MUNAASABADLE ,Sabti,
22 Maarso, 2003 ,Kismaayo, waxaa soo saara
Waamo Information Center- Cali Saciid Maxed
, Tel :254722723344.Email :assiyaasa_newspaper@yahoo.com
Wararka
Assiyaasiya ee Toddobaadkan waxaa ka
mida:
|
ŽToddobaadkan
& waxa ku soo kordhay Shir dib u heshiisiinta Soomaalida
ŽMushkilad
soo food saartay nabaddoonnadii TNG-da
ŽHAL
Xiraalaha Toddobaadkan
ŽToddobaadkan
iyo khudbadii Shir Guddoonka Mudane
Kipligaat.
ŽCasharka
toddobaadka:Maxay Dagaaladii hore ee
Somalidu ka bilaaban jireeb
ŽXeerka
iyo Xeer beegtida
ŽGo'aan
ay soo saareen Reer Xaaji Suleymaan
|
Toddobaadkan
& waxa ku soo kordhay Shir dib u heshiisiinta
Soomaalida
Guulo
waaweyn ayuu gaaray shirka dib u heshiisiinta
Soomaalida ee ka socda magaalada Nairobi ka
dib markey fashilantay isku daygii ergada
Group8 iyo TNG-da ay ku doonayeen iney Muqdisho
ay dib ugu laabtaan , waxay ku baraarugeen
in Mujtamaca caalamka ay ka go’an tahay in
Soomaaliya dowlad loo dhisayo , fulinta iyo
socodsiinta dowladdaasina uu mujtamaca caalamka
dhabarka u dhiganayo , taasoo macnaheeda yahay
in la qabanayo Koonfur Soomaaliya si hubka
looga dhigo malleeshiyda hubeysan , dalkana
lagu soo celinayo ammarka iyo kala dambeynta
, taasoo aheyd arintii ka maqneyd socodsiinta
mirihii shirarkii hore ee dib u heshiisiinta
, waxey kaloo ku baraarugeen in ciddii diida
la horkeenayo maxkamadda dambiyada dagaal
si loogu qaado xukunkii xasuuqyadii ay geysteen
, lana dhacayo hantideeda , waxaa mar qura
la arkay iyagoo is diiwaangelinaya ka dib
markey horseedayaasha ergada TNG oo kala ah
mudanayaasha Xasan Abshir faarax iyo Cabdalla
Deerow ay yimaadeen xarunta KCCT, ka dib markey
ka soo laabteen dalka Imaaraadka Carabta,
iyagoo horkacaya ergada TNG-da .
Waxey
arintani niyad jab ay ku riday hoggaamiyihii
kooxdii ka shaqeynaysay burburka shirka oo
ugu dambeyn lafihiisa la cararay isla toddobaadkan
, waxey kaloo niyad jab ay ku noqotay C/ Qaasim
Saalad Xasan oo isagu rabay iney ergada TNG-da
soo laabato , si markaa uu u yiraahdo baarlamaanka
ayaa fariistay oo u cusbooneysiiyey
dowladdeyda iney sii shaqeyso muddo 3 sano
oo kale .
Hadda
waddada keliya ee furan uuna ku dhaqaaqay
waxey noqotay tollo’ay Soomaaliya waa la qabsanayaa
ee isu kaaya keena aynu shir ku qabsanee gudaha
dalka , dhowr casho ayey socotay teendho
laga dhisay 21 0ktoobar taasoo isaga
iyo ururrada argagixisada (Al-islaax iyo Al-
Itixaad ) ay ugu talo galeen iney halkaasi
ku qabtaan shir hadafkiisu yahay in lagu fashaliyo
shirka hadda ka socda dalka kiinya
Waxaa hordhac looga dhigay shir
uu ururka Argagixisada Al-Islaax uu ku qabtay
magaalada Muqdisho oo ay ku magacaabeen shir
looga tashanayo wax la yeelayo hadduu fashalmo
shirka Nairoi, waxeyna ku magacaabeen mac-hadka
istiraatiijiyada Muqdisho ka soo ah
halka xummaanta iyo falalka argagixisnimo
ay ku qorsheeyaan , iyaga hadafkooda waxa
weeye : (1) iyagoo ka baqaya in dalkooda
hooyo (Itoobiya ) loo tarxiilo , haddii ay
dhalato dowlad Soomaaliyeed oo argagixisada
la dagaallanta. (2) in foowdo lagu noolaado
si ay dalalka carabta ay sadaqo joogto uga
soo qaataan magaca maatada ku tabaallowday
dagaallada sokeeye.Waxaa kaloo toddobaadkan
