Qoraalada Maanta ee
akhristayaasha waxaa ka mida:
|
>Fariin
ku socoto Aqoonyahanka ,Culumaa'udiinka, Ganaacsatada....
>KU:Dadweeynaha
reer puntland gudaha iyo dibadda.
>Somaliland
ma wax jiraa mise |
Fariin ku socoto Aqoonyahanka
,Culumaa'udiinka, Ganaacsatada,Oday dhaqmeedka, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada
iyo Hogaaamiyayaasha Maleeshiyaadka Beesha Mudulood.
Carab miyaa colaada u sahlanaa marki ay iyaga arrin isku maandhaafaan,
miyaynan u muuqan boobka uu la dul joogo mid kale oo walaalkood
ah balsa iyaga aan wax ku dhaamin kala qeybsanaan,isboob,dil iyo
dhac dhexdooda ah ,colaadinta ehelkiisa iyo horjoogsiga danaha guud
ee ummadda Soomaaliyeed iyo danahooda gaarka ah oo aan ka baxsanayn
danta guud ,Soomaalida waxay tiraahdaa kaa bartay ayaa kaa badshay
, ma xumo ,cilmi, khayr iyo wanaag ha la kala barto laakin beesha
Mudulood wuxaay ka baratay beesha korsaarka ku ah shar ku nool ,boobka
ninka dad kuu xigo,banaysashada dilida walaalkaa xaq la'aan,tartan
u gelida madaxnimo aadan miisaankeeda lahayn , u dhega nuglaanta
kan ku colaadinayo kuna doodayo maamulka deegaankaaga in uu wax
ka leeyahay amaba dhinaca kale marki aan u dhigno meel ummadda oo
dhan ka dhexayso marki loo fiirsho caasumad ahaan waa magaalada
Muqdisho.
Cadow bidixeey ayaa waxaa yiri iyada oo loo fadhiyo shir oday
keen ah ee ka dhacay Degmada Caddow Uul Agoost1998 xalna loogu raadinayay
khilaafaad ba'an ee ka dhex jiray beesha Mudulood waagaa siduu haddaba
uga jiro mid kaa kasii foolxuma badan iyo maamul la'aan iyo amni
xumo ku fiday degaanada loo yqaan beesha Mudulood "dhiil saab
la'aanahaa nin dhaansahaa / ninna dhulkiisiyow dhumihaa", dhihida
shiribkaas oo ah hadal la isku afgartay fadhigaas iyo haddalada
kale ee gogashaas la isku dhaafsaday waxaa ka soo baxay ku dhawaaqida
maxkamad islaami ah oo hoos timaado maamulki Cali mahdi madaxda
ka ahaa jiray , waxaana maxkamadaas madax looga dhigay Shiikh Sharif
Shiikh Muxidiin , waxaana gudoomiyaha fulinta ee maxkamdda loo magacaabay
Shiikh Cali Dheere laakin nasiib darro waa wada ogtihiin burburinta
guulihi ay soo hoysay maxkamadaas in loo adeegsaday madaxdeedi gaar
ahaan iyo guud ahaan hogaamiyayaasha Mudulood oo aan u kala harsanayn
baa'biinteedi iyo ku tumashada xuquuqda taageerayashooda.
Waqtigan xaadirka ah dhuminta Diinka aan ku abtirsano , dhulka
iyo asalka laga soo jeedo ma ahan mid u gaar ah oo kaliya beesha
Mudulood ee waa mid wada saamayso ummadda Soomaaliyeed inteeda badan
oo iyada tartarn ugu wada jirto u adeegida danahooda ka hor danaha
dowladdo deris nala ah iyo kuwa naga fogba balsa dana gaar ah ku
leh geeska afrika ,waxaa iydana xaqiiqo aan laga tilaabi Karin ah
in dibaatada aan dhamaadka lahayn ee ka jirto magaalada Muqdisho
culays weyn ku hayso xal u helidda magaaladaas gaar ahaan iyo guud
ahaan deegaanada Soomaalida oo ay ku fiday colaada iyo ishayshada
dad ehel wada ah, haddaba Su'aasha waxaay tahay sidee qoona loo
xagtaa ilkana ku nabad galaan oo ah sidee muqdisho xal loogu helaa
Soomaalina ku nabad gashaa.
