Wararka Mudugonline


MUNAASABADLE ,Sabti, 15 Maarso, 2003 ,Kismaayo, waxaa soo saara Waamo Information Center- Cali Saciid Max’ed , Tel :254722723344.Email :assiyaasa_newspaper@yahoo.com
Wararka Assiyaasiya ee Toddobaadkan waxaa ka mida:

Toddobaadkaan wuxuu wargeyska Assiyaasa ugu talo galay Ergada Soomaalida ee shirka ka qeyb gelaya shirka dib u heshiisiinta duruus ku saabsan Culuunta siyaasadda oo ku saacideysa talooyin iyo tusaalooyin wax ka tari kara geeddi socodka nabadda Soomaaliya .Waxaa duruusta laga soo qaatay kitaabka :

Mabaadi’da aasaasiga ee Xiriirka Dowladaha & Diblomaasiyadda wakhtiyada nabadgelyada iyo dagaalka ayadoo la is barbardhigayo Shareecada Islaamka ee caalamiga & Qaanuunka guud ee caalamka



TAARIIKH KOOBAN OO KU SAABSAN DAGAALLADA .

Dagaalladu waa habka ugu dambeeya hababka dirqinta , taasoo dowladuhu duruufta ay ku kallifto , si ay u xalliyaan mushkiladda dhextaal iyaga iyo dowladda ay markaa is hayaan , dagaalladuna waxey dhacaan oo qura marka ay shaqeyn waayaan hababka

nabadgelyo doon, si muranka loo xalliyo sida :wada hadal ,faro gelin , dhexdhexaadin ,u kala garsoorid iwm.

Qaanuunka guud ee caalamka wuxuu dagaalka ku qeexaa :Iska horimaad ay iska horyimaadaan labo ciidan oo hubeysan oo ka kala socda labo dowladood muran u dhaxeeyo .

Waxaa markaa lagamamaarmaan ah in dirirtaasi u hoggaasanaato Xeerarka Caalamiga ee Dagaallada , sida ku cad heshiisyada dowladaha caalamka ee ku saabsan marka uu dagaalka bannaan yahay . Wuxuu dagaalku bannaan yahay sida ay caddeeyeen culimada qaanuunka caalamka labo xaalo markii lahelo :

Waa indagaalku yahay mid ka hortagayo gardarro ficil ahaan u dhacday , sida is difaaca oo kale , waxaa arintani lagu sheegay Ooraahda Eebbe :

( Ciddii idinku gardaroota ka aargoosta intey idin geysteen in la mid ah ) waxey aayaddu ku xirtay is difaaca inuu yahay mid la’eg gardarradii dhacday oo kale,oo aan laga badbadin.

2- Waa in dagaalku noqdaa mid lagu ilaalinayo xaq sugan oo ay dowladi leedahay , kaasoo ay ku xadgudubtay dowlad kale sabab la’aan , markaa dagaalkaasi uu noqdo mid xaqaasi lagu dhowrayo .(1)Dgaallada aan la baneyn waa kuwa hadafkooda yahay dhulballaarsi iyo is fidin , arintani qaanunka caalamka wuu ka soo horjeedaa wuxuuna ku magacaabaa dagaal aan caddaalad ku dhisneyn .

Mowqifka shareecada Islaamka ee Calamiga waa sidatan : ( Islaamka wuxuu banneeyey dagaalka marka la helo xaalado xaddidan , wixii ka soo haray waa dambi iyo dagaallo aan caddaalad ku dhisneyn ) , sida Islaamku uga dhigay waajib in la sii sheego dagaalka , sida dadka qaarkii ay qabaan Islaamka kuma faafin dagaallo & in shucuubta caalamka lagu sandulleeyo iney qaataan diinta Islaamka , ee wuxuu ku faafay si nabadgelyo ah .