billowday muxaadarooyin iyo riwaayado loogu
talo galay dhiiri gelinta geeddi socodka nabadda
Soomaaliya
Mushkilad
soo food saartay nabaddoonnadii TNG-da
Xubnihii TNG-da ee
u ololeeynayey nabadda ka dib makii ay
ku gacmo sayreen qeybo TNG-da ka tirsan ka
qeyb galka shirka oo ay heshiis la galeen
G8 , nabaddoonnada TNG-da shir
jaraa’id oo ay ku qabteen Nairobi waxey ku
sheegeen in TNG-da ay tahay dowlad dib
u heshiisiin oo ay ka qeyb galayaan meel kasta
oo dib u heshiisiin looga hadlayo , ma aha
arin aan la aqbali karno iney TNG ay heshiis
la gasho kooxo samo diid ah (G8), markey mowqifkaasi
ay qaateen waxaa loo ogolaaday in degaan laga
siiyo xarunta Mbgathi ( KCCT ), nasiib xumo
ayaase ku timi maalmo ka dib markuu Mudane
Xasan Abshir yimi isagoo wata intii ka hartay
ergada TNG-da oo uu la kulmay mudane Kiplagat
oo ah shir guddoonka oo uu u sheegay
iney ergadiisa diyaar u tahay in shirka ku
soo laabtaan , laakiin ay shardi tahay in
laga saaro shirka kooxda ka fallaagoowday
TNG-da isagoo ku waafaqay Mudane Max’ed
Cabdi Yusuf oo hore u qoray ineyan matali
karin kooxdaasi TNG-da , arintani Mudane Kipligaad
wuu ka aqbalay sida ay u sheegeen Assiyaasa
News papers Mudanayaasha kala ah c/qaadir
xaaji Max’ed (Lugo-dheere ) iyo Maxamuud Maxamed
Shiil, waxey kaloo intaa raaciyeen inuu mudane
kipligaat uu u sheegay iney iska sugaan
inta uu ka billaabanayo wejiga 3aad ee shirka,
waxey kaloo sheegeen in arinta ku dhacday
ayan sabab u noqoneyn iney ka laabtaan nabaddoonnimadooda
.
HAL Xiraalaha
Toddobaadkan
Weli xerada
KCCT ee Mbagathi ka socda dadaal shirka dib
u heshiisiinta lagu fashalinayo, waxaa
dadaalkaasi nin xerada caan ku ah inuu
adeegsado lacag la siiyo qeyb ergada ka mid,
si ay shirka uga baxaan, subax kastaa
wuxuu ka soo kallahaa Nairobi makuu gabaldhico-na
wuxuu u hoydaa Nairobi, markey ergada
badankeeda ay ogaatay wuu baqay, laakiin Muqdisho
ayaa canaan kulul ay uga timi ayadoo lagu
yiri kiinya waa lacag ee wad howshii laguu
xilsaaray, haddii aad aragto cid ku qabsata
lacag adeegso, annagana na soo weydii
wixii aad u baahan tahay, wuxuu ku guuleystay
hal qof oo ka tirsan cuqaasha inuu ka saaro
shirka una direy Muqdisho toddobadkan, waa
kuma ninkaasi ?
Toddobaadkan
iyo khudbadii Shir Guddoonka Mudane Kipligaat.
Assiyaasa, KCCT,
Nairobi,Talaado,18/3/03
Haddii aad booqato
qoys Soomaali ah wey ku soo dhoweynayaan iyagoo
kuu keena cunno iyo biyo, iyagoo aan ku weydiin
inaad ooman tahay iyo inaad gaajeysan tahay?,
qoloda aad tahay?, meesha aad ka timi?, inta
aad joogeyso? iyo meesha aad ku socoto ?,
waxey kaloo kuu diyaarinayaan meel aad seexato
iyagoo aan ku weydiin inaan seexaneyso iyo
in kale?, laakiin waxaa jira hal shey oo lumay
( Nabad ), ma laga yaabaa inaad deeqsi ku
noqotaan sida arrimihii aan ka soo hadlay
aad deeqsiga ugu aheydeen oo kale .
Waxaad arkeysaa
xubnaha hal qoys oo Soomaali ah oo ku
kala nool Itoobiya , Kiinya iyo Jabuuti ,
waxeynu nahay hal qowmiyad , waxaa jira dad
badan oo burburiyey bariijyada oo aynu
noqono kuwo isku wada mid ah oo markaa
Geeska Afrika ay ka dhalato Dowlad,
qof kasta oo inaga mid ah waa inuu ka qeyb
qaataa .
