XASAN
ABSHIR
MA XALAALAYN ..KARA
KISMAYO???
Waraysi
uu siiyay dhowaan idaacadda BBCda ee Afka-somaaliga,
Ayuu Xasan Abshir Faarax, wuxuu ku qirtay in uu
heshiis nabadeed la galay Isbahaysiga isku magacaabay(
Dooxada Jubba) oo ah kuwa xooga ku qabsaday, kuna
haysta wali magaalada Kismaayo iyo meelo kale
oo ka mid ah goballada Jubbada hoose iyo Jubbada
dhexe. Waxaa ka horeeyay waraysi kale oo uu siiyay
isla idaacddaas Janaraal Aadan Cabdullahi Nur
oo ku canbaaraynhayay Xasan iyo heshiiska uu galay
oo uu ku sheegay in ku jiraan wax-yaalo aad u
foolxun oo ay ka mid tahay in loo ogolaaday shirkado
Ajnabi ah in ay ku aasaan halkaas Sunta kimikada
ee Khatarta ah.
Maqaalkaan,
waxaan rabaa in arintaas wax ka iraaho:
Haddaba
si aysan oraahdu inooka baahin, Waa in aan is-waydiinaa
marka ugu horaysaba Xasan ma u xalaalayn karaa
Jubaland cariga lagu macaabo nimanka haatan xooga
ku haysta? Hadduuse sidaas saxeexo dhulkaasi ma
ku xalaaloobayaa heshiis Xasan saxeexay?
Si
aan uga jawaabno waydisyadaan, waa in iswayddiina
bal maxay yihiin dhinacyada kala saxeexday heshiiska
la sheegayo? Wararka arintaan la xiriira, waxay
caddeeyeen in heshiisyo dhexmareen seddexda dhinac
ee kala ah:
1-
Nimanka haysta kismaayo ee la magac-baxay:(Walaalaha
Gal-guduud).
2-
Xasan Abshir oo ah ninka uu Cabdi-qaasin
ka dhigtay Wasiirka kawaad markii ninkii Carta
loogu doortay jagadaas oo ahaa Cali khaliif galaydh,
oo sida la wada ogyahay ku caynaan adkaaday Cabdiqaasin.
3-
Shirkada Ajnabi ah oo sida lasheegay ka tirsan
MAAFIYADA Adduunka ee ka shaqaysata waxyaalaha
Adduunka xaaraanta ka ah. Waxay ila tahay in aan
dhinac isaga riixo qolada saddexaad ee heshiiska
oo ah shirkadu ay samaysteen dad danbiilayaal
ah oo tuugo ah, oo aan waxba ka khusaynin Mustaqbalka
banii Aadanka ,markaana aan ku soo koobo faalladayda
labada qolo ee heshiisku dhexmaray,oo kala ah
Xasan Abshir iyo Walaalaha Gal-guduud:
A-
Xasan Abshir muxuu yahay?
Xasan
waa nin Dadka Sommaaliyeed badi si wanaagsan u
yaqaanaan. Waxay ku yaqaanaan ma aha oo kaliya
in uu ka mid ahaa raggii Siyaad Barre aadka ugu
dhowaa muddu dheer , oo taas rag badan buu la
wadaagaa, mana sheegayo midda kale ee ay ku yaqaanaan
ee ah Meesha uu siyaasadda ka qabasho bartay ee
ah in uu nin magac sita u noqdo MIDIIDIN, oo taana
rag badan buu la wadaaga, ama ha xumaato amase
ha fiicnaato eh.Waxa haddaba aan rabao in kaga
hadlaa waa maxay? Jawaabto waan Cunwaanku xambaarsanyahay.
Suaasha meesha taallaa wa Xasan oo aan xaaladdiisa
ognahahay Kismaayo ma u saxeexi karaa heshiis
NABADEED iyo mid COLAADEED midna? Jawaabta suaashan
ayuu ku soo urorayaa nuxurka mawduuco.