Ereyga Islaam macnihiisa waa nabadgelyo ,keliya waxaa lala diriri jirey ciddii is hortaagta gaarsiinta dadka la gaarsiinaayo diinta Islaamka . Rasuulka(scw ) qolyihii loo soo diray dhibaatooyin faro badan ayey u geysteen sida ayagoo markuu sujuudo qurun iyo wasakh madaxa kaga shubi jirey , cay , aflagaaddo ,jeesjees & waddada uu maro oo qodxaan lagu daadiyo , intaasoo idil wuu ku sabray , Eebbe ayuu u baryi jirey isagoo oranaya :( Eebow soo hanuuni qoomkeyga , maxaa yeelay ma aha kuwo wax garanaya ).

Mowqifka Qur’aanka ee ku saabsan is difaaca ( Waddada Eebbe kula dagaallama kuwa idin la dirira , hana xad gudbina Eebbe ma jeclo kuwa xadgudba ) (Dagaal ayaa loo idmay kuwa lala dirirayo, maxaa yeelay wey dulman yihiin Eebbe wuu awoodaa inuu u gargaaro , kuwaasi waa kuwii guryahooda xaqdarro looga saaray iney yiraahdeen Eebbe ayaa Rabbigeena ah aawadeed ).

Islaamka wuxuu dagaalka shardi kaga dhigay in la sii sheego , wuxuuna reebay markuu dagaalka billowdo in la dilo dumarka , caruurta iyo waayeelka , wuxuu kaloo reebay in la Jarjaro meydka qofka dagaalka lagu dilay ,balse wuxuu faray in la aaso .

Goostaaf Looboon oo ah qoraa reer galbeed, kitaabkiisa (Xadaarada Carabta ) wuxuu ku sheegay :( Caalamka ma aqoonsana qolyo dal furtay oo ka naxariis badan Muslimiinta ) , markuu ka warramayey laynta kiristiyanka ay laayeen Muslimiintii ay soo qafaasheen wuxuu ka yiri : Richard oo ah hoggaamiyaha ciidamada Kiristiyaanka wuxuu Mucaskarka Muslimiinta ku hor dilay 3000 qof oo ah muslimiin la soo qafaashay ah (2),wuxuuna hore u ballanqaaday inuusan dileynin haddey is dhiibaan , waxey aritani kicisay Salaaxu Din Al-Ayuubi oo ahaa Kurdi Muslim geesina ah , kaasoo naariis weyn u galay Kiristiyaankii Beytul Maqdis , wax dhib ah ma gaarsiin , balse waxaa intaasi dheer hoggaamiyeyashii uu dagaalka ku qabtay sida Filib & Richard oo uu siiyey cabitaan (casiir ) iyo dawo kolkey xanuunsadeen intuu gacanta ku hayey .

SHURUUDDA DAGAALKA ISLAAMKA

Hoggaamiyaha dagaal ee muslim dhab ah markuu dagaal is difaac uu ku qaado dal ay colaadi ka dhaxeeyso waxaa waajib ku ah marka hore inuu kala dooransiiyo 3 arimod oo kala ah :

Inuu marka hore ugu yeero iney Islaamaan .

Haddey diidaan ,inuu weydiiyo iney jizyo bixiyaan .

Haddey diidaan , inuu la diriro isagoo Eebbe kaalmeysnaya .

Sida ku soo aroortay Xadiiska Rasuulka (scw ) : Magaca Eebbe ku duula , waddada Eebbe ku duula ,duula hana xadgudbina , meydka ha jarjarina , ha dilina caruurta ,dumarka & qofkii carara , haddaad la kulanto cadowgaaga ugu yeer 3 arimood :(1) Islaamka ugu yeer si ay inooga mid noqdaan .

(2) haddey doortaan diintooda iyo dowladnimadooda jizyo ka qaad ,haddey raalli ku noqdaan hala diririna . ( 3) Haddey diidaan jizyo bixinta Eebbe kaalmeyso oo la dirir .

