ciraaqiyiintu iska caabin ka wadaan.

- Diyaarad dagaal oo Ingiriiska leeyahay oo ciidamada gantaalahooda cirku soo rideen iyadoo ku soo noqotay Kuwait, taas oo lama filaan ku notay ciidamada Cirka Isbahaysiga oo hadda ka walwal san arintaas.

-Diyaarad kale oo Dawlada ciraaq sheegtay in lagu soo riday Bagdaad oo wali ay la raadinayo Pilot-kii diyaarada, Maraykanka oo beeniyay in diyaarad laga soo riday.

- Magaalada Nasriya oo ciraaq soo saartay sawiro maxaabiis 5 ah oo Maraykan ah iyo 50 kale oo dhaawac ah oo Maraykanku halkaas ka daad gureeyay iyo dhimasho la sheegay illaa 6 laakiin aan wali xaqiijin. Maraykanka oo ka carooday sawirada maxaabiista oo sheegay inay arintaasi ka soo horjeedo sharciga qaramada midoobay ee daryeelka maxaabiista dagaalka.

Dhinaca Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa iyaguna geystay qasaarooyin badan:

- Qaraxyadii lagu waday magaalada Bagdad oo wali socota iyadoo dhismayaal badan oo magaalada ah gubanayaan. dad badan oo shicib ahna halkaas ku nafwaayeen qaarna ku dhaawacmeen.

- Ciraaq oo sheegtay illaa 77 qof oo shacbi ah inay ku dhinteen Basra dhaawacuna kof u dhaafay dhawr boqol. Nasriyana ciidamo ciraaq oo illaa 100 ah ayaa la Maraykanku sheegay inay ku dhinteen.

- Maraykanka oo sheegay in dhawr kun oo ciidamada Ciraaq isku dhiibeen Basra.

- ciidmada Maraykanka oo sheegay inay gaareen magaalada Najaf oo Bagdad u jirta 160Km.

- Magaalada Basra oo ka go'een biyahii iyo korontadii cuntaduna gabaabsi tahay.

Dagaalkaan oo aan ahayn siday filayeen ciidamada Maraykanka oo Ciidamada Ciraaq ay hadda si fiican u dagaalayaan oo aysan sidii dagaalkii gacanka ee 1991 aysan is dhiibayn ayaan la saadaalin karin inta uu socon doono iyo cida guushu raaci doonto. Magaalooyinka aduunka oo dhan ayaa wali waxaa ka socda Mudaharaadyo balaaran oo looga soo horjeedo dagaalka. Magaalada NewYork ayaa waxaa isugu soo baxay dad lagu qiyaasay illlaa 300.000 oo qof, magaalada London sidoo kale. Wadamada Muslimka ayaa iyana Mudaharaadyadu wali soconayaan.

Mudugonline.com


Maalinta biyaha Aduunka oo Gaalkacyo laga xusay

Gaalkacyo, Axad, Mar 23, 2003 (AllPuntland)- Xaflad balaaran oo lagu xusayay maalinka biyaha aduunka ee 22 bisha maarso ayaa xalay 7-dii fiidnimo ka dhacday xarunta wakaaladda biyaha ee magaalada Gaalkacyo.

Xafladaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa kasoo qayb galay madax ka socotay gobolka Mudug oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi, Ganacsato , Gudiga Sportiga gobollka Mudug, ururada dhalinyarada , ururka Ardayda iyo marti sharaf kaleeto.

Ugu horayn gudoomiyaha gobolka mudug Cabdirashiid Cali Xaashi oo xafladda furay ayaa ku nuux nuuxsaday faa'iidada biyaha iyo siday lagama maar maan u tahay in biyo nadiif ah la helo, biyo nadiif ah oo wada gaara dadka magaalada Gaalkacyo, asagoo si gaar ah UNICEF uga codsaday in biyaha ay gaarsiiyaaan xaafadaha ay magaaladu u korayso.

Wakiilka UNICEF ee Puntland Mr Jundi oo halkaasi hadal dheer kasoo jeediyay ayaa ka war bixiyay wax qabadka ay hay'adda UNICEF u qabatay dadka Soomaaliyeed, wuxuu sheegay inaysan UNICEF biyaha kaliya ku shaqo lahayn ee ay dadka ka caawiso siddii ay u heli lahaayen goobo caafimaad iyo meelo ay dadku isku nadiifiyaan oo ay ka hirgaliyeen tuuloyinka Soomaaliya.

Eng. Hashim oo dhanka biyo galinta u qaabilsan UNICEF oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhamaan magaalada Gaalkacyo ay heli doonto biyo ku filan aysana jiri doonin qayb ay biyu gaaraan iyo qayb aysan gaarin .

Dhamaan dadkii halkaasi ka hadlay ayaa hadalkoodu u badnaa faa'iidada biyaha.

Ururka dhalinyarada Gobolka Mudug ee MYO ayaa halkaasi ku soo bandhigay majaajilo aad loola dhacay oo ku saabsanayd faa iidada biyaha.

Xafladaasi waxay kusoo gabo gabowday jawi wanaagsan, sidda uu kusoo waramayo wariyaha AllPuntland ee Gaalkacyo Cabdulqaadir.

Allpuntland







Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
[2003/March/_includes/slogan.htm]