Haddaba
haddaan sii hormariyo jawaaba Suaasha meesha
taalla waxaan u arkaa in ay maya tahay sabaha
aan awgood:
1-
Xasan wakiil kama ahaa dadka reer Jubaland oo
ma ay soo dooran, taasina ma aha mid isaguba ku
doodayo. Sida la ogsoonyahay cid uu wakiil ka
yahay ma jirto oo aan madaxwaynihiisa ka ahayn.Shirkii
carta Xasan kama mid ahayn beelihii Harti ama
Daarood ee Cadiqaasin wax ka doortay oo watay
ninkii laga adkaaday ee Cddo ahaa.Balse waxaan
la illoobi karin sidi uu ugu shidayay dadkiisa
markii uu socay loollankii beeluhu ee Carta. Beelaha
reer Harti markii ay u cuntami-waday habkii Balamaanka
loo qaybinhayay, oo ay ka baxeen shirka, Xasan
waa kii dhawaaqay oraahdiisii caanka noqotay ee
ahayd(Hangaraarac.. lug uma dhotiyo). Beelaha
Harti iyo Daaroodba, waxay doorteen Cali Khaliif.
Marka Xasan reerkiisa iyo reer kale midna wakiil
kama ahaa.
2-
Xasan ma ahaa nin xor ah uu xataa rayigiisa
shakhsiga u madax banaan oo Xamar buu magan ku
yahay. Sida laga wada warqabo Xamar waxaa haysta
kooxo hubaysan oo beelo ku abtirsada. Ninkii aan
Beel-hubaysan ku lahayn waa in uu beel u noqdaa
magan, si aysan barqadii u diiran yayda aan waxba
dhaafin. Saas buu u yahay nin aan hali karin xataa
xuriyaddaa shakhsiga ah ee qofka caadi ah. Qofkaas
oo kale sharciyada adduunka oo idil waxay isku
wafaqsanyihiin in aan qawlkiisa iyo ficilkiisa
midna wax ka soo qaad lahayn.
3-
Ninku ma aha reer kismaayo iyo Jubaland midna
,way jirta in uu ku abtirsado Beesha Harti ama
KABLALAX ee degaan kaas u badan, laakin Xasan
waa reer Nugaaleed, oo iyadana ka doortay maganta
uu yahay reera kale. Haddiibase ay reer Jubaland
Xaxan wakiishaan xagee buu gaynhayaa?Jawaabto
way iska caddahay, oo waa meesha uu isaguba maganta
u yahay.
4-
Xasan isaga ayuun baa ha lagaa sheego arinta uga
jeeda mooye eh, Cabiqaasin uma dirsan saa,meesha
wuuba haystaa, Xasanna xaladdiisa wuu naga badiyaa
eh. Sidaas buuna ninka uu maganta u yahayna Xasan
Wakiil uga ahyn in u saxeexo heshiiskaan.
Halkaan
waxaa innoga caddaatay in uusan Xasan Abshir xaq
iyo sharci midna u la hayn in reer Jubaland u
saxeexo waxa uu ku sheegay heshiis nabadeed, dhinac
kasta oo laga eego ,xag toleed, xag degaan iyo
xag dawladeedtoona.
B-
Is-bahaysiga Dooxada:
Haddii
aan wax yar jaleecno, Waxaan ognahay in is-bahaysigooda
labaxay (Walaalaha Galguduud) uu ka koobayahay
labada koodxood oo kala ah:
1-
Maleesiyada Cayr : kuwaas oo ahaan jiray ciidamadii
J. Caydiid, kadibna uu dhaxlay wiilkiisa Xuseen
, sida uu Aabihiis uga dhaxlay waxyaalo badan
oo kale oo ay ka mid ahayd Jagadii Madaxwaynaha
ee Dawladdii Sal-Ballaar, kadibna isu beddeshay
koox Siyaasadeed shirkii qahira kaddib. Marka
mooryaantaan Cayr waa ciidan calooshooda u shaqaysta,
waxaana Kismaayo u soo diray Xuseen caydiid, Wax
Siyaasad ahna kuma shaqo lahayn , Reer Caydiid
ayaa sida ay rabaan iyo meesha ay rabaan u dirsan
jiray, Siiba waxay u adeegsan jireen Reer Caydiid
marka ay qabsadaan Degaano aysan lahayn, sida
Baydhabo iyo Kismaayo.