Abuubakar(Ern) wuxuu ku yiri : Usaama bin Zeyd & ciidamadiisa markuu u diray iney ka hortagaan gardarrada Ruum :( Khayaamo iyo xadgudub ha sameeynina , meydka ha jarjarina ,ha dilina caruurta ,waayeelka iyo dumarka ,ha jarina geed timireed iyo geed mirood hana gubina , ha gowricina neef ari ,ama lo’ ama geel inaad cuneysaan mooyee, waxaad sii mari doontaan qolo kaniisadaha u go’ay kuwaasi iyo waxa ay u go’een ka taga oo ha fara gelinina ) Sidaasoo kale Rasuulka (scw) wuu reebay meydka oo la jarjaro :( Ka digtoonaada meydka oo la jarjaro Alle ha ka dhigee meydka ey dadka qaniini jirey ) (3).

HABKA LOOLA DHAQMAYO DADKA DAGAALKA LAGU QABTAY.

Islaamka wuu xarrimay in la dilo dadka la soo qafaalay xittaa haddii ay gaaladu disho ciidamada ay muslimiinta ka qafaasheen , keliya waxaa muslimiinta u bannaan arimaha soo socda :

Iney addoonsadaan .

Iney xoolo madax furasho ku daayaan

Iney isku furtaan aqoontooda oo ay baraan muslimiinta aqoon dhaqaale , beero , wax qoris iyo wax akhris iwm.

Iney ku galladeystaan siideyn bilaa shuruud ah , haddii ay u caddaato ineyan mar kale soo dagaal galeyn .

Shareecada Islaamka ee caalamka waxey wajib ay ka dhigtay in si wanaagsan loola dhaqmo dadka la soo qafaalay oo raashiin fiican la siiyo, Eebbe wuxuu yiri : ( Raashiinka ayagoo u baahan ayey waxey siinayan masaakiinta , agoonta iyo kuwa la soo qafaalay )

waxaa muslimiinta ku filan dardaarankii Rasuulka (scw)uu iyaga kula dardaarmay :( wax wanaagsan fara dadka la soo qafaalay) nin ka tirsan dadkii lagu soo qafaalay dagaalkii ugu horreeyey ee muslimiinta ay galaan wuxuu yiri : (Dhab ahaan annaga ayey muslimiinta naga hormarin jireen nafsaddooda, iidaanka fiican ayey nasiin jiren ,waxey iyagu ku kaaftoomi jireen timirta )

Mowqifka Shareecada Islaamka ee caalamiga & qaanuuka caalamiga ee nidaamka addoonsiga iyo dadka dagaallada lagu soo qafaashay ee xiriirka caalamiga .

Islaamka markuu yimi qarnigii 6aad ka ganacsiga adoonta wuxuu ahaa nidaam aad ugu fidsan waddamada kiristiyaanka iyo kuwa asnaamta caabuda gaar ahaan xilligii imbiraadooryadihii Roomaanka & Faarisiyiinta , sidaasoo kale ayey aheyd xilliyadii ka sii horreeyey ee Gariigga , Hindiya iyo quruuntii baaba’day ay jireen oo hadduu qofku hantiyo dhul wuxuu kaloo hantin jirey dadka dhulkaasi ku nool Tusaalooyin ku saabsan waxyaalihii dhici jirey xilliyadaasi :

Qaanuunka Roomaanka hadduu addoonka uu xado hantida sayidkii isaga lahaa ama uu cararo ciqaabtiisa waxey aheyd in si degdeg loo dilo .

Sayidka addoonta uu leeyahay wuxuu fari (amri ) jirey iney gaabsi sameyso lacagta ay ka hesho gaabsiga isaga iney ay u keento ., taasoo aheyd ardaalnimadii ugu xumeyd ee soo martay xadaaradii Roomaanka .

Tusaalahani iyo kuwo la mid ah waxey Roomaaniyiinta ka qaateen Giriigga oo ugu dhowaan jireen ilaahyada Isbaarida oo ay u hadiyeen jireen dumar addoon ah mowlacyada lagu caabudo sanamyada si ay uga dhilleystaan dadka soo booqda goobahaasi , lacagta laga helo dhilleysigaasi waxaa la siin jirey suufiyada goobaha wax lagu caabudo jooga , waxaana lagu magacaabi jirey dhillooyinka diineed .

