Qoraalada Maanta
ee akhristayaasha waxaa ka mida:
|
>Ka
hor tagga xaalufinta dhulka Puntland
>Maxay tahay farqiga
u dhaxeeya Puntlland iyo Muqdisho
>TAAGEERO IYO BOGAADIN
|
Ka hor tagga xaalufinta
dhulka Puntland
Akhristow,
Kadib markii ay dawladdii Soomaaliyeed burburtay, Soomaaliya
waxaa ka dhacay dhibaatooyin fara badan oo jiritaanka Ummadda
halis u ah, siiba mustaqbilkooda.Dhibaatooyinkaas waxaa ugu darnaa
inuu dhacay dagaalkii Sookeeye,ee la ogyahay khasaarooyinkii faraha
badnaa ee uu u geystay shacabka Soomaaliyeed,, sida dil, dhac,
fufsi, dad dhulkoodii qolo kale xoog ku qabsatay,sida kuwii laga
barakiciyey dalkoodii: tusaale Kismaanyo, Merca, iyo Baraawe iwm.
Caasimadii Soomaaliyeed oo baaba'day, kadib markii Qabiilka Hawiye
ahi uu bililiqaystay, oo burburiyey, ayagoo dastuurkii dalka ku
tunteen, dawladna garan waayeen si allaale si ay dhisaan, maadaama
ay ayagu rideen Siyaad Barrena ay ayagu ka masuul yihiin dagaalkii
sokeeye, iyo qarankii burburayba. Sidaas darteedna ay Hawiye keligood
ku walaahoobayaan, meeshii mar hore ahaan jirtey Caasimad caalami
ah ee qurux badan, haatanse ah dawr.
Isaaq oo qalalaasihii dhacay aawadiis Qarankii Soomaaliyeed kala
jaray oo Hawiyeba ka darraaday, lana baxay magacii Isticmaarkii
ula baxay ee ahaa Somaliland(Wax lagu qoslo).
Hawiye iyo Iiddoor oo ka masuul ahaa kala go'ii Soomaalida, in
markay dalkoodii qarribeen, ay ku dadaaleen siday u qarribi ahaayeen,
haddana Dawladda Puntland ee ayadu caadda sare mareysey. Nasiib
wanaagse dadkii aqoonta lahaa ee Reer Puntland(Daarood Ismaaciil)
ay gaashaanka u daruureen biidhaqaatayaashii Irirku ku adeeganaayey,
sida Al-Itixaad, Marya-Calas, Jaamac Cali Jaamac, Cadde Muuse
iwm. Iyo waliba dadaansigii Hoggaamiyaha Iiddoorka ee ina Riyaale.
Waxaas oo dhibaato iyo maag ah, markay reer Puntland ka adkaadeen,
waxaa nasiib darro ah, in haatan la sheegay inay jiraan wax ka
daran oo Ummaddii duullaan hoose ku haya. Waxaasi waa dadka intay
dhirta waaweyn gubaan dhuxul ka dhiga si ay u iib geystaan, ayagoon
wax ah ka lahayn xoolaha ku nool iyo reer guuraaga noloshoodu
ku xiran tahay dhirta nacfigooda. Runtii dhirtu waa waxa ay ku
nool yihiin,sanku neefle oo idil, sida in la harsado, la dugsado,miro
laga gurto,ama dhulka ay ka ilaaliyaan nabaad guurka, waayo
haddii la dhameeyo dhirta dhulku wuxuu noqon doonaa saxaro lama
degaan ah ee aan lagu noolaan karin. Sidaas darteed waxaan oran
karaa geedku nin boqollow ah ayuu la mag yahay, ama ka qaalisan
yahay, mar haddii nolosheennuba ku xiran tahay, waxaa kale oo
culumada saaynisku sheegeen in dhirtu roobka u soo jiidato sida
bir danabtu biraha u soo jiidato, sidaas awgeedna aan dhirta sina
looga maarmin, haddii aan dhulka samada looga haajirayn.
Hadaba dhibaatadaas waxaa lagu xaalufiyey Jubbooyinka, haatanna
waxaa halis ku jira dhirtii Sool, Sanaag, Hawd, Mudug(dhoodida),
iyo Ciid, waayo waxaan Nugaal valley websitekeeda ka akhriyey
in Sool lagu qabtay niman dhir gubay oo Alle mahadi ka gaartee
ay haatan hayaan Daraawiishtu.
