Qoraalada Maanta ee
akhristayaasha waxaa ka mida:
|
ÞDarawallo
Dawlad ma dhisi karaan???
ÞJawaab
ka bixin Qoraalkii uu qoray Kornayl (maxamuud Caynab)
ÞMarin
habaabinta Madarkicis iyo maseeyrka Hawiye ee loo |
Darawallo Dawlad ma dhisi
karaan???
Marka aan u fiirsadu arimahan Somaalida waxaa ugu dhaca xanoon
iyo calool-xumo. Xanuun kaasi ,waxuu igu sii kordha marka aan
maqlo,waxaa la qabanayaa SHIR dib-u-heshiissin oo looga golleeyahay
labadan arimood ee muhimka ah:
1-in laguu suu af-jaro dagaallada macna la’aanta ah ee ka socda
waddanka muddada ka badan12 sano.
2-in lagu dhiso DAWLAD-qaran oo loo dhanyahay.
Labadan arimood baa saldhig u ah si loo xalliyo dhibaatada Soomaalida.Waxyaalaha
kale oo dhane waxaa wax laga qaban karan markii la xaqiijiyo labadaa
qodob ee saldhiga ah.
Hadaba yaa looga yeeraa shirarkaa?
Jawaabtu waa madaxda kooxaha iyo maamullada iyo wixii kale ee
la is-yiraaho wax bay ku kurdhin karaan si loo gaaro labadaa qodob.
Waxaan eega ragga lagu sheegayo madax-kooxeedyada,isla markaasba
waxaan, yaqiinsadaa in ay Somali wali mugdi gudayso,oo ay ku jirto
tiihii am dayawgii Eebe ku ciqaabay reer Banii Israa’iil muddu
afartan sano ah. Ma Muuqato marka ay Somaalidu ka baxayso dayawgaas.
Taas saa marwalba igu kurdhisa xanoonka aan ka qaadu xaaladda
raja la’aanta ah ee ay sugan tahay Somaalido iyo shirarkeeda dib-u-heshiinayd.
Hadad u kuur gasho madaxda shirka Eldooret uga qayb-gelaysa Beelaha
HAWIYE badankood,oo sheeganayaa in ay yihiin madax-kooxeedyo iyo
hoggaamiyaal siyaasadeed oo beelahooda wakiil ka ah
Waxaad markiiba xaqiiqsanhaysa in aan waxaa afka laga sheegayo
,aan daacad laga ahayn.
Qof hadduu buko waxaa loo raadiyaa dhakhtar,laakiin haddii loo
geeyo nin Najaar ah, buktadii way ku sii kurdhi, balse waxayba
u dhowdahay in Najaarku miishaartiisa uu ku jaro xubnihii fayoobaa
qaarkood isaga oo isle wuu ku boggsan .Somaalidu manta waa nin
buka oo jiran oo daawadiiso tahay nadad iyo dawladd.
Waxaad u fiirsataa madax kooxeedyada Hawiye badankood waa niman
Xirfadooda tahay dirawallo. oma jeedo dirawallnimado ay tahay
meherad xun-xaashaa-ee waxaan uga jeedaa, ma yahay ninka ku habboon
daawaynta cudurka hayaa MAXAMED SOOMAALI.
Dadku wuu is-yaqaanaa Somaaliduna waa dad yar xagga tirada iyo
degaankaba.Mitaal ahaan Mudanayaasha kala ah Suudi Yalaxaw, Cismaan
Caato iyo Qan.yare Afrax waa madax kooxeedyo,xirfaddo iyo aqoontooduna
waa dirawalnimo.
Waxaa laga sheegay nin ay balo soo martay “waxaan hayaa shanta
dhaban”.Ninkaas ma lahayn shan dhaban, ee wxaa ka batay yaabkii.
waxaan ka wadaa sida lawada ogsoonyahay kooxaha waddanka ka jiraa
midwalba waxay salka ku haysa qabiil ama Jilib ka tirsan ,hadaba
nimankaan odayaasha ah ee aan mitaalka u soo qaatay midwalba reer
buu ka dhashay,reerkaasuuna wakiil uga yahay shirka.Reeraha madaxdaani
ka wakiilka yihiin.waxaa ka buuxa dad aan tiro lagu soo koobi
Karin oo aqoonyanna ah oo proffassro ah ,oo takhasus kasta leh.Haddaba
sidee baa beelahaan ugu soo dirayaan niman aan cudurkii Maxmed
Soomaali hayay aan waba ka garanhayn,waxna ka qaban karayn?Waxay
ku jawaabi kara Beelahaasi nimanka maanaan dooran ee iyaka is-doortay
oo waa qabqablayaal-dgaal,waana arin meela badan ka jirta oo aan
gaar noo ahayn.