Asbaabihii ugu horreeyey ee keenay addoonsiga quruuntii hore ee Hindiya & Masar ilaa laga soo gaaray xilligii Roomaanka waxey aheyd qof kastoo xur ah oo sodcaal ah isagoo safar ku jira inta laqafaasho dabadeed suuqa la geeyo si loo iibsado .

Si aynu u caddeyno mowqifka Shareecada Islaamka ee caalamiga ay ka taagan tahay is addoonsiga waxaa waajib inagu ah ineynu tilmaamno noocyada addoonsiga ee Islaamka ka horreeyey, waxaana ka mid ah :

Qofka dagaal lagu qabto waa la dili jirey ama waa la addoosan jirey .

Qof xur ah inta la afduuboayaa dabadeed la addoonsan jirey .

Qofkii sameeya dambiyada waaweyn sida dil ama xattooyo waxaa lagu xukumi jirey in la adoonsado ayadoo la eegayo maslaxadda dowladda ama qofka uu ku gardarrooday .

Qofkii lagu yeesho deyn uusan iska bixin karin waxaa lagu xukumi jirey inuu adoon u noqdo qofkii deynta ku lahaa

Ubadka dadka masaakiinta adoon ayaa laga dhigi jirey haddii ay waalidkooda iska iibiyaan, si ay deemo lagu leeyahay isaga bixiyaan ama ay dano muhiim u ah ay ku qabsanayaan lacagta ay ka helaan iibka caruurtooda .

Dadka qaarkii oo ka tanazula xurriyaddooda si ay adoon u noqdaan , taasoo ay ugu wacan tahay iney helaan kiro la yaqaan sida raashiin , deyn iska bixin ama in laga ilaaliyo xadgudub ay ka baqayaan in lagula kaco.

Ubadka ay dhalaan dumarka la adoonsado iyaguna adoon ayey noqon jireen ,xattaa haddii aabayaashooda ay xur ama sayid yihiin .

Markuu Islaamku yimi wuxuu baabi’iyey dhammaan noocyada adoonsigaasi kolka laga reebo : dadka dagaalka lagu qabto iyo ubadka ay dhalaan dumar la adoonsado , xittaa labadani nooc Islaamka wuu habeeyey , qofkasta oo dagaal lagu qabto adoon ma aha , tusaale dadka lagu kala qafaasho dagaal sokeeye oo dhexmara labo qolo muslimiin ah , ama dagaal aan sharci aheyn lagu soo qafaalo isna ma bannaano in la adoonsado . waxaana shardi ah qofka lagu soo qafaalay dagaal sharci ah inuu dagaalkaasi yahay mid uu amray in la qaado imaamka ama madaxweynaha dowladda , dagaalkuna waa inuu yahay is difaac ama ka hortag dhagar ama u jawaabid loo jawaabayo qolo ballan ka baxday .

Qofka lagu qabtay dagaal ma aha in noloshiisoo idil uu adoon ha ahaado , hoggaamiyaha muslimiinta wuxuu xaq u leeyahay inuu iska daayo isagoo aan wax shuruud ah ku xirin ama uu shardi uga dhigo iney xoolo isku furtaan , ama shaqo ay muslimiinta u qabanayaan , sidaa ayuu Islaamka u baabi’yey mid ka mid ah labadaasi nooc ee adoonsiga .ka labaad oo ah ubadka haweeneyda la adoonsado ay dhashay ,ubadka aabbaha dhalay hadduu xur yahay hooyada adoonta aheyd iyo ubadka ay dhashay labadaba xur ayey noqonayaan .

Mashaakillada dowladaha & hababka looga fogaado ,laguna xalliyo ee xiriirka caalamka ayadoo lays barbar dhigayo Qaanuunka Caalamka & Shareecada Islaamka ee Caalamiga.