Isniinta
ee toddobaadka soo socda waxaan dhammeystireynaa
qoraalladii 6da guddi ee farsamada, waa shaqo
muhiim ah, guddiyadaasi waa iney shaqeeyaan
habeen iyo maalin inta laga gaarayo xilliga
kama dambeynta oo ah Isniinta soo socota,
saxid iyo is waafajin marka ay guddiga
farsamadda IGAD ay sameeyaan ayagoo la tashanaya
Hoggaamiye kooxeedyada Soomaalida, ka dib
waxaan soo hordhigeynaa dhammaan egrada Soomaalida
ayadoo la qaban doono xaflad tan la mid ah
.
Ayadoo la raacayo
tacliimaadka IGAD ina siisay waa inaan dhisnaa
dowlad ku meel gaar ah, in muddo ah ayaan
la tashi wadnay, waa inaan fiiro gaar
u yeelanaa innagoo adeegsaneyna deganaansho
kana taxaddareyna wixii carqalad keeni kara
.
Dhammaan
qoraaladii shirarkii hore ee dib u heshiisiinta
iyo wixii ay ku fashalmeen dhammaan
isku mid ayey noqdeen , waxaa dhacda iney
dawlad idin qabato shir dib u heshiisiin
oo ay idin dejiso hoteello waaweyn , waxaa
dhaceysay in la isu keeno dad aan waxba qaban
karin ayadoo isla markaa laga soo tago dad
muhiim u ah nabadda, muddo yar dabadeed waxaa
dhaceysa in dowladdii marti gelisay ay tiraahdo
wakhtiga iyo dhaqaalaha waa gabaabsi , lagu
kala tegimaayo ayadoo aan wax la dhisin ,
markaa hoggaamiyeyaasha shirkaa isugu yimi
talo ayey isugu laabaanyaan iyagoo oranaya
“waan heshiinay waxaan diyaar u nahay inaan
wax dhisno “ dabadeed qoraal ayey u diraan
madaxweynaha dalka lagu shirayo : waxaan saxiixeynaa
inaan heshiinay , dowlad ayaan dhiseynaa
,markaa qalinkii ay heshiiska ku saxiixi lahaayeen
waxaa u soo iibinaya wasiirka arimaha dibadda,
saxaafadda caalamka hortood ayey ku saxiixayaan,
BBC-da habeenkaasi aad ayey mashquul
u tahay waayo war muhiim ayey heysaa, markey
dalka Soomaaliya ay dib ugu laabtaan qof kastaa
meesha ay u joogtay ayuu ka sii wadaa howshii
uu heyn jirey.
Haddii dadaaladii
hore ee nabad raadinta ayey hogag badan ku
dhaceen, markaa waxaan is weydiineynaa halka
ay ku yaallaan hogaggaasi, si aan uga leexanno
oo aynaan mar kale ku dhicin, fannaaniintii
Soomaalida ee heysayay hadda waxey sheegeen
iney Soomaalida ay bukto oo ay dhakhtar u
baahan tahay, waxaan leeyahay dhakhtarka dawada
Soomaalida hayaa Soomaalida ayuu ku dhex jiraa
.
Ma aha inaan
ka shaqeyno wax shakhsi, ama qabiil ama jifi
hoose u dan ah, waa inaan dhisnaa
arin qaran oo loo dhan yahay, 27kii Oktoobar
waxaad saxiixdeen xabad joojin dowladda Kiinya
iyo caalamka wey ku farxeen, saxaafadda
caalamkana wey sheegtay , ma dhaqan gashay
mise maya? maxaad sameeyseen? waad jebiseen
.
Haddii qoraal fudud
oo noocaas ah aad si fudud ugu xad gudubteen
wey igu adag tahay inaan madaxdeyda iyo caalamka
u sheego iney hergelayaan wax kasta oo la
saxiixo, waxaan sameeynay guddi indha-indheeya
dhaqan galka xabbad joojintii
aad saxiixdeen, waxaa madax u ah Mijir Jeneraal
Mosombo oo hadda inala fadhiya waxaan
halkaan ugu yeernay madaxdii Soomaalida ee
maqnaa, qof ka mid ah guddiga fulinta IGAD
ayaan u dirnay xarinta UN-ta New York, si
madaxda halkaasi uu kula kulmayo ugu sheego
meesha wax marayaan.