Sidaa
iyada oo xaalka maleesiyadan yahay ayaa 2000kii
Carta, waxaa ka soo baxay Madaxwayne ay mooryaantan
isku hayb-yihiin oo ah Abdi-qaasin. Iyadoon lababa
Is-waydiinin Ayay isla markiiba ku wareegeen Maxwaynahooda,
oo ay xarigga u gooyeen reer Caydiidkii ay muddada
tobanka sano ka badan Raacsanaayeen. Taas oo keentay
in Dawladda Carta oo aysan jirin meel waddanka
ay ka taliso, xaafad Muqdisho ka mid ahna ha ahaato
eh,in ay Kismaayo noqoto magaalada qor ah ee maamulka
dawladda Cabdiqaasin hoos timaada, Taas oo mooryaantii
Cayr ee halkaa u joogay calool-u-shaqaystanimada
ay kasbadaan midab Siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Haddaba
Mooryaanta Cayr ee kismaayo haysta way is-ogyohiin
in Kismaayo aysan waxba ku lahayn iyaga iyo Ehelkoodu
midna, oo joogitaakooduna ku xiranyahay Xooggooda
iyo Awooddooda oo kaliya, sidaa awgeedna aysan
waxba uga baahnyn Xasan Abshir iyo heshiis ay
la galaantoona.
B-
Mareexaanka Galguduud
Kooxda
kale ee Kismaayo wax ka haysata ee ku jirta Is-bahaysiga
Xaraanta ah, waa malesiyada ku abtirsata Mareexaanka
Galguduud, waa niman ka duwaan Malesiyada Cayr,
Walaalnimada Galguddudna ma aha wax jira ee waa
eray aan dhaafsiisnayn afka baarkiisa. Waa labada
reer ee isugu colaad wayn Somalida,waana lawada
ogyahay wixii ay dhibaato isugaysteen intii ay
socotay Xarbiga ahliga ah, ha ahaato wixii ay
ka Sameeyeen mooryaantto Gedo, amase Dagaalladii
ummula dooxa ahaa ee ku dhexmaray labad dhinac
Gobolka Galguduud. Waxaan rabaa in aan wax-yar
ka iraaho nimaakaan Mareexaan ee Kismaayo wax
ka haysta waana tan:
1-
Koodaan in ay ka baxdo bahda DAAROOD oo la bahoobaan
shisheeye cadaw ah, waxaa ka masuul ah Siyaasad
xumada Harti guud ahaan iyo tan Majeerteen gaar
ahaa, iyo waliba Maxamuud Saleebaan khaas ahaan,
oo xarigga midkood xiro kan kale furayo. Waana
mushkiladda ugu xun oo Daaroodka Lugta jiidaysa.
2-
Waa niman Daarood oo lgama xigsan karo Kismaayo.
Waxaan saas u leeyahay, Xeer Daarood markii loo
noqdo, wuxuu caddaynhayaa, in aan Daaroodku dholka
ka la hayn. Qof waliba wixii hanti gaar u leeyahay
isaga iska leh, laakiin dhulka waa lawada leeyahay,
lamana kala xigo. Sidaa darteed waxbay ku leeyihiin
Kismaayo iyo meel kasta oo caro Daarood ah.
3-
Waxay ka dheragsanyihiin isbahaysiga Walaalaha
Galguduud in uu yahahay mid si ku meel-gaar ah
la isugu danaysanhayo, Danaha maanta isu keenay
labda walaal beeneed waa kuwo wax-yar ku kala
furmi kara, waxaa innaka xiga oo kaliya labda
qolo oo midkood danta ka dhaxaysa ka qooraansado
dhinaca kale, dhawr jeerana wax baa looga soo
joogay middaas.