Waxaa iska hor imanaya Maslaxadda dowladaha ayadoo ay ugu wacan tahay derisnimada , xiriirada ganacsiga iyo aqoon isweydaarsiga u dhaxeeya dowladaha , ayadoo ay sidaasi jirto waxaa lama huraan ah iney xiriiradaasi ahaadaan kuwo ku dhisan nabad kuwada noolaansho iyo isku xad gudub la’aan , taasoo loo arko iney tahay abuurista Alle uu ku abuuray aadanaha sida ku soo aroortay aayado badan oo Qur’aanka ka mid ah , sida Sarreeye Eebbe uu yiri : ( waxeynu idin ka yeelnay dadweyne iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan ) Al-xujaraat ( ) ( Isu kaalmeysta samaha & Alle ka cabsiga ) waxaa kaloo ka mid ah abuurista Eebbe ee dunida iney dadweynaha iyo dowladaha ay ka shaqeeyaan sidii ay nolol u heli lahaayeen si ay u ilaaliyaan jiritaankooda iyo iney u raadiyaan wax intaa ka badan qeybaha bulshada keli iyo wadarba ,arintani waxey keeni kartaa isku dhaca iyo iska hor imaadka masaalixdooda, natiijada ka dhalataa waxey kicineysaa mashaakillada dowladaha .

Waayadii hore dagaalladu waxey ahaayeen habka keliya ee lagu xalliyo mashaakillada dowladaha , markaa adkaanshaha iyo xaqa waxaa heli jirey ciddii xoog badan .

Qaanuun dowladeedka Yurub iyo Mareykanka ma ayan aqoon in habab nabad gelyo iyo wada hadal laysugu keeno dawladaha is afgaranwaaga iyo muranka uu u dhaxeeyo , taasoo gasha booska isu awood sheegashada ilaa laga soo gaaray qarnigii 19aad , waxeyna arintani ka soo baxday labadii shir ee Laahaay lagu qabtay 1899kii & 1917kii dowladaha ka soo qeyb galay waxey ka soo jeediyeen go’aano leh (axkaam ) ama qodobo ka warramaya in wada hadal iyo habab nabad gelyo doon lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya dowladaha , axkaamtaasi waa ay korortay markey sameysmeen Kooxda Dowladaha dagaalkii 1aad ka dib , waxey kaloo mar kale kordheen qodobadaasi ballamadii Ummadaha Midoobe markey soo baxeen dagaalkii 2aad ka dib .

Nabad isugu yeeridda & doonista ah in hab nabad gelyo lagu xalliyo mashaakillada dowladaha wey ku cusub tahay waddamada aan Islaamka aheyn , kuwaasoo aqoonsaday qiimaha arintani muddo haatan laga joogo nus qarni , laakiin waddamada muslimiinta way ku horreeysay maxaa yeelay Islaamka ayaa hore ugu yeeray nabadgelyada sida ku soo aroortay aayado badan oo Quraanka Kariimka ka mid ah , sida Ooraahda Sarreeye Eebbe:( Haddey xagga nabadgelyada u janjeertaan adna u janjeero, oo Eebbe talo saaro ) & ( Dadka rumeeye Alle iyo Rasuulka wada gala nabadgelyada ).

Casriga aynu joogno waxeynu arkeynaa in heshiisyada Ummadaha Midoobe,uu qeexayo qodobkiisa ( 2aad ) in dhammaan xubnaha Ummadaha Midoobe ay mashaakillada dowladahooda ku dhammeeyaan habab nabadgelyo, taasoo aan ka dhigeyn amniga iyo nabadgelyada dowladaha mid khatar gelineysa.

Qodobka ( 33aad ) wuxuu sheegeysaa in hababka nabadgelyo ay yihiin : wada hadal , hubin , kala saarid , caddaalad sameyn , u bandhigid hey’ado goboleedyo iwm , arrimahani waxey ka mid yihiin hababka nabadgelyada ay labada dhinac is haya ay raalli isaga yihiin . Heshiiskii Laahaay ee 1907 wuxuu qorayaa in habab nabadgelyo oo cusub lagu dhameeyo khilaafka dowladaha sida in la helo dhexdhexaadiyaal ,iyo adeegyada kalgaceel.

