CIIDAMADA DARAAWIISHATA
OO LA SIIYEY MUSHAAHAAR
Bosaaso, 15 March 2003 (MOL)- Waxaa shalay subaxnimadii
ka baxay bangiga Puntland lacag mushhaar ah oo loogu talagalay
ciidamada daraawiishta Puntland.
Kuwaas oo an qadan wax mushhaar ah mudo qiyaastii
dhan laba bilood tasoo ay sida wararku sheegayaan ay keentay arimo
la xiriira maqnaashaha saraakiisha qaabilsan lacagaha iyo madaxdad
daraawiishta oo ku hawlanaa difaaca dalka. qaar badan oo ah saraakiisha
daraawiishta ayaa sheegay in maqnaashaha lacagihii Mushaarku aaney
ahayn wax dhiaabto ah.
Mudugonline.com
WASIIRADA PUNTLAND OO
ANSIXIYEY SHARCIGII DAWLADAHA HOOSE EE PUNTLAND
Bosaaso, 15 March 2003 (MOL)- waxaa maantay ay ansixiyeen
fadhi ay yeesheen golaha wasiirada maamulka puntland sharci mudadaan
la sugaayey oo ahaa ansixinta sharciyada dawladaha hoose kaasoo
dhaqan geliya marka la hor keeno golaha baarmaanka puntland.
dhinaca kale waxaa maanatay qiimaheedii kor u kacay
dhuxasha shidaalka ah ee laga isticmaalo magaalada boossao tasoo
qiimaheedii gaaray 120 kun halka uu markii hore ka ahaa 40 kun
oo shilin.
C/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Abaabul Dagaal oo ay Bilaabeen isbahaysiga
Haysta Jubbooyinka
Jillib, Mar 16, 2003 (AllPuntland)- Wararka ka imanaya
Degmada jillib ee gobolka Jubbada Dhexe ee Somaliya ayaa sheegaya
in halkaasi ay ka jiraan abaabul dagaal oo xawli u socda.
Wararka soo garaya wakiilka AllPuntland ee Muqdisho
ayaa xaqiijinaya in todobaadkaan ay halkaas shir ku lahaayeen
saraakiisha maleeshiyada haysata Shabeelaha Hoose, meelo ka mid
ah Jubadda Hoose iyo Jubbada dhexe.
Kornayl Barre Hiiraale, Jenaral Axmed Warsame oo
iyagu ka socda beesha Mareexaan iyo kornayl Seeraar iyo Kornayl
Indha-Cadde ninka lagu sheegay Magaciisa oo iyaguna ka socda beesha
Cayr ayaa halkaas wadahadalo ay ku lahaayeen uga arinsaday qorshe
dagaal oo ay ku qaadaan taageerayaasha SPM/SRRC ee deegaanka jubbooyinka.
Warka ayaa xaqiijinaya in Kornayl Indha Cadde oo
madax ka ah maleeshiyada beesha Cayr ee kaga hawlgasha gobolka
Shabeelaha Hoose magaca maxkamadaha Islaamiga iyo ciidanka milatariga
ee DKMG ah iyo Jenaral Axmed Warsame oo isaguna ka mid ah abaandulayaasha
Ciidanka mamulka Cabdiqaasim lagu qaybiyay inay ka hawlgalaan
deegaamada Bu'aalle, Jillib ilaa gobolka Shabeelaha Hoose, halka
Barre Hiiraale iyo Seeraarna lagu aadiyay inay ka hawlagalaan
gobolka Jubbada Hoose.
Wariyaha AllPuntland ee Muqdisho ayaa xaqiijiyay
in saanad iyo maleeshiyo wadata gawaarida tiknikadu oo iyagu ka
soo jeeda beesha Cabdiqaasim inay ka amba baxeen Muqdisho si ay
u xoojiyaan maleeshiyadooda joogta goboladaasi Jubbooyinka si
ay uga qaybgalaan qorshaha isbahaysigooda ee Jillib lagu gaaray.
Maxamed Deylaaf oo isagu ah Khasnajiga Cabdiqaasim
Salaad Xasan oo intii muddo ahaydba ganacsi isugu jira dhoofinta
dhuxusha iyo keenida badeecooyinka deegaankaas laga isticmaalo
ka waday Kismaayo ayaa bilaabay inuu dhaqaalihiisa xoogooda kala
baxo Kismaayo marka laga reebo sahayda uu maleeshiyada dagaalka
ugu talo galay.
Bartamihii 1999-kii ayaa isbahaysi ka kooban beelaha
Mareexaanka iyo Cayr ay xoog kaga qabsadeen SPM/SRRC inta badan
gobolada Jubbooyinka, iyadoo August 2001-na ay maleeshiyada SPM/SRRC
ay dib u qabsadeen inta badan gobolkaas, inkastoo wax yar ka dib
haddana laga qabsaday, ka gadaal markii ciidamo maamulka Cabdiqaasim
uu soo diray in ay gacan siiyaan isbahaysiga labada beelood oo
iyagu ilaa hadda gacanta kuhayay xukunka deegaankaas.
Allpuntland
Baaq uu soo saaray ergayga shirka dib u
heshiisiinta Somalida
Nayrobi, 17 March 2003 (MOL)- Mr. Bethwel Kiplagat
oo ah ergayga qaaska ah ee Dawlada Kenya u qaabilsan shirka dib
u heshiisiinta Somalida ee hadda ka socda xaafad ka mida magaalada
Nayrobi ayaa shalay soo saaray baaq cusub oo uu kula hadlayay
dhamaan hogaamiyaasha Somalida. baaqaan ayaa ogaysiinaya in hogaamiyaasha
Somalidu dhamaantood ka soo qayb galaan shir furmi doona maalinta
talaadada oo bishu tahay 18-ka. Mr. Kiplagat ayaa shirkaas kula
hadli doona hogaamiyaashaSomalida arimo muhiima oo ku saabsan
shirka dib u heshiisiinta.
Shirkaan degdega ah ayaa Mr. Kiplagat sheegay inuu
ku saabsanaan doono arimo ay ka mid yihiin heshiiskii xabad joojinta
oo aan si dhab ah u hirgalin, waxii horumar ah oo ay gaareen gudiyadii
shirka iyo qaabka ay noqon doonto dawlad somaliya yeelato mustaqbalka..
Baaqaas waxuu wada quseeyaa hogaamiyaasha shirka
jooga iyo kuwa ka maqan dhamaantood. waxaa hadda wadanka Somaliya
ku maqan dhawr hogaamiye oo ay ka mid yihiin Muuse suudi yalaxow
oo ah hogaamiyaha USC/SSA, Maxamed Dheere oo ka taliya magaalada
Jawhar, waxaa isna shirka ka maqan Barre Hiiraale oo madax u ah
isbahaysiga xooga ku haysta magaalada Kismayo. hogaamiyaashaas
oo siyaabo kala duwan shirka uga maqan ayaa la ogayn inay ka soo
qayb gali doonaan shirka.
Mudugonline.com