Laakiin haddaan si wanaagsan u dhuuxno xaalka,waxaa markiiba
kuu muuqanaya sida arimaha laysugu qaldayo.Si aan u qeexno arinta
waa in kala caddaynaa laba arimood oo ah:
1-Qabqable-dagaal waan aqoon leh oo inta badan ahaan jiray Sarkaal
ciidan, khibrad u leh dagaalka ,noocyada. hubka iyo hab-dawladeedka.
Waan nin yaqaan maamulka Guud ee dawladeed,waa nin yaqaan wadaankiisa
jograafi ahaan iyo dad ahaanba.Waa nin la socoda adduunka guud
ahaan.Laakiin waxaas aqoonta ah wuxuu uga faa’iidaysta danahiisa
gaarka ah.waqtiga burbur ku dhaco waddan.
2- Nina an aqoon ciidan iyo mid madani ah midkoodna lahayn oo
meel lagu kala haaday wax iska abaabusha marka uu goobta ka waayo
wax isag dhaama xagga aqoonta,markaasuu qabsadaa goob kooban.Ninka
noocaas ah waxaa lagu magacaabaa Kapo Mooryaan ama madax jiri.Niikaani
wuxuu goobtaa kooban, ka amar-ku-taagleeya inta ay ka imaan hayaan
qabaqblayaasha qaaqkood, Laakiin madax Mooryaan ama jiri marna
u ma dallici karo qabqable dagaal,Madax kooxeedna warkeeda haba
soo qaadin.
Haddaba nimanka shirarka dib-u-heshiisiinta beelaha aan soo sheegnay
magacooda ku tegaya, lagu ma tilmaami kara qabqable-dagaal iyo
madax kooxeed midna, ee waxay gelayaan qaybta labaad een kur ku
soo sheegnay.
Beelaha Hawiye hadday ka daacad ka tahay NABAD iyo DAWLADD in
la raadiyo waa in ay aqoonyanadooda ka soo saaraan hooska ay ku
leexiyeen, oo ay shirarka u soo diraan iyaga oo ah Madax-kooxeedyo,
wakiilna ka ah beelahoodii. Haddii uu Kappo Mooryaan soo kaxaysto
aqoonyahanno isaga karaniyaal u ah, taase waba ka bedeli mayso
nuxurka arinta, saa karrani wixii qor la yiraaho ayuun buu qorayaa
eh.
Haddaba inta dirawalladu u yihiin hoggaamiye kooxeedyo beelaha
Hawiye badankooda, ha ka sugin natiijo wax ku ool ah shirarka
dib-u-heshiisiinta ee la qabanayo. Saa waa awr caloosha laga rarayo
eh
1960kii dastuurkii la dejiyay wuxuu qorayay in aan Barlamaanka
uusan isu rashixi karin qof aan haysan shahaadada dugsiga dhexe,waagaas
aqoonto way ku yarayd Somaalida,Maanta afartan sano kaddib miyayno
garan-waynay intaas.Waliba waxaan idin xusuusinhayaa, in Madax
kooxeedku uu ka muhimsanyahay maanta hal iyo labo iyo toban dibitaati
oo waagaa ahayd,Sababta oo ah waxaa jiray dawladd dhisan oo nabad
ah ,oo xubnaheedii oo dhani si caadi ah u gudanhayaan hawshooda,Waxaa
ka adag dawladd burburtay di u soo dhiskeeda iyo Dal colaadi aafaysay
nabadantiisa.
Waxaan ku soo gabagabaynhayaa waa in ay beelaha Hawiye u soo
diraan shirarka dib-u-heshiinta oo uu ugu horeeyo kan Eldoret
aqonyahannadooda amase ay ka daayaan dadka SHEEKA BARALAYDA.