Wadahadallada waxey ku yimaadaan in aaraa la is weydaarsado oo ku saabsan arimaha la isku hayo in xal suurogal ah laga gaaro oo ku dhisan kalgaceel iyo isku aragti ay labada dhinac is haya ay raalli isaga yihiin . Waxaan arintani sameynaya siyaasiyiin metelaya labada dowladood ee is haya , waxaa kaloo ka qeybgelaya wufuud ka kala socota labada dhinac , laakiin dhexdhexaadinta iyo adeegyada kalgaceel waa hab lagu caddeeyey heshiiskii Laahaay 1907dii , waana marxaladda xigta wada hadallada ayadoo ay isku deyayaan qaar ka mid ah dowladaha saaxiibka la ah labada dowladood ee is haya sidii ay isugu soo dhoween lahaayeen aragtiyadooda kala duwan, ayagoo adeegsanaya qaab nabadgelyo iyo dhexdhexaadnimo , waxaa arintani lagu xaqiijinayaa ayadoo la adeegsayo guddi dhexdhexaadin oo gaar ah ama mid guud , laakiin arintani waajib ma aha ayadoo ay shardi tahay ineyan taaban sharafta dowladda iyo masaalixdeeda aasaasiga ah.

Laakiin guddiga isu keenidda iyo is waafajinta waxey gaareen heer fiican ayaamihii Kooxda Ummaduhu jireen kuwaasoo sameeyey guddiyo joogto , oo ka shaqeeya xaqiiqo raadinta iyo xadididda arimaha dhaliyey is afgaran waaga , laakiin ahmiyadda guddiyadani wey ka hooseeyeen labada guddi ee kala ahaa :guddiga wax xukuma ,iyo guddiga qaalliyada dowladaha , labadaasi guddi go’aamadooda waajib ayey ku tahay fulintooda labada dowladood ee is haya .

Nidaamka guddiyada isu keenidda joogtada ah waxaa lagu xulay heshiiskii Jineefa 1928 kii ee ay dejiyeen Kooxda Dowladaha ,si ay dowladaha is haya u kala xukumaan isuna keenaan , laakiin in la soo hordhigo khilaafka u dhaxeeya labo dowladood fadhiga Golaha Guud iyo mid goboleed waa waddo ka mid ah waddooyinka lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya dowladaha , kooxda Dowladaha ayaa arintani keenay markey ku fashilmeen hababkii hore oo ay ka mid ahaayeen : waddada diblomaasiyada ,wada hadal , xaqiijin , is waafajin , waxey arintani imaneysaa markey laba dowlad oo is haya ayan u iman iney u kala garsooraan qaalliyada caalamka ,oo haddii ay u yimaadaan go’aanka golaha Kooxda Ummadaha waajib ayuu ku noqonayaa ku fulintiisa labada dowladood ee is haya , markuu goluhu soo saaro ra’yi ay u wada dhan yihiin . Waxaa maanta suuro gal ah in khilaafka u dhaxeeya labo dowladood la hor dhigo Golaha Guud ee Qaramada Midoobe oo dhaxashay Kooxda Ummadaha.

Qodobka (11aad) ee ka mid ah heshiiskii aynu soo sheegnay waxey sheegaysaa faqradiisa 2aad : dowlad kasta oo ku soo biirta Qaramada Midoobay hadduu khilaaf dhexmaro iyada iyo dowlad kale ,golaha guud ayaa markuu baaritaan ku sameeyo arintooda ka dib , wuxuu amrayaa in khilaafkooda si nabadgelyo lagu xalliyo .

