Wararka Mudugonline


MUNAASABADLE ,TIR .45aad ,Kismaayo, Sabti, 29 dii Maarso ,2003 , waxaa soo saara Waamo Information Center- Cali Saciid Max’ed , Tel :254722723344.Email :assiyaasa_newspaper@yahoo.com
Wararka Assiyaasiya ee Toddobaadkan waxaa ka mida:
ŽToddobaadkan & waxa ku soo kordhay  Shirka dib u heshiisiinta
Ž
Mudane Kipligaat oo la kulmay Culumaa’udiinka shirka ka soo qeyb galay.
ŽGuddi cusub oo lagu magacaabo Guddiga isku habeynta.
ŽSoomaaliya ha laga dhigo Maxmiyad UN-ta hoos timaadda
ŽXarunta  Resource Center oo laga mamnuucay Ergada Soomaalida.
ŽKooxdii sheegatay Kirishtiyaanka tirada yar
ŽBeel ka mid ah beelaha H/gidir oo soo saartay talooyin


Toddobaadkan & waxa ku soo kordhay  Shirka dib u heshiisiinta oo la soo gabagabeenayo dhamaadka bisha May

 Sida laga helay ilo xog-ogaal ah waxaa shirka dib u heshiisiinta Soomaalida la soo gabagabeynayaa dhammaadka bisha May sanadkan hadduu Alle idmo , waxaana lagu dhawaaqayaa dowlad Soomaaliyeed oo ku meel gaar ah ,(oo aan aheyn ku maalgaar sidii hore u dhacday oo kale), su’aasha is weydiinta leh  waxey tahay yaa dhaqan gelinayaa dowladdaasi oo malleeshiyada hubeysan hubka ka dhigayo ? 

 Ciidamada 4 dal oo Soomaaliya gelayo, hubkana ka dhigaao malleeshiyada hubeysan .

 Billowga bisha Juun 2003 waxaa la filayaa hadduu alle idmo iney Soomaaliya galaan ciidamo ka socda 4ta dal ee kala ah : Koonfur Afrika, Suudaan, Kiinya iyo Itoobiya, kharashka ku baxaya waxaa bixinaya dalka Koonfur Afrika .inta ka horreysa waxaa kormeeraya hab sami u socodka xabad joojintii la kala saxiixday Minjir Jeneraal Masombo oo howshaasi IGAD u xil saartay .

 US $ 300 ma helayaa haddii aan ogolaado nabad iyo dowlad

 Nin ka tirsan hoggaamiye kooxeed shirka qaadacay ayaa mar ay talo iyo caqli celin ugu tageen odoyaal ka tirsan beesha uu ku abtirsado , ayaa ugu jawaabay haddii aan aqbalo dib u heshiisiinta iyo in  dowlad la dhiso ma ka helayaa dowladdaasi bishii 300 Doollar oo keliya , waayo maanta waxaan aniga iyo saaxiibkey ka helnaa Daroogada aan beerno  , una iib geyno dalalka dibadda  30,000 Doollar bil kasta.   

 Kipligaat oo dibadda u safray iyo 12 casho oo fasax ah

 Shir guddoonka Mudane Kipligaat oo u safaraya dibadda ,inta uu maqan yahay ergada  shirka waa la fasaxayaa oo wax shir ah ma jiro 12ka casho uu maqan yahay .

 Mudane Kipligaat oo la kulmay Culumaa’udiinka shirka ka soo qeyb galay.

 Isniin 24/03/03 wuxuu mudane Kiplagaat  la shiray Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ka mid ah  Ergada shirka ka soo qeyb gashay wuxuu ka codsay :1-iney ka qeyb qaataan xallinta khilaadka yaryar ee harsan.2- Iney ka daweeyaan dadka Soomaalida Buufiska(truma) & isla hadalka  ka dhasha qofka oo lagu hor dilo aabihii ama hooyadii, ama la hor kufsado walaashii, hooyadii ama xaaskiisa iwm,  wuxuu idinkoo adeegsanaya waano iyo caqli celin dhex gala dadka oo wareysta dadka xanuunka ceykaas  ka sheeganaya ku waaniya aayadaha Eebbe iyo wixii aqoon aad u leedihiin daweynta xanuunada ceynkaas oo kale.

 Tusaale dagaalkii 2aad ee dunida markuu dhammaaday wadaaaddada diinta Kiristiyaanka ayaa ka dhex shaqeeyey dalalkii Yurur  ee dagaalladaasi ku lug lahaa ayagoo waano iyo caqli celin kula dhexwareegay madaxdii dalalkii diriray, dhibaatadii ugu weyneed waxey soo gaartay Faransiiska  waxaana qabsaday  Jarmalka oo xasuuq iyo burbur badan u geystay dalka Faransiiska, waanadaasi waxey dhalisay is cafin & iney dhammaan Yurub ay gacmaha is qabsatay oo ay ku tallaabsatay horumarka ay maanta ku naalooneyso , sidaa soo kale dalka Koonfur Afrika wadaadka loo yaqaan Dhasman Tuutuu ayaa wax ka aasaasay guddiga xaqiiqo raadinta  iyo is cafinta taasoo dhalisay nabadda ay kuwada nool yihii madowga iyo caddaanka Koonfur Afrika, kama aad liidataan wadaaddada ceynkaasi ee isku daya intii karaankiina inaad wax la taaban karo aad qabataan .