WAA DR. ABDI XASAN ABDI.
Jawaab ka bixin Qoraalkii
uu qoray Kornayl ( maxamuud Caynab)
Afhayeenka beesha Cumar maxamuud ee magaalada Manchester/Uk
(Xuseen Maxad Xuubsireed)
Hadaanu nahay beesha Cumar maxamuud iyo beelaha ku abtirsada
Puntlland waanu wada aragnay qoraalka Kornayl Caynab ee ku Qoran
puntllandpost, waxaana filayaa in ay san wax aan hoos u dhac iyo
kala fogaansho ahayn ayna kordhinayn, Maxamuud caynab waa nin
aad qaali u ah oo aad iyo aad u ma'da adag ahna raga lagu tirinayo
in ay yihiin wax garadka beesha waxaan filayaa nabada iyo wada
hadalku in ay ka wanaagsan tahay gacan ka hadalka, iyadoo ay furantahay
in inta la'is hor fariisto wixii dhiba ee la kala tirsanayo gogol
lagu dhamaysto in laga door bido abaabul dagaal oo dadka kala
fogaynaya oo waliba labada dhinacba ay ku dhimanayaan dad wada
dhashay waa arin aad u fool xun.
Shakhsi baan mucaaradayaa oo maamulka dartii ayaan u bur burinaynaa
oo dantii caamka ahayd ee puntlland anigu waan iloobayaa anigu
ma'qabo in ay tahay aragti wanaagsan waxaan filayaa in Maxamuud
caynab intaa ka aragti fogyahay maxaa yeelay Puntlland cadowga
ay ku leedahay banaanka ayaa ka xun wax yaabaha ay kala tirsanayaan
dadkaa wada dhashay, waanu wada ogsoonahay Soomaaliland waxa ay
ka aaminsantahay ama la doonayso Puntlland , waanu wada ogsoonahay
Muqdisho waxa ay ka aaminsantahay Puntlland iyo waxa ay la doonaysaba.
marka nin waliba oo wadani ah ama danta caamka ah fiirinaya
wuxuu ka hormarinayaa tiisa shakhsiga ah oo dib buu u dhiganayaa
tiisa shakhsiga ah ama siyaabo kale oo aan wax u dhimayn danta
caamka ah ayuu ku xalinayaa arinta Puntlland gudaheeda ah waa
wax la xalin karo wada hadalna lagu dhaamayn karo Generaal Cade
muuse iyo Kornayl Maxamuud Caynab iyo Ciidamada banaanka jooga
kuligood waxaa u baahan xoraynta Kismaayo oo ah danta Caamka ah
ee Puntlland, gudaha puntlland dad wada dhashay ayaa ku nool wax
dhibana ka ma jirto laba nin oo walaalo aha ama dad meel isugu
yimid wax waa dhex mari karaan siyaasadna waa la isku khilaafi
karaa, laakiin waxaan filayaa C/qaasin in lawada ogsoonyahay in
uu yahay ninka haysta maanta Kismaayo ama Mareexaan ha Noqdeen
ama Ha sheegteen dooxada Juba waxaa maamula oo ciidan iyo dhaqaalaba
maamula oo ay hoostagaan waa C/qaasim oo ka qirtay idaacada BBC
da , In laga taliyo dadnta Caamka ah tan dadka wada dhashay ay
kala tirsanayaana lagu dhameeyo is afgarad ayaan ku la talin,
shakhsi nacayb waa tan Xasan abshir Gaysay Xamar oo ka saartay
dadkiisii uu ka dhashay tolkii uu ka soo jeedo iyo maamulkii uu
wax ka aasaasayba, marka ( Caqligu ha taliyo Caadifadna ha laga
fogaado ayaan ku soo gunaanadayaa).
