[2003/March/_includes/slogan.htm]


ku xayaysiiso ganacsigaaga Mudugonline.com

Wararka Mudugonline

Guddoomiyaha gobolka Mudug oo amray in odayaasha Cali saleemaan Magaalada Galkacyo ka baxaan

Bosaaso, 11 March 2003 (MOL)- Wararka aanu ka helayno magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in gudoomiyaha gobolka Mudug C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) uu amar ku bixiyay inay magaalada Galkacyo ka baxaan odayaashii beesha Cali saleebaan oo ayaamahanba ku sugnaa Magaalada. odayaasha ayaa amarkaan la soo gaarsiiyay waqtiga salaada duhur ka dib.

Odayaasha Beesha Cali Saleebaan ayaa magaalada Galkacyo u tagay hawlo la xiriira nabadayn iyo sidii odayaasha Puntland isaga arki lahaayeen sidii loo soo afjari lahaa dagaalkii hubaysnaa ee ka dhacay Puntland.

Amarka gudoomiyaha gobolka Mudug C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) ayaa lagu micneeyay in uusan jirin wax beelaha Puntland dhexmaray oo laga heshiisiiyo arintuna ay dhexmartay kooxo siyaasada isaga soo horjeeda sidaas darteen aan loo baahnayn hawlaha Odayaasha maadaama aysan jirin wax ka dhexeeya beelaha, sidaas darteed ayuu gudoomiyuhu waxuu amar ku bixiyay in la xiri doono odayaashan haddii aysan kaga bixin gobolka Mudug mudo saacdo ah sida laga soo wariyay.

Odayaasha Beesha Cali Saleebaan ayaa aad ugu xumaaday sida uu ula dhaqmay gudoomiyaha gobolka Mudug, waxayna ka soo anbabexeen magaalada Gaalkacyo abaarihii 1:30-kii duhurnimo iyagoo u soo kicitimay dhinaca magaalada Garoowe.

Qaar ka mida ah odayashaasi oo u waramay Wariyaha mudugonline ayaa sheegay in aaney fili hayn arinkaasi ku dhacay iyo sida uu ula dhaqmay gudoomiyaha. iyagoo markii hore magaalada Galkacyo si dhiiran ay ugu soo dhaweeyeen dadweynaha magaaladu.

waxay is la caawadaan joogaan odayaashu magaalda Garoowe iyagoo la filayo isla berito in ay u soo kici doonaan magaalda bossaso.


Wariye:C/risaaq Sheekhaduun.
Mudugonline.com



Mr. Kiblagat oo la shiray 6-da gudi ee shirka Somalida

Nairobi , Mar 10, 2003 (AllPuntland)- Ergayga ugu qaabilsan Kenya Shirka Somalida ahna gudoomiyaha gudiga farsamada IGAD ee shirkaas ayaa maanta kulan kula yeeshay Mbagathi lixda gudi ee Somalida ah ee u xilsaarnaa hawlaha wajiga labaad ee shirka.

Kulanka labada dhinac ayaa la iskula soo qaaday siddii gudiyadu hawlahooda usoo gabagabayn lahayeen sidda ugu dhoqso badan, si loogu gudbo wajiga 3 aad ee shirka, gudiyada Somalida ayaa kusoo bandhigay kulankaas halka ay u marayaan shaqada ay hayeen oo gudiyada qaar ayan wali soo dhamays tirin qoraaladii laga sugayay inay kusoo koobaan hawshooda.

Kiblagat ayaa u sheegay gudiyadaas inay si rasmi ah inta uga dhiman hawlahooda ay u bilaabaan barito, isla markaana gudiga farsamadu la socon doono hadba meelaha ay wax u marayaan, gacana laga siin doono hawshooda, iyadoo la kordhinayo khubaro gacan ka siinaysa gudiyadaas hawlahooda wixii ay uga baahdaan.

Kulanka waxaa dhinaca Somalida uga qayb galay gudoomiyayaasha lixda gudi iyo ku xigeenadooda iyo xog haynadooda, halka gudiga farsamadana ay uga qaybgaleen gudoomiyaha shirka Kiblagat iyo xubno kale IGAD ah.

Lixda gudi ee Soomaalida ah ayaa waxaa ka mid ah hawlahooda habka federaalka Somaliya yeelan doonta, dhaqaalaha, hubdhigista iyo dhaqan celinta iyo kuwo kale.

Allpuntland





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


 

 
[2003/March/_includes/slogan.htm]