Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

shirkii Ururka Comesa oo maanta ka furmay magaalada Khartoum

Khartoum , Mar 17, 2003 (MOL)-Waxaa ka biloowday maantay magaalada khartoum, caasimada dalka sudan kulan ay yeesheen dowladaha ku bahoobay uruka comesa,(suuqa ay wadagaan koonfurta iyo bariga Africa). Kulankaan ayaan looga soo qayb galin sidii la moodayay kadib markii ay ka baaqdeen madaxda wadamada kala ah: Uganda, Rwanda,Congo iyo Burindi, kuwaas oo ku mashquulay arimo ka jira gudaha wadamadooda. Waxaa ka soo qayb galay shirkaan madaxwayne ku xigeenada Kenya, Uganda ,Rwanda ,raiisul wasaaraha dalka Jabuuti iyo Males-zinawiga Ethiopia.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa arimaha ganacsiga, gaar ahaanna ganacsiga Xorta ah iyo xalaada nabadeed ee gobolka, Warbixin lagu dul akhriyey wasiirada arimaha dibada ee dalalka ka soo qayb galay ayaa lagu xusay dhibaatooyinka ka jira wadamada dariska ah sida: Sudan, Eriterea, Ethiopia, Congo iyo Somalia. Arinta soomaliya iyo shirka nabadaynta kooxaha soomalida ee ka socda Kenya ayaa la filayaa in lagu soo qaado shirkaan.

jawaab uu ka bixiyey Males zinawi warqad uu u soo qoray madaxwaynaha dalkan sudan ayuu ku sheegay inay ka wada hadli doonaan arimaha somaliya marka uu yimaado magaalada Khartoum, iyo inuu ka qayb qaadan doono heshiiska uga socda dowlada sudan iyo mucaaradka dalka Kenya.

Dowlada sudan ayaa iyadu soo bandhigi doonta gargaar loo fidinayo dalka Zimbabwi, dalkaas oo dhawaan midowga reer yurubi ku soo rogeen cunaqabatayn arimo la xiriira siyaasadooda ku wajahan beeraha dadka cadaanka ah lagala wareegay si loogu qaybiyo dadka wadanka u badan ee madowga ah.

Mudugonline.com


Madaxweynaha Puntland oo Kenya kasoo tagay

Bidix ka Bilow: Madaxweyne Xigaha Puntland, Maxamed cabdi xashi, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Cabdullaahi Yusuf

Garoowe, Mar 17, 2003 (AllPuntland)- Wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha dawlad goboboleedka Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda ee Puntland C/raxmaan Maxamed, xubno baarlamaanka ku jira, iyo Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ayaa maanta duhurnimadii soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Cabdullaahi Yusuf iyo wafdigiisa ayaa markii ay yimaadeen Garoowe shir dag dag ah la yeeshay madaxwayne ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada, shirka oo albaabadu u xirnaayeen ayaa warar ku dhaw dhaw sheegayaan inay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin shirka dib u heshiisiinta Soomaailiyeed ee haatan ka soconaya magaalada Nairobi iyo arimo la xiriira maamul goboleedka Puntland.

Cabdullaahi Yusuf wuxuu sheegay inuu dalka u yimid asagoo ilaalinaya Dastuurka Puntland, wuxuu sheegay in uu u dhamaaday wakhtigii dastuurk Puntland u dhigayay in madaxwaynuhu uu dalka ka maqnaan kareyn.

Cabdullaahi Yusuf ayaa sheegay in 2 maalmood ka dib uu ku laaban doono shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabanayo dalka Kenya.

Dastuurka cusub ee Puntland ayaa dhigaya in ninka haya xilka madaxweynuhu uusan dalka ka maqnaan karin mudo ka badan lixdan maalmood (60 Bari)

Tagi taanka Cabdullaahi Yusuf iyo wafdigiisa ayaa kusoo beegmay maalin ka dib markii uu Ergayga Kenya u qaabilsan Shirka Somalidu uu ku baaqay shir ay isugu yimaadaan madaxda dhinacyada Somalida ee ku shirsan Kenya.