Waxaa jirto fikrada isa soo tarayo oo qabo in nabad Soomaali ku
degto ay ku imaan karto xal u helida dhibatada iyo colaada ka taagan
magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda ,magaalada Muqdisho xalkeedana
wuxuu ku jiraa laba arrimood mid .
1)Midda hore waxaay tahay in qolooyinka sheeganayo in ay xoog
ku haystaan magaalada ay gartaan in ay Muqdisho leedahay taariikh
soo jireen ah lana yaqaan yaa maamulkeeda xaq u leh sharci ahaan
iyo in arinta ku haboon tahay marida wadada taa lagu gaari karo
oo ah wada hadal iyo taabashada baahida loo qabo nabad lagu wada
noolaado in ay dan ugu wada jirto kuwa sheeganayo in ay xoog ku
joogaan Muqdisho,kuwa deegaanka Banaadir ka soo jeedo asal ahaan
iyo soomaali guud ahaan taana ma filayo in ay imaanayso laba sabab
awgood waayo
A) nin haddii uu dulmi ku xoogaysto ,boobna ku maaleysto, una aynan
muuqan cid yac iska dhihi karto waa adagtahay in uu naftiisa u sheega
wada hadal ayaa wanaag lagu gaari karaa ilayn waa nin shaydaan la
taliya u yahay .
B)sababta labaad waxaay tahay hogaamiyayaasha sheeganayo in ay
xoog ku joogaan magaalada Muqisho oo maamulki ay ku midaysnaayeen
kala daatay keedib marki ay ku hungoobeen weerarki ay ku damceen
17/11/1991 in ay ku qabsadaan magaalada Muqdisho iyo Soomaali inteeda
kale taasna ay keentay in ay weli ku taagnaato fikradi qabsashada
Magaalada Muqdisho iyaga oo haddana ku kala tagay in ay ku midoobaan
maamul kaliya General Caydiidna kaga tegay wadada dhexdeeda isaga
oo aan meel ku simin hamigoodi, sidaa darteed way adagtahay hogaamiyayaashaan
abuurmay genanki keddib iyo kuwi sababay daciifinta hogaanki generaalka
in ay ku heshiiyaan in loo noqdo caqliga iyo wada hadal lala kalo
beelihi ay dagaalka ku qaadeen si ay u qabsadaan deegaankooda si
nabad loogu soo dabaalo Mar kale magaalada Muqdisho.
2)midda labaad waa mid aad muhim u ah lagana rabo in ay ka timaado
aqoonyahanka, indheergaradka iyo ganacsatada beesha Mudulood oo
iska ka kaashato sidi ay gogol ugu dhigi lahaayeen beeshooda ,waana
mid nabad lagu nasto ku soo dabaali karto Muqdisho iyo agagaarkeeda,
Soomaalina u horseedi karto nabad iyo dowlad midnimo ee caddalad
ugu adeegto ummadda Soomaaliyeed taana waxaay ku imaan kartaa in
beesha Mudulood oo ku dhan oday keen, hogaamiyayaal dhaqan ,culumaa'udiin
, siyaasiyiin ,ganaacsatada,dhalinyarada,hogaamiyayaal maleeshiyo
iyo nin walbo oo beesha ah laguna tirinayo in uu gacan geysan karo
arimaha murugsan ee beesha Mudulood googol kale loogu dhigo Cadow
Uul ama meel kale ee u dhiganto kana fog magaalada muqdisho ,gogashaasna
waa in lagu falaanqeeyo dhibaatada kala gaartay beesha gudaheeda
,dhibaatooyinka ay ku haayaan beelaha doolka ku yimid deegaanada
loo yaqaan iyo kuwa deriska la ahba ,waana in ay gogashaas ka soo
baxaan qaraaradan hoos ku xusan oo sal u noqon karo maamul soo afjaro
maamul la'aan ku raagtay deegaanadooda iyo colaado joogta ka noqoday
beesha dhaxdeeda.
1)in si kama danbayn ah loo soo afjaro colaada beesha dhaxdeeda
ka jirto lana asaaso guddi gaar ah ee u xilsaaran ilaalinta heshiisyada
lala kala saxiixdo iyo ka hortaga dhibaata kasto oo keeni karto
gacan ka hadal .