4-
Raggaani aad ugama fogaan karaan Walaalahooda
ku dhaqan gobalka Gedo, kuwaas oo wax badan diidana
in shisheeye la bahoobaan, inkasta oo wax badan
laga shaqeeyay. Markii la isku darana labda Mareexaana-Gedo
iyo Galguduud-waxaan shaki ku jirin in ay yihiin
Cudud Daarood oon la dhayalsan karin.
5-
Mareexaanku labaatankii Sano ee burburka ka horaysay
iyagaa waddanka xukumayay, taas oo ay ku kasbadeen
waayo aragnimo sida wax loo xukumo, nooc kastataba
ha noqdo xukunkaasi eh. Xukunkoodu haddaba wuxuu
dhaama kuwo badan oo Daaroodka ka mid ah, sida
Ina Cumar Jees oo kale.
Arimahaas
oo dhan oo jira, haddana maanta wxay ku jiraan
ISBAHAYSIGAA SHAYDAAN kamana bixi karaan inta
talada Daaroodku sida ay maantahay ku sugantahay.
Sidaa awgeedna kooxdaani, maanta Xasan Abshir
iyo beeshiisatoona waxba uga ma baahna, Saa ninka
Xasan maganta u yahay ayayba toos xilfi ugu wada
jiraane, mana jirto sabab ay heshiis ula saxeexdaan,
saa waxba ku soo kordhinmaayo eh. Waxaa is-waydiin
mudan , mar hadday arimuhu saasba iska yihiin
Xaanna aan meeli uga banaanayn, Waa maxay heshiiskan
Xasan dadka ku wareerinhayo?
Jawaabto
waa mid sahlan ninkii Xasan yaqaan, ninka aan
aqoona waa loo jilcin, oo waxaa weeye wax lagu
dhaqmi jiray barigii Siyaad Barre, oo waxaa la
yiraahaa ( ISMUUJIN) wuxuu isu mujinhayaa Cacdiqaasin,
Markaas buu garaacayaa tenagyo maran, wuxuu isla
dhacayaa daasadu maran, wuxuu u gacan haadinayaa
dad aan muuqan, Wuxuu u khudbaynha darbiyo cidla
ah, wuxuu abuurayaa shanqar badan. Waxaas oo dhan
wuxuu ula jeeda in uu Cabdi qaasin ku raalli geliyo
oo qur ah.
Haddaba
heshiisyadaan Xasan la saxeexday Isbahaysiga Kismaayo
xoogga ku haysta ma aha kuwo Kismaayo iyo Jubaland
xalaalayn kara, ama duudsi kara. Xasan, Mooryaanta
Cayr, Cbdiqaasin iyo nimanka Mareexaan iyo dadka
Somaaliyeed oo idili, waa ka wada dheragsanyihiin
in aan saxeexa Xasan Abshir waxba xalaalayn karin,
waxna xorayn karin, ee waa tabaha siyaasadeed
Xasan, ee ah ha lagaa sheego oo kaliya. Waxaan
ku soo gabagabaynhyaa, marka aad nin gurigaagii
xoog ku haysta heshiis nabadeed la saxeexato,
macnaheedo, waa WALIGAABA ISKA HAYSO, WALIGAA
WALIGAA
,
XASANNA HEESAHA NOOCAAS AH AAD BUU U YAQAANAA.
Kismaayo iyo qaybaha kale ee Juba land ee maanta
ku hoos nool gumaysiga qabiil waa arin u taal
dadka u dhashay gobolladaas, waana kuwii ka xoreeyay
gumaysigii Talyaaniga, waa ubadkii ay dhalayn
maxamed Jaamac iyo geesiyaashii Agusto ee balka
dahabka ah ka galay taariikhdii gobanima-doonka.
Mana
aqbalayaan in ay xambaarsadaan gumaysi reer iyaga
oo aqbali waayay gumaysigii dawladeed ee reer
Yurob.Waxay oraah caalami ahay dhahaysa: (
xaq ninkiisii daba Joogo ma duudsamo). Waxaan
ku soo gunaanadayaa : Reer Kismaayo xaqooda
cidina ma xalaalayn karto , mana duudsii karto,
mana duugoobayo. Xasanse heesihiisa ha iska qaado.