Casharka Toddobaadka
MAXEY DAGAALADII SOOMAALIDII
HORE AY KA BILAABAN JIREEN:
Sida
la og yahay Soomalidu weligeed dagaal u joogayey
ahayd, haddaba su’aasha waxay tahay maxay
dagaalladu ka bilaaban jireen? Sida runta
ah dagaalladii dhexmari jirey Soomalidii hore
waxay ka bilaaban jireen toddobo (7) arrimood
oo nolosha Soomalidu ku dhisnayd midkooda:
(1-2
) Geel iyo Caws , (3-4 ) Geel iyo Gabar ,
( 5-6 ) Godob iyo Gardiid (7) Qab& kibir
Toddobadaa
markaan mid kasta gaarkiisa u faahfaahinno
waa sidatan:
Geel:-Dhulka
Soomaalidu wuxuu u badnaa oomane aan biyo
laheyn. Ceelal biyo yarood ah iyo balli biyo
xareed ay ku jiraan baa jiilaalkii dadka
iyo duunyadu isugu iman jireen, nin walba
wuxuu doonayaa kuna dadaalayaa in aan biyaha
laga badsan oo xoolihiisu cabbaan, taas oo
kale ayey dagaalladu ka bilaaban jireen.
Caws:-Soomaalida
badankeedu waxey aheyd xoolo dhaqato daaqsato
ah gobal kasta iyo aaggiisa waxaa degi jirey
qabiil xoolihiisuu daaqaan oo aan oggolayn
in qabiil kale xoolihiisu soo galaan, had
iyo jeer daaqa gobolkooda waa ka ceshan
Jireen , taas oo kalana dagaalladu waa ka
bilaaban jireen.
Geel:-Geelu
xoolaha Soomaalidu dhaqato waa meesiga uga
sarreeya Ninkasta oo Soomaali ah wuxuu maanka
iyo maskaxda ku hayey Inuu geel dhaqdo :baryo,
booli iyo buubsi mid kasta ha ku halee Sida
aawadeed Soomalidu geela waa kala dhici jirtey
taana dagaalku waa ka bilaaban jireen .
Gabar:-sida
suugaantu ka mara kaceyso gabdhaha ama guud
ahaan haweenka dhaqmaadka ahi qiimo weyn bay
lahaayeen waana la kale dhici jirey
laysku dili jirey naag nin laga dhacay ama
gabar wiil dharbaaxay ama garaarka laga gooyey
baa labo qabiil isugu dhammaan jireen, tusaale
aan u soo qaadanno labo tuduc ee gabay ah:
-Geela waa la kala xoogsadaa xubin rag weeyane!
Waxaa xiniinyo go’ay naag ninkii laga xoreeyaaye!
Taana dagaalladu waa ka bilaaban jireen.
Godob:-
qadaf iyo qoon dhaqan iyo dhiig, mid kasta
ha ahaatee-
godob-taasi iyo gabood-fal qof ama qabiil
loo geystey xeerkii lagu garrami ama lagu
kala bixi jireyna la mari- waayey, taasoo
kalana dagaalladu waa ka bilaaban jireen.
Gardiid:-
Labo qof ama labo qabiil oo eedi dhexmartay
oo qoladiieedda sheeganaysey loo gaardiiday
ama fan iyo hanjabaad loogu jawaabey, taas
oo kalena dagaalladu waa ka bilaaban jireen.
Qab
iyo kibir:- Dabeecadda iyo hab dhaqanka
qabaa’ilka Soomaalida waxaa ku abuuran qab,
isla weyni , faan iyo isu tookh , anaa kaa
tol roon, annagaa idinka taag roon, nama nataqaanaan
iwm baa dagaalladu ka bilaaban jireen, Boqollaal
rag ahina ku dhammaan jireen, reerana ku Rogman
jireen.
Toddobada
arrimood oo dagaallada Soomalidu ka bilaaban
jireen waxaa marag uga dhigaynaa tixahan geeraarka
ah oo uu tiriyey abbaanduule caan ahaa oo
qarnigii 20aad bilowgiisii, Abbaanduulahaasi
wuxuu ku noolaa hawd galbeed ee gobolka “Sool”
wuxuu yiri:
Meel
ay good ololeyso!
Gaabanoow
gumicii iyo!
Gariireyso
rasaastu!
Ragga
haadku gigaayo!
Gool-xaalow
jabayeey iyo!
Gadaayuuska
baxaaya!
Gaashi
laysku lahaa iyo!
Gabar
layska dharbaaxiyo!
Gaban
layska uleeyiyo!