Waxaan ku soo gebagabaynahayaa waxaa Reer Puntland waajib ku
ah inay ka hor taggaan dhirta gubideeda, qofkii lagu helana in
xabsi dheer lagu xukumo, si ciqaab kulul mariyo, waayo ummadda
mustaqbilkooda ayuu la dagaallamay, cadowna waxba kama duwana.
Arrintaasi waxay ku hirgeli kartaa in madaxda,Culumada, ardayda,
duqowda, iyo daraawiishtuba ay dhamaan xil iska saaraan oo u guntadaan
hadda kadib sidii loo ilaalin lahaa dhirteenna qaaliga ah ee lagu
dhaqan yahay, ayadoo ay habboontahay in dhulka laga qoro
askar gaar ah,oo ilaalisa, dhuxushana in la mamnuuco in laga gadato
dambiilayaasha dhirta guba, si loogu guulaysto badbaadinta carrada
iyo dhirteeda ay huwan tahay. Haddii ogaada in waa dambe loo darsan
doono dhirtii la gubay, asaan beddelkeedii la beerin.
Waa Billaahi Tawfiiq.
Aden Dirie Ali
dirieadam@hotmail.com
Maxay tahay farqiga
u dhaxeeya Puntlland iyo Muqdisho
-Maxay tahay Farqiga U dhexeeya Puntlland iyo Muqdisho.?
-Maxay Muqdishi u yeelan wayday maamul midaysan. ?
-Maxaa loo arki waayay Codka Nabadoonada Hawiye ee ku nool Muqdisho
.?
1. Maxay tahay farqiga u dhaxeeya Puntlland iyo Muqdisho
A) Waxaan filayaa qof walba oo caqli leh ama 2 daqiiqadood
maskaxdiisa ka shaqaysiiya ama u fiirsada farqiga u dhexeeya muqdisho
iyo puntlland wuu garan karaa, puntlland waa gobollo ay dagan yihiin
dad inta badan isku hayba ama ka soo jeeda beel qura, lehna xadaarad
aad u fog , waligoodna talin jiray yaqaanana waxuu yahay bur burku
kuna fakara mar waliba nabada iyo horumarka dadkooda iyo dalkooda
aanan runtii ku tilmaami karo in ay yihiin wadaniyiin meel fog wax
ka fiiriya, leh Odayaal nabadoono ah oo runtii dadku aad uga danbeeyaan
ama ay u arkaan Caaqiliin aan la badali karin.
B) Muqdisho waa magaalo ay dagan yihiin Beelaha Hawiye si gooni
ahse loogu tilmaamo beesha Abgaal oo dadka soomaaliyeed ay ku tilmaami
jireen in ay aad ugu wanaagsan yihiin Xaga darisnimada laakiin dagaalada
sokeeye ayaa badalay dhaqama badan oo lagu yaqaanay soomaalida gabi
ahaanba gaar ahaan Abgaalka, Muqdisho waxaa ka dhacay dagaalo sokeeye
oo lagu laayay dad maxaysata ah, ama maato aan dagaal shaqo ku lahayn
oo runtii beelaha daaroood oo idil ay wada tirsanayaan walina aan
cid ka wada hadashay ama iswaydiisay aysan jirin kuse jirto xisaabta
in mar laga wada xaajoon doono, dad badan oo u dhashay beelaha daaroodka
ayaa wali guryahoodii waxaa si xooga u dagan beelaha hawiye iyagoo
u arka in ay tahay wax iska caadi ah in xoolaha daaroodka la dhaco
ama ay banaan tahay dhaca xoolaha daarood. Muqdisho daarood kuma
soo duulin waxa ku dagaalamayana waa hawiye oo kaliya oo isku haysta
anaa xaaafadaan ka taliya iyo anaa xaafadaan ka taliya waxaanan
filayaa in ay ugu wacan tahay xaga xadaarada oo haday ogaan lahaayeen
waxa nabadu tahay ama micnaha uu ku fadhiyo qofka bini aadamku nin
walba xabad ma qaateen kumana fakareen dhac xoola uu san lahayn
iyo afduub dad maata ah oo laga yaabo in uu qabiil ahaan dadka u
xigo,waxaan filayaa waxa ka dhaca maalin walba muqdisho in aysan
aduunka oo dhan ka dhicin taasna waxay sharaf daro u tahay soomaali
oo idil, Muqdisho waa magaalo ka mida magaalooyinka soomaaliya wax
ay dheertahayna majirto marbay Caasumad ahaan jirtay hadase waxaa
sheegtay Qabiil oo ma, aha meel dadka ka dhaxaysa , magacna kuma
laha Bulshada soomaaliyeed. oo dhan oo nin mar dambe dagaya ama
xoolihiisa gaysanaya ma jiro hadii dambiyada loohaysto muqdisho
ay ka bad baado ayay nasiib leedahay.