Waa:Dr
Abdi Xasan Abdi. SWEDEN.
SIDEE
QARAN KU DHISMI KARAA?
Waa
salaaman tihiin dhaamaan akhristayaal.
Sideedadaba
dagaalada ka socdaa dunida badankooda waqtigaan
xaadirka waa ka duwan yihiin kuwii qarnigii hore.
Maanta dagaalada badankooda waxay ka socdaan wadamada
dhexdooda (dagaalo sokeeye) ee kama dhex socdaan
labo wadan. 1995-tii waxaa dunida ka socday qiyaastii
ilaa 50 dagaal 2 kaliya ayaa ahaa kuwa dhexmarayey
laba wadan kuwaasoo ahaa Beeruu iyo Ekwadoor iyo
Lubnaan iyo Israaiil dagaalada kale waxay ahaayeen
kuwo ka socday wadamada gudahooda . Nasiibdaro
dagaaladaan ka socda waddamada gudahooda masoo
jiitaan inta badan aragtida dadweynaha dunida
kunool. Qaarada Afrika ayaa iyadu ah halka dagaalada
ugu badan ee sokeeye ka socdaan isla markaana
ah halka ay saameynta weyn ku yeesheen. Tusaale
ahaan waxaa wadanka Koonfurta Afrika ku dhintay
17,000 qof sanadkii ka danbeeyey dhamaadkii maamulkii
cunsurinimada (apartheid). Waxay tiro ahaan ka
badantahay marka laysku geeyo intii ku dhimatay
16-kii sano ee halganka lagaga soo horjeeday maamulkii
cunsuriyada uu socday. Waxaa kaloo iyadana xusid
mudan inta ka badan 100,000 ee naftooda ku weysay
carqaladaha ka socda wadanka Aljeeriya.
Akhristoow
wadamada muslimka badanaa marka laga reebo kuwa
qaniga ee saliida leh, kaalmada dowlada ay siiso
shacabkeeda ayaa aad u xadidan. Taasoo dhalisay
in ay shacabka aysan helin dhaqaalaha kaalmo ee
xaga caafimaadka, waxbarashada, shaqada iyo difaaca
ee muhiimka u ah horumarkooda dadnimo. Tani waxay
sababtay in qofka shaqsiga uu kaalmo ka helo qoyska.
Qoyska wuxuu buuxiyey ama galay halkii dowlada
xoog leh ay gali lahayd isla markaana isbedel
ayay ku dhalisay fikradii laga qabay dowlada.
Qofka muwaadinka ma taageerayo dowlad ee wuxuu
taageeradiisa siinayaa qoyska, qaraabada ama qabiilka.
Caruurta ayaa ah kuwo si toos ugu baahan kaalmada
qoyska isla markaana qoyska ayaa sii socodka jiritaankiisa
ku jiraa caruurta. Guurka ayaa ah wax aan shakhsi
aheyn ee ah wax qoyska oo dhan saameeya. Waxaa
la iska guursadaa qoyska gudihiisa hadii la heli
karo. Xubnaha ka tirsan qoyska ee da´da
ah ayaa ku tiirsan caruurta maadaama aysan jirin
dowlad caawimaad siineysa. Bulshada habkaan ku
dhisan ayaa ah bulsho uusan wasiirku matalin xisbi,
ama ururo isku mabdayo ah, uusan ka haysan kalsooni
baarlamaan laheyna xisbiyo mucaarad. Dowladaan
ayaa ku dhisan isbahaysi qabyo ah kana dhaxeeya
hogaamiyaal qabaa´ilo, cadowna isku noqon
kara maalinta xigta. Wasiirku lama aha ku mabda
wasiirada kale ee dowlada ka tirsan ee waxaa uu
ku yimid inuu reer matalo.
Waxaa
horay loo yiri qaran ma dhismi karto dad la´aantiis,
laakiin dadku waa noolaan karaa qaran la´aanteed.