2 Asaaska nidaam siyaasadeed oo leh dastuur,hogaamiye iyo tiirarka
fadhi u ah maamul hoose ee u gaar ah deegaanada beesha Mudulood
iyada oo aan laga tegayn wada tashiyo lala yeesho beelaha kale ee
la degan taana waa in loo kaashtaa dadka ku takhasusay arrimahaas.
3)Magacaabida guddi gaar ah ee wada hadal la galo beelaha kale
ee colaada kala dhaxeyso amaba gacan ku leh dhibaatooyinka ka jiro
deeganada beesha oo ay ku jirto magaalada Muqdisho ,guddigaana waa
in ay awood u leeyihiin soo jeedinta jihad loo dhan yahay oo lala
galo haddii ay dhinacyada kale ku gacan seyraan in wada hadal lagu
dhameeyo kala danbeyn la'aanta ka jirto magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda
.
4) Waa in dib loo habeeyo dowrka oday dhaqmeedka iyo kaalinta uu
ku leeyahay maamulka hoose ee deegaanada beesha Mudulood
5) Waa in la magacaabo guddi u xilsaaran wargalinta soomaalida inteeda
kale go'aanada lagu gaaray gogaashaas iyo in aynan go'aanadan ahayn
kuwa wax u dhimayo midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo dalkeedaba.
Ugu danbeyn waxaa hubaal ah haddii ay beesha mudulood la yimaadaan
firfircooni dheeraad ah iyo garashada in ay dowr weyn ku leeyihiin
dhibaatada Soomaliweyn dul taalo mudda dheer iyo in iyaga haddii
ay xal u helaan deegaan ay beeshooda ku badan tahay dad ahaan iyo
dhaqaalo ahaan Soomaalina caasumad u ah ay soomaali u horseedi karaan
nabad waarto ee ummadda Soomaaliyeed mar kale ku degto.
Abdallah Moallem Mahamud
Moallem10@hotmail.com
KU.Dadweenaha reer puntland
gudaha iyo dibadda.
Calool ushaqeestayaal. Asalaamu caleekum.Dadweenaha sharafta badan aa reer
puntland.Salaan ka bacdi walaalayaal waxan rabaa inaan ka hadlo
dhor arimood. Hdaba waxaa jira dad caadaystay inay ka shaqeeyaan
dhibaatada puntland. Kuna fakara har iyo habeen inay qoraan sidii
ay uga dhexridilahayen nabad la'aan iyo inay bur burto puntland.Iyagoo
ku farxa ama ku raaxaysta dhibaatada puntland kana shaqeeya shar
iyo wax ilaahay laga nabadgalo.
Waxayna ushaqeeyaan cadowga puntland oo ah (CARTA).
Waana kuwa ugu afdheer oo wax u qora cadowga kana
dheereeyay kuwa xamar.Waxaa lawareestay ninka ku caan baxay been ka
sheegida puntland.Xasan bariise BBC.
Waxaana lawiidiiyay sababta uuga sheego beenta puntland.Wuxuuna
yiri inta aniga ilayaabaysaa kuwa igadheereeya ma'aragtaan kuwa
aad u taqaaniin. (puntlandpost)oo dawladda carto ama xamar loogayaqaan.
....(puntlandpost/usc.) Hadaba walaalayalow hadaan udhaadhaco ulajeedadii
ahay. Ninka kugu dhufta waranka waxaa ka daran kan kugu gil gila.
Waxaan uga danleeyahay usc. Waxaa nooga daran doqonta
nala dhalatay.Horaybaa hadal looyiri.Doqon nabi muuse
ayaa habaaray. Dadweenow arka waxay qoren maanta oo taariikhdu tahay
11/03/003.Waxaan caruurtu ku fakarin laakiin ay ku fakaraan dad
jiran.Anigoo hadalka nigu daalin waxay yiraahden.Gudoomiyaha gobolka
mudug ayaa masaafuriyay
odayaasha ama nabadoonada beesha cali saleeman.waxay siiraaciyeen
oo ugu daran waa inuu gudoomiyaha gobolka bari. Mudane.Xaaji bakiin
uu musaafuriyaa beesha cumar maxamud oo ka aar goosta kan mudug.