E-mail : mohamoud_hussein@yahoo.co.uk
Telephone :0044 / 7985525950
Afhayeenka Beesha Cumar maxamuud ee Magaalada Manchester/Uk
Xuseen Maxamed Xuubsireed
Waxaa la yaab leh sida jogtada ah ee qowmiyada hawiiye ogu tafaxeyteen
dacyadeenta iyo beanaabuurka shacab weynaha puntland oo la og yahay
dhibkii ay oogu geeysatay rer puntland, muqdisho waxa kaloo layaab
leeh sida
daciifnimada leeh ee laga dhaadhiciyey fikirtka ah in lasameysto
websayd magicisu yahay puntland oo loo adeegsado in la isku diro
bahweenta ku canbaxday nabada, aqoonta, maamulka, iyo alle kacabsiga,
intaa kuma ekeyn marin habaabinta madarkiciska ee ku adaneeyd mowqifka
inlabadiyo websadyada lagumagacabo puntland si loo dadajiyo burburka
iyo isku dirka jamhuriyada islamka ah ee puntland waxaa durbadiiba
laga dhaadhiciyay in C.yusuf
carqalad ku yahay jiritaanka Hawiye marnabana uusan ralli ka noqaneeyn
dan hawiye isla markaana Itoopiyaanku rabaan in uu asaga hogaamiyo
waddanka, waa uu ka daadagay fikirkaas nimankii isku shegayaa ineyyihiin
aqoonyahanadii
hawiye waxaana durbadiiba loo ololeeyay in lafuro puntlandstate,,,,puntlandnews,,si
lagoogula dagaalamo. waxaana ka qaatay qeyb libaax, waxmagarato
sheganaya ineyiihin dad u dhashay puntland waxayna taas soo nooleeysay
rajadii beesha Madarkicis .
Waxyabaha la yaabka leh ee uu bahan in lays weeydiiyo ayaa ah waryaa
hor taagnaa danta Soomaaliyeed laba iyo tobankii sano ee la soo
dhaafay? waryaa xoog ku haysta Xamar ilaa Kismaayo ? waryaa godob
ka galay dhamaan qabiilada Soomaaliyeed? Maxay tahay cabsida loo
abuuray hawiiye ee kuu aadan Darood? Yaa culeeys ku haayey Mudulood
labo iyo tobankii sano ee la soo dhafay ?. Siyaasaduu waa ay wejiyo
badan tahay, waxaase la yaab leh sida dadban ee Mudulood looga ilaaliyo
in ay marnaba hantadaan xiriir iyo fikir siyaasadeed in ay la wadaagaan
beelaha kale ee Soomaaliyeed , Sida noo wada muuqata waxaa maanta
hawiiye ku faraxsanyahay faraxsan yahay inu furto websayad
kumagacaban puntland Waxeey moogyihiin qoladaan hawiiye ee labaxay
puntlandnews in umada puntland kasareyso isku dirka hawiiye iyo
soqadashada shaati an la laheyeen, waxaan idiin shegayaa in puntland
wagaada cawaanta eheydeen ee talyaniga idiin gumeysanjiiray eey
puntland dowalad iyo boqortooyoba layheeyed oo eey is
mamulijirtay idinkana dhicin jirtay gumeysiga, somalida waxeey ku
mah mahdaa nin geed kori jiray geed looma kooro…
Waxaase iga suul ah intaad maseerka iska deeysaan iga jawaaba qoladiinaan
hawiiye ee websayadkaan leeh
War ma ma’isweeydiseen hawiiye xagekudanbeysay casimadii somaliyeed
Mexeeyse ku dhamadeen wilashiini hadduu halagankiinu ahaa Sac bacaad
ku lis?.
Xageeyse ku danbeysay Dhisidda Gobolka Banadir, furidda dekadda
iyo Airpoorka, waxaan idinku waniin lahaa inaad iska deysaan waxaan
duxu idinka raceyniin,, oo ad ka tashataan arimaha Gobalka Banadir
gaar ahaan beesha Madarkicis. Waxaa kakharashka aad ku bixineysaan
maxaan puntland kagabensheegna manta ubahaan ubadkiin tabaleysan
dhawiciin dhigbaxaya dhalinyaradiin dhaqankii katagay iyo diin’laanta
kusoo socta nawaxiga muqdisho War Muduloodoow tashada oo yeesha
hogaan siyasadeed oo mideysan, belaha kale ee Soomaaliyeed ee aan
wax idiin dhimina la yeesha xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaale
uguna baaqa nabad iyo wada noolaasho aan laysku xad gudbin , kana
fikira sidii aad uga xoroobi laheydeen kuwa aan wali fahmin halka
ay u socdaan iyo waxa ka maqan .