[2003/March/_includes/slogan.htm]


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

Golaha amaanka qaramada midoobay oo cambaarayn u so jeediyay dagaal oogayaasha Somalida

NY, 13 March 2003 (MOL)- Golaha Amaanka qaramada Midoobay ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku cambaareeyeen dagaalada ka dilaacay magaalada Muqdishu iyo meelo kale oo Somaliya ah asbuucyadii aan soo dhaafnay. golaha amaanka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dagaalka dadka Somaliyeed ee dagaal oogayaashu ka dhigeen la haystayaal. golaha amaanka ayaa sheegay in dagaaladaan cusub dhaceen ka gadaal heshiiskii xabad joojintaa ee ay hogaamiyaasha Somalidu kala saxiixdeen dhamaadkii bishii October ee kal hore.

cambaarayntaan ka soo yeertay golaha amaanka oo hadda ku mashquulsan arimaha Ciraaq oo dawlada Maraykanku damacsan tahay inay dagaal ku qaado ayaa moodaa in aan cidna dhag jalaq u siin iyadoo Dawladaha waaweyn oo arimaha Somaliya wax ka qaban karay ku mashquulsan yihiin arimo kale.
Mudugonline.com



kala qaybsankii kooxda Carta oo sii xoogaystay

Nairobi , Mar 13, 2003 (MOL)- wararka ka imaanaya madasha shirka dib u heshiisiinta Somalida ee Mbagathi ayaa sheegaya in ay sii fogaatay kala qaybnsanaantii kooxda Carta. wararka ayaa sheegaya in kooxdaas u kala qaybsantay laba garab iyadoo ay aad ugu kala aragti duwan yihiin hanaan socodka shirka dib u heshiisiinta. wararka ayaa sheegaya in labada kooxood mid walba rabto in iyada loo aqoonsado inay matalayaan Kooxda Carta. burburka ku yimid kooxda Carta ayaa lagu micneeyay ka dib markii ay kooxda Carta isbahaysi la samaysteen koox kale oo isku magocda G8 oo ay hogaamiyaal u yihiin Maxamed Qanyare iyo Cusmaan Caato.

Dad badan ayaa aaminsan in laga yaabo in Cusmaan Caato lug ku leeyahay kala furfurashada kooxda Carta oo uu waligiis u arkayay inay qatar ku yihiin deegaanka taageerayaashiisu ay Muqdishu ku leeyihiin. Caato ayaa intii shirka Somalidu bilaamay waday xodxodasho uu ugu soo dhawaanayay kooxda Carta. arintu si kastaba ha ahaatee madasha Mbagathi ayaa laga arkay jaahwareer iyo niyad xumo ku timid waxii ka haray kooxda Carta oo shirka dibada ka jooga oo hadda loogu yeeray inay Muqdushu ku soo noqdaan. raga ku jira kooxdan oo aan u dhalan deegaanka Muqdishu ayaa la sheegay inay walwal weyn ka qabaan ku noqoshada magaalada Muqdishu ayna ka baqayaan hadday Muqdishu ku noqdaan in la afduuban doono. raga la sheegay inay aad u walwalsan yihiin ayaa laga magacaabay Xasan Abshir oo ah ra'iisal wasaaraha Dawlada KMG ah ee Carta oo dhawr jeer oo hore ka caga jiiday inuu xamar ku noqdo.

Mudugonline.com





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
[2003/March/_includes/slogan.htm]