Ma'ka hadlaan dhanka wanaagu kujiro oo yiraahdan gudoomiyaha
mudug waa khalad inuu odayaasha yiraahdo
kabaxa oo dhaliil u soo jeediyaan gudoomiyahaha. Intaya
ku fakarayaan isku dir iyo ka aarso.
HADAL YAR.
KU.puntlandaay caruutaadii qaar ka mid ah waxay noqdeen.
Shibir maalin tabqaaday oo buulkii habartiis
gubay ama hoygiisii gubay.Soomaalidu markay arkaa doqontooda xumaan
samaysay waxay yiraahdan kugu dhimay
oo kaa dhimayay ama waxaa layiri wiil soor kaa qaaday iyo mid seef
kaa qaaday waxaa laga samraa kan seeftu
qaaday oo dhintay. Kan soorta waa soo daaganyahay subax walba.puntlanaay
hanqaraarac lug uma dhutiyo.
Hadalkii gudoomiyaha mudug.
Hadaan hadal yar ka iraahdo saarida odayaasha gudoomiyaha
mudug waa ku khaldanyahay inuu yiraahdo ha
ka baxeen gobolka.Wuu oron karaa hajoojiyen shirka haday wax u dhimayo
sharciga uyaala puntland. laakiin
ma'oronkoro ha kabexeen sabab too ah waa dad ushashay gobalka kamana
xigo mana aha dad shisheeye ah.
Gudoomiyuhu hakala saaro qofka ku xad gudba sharicaga
uyaala puntland iyo dhalashada.Shanat gobol iyo
degmada dadka udhashay way u simanyihiin.Qofkii dambi kala maxkamad
waa lasoo hordaagikaraa laakiin ka bax
waa khalad. Sharciga uyaala puntland waa arin ka baxsan oo bur bur
keenigara.
Hadda ka hor waxaan BBC.Kadhagaystay jama cali jama
oo leh cabdulaahi yusuf haka boxo qardho hana aado meeshu u dhahsay
oo ah gaalkacyo.Aniga aragtidayda ama sharciga puntland u dhigan markaan
akhriyay waa ku
khaldanyahay jama. Abdulaahina ma'orankaro jama ha ka boxo gaalkacyo
sababtoo ah waxaa qabanaya labadaba
sharciga ah. Inay ka noqdaan madaxweene oo micnuhu yahay hadaad u
dhalan sidee baad ku xukumi kartaa.
Hadaba halaga fiirsado. Qodabka ah halaga boxo gobolka
ama magaalada siidii dad shisheeya ah. Waad
diidikartaa figratuu wato walaalkaa. laakin kama xigtid dhulka isna
kaama xigo waa loosimanyahay allpuntland.
puntland waa mid, Dadkuna waa mid.
Qore.G.Y.abdiasis jama
e.mail.abdiasisjama@yahoo.com
11/03/003.
FAALLO: Somaliland ma wax
jiraa mise waa sheeko hore oo jiri jirtey? mise
waa wax hada ka dib la abuuri karo?
w.Q Axmed Moxamud
Waad salaamantihiin akhristayaasha
NB:-AKHRISTOW DADKA U DHASHAY SSH WAXAY WAAX KA YIHIIN OO WAX KA DHISTEEN
1998 PUNTLAND EE TAA OGAADA :-
Tan iyo markii ay burburtay maamulkii dhexe Soomalia 1991, waxaa
somalia ka samaysmay maamulo yaryar oo aanay adduunweynuhu ictiraafsanayn.