Haddii khilaafka u dhaxeeya labada dowladood uu fudud yahay amarka Golaha Guud fulintiisa wuxuu waajib noqonayaa markey isku waafaqaan xubnaha Golaha Guud, laakiin khilaafka ay khatartiisu badan tahay waxaa lagamamaarmaan noqonaya marka uu waajib noqonayo fulinta ammarka Golaha Guud , markey isku waafaqaan 3daloolow labo dalool oo ka mid ah xubnaha Golaha Guud sida uu caddeeyey qodobada ( 18aad ) & (35aad ) ayadoo arrimahaasoo idil ay jiraan , haddana waxaa lama huraan ah in la eego inta badan amarrada Golaha inteyan fulin darafyada is haya .

Khilaafyada jira ayaa la soo hordhigayaa Golaha Guud ayadoo la eegayo qodobada ( 33aad & 37aad ) , haddii labada dowladood ee uu khilaafka u dhaxeeyo ay xal gaari waayaan , markaa wuxuu Goluhu farayaa wuxuu doorbido ee la isagu keeni karo dowladaha uu khilaafka u dhaxeeyo .

Laakiin khilaafaadka xagga qaanuunka la xiriira waxaa loo bandhigayaa Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamka sida ku cad qodobka ( 36aad ) ee heshiiska Qaramada Midoobe , ammarka Golaha Guud-na wuxuu waajib noqonayaa socodsiintiisa markey aqlabiyaddu tahay 7 dowladood oo ay ka mid yihiin 5 joogtada ah .

Sida ku cad qodobka ( 22aad ) faqrada ( B ) ee heshiiska , waxaa bannaan in loo bandhigo arinta dowladaha khilaafka u dhaxeeya hey’ado goboleed ay xubno ka wada yihiin dowladaha is afgaran waaga u dhaxeeyo intaan Golaha Amniga la hor keenin , waxaa sidaa loo yeelayaa in la dhowro iskaashiga, amniga ,iyo nabadda guud ee caalamka oo ah hadafka Ummaadaha Midoobay iyo mabaadi’dooda, inta badan waxbey xalliyaan heyado goboleedyadaasi , maxaa yeelay khilaafka u dhaxeeyo dowlado xubno ka wada ah hey’ado goboleedyo la yaqaan wey ka fududahay khilaafka u dhaxeeya dowlado aan sidaa aheyn , waxaana arintaa ugu wacan xargaha derisnimada iyo asbaabo kale sida iney wadaagaan qowmiyado , luqado iyo diimo isku mid ah ama nidaamka nolosha bulshada sida : Ururka Dowladaha Afrika , Ururka Islaamka , Ururka Jaamicadda Carabta , Ururka Baarlamaanka Yurub ,Ururka dalalka Ameerika iwm.

W/Q: Dr.Saciid Maxamed Baanagah
W/T: Ustaad Xuseen Cali Cilmi (Chief Editor of Assiyaasa News papers)


Kutubta laga soo xigtay:

Munadamatu Al-Umam Al-Mutaxidda,B=258 &121 wixii ka dambeeya Dr:Xuseen Al-Qadiifii.
Miithaaq Al-Umam Al-Mutaxidda wa itifaaqiyata Laahaay,1917, wathaa’iq wa mucaahadaat dowliya.Dr:Maxamed Yuusuf Calwaan , Cumaan ,Urdun,1978
Al-Qaanuun Addowlii Al-Caam (Duruq attaswiya Addowliya),B=729ioy wixii ka dambeeya .Dr:Cali Saadiq Abuu Heyf
Al-Cilaaqaat addowliya fil Islaam,B= 19aad iyo wixii ka dambeeya, Sheekh Abuu Zuhraa.
Ashariicatu Al-Islamiya wal –Qaanuun Addowlii,B=243&245, Dr.Xaamud Suldaan .
Al-Islaam wal Cilaaqaat Addowliya fi Assilmi wal –xarbi,B=105&250
Islaam bilaa Madaahib,B= 70iyo wixii ka dambeeyo,Dr; Mustafa Ashakca, Al-Qaahira ,1978
Xadaaratu Al- Carab, B= 407, Goostaaf

 


 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001