Cabdullaahi Yusuf oo qaar ka mid ah ergada Puntland shirkaas uga qayb galaysay ay horay u soo raaceen ayaa wararka ku dhawdhaw sheegayaan inuu shirka inta uu ka maqan yahay booskiisii uu sii haynayo Cawad Axmed Casharo oo ah wasiirka Diinta iyo Awqaafta Puntland.

Allpuntland


Ciraaq oo la weerari doono

NY , Mar 17, 2003 (MOL)- Dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ka kaaftoomay inay ogolaansho u helaan qaraar ay doonayeen in golaha amaanka qaramada midoobay u codeeyo ka dib markay xaqiiqsadeen inaysan ogolaanshahaas heli doonin, taas oo jidka u xaaraysa in labadaas dawladood weerar wada jira ku qaadaan Wadanka Ciraaq iyagoo ka haysan wax ogolaansho ah golaha amaanka qaramada midoobay. Dawlada Faransiiska ayaa sheegtay in haddii Maraykanku isku dayo inuu helo ogolaanshaha golaha amaanka ay isticmaali doonto codkeeda VETO-ga si ay isku horistaagto ogolaansha qaraarkaas oo aysan xal u arag.

Dawladaha Aduunka ayaa intooda badan ka soo horjeeda dagaal lagu qaado Dawlada Ciraaq iyadoo haatan kaliye taliyaha Ciraaq Sadam Xuseen ogolaaday sharuudihii qaramada midoobay ee looga dhigayay hubka sida xun wax u gumaada. sababta ugu weyn ee aduunku uga soo horjeedo dagalka Ciraaq ayaan ahayn jaceyl loo qabo Sadam Xuseen ee ay uga wacan tahay baqdin laga qabo in dad Badan oo Ciraaqiyiin ah oo aan waxba galabsan ay ku hooban doonaan dagaalkaas Maraykanku maagan yahay. waxaa la filayaa 2-da beri ee u horeeya dagaalkaas in Dawlada Ciraaq lagu gamo gantaalaha dagaalka oo tiro ahaan le'eg intii lagu riday dagaalkii gacanka ee 1991 wadanka ciraaq. taas oo looga dan leeyahay in argagax lagu rido ciidamada iyo shacabka Ciraaq ka dibna ay is dhiibaan iyagoon dagaal galin. Dawlada Maraykanka ayaa u sheegtay hub baarayaasha Qaramada Midoobay inay isaga baxaan wadanka ciraaq iyagoo intaas raacshay in waqtigii diblomaasiyadu dhamaatay oo la gaaray waqtigii runta, taas oo loo fasirtay in weerarka lagu qaadayo wadanka ciraaq inuusan hadda fogayn.

Dawlada Maraykanka ayaa la filayaa in ay dagaalkaas qaado asbuucaan gudihiisa ama dhamaadkiisa iyadoo kaashanaysa ciidamo ka socda boqortooyada ingiriiska. illaa hadda lama saadaalin karo inta uu socon doono dagaalkaas. quburada saadaasha hawgalada milatariga ayaa ku qiyaasay ugu badnaan 2 asbuuc in Dawlada Maraykanku gabi ahaan la wareegi doonto maamulka dawlada Ciraaq haddii aan ciidamada Ciraaq sida la filayo dagaalin. Ciidamada Maraykanka ayaa la filayaa hadday ku guulaystaan dagaalkaan inay Ciraaq sii joogi doonaan sannooyin badan, iyadoo wadanka Ciraaq laga xukumi doono wasaarada gaashaandhiga ee Pentoganka sidii lagu sameeyay Dawlada Japan ka dib markii lagu jabiyay Dagaalkii Labaad ee aduunka.

War hada soo baxay:Robin Cook oo ah hogaamiyaha aqalka House of commons ee Dawlada Tony bliar oo is casilay arinta Ciraaq awgeed.

Mudugonline.com




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.