 Culimada oo isla toddobaadkan howshooda billaabay waxey la kulmeen Mudane Xasan Abshir Horseedaha ergada TNG-da iyagoo u kala dab qaadayey isaga iyo 5qof oo ka tirsanaa ergada TNG-da ka dib markuu khilaaf soo dhex galay maamulka TNG-da iyo ergadaasi  oo laga saaray xubinnimadii ergo ee ay kaga qeyb gelayeen shirka dib u heshiisiinta, waxey culimadaasi ka soo sheegeen inuu si wanaagsan u qaabilay kana aqbalay inuu cafiyo oo ay iyaga ku xiran tahay iney ka soo laabtaan gefkii ay sameeyeen.   

 Guddi cusub oo lagu magacaabo Guddiga isku habeynta.

 Waxaa toddobadka la magacaabay Guddi cusub oo lagu magacaabo guddiga isku habeynta  qoraalladii ay soo gudbiyeen 6dii Guddi ee Farsamada ee loo kala diray iney soo qoraan :xallinta Dhulka la kala  heysto,  dustuurka, xiriirka dibadda ,dhaqaalaha iwm.

 Guddigan xubnaha ka qeyb gelaya lagalama tashan Hoggaamiye Koox-eedyada Soomaalida, ama beelaha Soomaaliyeed ee shirka ka soo qeyb galay,  si rasmi ahna looma soo bandhigin magacyada xubnaha guddigani  sidii loo soo bandhigay magacyada  24kii xubnood ee loo magacaabay Guddiga xallinta khilaafadka oo ay faafisay IGAD madia qoraalkii  lagu soo bandhigay magacyadooda .

 Sidaa aawadeed shaki weyn ayaa laga qabaa iney wax is daba mariyaan maadaama qaar ka mid ah magacyadooda laga helay ergada dhexdeeda waxeyna u badan yihiin kooxdii Carta wax ku soo dhistay , isu mana dheellitirna beelaha oo laguma qeysan 4.5, waxaana ka mid ah :

Cabdi  Ismaaciil Samatar- Godibiirsi oo Mareykanka macallin ka ah, Max’ed Macallin Daahir ( Gaandi ) –Ogaadeen  , Jeneraal Jaamac Max’ed Qaalib- Isaaq , MP- TNG , Cusman Aadan Cadde- Udaajeen , Shariif Saalax- Minorty, Jabriil Max’ed SheekhCusmaan Murarsade.

Dhammaantood  marka Jabriil laga reebo waxa weeye kooxdii u ololeyneysay doorashada MundaneC/Laahi Axmed Caddow, waxey kaloo caan ku yihiin Federaal diid, iyo iney qariyaan xuquuqda dadka dulman ee dhulkooda la heysto.

Hadda ka hor waxeynu Assiyaasa tirsiyadeeda mid ka mid ah aan kaga hadalnay qaabka ay dowladda u qeysanayaan kooxdan haddii uu guuleysto mudanahooda .Waxaa meesha ka muuqda shaki weyn sababta keentay in magacyadooda la qariyo, buuqii arintan ay dhalisay waxey keentay in la yiraahdo 6dii Guddi mid kasta guddoomiyihiisa & Khubaradii shisheeye ee  la shaqeynayey iney goob joogayaal ka ahaadaan, tan waxey qancin weyday iyana xubno ka tirsan 6dii guddi .

 Cusmaan Aadan Cadde oo in muddo shirka ka maqnaa oo la arkay markii guddigan la magacaabay toddobaadkan ayaa waxaa u tagay weriyayaal Assiyaasa ka socda, si ay wareysi la xiriira xubinnimadiisa guddigan iyo qaab loo magacaabay iyo waxa mudnaanta loo siiyey koox is wadata oo la og yahay mowqifkooda, wuu diiday in wareysi la qaado isagoo inkiray inuu xubin ka yahay, xubnihii ka tisanaa

Xubno ka tirsa 6dii Guddi Farsamo oo u warramay Assiyaasa ayaa yiri : weynu naqaan wixii aynu qornay waan kala sooci karnaa haddii wax lagu kordhiyo, wax laga bedelo, ama wax lag nusqaamiyo, haddii aan hadda wax laga sixin qaab dhismeedka guddiga cusub waxeynu annaga iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee beelaheenna ku gacmo seyreynaa ansaxinta waxa uu guddigan soo bandhigo marka laysagu yimaado shirweyne lagu ansaxinayo, waxeyna ku celcelinayeen :( Nin dooran xaa doorta u tiraahdeen, xaase dadka u dambaajiseen ) 