2) Maxay Muqdisho u yeelan wayday maamul midaysan?
Muqdisho waxay u yeelan wayday maamul midaysan waa
iyagoo nabada iyo horumarku uu uga muhiimsan yahay danaha shakhsiga
oo sidii nin waliba uu dhaqaale ku samaysan lahaa ama uu u samaysan
lahaa ciidamo isaga ka amar qaato uu ku fakaraayo, waa magaalo maalin
walba soo baxayo hogaamiye hor leh oo aan cidina la hadli karin,
aan aaminsanayna Nabadoon iyo oday dhaqameed toona waa magaalo lagu
xisaabtamo yaa Hub badan, yaa ciidan badan iyo ninkii xoog leh ayaa
reerka u haraya inta qofku ku fakaraayo yaan lagaa badin adiga ,oo
hadaysan dan iigu jirin aniga wax kala soconaya ma laha , aad bay
u fogaanaysaa in la helo maamul midaysan iyo horumarba.
3) Maxaa loo arki waayay codka nabadoonada Hawiye
ee ku dhaqan Muqdisho.
Runtii waxaan filayaa in ay dadaalayaan maalin walbana
ay isku da'yayaan in ay xakameeyaan dagaalada ka qarxa Muqdisho
laakiin yaa wax ka dhagaysanaya weeye su'aashu. Nabadoonada laftigooda
ayaan midaysnayn qaarkoodna aan daacad ka ahayn nabad ka dhalinta
Muqdisho iyo Soomaaliyaba , soomaalidu waxay wax ka tirsanayso badankood
ama Qabaailka Darood dhamaantoodba waa Beesha Hawiye oo cid waliba
ay ogtahay Danbiyadii ay ka galeen , wali lama hayo Hal nin oo ka
hadlay oo odaya ama nabadoona ama isku dayay beelaha daarood odayaashooda
in uu kala xaajoodo dhaqan ahaan , muslini,soomaalinimo, maxaa yeelay
wuxuusan damaanad ka qaadi karin Beesha uu ka soo jeedo ee Hawiye.
Afhayeenka Beesha cumar maxamuud ee Magaalada manchester/uk
(Xuseen Maxamad xuubsireed).
From: Mohamedmohamoud0@aol.com
TAAGEERO IYO BOGAADIN
KU.Madaxweenaha dawlad gobaleedka puntland.
Asalaamu caleekum md.Madaxweene,salaan ka bacdi waxaan kugu bogaadinayaa.Hawlaha
muhiimka ah aad ka qabatay ama ka hirgalaysay puntland,taasoo ugu
horrayso. Sugitaanka nabadgelyada waxaan ognahay puntland inaytahay
meesha ugu xasiloon soomaaliya.Taas oo markhaati u tahay,In puntland
ay hoy u tahay soomaali oo dhan, aad ku arkaysid dad kala yimid.
Mudisho,baydhabo,hargaysa,kismaanyo.Dadkaas waxaa ku adkaatay meelkale
oo ay ku aaminan naftooda iyo hantidooda.Taas oo sharaf iyo guul
u ah adiga iyo dadweenaha puntland. Waxaan kugu taageersanahay sida
muqadisnimada puntland aad u ilaalisid oo marar badan laysku dayay
in dhaawac iyo dhibaato loogaysto. Khatarta nocaasna weli may dhamaan
sababtoo ah cadow farabadan oo dibada iyo gudaha jooga ayaa isku
dayaya inay dib u dhigaan nabadgelyada iyo horomarka puntland, laakiin
taas uma suurtbayso sababtoo ah hogaanka iyo dadweenaha puntland
way ka digtoonyihiin hagardaamooyinka laladoonayo.
Md.madaxweene markaan dib u fiiriyay wixii ka horayay sanadkii(1990)
waxay ahyd puntland meesha ugu liidata gobolada soomaaliya ayadoon
helin wax horomar ah. Markaan fiirayay Wixii ka dambeeyay sanadkii(1998)nabada
iyo horomarka ay gaartay puntland
waxaana kuu cadeenaya iyadoo noqotay hooyadii nabada iyo iftiinkii
soomaaliya,maantana ay tahay kuwa ugu horreeya ama lahiigsanayo.
