TALIYAHA CIIDAMADA DARAAWIISHTA
PUNTLAND OO SHEEGAY IN AY GUBEEN HOGIHII DHUXUSHA EE GOBOLKA SANAAG.
Bosaaso , Mar 13, 2003 (MOL)- Taliyaha ciidamada
daraawiishta puntland Col. Carays ayaa sheegay in ay ciidamadiisu
cagta mariyeen hogihii dhuxusha ee gobolka sanaag tasoo ay ula
jeedaan ka hor tag xaalufka deegaanka oo sidii dawladii Somaliya
u burburtay si xawli leh uga socotay meelo badan oo Somaliya ka
mida. taliyuhu waxauu sheegay in ay ciidamadiisu gebi ahaan gacanta
ku hayaan inta badan gobolkaasi iyagoo gaaray meel wax yar u jirta
degaanka ceel afwayn oo fariisin u ah ciidamo maleeshiya ah oo
ka soo horjeeda Dawlad goboleedka Puntland oo uu hogaamiyo Jan.
Cade Muuse kana amar qaata Jaamac Cali Jamac oo isagu gacan saar
la leh Dawlada KMG ah ee Carta lagu soo dhisay.
taliye Carays waxuu kaloo sheegay in ay la kulmeen
odaysha degaankaasi oo si wayn looga soo dhoweeyey hawlahoodana
si fiican u wataan.
Waxaa sidoo kale Xaalufinta deegaanka si ba'an uga
socotaa deegaanka Jubbada hoose oo ay hadda gacanta ku hayaan
koox isku magacowda libaaxyada Galgaduud. dhuxusha la dhoofsho
ayaa badanaa loo suuq geeyaa wadamada gacanka oo aan dan iyo heelo
ka lahayn nabaad guurka lagu wado dhulka Somaliya.
Mudugonline.com
BIYO LA'AAN KA DILAACDAY
DEGMADA GALDOGOB
Galkacyo , Mar 13, 2003 (MOL)-Degmada goldogob oo
ka tirsan gobalka mudug ayaa waxaa soo food saartay biyo la’aan
ay dadka iyo duunyaduba ay dareemeen kadib markii labadii ceel ee
halkaasi ka Shaqeenayey mid kamida uu fariistay, waxayna taasi kaliftay
in ay dhacdo biyo yaraan Soo food saartay degmadaas ayadoo halkii
fuusto lagu iibinayo 12 kun oo Somali shilin ah. dhawaan ayaa Dawlada
goboleedka Puntland sheegtay in ay abaaro ka jiraan meelo ka mida
Puntland iyadoo xiliyadii roobabku yaraadeen.
Degmada ayaa waxaa u soo aroora xoolo farabadan
oo ka yimaada deegaanada ku xeeran ay aad ugu badan yihiin dadka
xoola dhaqatada ah oo iyaga iyo xoolahooduba ku xirnaayeen biyaha
ceelasha degmada Galdogob oo aan haatan kaafin karin baahida jirta.
Mudugonline.com
Wasiiro booqday magaalada
laascaanood
Laascaanood , Mar 13, 2003 (MOL)-Wasiirka Cafimaadka
ee dawlada goboledka puntland iyo wasir ku xigeenka Warfaafiinta
dawlada goboleedka puntland ayaa kormeer hawleed ku tagay gobolka
sool xaruntiisa laascaano.
Wasiirka cafimaadka Siciid Maxamed caduur iyo wasiir
ku xigenka warfaafiinta Cabdishakuur mire Aden ayaa waxaay booqden
meelo ay ka mid yihiin Idaacada Laascaano, Isbitalka M.C.H iyo
Shirkada telefonada. intii ay joogeen labada wasiir waxay shirar
kala duwan la yeesheen masuuliyiinta gobolka oo iyaguna warbixino
ka bixiyay marxalada gobolku hadda ku sugan yahay.
Weriye C/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
|