Qaranka ayaa asalkiisa kasoo dhashay mabda ah
inay matasho shakhsiyaadka ku nool dhul cayiman
oo leh astaamo lagu garto sida asalka, luqada,
diinta ama siyaasada. Tani waxay dhalisaa in qaranimadu
hesho legitimicy siyaasadeed kana baxsan mabda
iyo qaninimo. Shashsiyaadka aan qaranka aqbalin
ma aqbalayaan qaranka iswaafaqnimadiisa. Tusaale
ahaan waxaan usoo qaadan karnaa waddanka Maraykanka.
Shacbiga ku nool wadankaas ayaa ka siman imaanshaha
ay yimaadeen dhulkaas. Sababo kala duwanba ha
u yimaadeen, diimo kala duwan halahaadaan, midabo
kala duwan hayeeshaan, luqado kala duwan haku
hadlaan waxaa ka dhaxeeya qaran ay ku abtirsadaan
oo ay dareemayaan inay ka mid yihiin. Yemen, Jarmalka,
Fiyetnaam (Vietnam) ayaa ah qaramo kala qaysamay.
Sidaanu badideen la socono waxay kusoo laabteen
inay midoobaan. Yementa koonfureed iyo tii waqooyi
waxay ku midoobeen qaran 1990kii. Labadii Fiyetnaam
waxay dhisteen qaran kaliyah 1975kii. Jarmalkii
galbeed iyo kii bariga waxay midoobeen 1991kii.
Qatarta ugu weyn ee qaranka jiraa ku soo abaaran
ayaa ah qatar ugu imaaneysa qaranka gudiiha, hadii
ay dowladu ku guuldareysato xalinta xiisadaha
qabiileed, dhaqaale ama kuwa dabaqadeed waxaa
dhalanaya dhibaatooyin amaandara ah sida hada
marxalada Soomaaliya ay ku sugantahay. Sidaa awgeed
ayaa shacbiga xasuuqid kaga imaaneysaa dhinaca
dowlada, weliba markay ka koobantahay qabiil soocan
rabana inay shacbiga intiisa kale ay ku qasbaan
waxaysan dooneyn. Natiijada ayaa noqonaysa in
xal aan lahelin waqti aad udheer. Qasaaraha kale
ee balaaran ee kasoo baxaya xasilooni la´aanta
ayaa ah inay dhacaan isbedelo dabiiciyeed. Waxaa
maanta aragnaa in saxaraha uu ku fidiyo Soomaaliya,
dhulku isbadelayo, biyo la´aantu kordheyso,
geedhii yaraanayaan. Arintan ayaa dhalineysa baa´ba
ku yimaada shacbiga bedelana hab nololeedkooda.
Gabagabadii
qaranku wuxuu dhismaa markii uu jiro shacbi u
bisil qaranimada, taasna waqtiga hadeer la joogo
soomaalidu ma aha. Markii aan fahano waxa aan
isku hayno xaqiiqdeeda helnana dad uqalma inay
na matalaan ayaa xal imaan karaa. Hadii aan lagu
heshiin karin taariikhda, hadii aan lagu heshiin
karin wixii dhacay, hadii aan lagu heshiin sababta
keentay wixii dhacay, hadii aan lagu heshiin karin
habkii aan u heshiin laheyn waxaan qabaa inay
qaadaneyso waqti dheer inaan heshiino. Waxaan
ilaahey ka rajeynayaa in xaalad nabad uu Soomaaliya
ka dhaliyo, maxaa yeelay nabadu waxay aasaas utahay
dhismaha, jiritaanka iyo horumarka qaranka.
Hayaan
Cabdisalaam Ismaaciil, Sweden
hayan74@hotmail.com
DOOD
DHEXMARTAY CARUURTA IYO MUCAARADKA PUNTLAND
DUMIYE.
Asalaamu
caleekum akhristayaashow salaan ka bacdi. waxaan
halkaan idinku soo gudbinayaa sheeko yar oo
dhex martay caruurta puntland iyo mucaaradka.