Waxay ku heshay nabada puntland sidtan. hogaanka puntland oo heegan
ugu jira har iyo habeen magaca iyo jiritanka puntland inay ilaaliyaan.
Hadaan wax yar oo tusaale ah soo qaato anigoo yar waxaan maqlijiray
boowe bari laga raysay oo waxaa lahelay biriis caano leh iyo baasto
suugeleh. Hadana waxaan maqlaa boowe bari looraysay waxaa lahelay
nabad iyo bash bash, sidoo kale waxaan arki
jiray kuwo leh gaalkacyo waa meel ay joogaan dad waalan oo ku dilaya.Hadaba
dadkii saaslahaa oo joogay xamar intay soo fariistaan baararka galabtii
wax ka sheegijiray goboladan, wuxuu ilaahay qadaray in maanta ay
noqdaan meesha soomaliya ugu nabad iyo horomar
badan. Hadaba md.madaxweene ugu dambayntii anigu kuguma taageersani
runtii qabiil sababtoo ah hadaan qabiil kugu taageero beritana midkale
baan qabiil ku taageeraya. Waxaan kugu taageersanahay oo ugu wayn
mooqifkaad aaminsantahay oo ah muqadisnimada ama jiritaanka puntland
sida aad ugu adagtahay, iyadoo cadahay cadowga puntland ay rabaan
inay geeyaan suuqa
xaraasha jiritaanka puntland oo ay beeciyaan sida xoolaha, cadowga
iibinaya waa kuwo ka dhashay puntland. kuwa aan ka dhalan markay
wax qaadiwaayeen ayay ku fakareen inay adeegsadan kuwa u dhashay.
Md.madaxweene markaan dib u fiiriyay waxa lagu hayo hogaanka puntland
iyo dadweenaha oo cadowgu meelkasta lataaganyahay, ayagoo isku qarinaya
boor oo leh madaxweenuhu waa xukun jecelyahay oo umadu isku diraya
marabo inuu wax u qabto puntland. Laakiin uma muuqato inay dadweenaha
puntland ay kala yaqaanaan maalinta iyo habeenka midakale uma muuqato
in uu hogaanku
haysto wax cad oo ah nabada iyo horomarka uu sameeyay . Midda kale
may oga in uu dadweenuhu arko labada jid oo kala ah.
1-hogaanka puntland oo leh waxaan diidanahay in jiritaanka puntlan
ay hoostagto dhurwaagii cunayay shalay.
2-cadowguna wuxuu raba inuu yiraahdo war waxaan xaraashaya puntland.
Hadaba md.madaxweene gababdii waxaan ku leeyahay sidaad u dhoorisid
muqadisnimada puntland inaad ka daalin har iyo habeen, anigoo og
kuwo badan oo reer puntland ah ay lataagan yihiin ama meelaha wax
kusoo qora aflagaadada maamulka iyo hogaankiisa, sidoo kale waxay
aflagaadeeyan ciidamada puntland oo looyaqaan daraawiishta, laakiin
anigu ugu daray magac kale oo ah
ka hortaga dadka bahaloobay,hadaba cadowga jabkiisu waa adigoo ka
daalin waardiyaha aad ka haysid muqadinimada puntland.
Anigoo arkay inaad u leedahay karti aad ubabac dhigi kartit dhurwaaga
soo qaylinaya,midakale waxaa ii cadaaday inaad ku jirtid waqtigii
uu ku jiray sayidka waqtigaas isagoo ladagaalamaya gaalada oo difaacaya
jiritaanka soomalida ayay kuwo soomaaliya ka
darnaadeen gaaladii, markaa waxaa iskugu darmaday laba cadow oo
kala ah gaalo iyo qaar ah dadkuu ka dhashay hadaba markaasuu gabyay.Gabaygaas
oo maantana adiga ku khuseeya wuxuuna yiri.
(AABOW WAXAAN AHAY NIN GOB AH OO GUNI RIFAYSAAYE)
Sababtoo ah wuxuu ka dagaalamayay in gaalo lahoos tago adigun waxaad
ka dagaalamaysaa in puntland ay hoos tagto markale dhurwaagii.....
NIN LAGU SEEXDOW HA SEEXAN SOO JEED WALIGAA....
QORE.G.Y abdiasis khaliif
e.mail.abdiasisjama@yahoo.com
Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not
necessarily those of Mudugonline
|
Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Mudugonline.
|
|