Godob
laysaga dhaartay!
Annagaa
gob ahaynoo!
Nama
gaari kartaan!
Guul
darraa xigi doonta!
Cajab
baa ka horreeyey
XEERKA
IYO XEER BEEGTIDA-
Iyadoo
guud ahaan dalka Soomaaliya shareecada Islaamka
lagaga dhaqmi jirey haddana waxaa jirey xeer
ama nidaam (qaanuun) aan qornayn oo qabaa’ilka
Soomaalidii hore ay dhaqmi jireen, odayaasha,
iyo guurtida ah iyo xeer beegtidu maskaxda
ku hayeen oo facba faca ka horreeya ka dhaxli
jirey. Sida badan xeerkaasi kama duwanayn
qaanuunnada qoran ee lagu dhaqmo, qofka kasta
oo bulshada ka mid ahaa xeerkaasi waa u hoggaansami
jirey.
Xeerkaasi wuxuu u qaybsanaa
sidatan:
a)
XEER MIYI :- oo reer guuraaga iyo waxa
la xiriiraa ku dhaqmi jireen .
b)
XEER MAGAALO :- oo dadka reer magaalka
maguurtada ahi iyo waxa la xiriiraa ku dhaqmi
jireen.
c)
XEERKA BEERALAY:- oo dadka beeraleyda
ah iyo wixii la xiriira ay ku dhaqmi jireen
.
XEER-BEEGTI
: - Waxaa la oran jirey guurti aqoon dheer
u leh xeerka iyo sida garta loogu qaybiyo
ama loogu dhaqmo, xeer miya, xeer magaalo
iyo xeer beeralay mid kasta ha ahaadee.Gobol
kasta iyo qabiil kasta waxaa ka jirey xeer-beegti
garsoorka iyo xeerka qodobbadiisa aqoon dheer
u leh.
XEER
COLAADEED :-Xeerka colaaddu waxaa fara
badan yahay wuxuuna u kala baxaa xeerar ku
saabsan labada col ee isku dhanka ah dhexdooda,
iyo xeerar ku saabsan labada col ee iska soo
horjeeda dhexdooda, waxay kaloo xeerarkaasi
u kala bixi jireen, xeerar joogto ah oo guud
ahaan ah, sida caruurta, haweenk, waayeelka
iyo culimada in aan la dilin marka colka cidaha
weeraro, iyo xeer la dejisto marka duullaanku
baxaayo sida waxa laga yeelayo ninka dagaalka
lagu qabto iyo ninka isagoo dhaawac ah la
qabto iyo ninka dagaalka dhexdiisa is dhiiba
iwm .
Go'aan ay
soo saareen Reer Xaaji Suleymaan
Assiyaasa, Cadaado, 20/03/03,
Max’uud Siyaad Shirwac
Nabadoonnada
Jufooyinka Beesha Reer Xaaji Suleymaan ee
Deegaanka Cadaado ayaa ansixiyey in heshiiskii
9-kii Bishan ay Degmada Cadaaado ku gaareen
odayaasha dhaqanka ee deegaankaasi. Nabaddoonnada
oo gaarayay 13 nabddoon, ayna wehliyaan Suldaanka
iyo Ugaaska Beesha ayaa isku raacay in la
adkeeyo go'aannadii odayaashu dhaqanka gaareen
9-kii bishan Maarso, iyagoo dhinaca kalena
isku raacay in Maamulkii Deegaanka Cadaado
ee horey u jiray uuna Guddoomiye u ahaa Mudane
Maxamed Maxamuud Siyaas (Suuleey) uu sii shaqeeyo
ilaa odayaasha dhaqanka ay ka qabanayaan shir-weyne
dib loogu dooranayo Maamul cusub ama kuwa
jira loo cusbooneysiinayo, waxayna kala yihiin
Nabaddoonnadaasi:-
Suldaan
C/llaahi Suldaan Axmed Nuur, Ugaas Daahir
Ugaas Faarax, Cali Xaashi Afrax Geeddi (Gar-guduud),
Axmed Shuuriye Cilmi (Koofurow), Axmed Jaamac
Geeddi, Yuusuf Cabdi Qeyliye, Axmed-barre
Faarax Caddaawe, Cali Geeddi Cabdi, Maxamed-yare
Xasan Guutaale, C/llaahi Kediye Xasan, Cabdi
Sh. Cali Guuleed (Cabdi Gurey), Axmed Maxamed
Daa'uud iyo Maxamuud Max'ed Gurey.
©Assiyaasa Newspaper
Mudugonline.com