FAARAX WEHELIYE CADDOW
OO LA GANAAXAY IYO URUR UU KA SAMEEYEY CAASIMMADDII HORE EE SOOMAALIYA
UUNA ISAGU MADAX KA AHAA OO LACAGO LUNSADAY, KA DIBNA LACAG DANBE
LOO DIIDAY!!!
Meilen, 14 March 2003 (MOL)- Faarax Weheliye Caddow
oo madax ka ahaa urur kubbad cag oo lagu magacaabo Somali Football
Federation ayaa maxkamad ku taal waddanka Switzerland u diiday
inuu sii wado oraaho ama weedho af-lagaaddo ahaa oo ku saabsanaa
ama khuseeyey madaxweynaha FIFA Joseph S. Blatter. Maxkamaddu
waxay kaloo ku xukuntay Caddow inuu siiyo madaxweynaha FIFA lacag
dhan CHF 10,000, isla markaasna uu bixiyo kharashkii maxkamadda
oo dhan CHF 14,948.
Bilowgii sannadka ayey gudiga anshaxa ee FIFA waxay
shaqada ka fariisiyeen Caddow muddo dhan labo sano. Horraantii
sanadkii 2002:da, Caddow wuxuu saxaafadda kaga andacooday in madaxweynaha
FIFA uu lacago si sharci darro ah u isticmaalay si uu ugu guulaysto
madaxtinimada FIFA sanadkii 1998. Caddow wuxuu kaloo dacwado ku
oogay nin ka mid ah gudiga fulinta ee FIFA Maxamed Bin Hammam
una dhashay dalka Qadar.
Intaa waxaa dheer, FIFA waxay joojisay oo ay xannibtay
lacagihii ay siin jirtay ururka Somali Football Federation illaa
iyo amar danbe. Waqtigii xisaabxirka ee sanadihii 1999-2001, urukani
muusan soo gudbin wax xisaab xir ah iyo halka ay ku baxday inta
badan lacagihii uu helay. Goaankan waxaa la gaaray ka dib markii
ay ka fariisteen gudiga dhaqaalaha ee FIFA, fadhigaasina wuxuu
ka dhacay magaalada Zurich 21.2.2003. Iyadoo la raacayo qodobadaan,
FIFA waxay xaq u leedahay inay ka codsato gudiga xisaabi xil malehda
inay soo baaraan urur kasta oo wadan ka jira - ha ahaado ururka
laga shakisan yahay wadankiisa ama wadamada kale. Markaa haddii
xilliga baarista ama xisaabi xil malehda lala kulmo lacago is
daba maris ama haddii la waayo wax faylal ah oo caddaynaya meesha
lacagtii FIFA bixisay ku baxday, markaa FIFA waxay xaq u leedahay
inay kharashka ka jarto urukaas wax is daba mariyey ee wadaniga
ah.
Arrinku si kastaba ha noqdee waxaa cad in gudigii
xisaabi xil malehda ee sannadkii 2001 ay ama waayeen wax fayl
ah gebi ahaanba oo caddaynaya halka lacagtii ku baxday ama looba
keenay caddaymo, laakiin waxaasoo dhan ma noqon kuwo ku filan
ama caddayn u noqon kara halka ay ku baxday 84% oo ka mid ah lacagihii
loogu deeqay ururkaas. Ugu danbayntiina gudigu wuxuu soo helay
xaqiiq ah in ururkan ay xarun u ahayd Muqdho, madaxa uruka oo
ah Caddow:na uu samaynayey ganacsi uu ka keenayo Qaahira.
Gudiga FAP ee xagga dhaqaalaha ka caawiya ururada wadaniga waxaa
lagu unkay shirkii FIFA ee ka dhacay magaalada Zurich sannadkii
1996 waxuuna shaqada wadayey ilaa 1999. Urur kasta oo wadani ah
wuxuu xaq u leeyahay 1 milyan oo doollar afartii sanaba (1999
- 2002), halka lixdii midow ururba xaq u leeyahay 10 milyan oo
doollar.
In English: http://www.fifa.com/Service/MR_A/52527_E.html
waxaa soo turjumay A. M. Ali abdirizak80@hotmail.com
Mudugonline.com
Bayaan afhayeena beesha
cumar maxamuud manchester/uk
(Xussen Maxamed Xuubsireed)
Bayaan ku saabsan dhacdadii ka dhacday gobolka
mudug ee magaalada Gaalkacyo ee Odayaasha nabadoonada ah ee Cali
saleebaan. Lagula kacay
Anigoo ku Hadlaya magaca Beesha Cumar Maxamuud ee
ku nool magaalada Manchester iyo wax garadka Puntlland waxaan
aad uga xunahay Falalka foosha xun ee uu ku kacay gudoomiyaha
Gobolka Mudug Ina Cali xaashi (Dhuubane).
Gobolada Puntlland lama kala laha cidna marti ugama
aha nabadoonada cali saleebaan Gobolka Mudug waa gobolkoodii hadalka
uu ku hadlay Gudoomiyuhu waa gaf uu ka galay reer Puntlland oo
dhan waa hadal aad u khaldan ha ka baxaan gobolka odayadaas wax
dhaqan iyo xeer ahna ma aha, nin ka talinaya nabada oo isu xilsaaray
in uu ku dhaqaaqo wanaag dadkoo dhan u dana in la af lagaadeeyo
ama hadalo aan cisa ahayn lagula dhaqmo waa khalad mana aha waxaanu
ku raacsanahay hadaan nahay beeshaas Cumar maxamuud, wixii afkaara
ama fikrado ah waa la’is waydaarsan karaa waxayna u taal nabadoonada
iyo cuqaasha xalinta khilaafaadka beelaha wada dhashay, gobol
waliba wuxuu leeyahay nabadoon in la isku khaldo dhaqanka beesha
iyo maamulkuna waa khalad wixii gobolka yimnidna waxay ahaayeen
nabadoono ee ma ahayn askar iyo dad dhib wada toona, waxaana u
sheegaynaa waa in uu ka bixiyaa (Raali galin)hadalkaas uu ku hadlay
kana fiirsado hadaladiisa , adeer ama ka nax ama ku farax xaqiiqdu
waxay tahay in ay jirto khilaaf beeleed iyo mid siyaasadeedba
oo beelaha puntlland qaarkood dhexyaal mid u taal gudoomiyaha
gobolkana ma aha ka hadalkeeda iyo xalinteedaba ( Nabadoonada
Cuqaasha , Isimada,Boqorada )iyo waxgaradka puntlland ayayna u
taal xalinteeda waxaana ilaahay ka baryaynaa in uu isfaham dhex
dhigo dadkayaga wax kala tirsanaya, walaalaheen cusmaan maxamuudna
gartaan wanaaga iyo wada dhalashada iskuna dayaan in ay tanaasul
badan sameeyaan maadaama aanu leenahay Cadaw tira badan , Maamulkaana
uu yahay mid daarood oo dhan matalaya.wax ala wixii dhiba oo ay
tirsanayaana walaalaheen Cusmaan maxamuud waxaan ka codsanaynaa
ina ay wada hadal ku dhameeyaan.
E-mail : mohamoud_hussein@yahoo.co.uk
Telephone :0044 / 7985525950
Afhayeenka Beesha Cumar maxamuud ee Magaalada Manchester/Uk
Xuseen Maxamed Xuubsireed