Waxaa ka mid ah maamulka Somali-land isku magacaabay oo la aasaasay
bishii May 18keedii 1991. Waxa uu ahaa mid ay u ololaynayeen hal
qoys oo wax ka dega dhulkii la isku odhan jiray British Somali-land
xorriyadda ka hor. Magacaasina waxa uu ahaa magacii jiri jirey 60kii
ka hor . Haddaba waxaa isweydiin mudan Somali-landan aynu maqlayno
maanta yaa dhidibada u taagay, Beelaha SSHna maxay ku lahaayeen
dhisideedii? Waxaa magacan ku dhawaaqay beelaha dega Gobolada Waqooyi
Galbeed iyo Togdheer oo arrinkoodu u eg yahay siyaasad salaq leh
oo sabaynaysay hubsiimo la aan ama lugta ku haysa cuqdad ay ka qaadeen
Somaalida maamulkeedii ugu danbeeyey. Waxayna adeegsadeen aragti
cunsuriyeysan oo aan raad ku lahayn taariikhda deegaankii een hore
loo odhan jirey Britishsomaliland, ta siyaasadeed way qasantay iyo
ta soomaliyeedna wa ka fool xumaatay. Waxa aragtidan ay ku dhaqmayaan
ahayd mid ah: " Anaga ayaa soo diyaariney, matalaynana, daawanayana
meel kasta oo aan aduunka ka joognana una qaylinayna , Dastuurkana
anaga ayaa u codeeynay anaga oo aan u eegin da'da Teesaraha,
isla markaana uu midkaayaba shan jeer ku noqnoqonayo." . Tanina
waxa ay ka mid tahay aragtiyaha siyaasadeed ee khaldan ee lagu aasaasay
Somali-landan
maanta. .....................
GebaGebadii:
Waxaanu ku soo gebagebaynaynaa su'aashan ah:
Horta marka ugu horeysa ma jiraa wax labada beelood ee wada dega
Waqooyiga Soomaliya ay isla meel dhigeen ka dib burburkii Soomaliweyn?
Jawaabtu Waa maya. Talo waxaanu ku soo jeedin lahayn sidan haddii
la rabo in la wada
hadlo:
1. Waa in wax walba laga soo bilaabaa meel la isla ogol yahay oo
macquula si loo nooleeyo mabdaii degaanka ee burburay 1982, waayo
waxyaalo aan la isku raacsanayn ayaa jira sida ku dhawaaqida Somali-land,
Calanka, Distoorka, iyo Lacagta. Intuba waa wax dad jibaysani sameeyeen.
2. Waa in la raacaa qaabkii reer Waqooyigu waxa u wada qaybsan jiray,
isla markaana la tamadiyaa reer Waqooyinimada ee aan la buunbuunin
Somali-landnimada.Waa in warbaahinta laga ilaaliyaa waxyaalaha bulshooyinka
dega waqooyiga kala fogaynaya hadday noqon lahayd waxa wargeysyada
lagu qoro iwm.
3. Sidoo kale waa in la joojiyaa waxyaalaha dadka soo xasuusinaya
dhacdooyinkii murugada lahaa ee ay ka midka yihiin diyaaradda taallada
laga taagay ama dad meelo lagu sawiro(Waa taallo hargeysa laga dhisay
oo lagu xasuusanayo diyaaradihii Hargeysa lagu weeraray iyo niman
ka mid ah SNM sawiradoodii). Sababtoo ah dadka degaanka ssh kala
meydaan tashan hawshaad kula jirteen xukumadii markaa jirtey iyaguba
mucaarad badan bay lahaayeen lamaydaan midoobin mucaaradkoodii sidaa
darteed may ahayn wax loo wada dhan yahay.
4. Qodobada kor ku qoran waa in la meelmariyaa ka hor inta aan la
isku soo hor fadhiisan wax kasta oo kale, waayo arrimahani waa waxyaalaha
caqabadda ku ah inay si fiican isu dhexgalaan labada beelood ee
degaan wadaaga. waa in
wixii ku kala maqan sida dhulka la isu sheeganayo la isu cesho.
wixii ka danbeeyey burburkii. Intaas oo arimood waa xaqaaiqa ka
jira meesha loogu yeedhi jirey somali land 60 kii ka hor. Hadaba
cidii danaysaa S/L- tii arimahooda waa inay saxaan inta khalad ee
ku jira dhulkaa asal ahaan loogu yeedhijirey s/l hadii kale waa
inay sidaa ugu jirtaa meel ka lulashada ileen dadku iskuma raacsanee.
Axmed Moxamud
moxamud19@hotmail.com
Wa bilaahi tawfiiq.
Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not
necessarily those of Mudugonline
|
Qoraaladu
waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Mudugonline.
|
|