Mudugonline.com keeping you Informed.    


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

BAABUURKII QAADKA MIIROWGA OO DAD LAGU LAAYEY.

Bosaaso, 15 March 2003 (MOL)- waxaa habeen hore jidka u galay baabuurkii qaadka miirowga u siday magaalada Bosaaso koox burcad ah oo rabay in ay boobaan qaadka saranaa gaarigaasi.

waxaana halkaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dadkii saarnaa garigaasi oo laba qof ku dhimatay sadex kalena ku dhaawacmeen. cusbataalka magalaadan boosaaso ayaa la keenay dhawaacyadaasi iyadoo aan ilaa iyo iminka la aqoon cidii falkaasi ka danbaysay booliska puntland oo wareyaha mudugonline isku dayey inuu wax ka waydiiyo falkaasi ayaa sheegay in weli baaritaano ay wadaan laguna daba jiro dadkii ka dambeeyay falkaas.

C/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Dawlada KMG ee Carta oo lagu qanciyay inay ka qayb qaataan shirka dib u heshiisiinta

Nayrobi, 15 March 2003 (MOL)-Wararka naga soo gaaraya Galbeedka magaalada Nayrobi goobta uu ka socda shirka dib u heshiinsiinta Somalida ee Mbagathi ayaa sheegaya in ergayga gaarka ah ee Dawlada Kenya uga masuulka ah shirka Mr. Bethwel Kiplagat warsaxaafadeed uu khamiistiii soo saaray ku sheegay inuu ka dib markii uu shir gooni ah la yeeshay ra'iisal wasaaraha Dawlada KMG ah ee Carta in kooxda Carta lagu qanciyay inay ka qayb qaataan shirka oo mowqofkoodii hore ee ay ku hanjabeen inay shirka ka baxayaan hada ay wax iska badaleen, shirkana ka qayb gali doonaan.

Goloha SRRC ayaa iyaguna hadda soo dhaweeyay inay Kooxda Carta aysan ka bixin shirka oo ay ka wada shaqeeyaan sidii Somaliya loogu samayn lahaa Dawlad ay kaga samata baxdo aafada dagaalka sokeeye oo wadanka ku habsatay 12-kii sanno ee u dambeeyay.

Kooxda isku magacda G8 oo ay kala hogaamiyaan Cusman Caato iyo Moxamed Qanyare oo iyagu ka dambeeyay inay kooxda Carta ku qanciyaan inay shirka ka baxaan markii hore ayaan wax wara laga hayn. wali lama oga inay kooxdaas shirka ka bixi doonaan sidii ay awal ku hanjabeen iyo inay ka qayb qaadan doonaan shirka dib u heshiisiinta Somalida.

Mudugonline.com


Maleeshiyadii Ceel-Afweyn oo Qaar u soo galeen Daraawiishta Puntland

Boosaaso , Mar 14, 2003 (AllPuntland)- Warar ku dhaw dhaw xagga ciidamada Daraawiishta ayaa xaqiijinaya inay ciidanka Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu yahay gobolka Sanaag ay isu soo dhiibeen tiro ka mid ah maleeshiyada Cadde Muuse ee fadhigoodu yahay Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag dhinaca maamulka la baxay Somaliland uu maamulo.

Warka oo goor dhaw soo dhacay ma sheegin sababta ay isu soo dhiibeen maleeshiyadaasi iyo tiradooda midna.

Waxaa maalmahaan soo kordhayay cadaadis maleeshiyadaas kaga imaanayay dadka deegaanka Ceel-Afweyn iyo xubno ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, marka laga reebo Madaxweynaha maamulka Hargaysa Daahir Riyale Kaahin, kuwa diidan joogitaanka maleeshiyada mucaaradka Puntland ayaa dalbanayay inay maleeshiyadaasi isaga baxaan deegaankooda.

Allpuntland


dowladda sudan oo qabqabasho ku biloowday somalida sharci darada ku joogta dalkooda

Khratum, 15 March 2003 (MOL)-wararka naga soo gaaraya caasimada khartoum, ayaa sheegaya in la qabqabtay soomli badan, kuwaas oo qaarkood sharci darro ku joogeen wadanka qaar arday ahina ay sharciyadoodii kasoo tageen, waxaase isla markiiba la siidaayey kuwii ardada ahaa ee sharci ku lahaa wadanka, iyadoo amar lagu siiyay inay sharciyadooda jeebka ku wataan markasta si ay uga badbaadaan tarxiiladaas. intaan sharciga lahaynna waxaa loo taxaabay xabsiga. dadkaas oo u badnaa dad tarhiib u socda ayaan la garanayn goor la masaafirin doono.

Waxaa la aaminsan yahay inay Raafkaani horudhac u yahay qaban qaabo Dawlada Suudaan ugu jirto marti galinta shirka Dawladaha ku bahoobay Comesa, iyadoo dawladu ku yaraynayso kuna xanibayso socodka dadka ajnabiga ah si ay u sugto amaanka shirkaas. waxaa isla asbuucaan sawiradooda darbiyada magaalada Khartoum lagu oo dhajiyay Ra'iisal wasaaraha Dawlada Itoobiya Malez Zanaawi iyo Madaxweynaha Dawlada KMG ah ee Carta Cabdiqasim Salad oo ka qayb gali doona shirkaan. Dadka Somalida oo aan lahayn Dawlad ay ku midaysan yihiin ayaa arintooda jirin cid kala hadlaysa Dawlada Suudaan.

Dadka Somalida ee tahriibka ah ayaa la sheegay inuu wadanka ku soo batay, kuwaas oo inta badan isku miidaamiya dhul saxaro ah oo intooda badan ku nafwaayaan. Dawlada Suudaan ayaa arintaas uga jawaabta raaf ay ku qabqabanayso waxii loo garto Somali arintaas oo dhib u keenatay ardada Somalida oo iyagu inay wax ka bartaan i yimid wadankan.

Mudugonline.com




Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
Mudugonline.com keeping you Informed.