Shekadaas magaceeda aan kor ku xusay.Sheekadani
waxay ka turjumaysaa xaqiiqda jirta oo dhabta
ah. Caruurtu waxay wadankooda ku haystaan tacliin
aan buuxin, daryeel caafimaad oo aan hagaagsanayn,
iyo nolol ka hooseesa
nolasha ay ku noolyihiin wadamada dereska nala
ah caruurtooda. Wixii horomar ah oo lagaaray
ilaa hadda waxaa keenay oo dadaal dheer umaray
dadweenaha iyo maamulka oo isku duuban. Hadaba
dadbaa raba inay dumiyaan intaas yar meeshii
ay oran lahaayeen ha la kordhiyo. Sheekadii......
Dumiye:
Caruuray xageebad u socotaan?
Caruur:
Iskuul baan u soconaa.
Dumiye:
Iskuul miyaa jira?
Caruur:
Haa adeer waa jiraa oo waa kan aan u socono.
Dumiye:
Haa makan bahalo galeenka ah miyaa?
Caruur:
Adeer waa iskuul fiican oo aan wax gabarano.
Dumiye:
War waxay noosheegayaan caruurtan waa iskuul
aan daaqado lahayn.
Caruur:
Haa adeer daaqado maleh waa runtaa.laakiin
wuxuu leeyahay albaab daaqadahana waan
sugaynaa
in naloo sameeyo.
Dumiye:
Adeer meesha iskuul majiro waxaa fiican in
labaabiyo isagoo dhan.
Caruur:
Adeer maxaad nooga baabinaysaa?
Dumiye:
Kuwii dhisay baan jeclayn wanaaga ay sameeyen.
Caruur:
Adeer intaad duminayso maad noo samaysid
daaqadaha iyo wixii ka dhiman?
Dumiye:
Adeer intuu xukumo marabo in caruurtu wax
barato oo horomar lagaaro.
Caruur:
Mawaxaad rabtaa iskuulkii lahaa albaabka
oo daaqadaha lahayn inaat dumisid oo cidlla
nadhigtid. sida iskuulka ku yaala hodon iyo
kaaran ama koonfurta soomaliya oo maalin walba
caruurta lagu dilo???
Dumiye:
War caruurtan waxba mafahansan.adeer waxaan
idin sheegayaa arintu saas ma ahe ragbaan is
haynaa. hadaba intay samaynlahaayen wax horomar
ah waxaa iifiican inlawaayo horomar iyo nabad.
intii aan maqlilahaa ninkiibaa wanaag suubiyey
iskuul
la aan ha kugu dhacdo caruuray.
Caruur:
Adeer caruur maleedahay?
Dumiye:
Haa adeer waan leeyahay.
Caruur:
Iskuul madhigtaan?
Dumiye:
Haa way dhigtaan oo iskuul fiican bay
dhigtaan.
Caruur:
Halkaybay ka dhigtaan?
Dumiye:
Waxay ka dhigtaan.yurub, ameerikada waqooyi
iyo
carabta,afrikada kale waa meelo nabad ka
jirto.
Caruur:
Adeer haddaan ku iraahdo wadamadaad sheegayso
ilaahay iskuul ha ka dir diro.kawaran?
Dumiye:
Adeer taas waa habaar.
Caruur:
Adeer tayadu ma ducaa. anagaa ah agoon aan aabe
lahayn iyo kuwo aabahood yahay danyar una baaha
nabad iyo waxbarasho sida ciyaalkaaga.
Dumiye:
Caruur aqli malaha adeer nin baan ishaynaa.
hadaba intuu wax kuu samaynlahaa oo magac igu
yeelan lahaa dhibaato ku jir adeer.
Caruur:
Adeer magacaa?
Dumiye:
Magacaygu waa dumiye.
Caruur:
Adeer markaan aadno dugiga quraanka ayaa kuu
ducaynaynaa anagoo dhan in ilaahay ku tuso wanaaga
iyo horomarka....
waa
sheeko taxana ah.
Qore.G.Y.
Abdiasis jama.
e.mail.abdiasisjama@yahoo.com 07/march/003.