 Soomaaliya ha laga dhigo Maxmiyad UN-ta hoos timaadda

Toddobaadkan Ergada Soomaalida aad iyo aad ayey u walaaceen markey xarunta uu shirka ka socdo uu ku dhex faaftay oraahda orneysa Soomaaliya ha laga dhigo Maxmiyad UN-Ta hoos timaadda dhowr sanadood, xubnaha ergada waxey xil iska saareen xaqiiqda erayadan cidda ay ka soo yeertay ajnabi iyo Soomaali , weriyayaasha Assiyaasa iyagana dhinacooda ayey baaritaan ka sameeyeen waxey aritani ku caddaatay Guddomiyaha ururada Bulshada Rayidka oo qoraal ceynkaas u gudbiyey shir guddoonka Mudane Kipligaat, waxay ergadu isla dhexmarayeen inuu doonayo guddoomiyaha in isaga madax uu u noqdo  guddi  ka hoos shaqeeya UN-ta marka Soomaaliya Maxmiyad laga dhigo. waxey kaloo ergeda ay ku eedeynayaa in1954-kii sidaa soo uu qoray qoraal uu kaga soo hojeedo in Soomaaliya ayan u qalmin in xurriyad la siiyo.

Xarunta  Resource Center oo laga mamnuucay Ergada Soomaalida.

Xarunta  Resource Center ee hey’adda NOVIB ugu talogashay iney u qabato ergada  shirka adeegyada ay ka mid yihiin isiticmaalka kumbiyuutarada sida qoraallada iyo internetka, waxaa todobaadkan  laga reebay ergada haddii ayan wada baaj caddeynaya iney yihiin xubin ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka oo la isku khilaafsan yahay qeexitaankiisa, ayadoo isticmaalka magacan iyo faafitaankiisa ay Soomaalida ugu horreysay markii la aadayey shirkii Carto ay Soomaalida ka maqashay BBC-da , waxaa durbadiiba ka dhigtay dhufeys ay indhaha mujtamaca Caalamka isaga qariyaan : Xubnaha  sare ee Ururrada Argagixisada  iyo dambiilayaasha dagaal.

Mar ay weriyayaal Soomaaliyeed booqdeen Xarunta Resource Center weriyayaal Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan cabashada ergada Soomaalida  waxeyna ku yiraardeen adeegaha xarunta joogay Jimco 28/03/03 waxaan rabnaa inaan isticmaalno kumbiyuutarrada wuxuu adeegihii ku jawaabay ma heysatiin baajka Civil Soceity-iga (Ururada bulshada rayidka) waxey weryiyaasha dib ugu laabteen xarunta IGAD madia waxeyna meel  illinka u dhow ku arkeen warqad caddeynaysa diidmada ergada loo diiday  adeegayada xarunta Resource Center, waxey ergada ka cabanayaan inuu amarkaasi diidmada soo saaray Guddoomiyaha Ururada bulshada Rayidka ee KCCT ku sugan .

Wax qabadka IGAD Media Xafiiska IGAD madia 

waxaa ka mid ah in uu koobiyo badan ka sameeyo qoraallada wargeysyada dalka Kiinya sida Nation iyo Standard ay ka qoraan arrimaha shirka Soomaalida la xiriira, dabadeed miis ayey saaraan si qofkii xarunta soo booqdo uu nuqul uga qaato, xarunta waxey sahashay is aragga weriyayaasha Soomaalida oo halkaasi ku ballama markey rabaan iney is arkaan .

Waxey Khamiistii 27/03/03 keentay xarunta KCCT ee uu shirka socdo Diish si ay ergeda u daawato taleefishinka Al-Jaziira oo soo gudbiya wararka dagaallada Ciraaq iyo Isbaheysiga, 200 ergo oo ka mid ah 361ka ayaa mar qura soo fariistay ayadoo muxaadarooyinka lagu dhiirri gelinayo Geeddi Socodka Shirka Nabadeynta Soomaalida ay ka soo qeyb galaan 20 ilaa iyo 50 qof ugu badnaan .

Waxey IGAD Madia ay heshiisiisay fannaaniin Soomaaliyeed oo isku qabsaday maamulka fanka loo soo bandhayo ergada Soomaalida .    

Kooxdii sheegatay Kirishtiyaanka tirada yar

Waxaa Toddobaadkan ku soo xarooday Mbagathi (KCCT ) oo ah halka uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida kooxdii isku magacowday Kiristiyaanka laga tiro badan yahay, kooxdan ayadoo ergeda Soomaalida ku wareersaneed oo ay xil weyn iska saareen sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen dhab ahaan  dadka xubnaha ka ah  iyo waxa ay kooxdaasi ay ka damacsan tahay xal u helidda mushkilada Soomaaliya , 16kiiFebraayo 2002oo aheyd maalinkii laga soo guuray Eldoret maalinkii  ka horreyey ayaa waxaa la soo dhejiyey liiska dadka uu  qaabilayo shir guddoonka , waxaa liiskaasi ka dhex muuqday oo nambar 6aad ahaa :Gudoomiyaha Kiristiyaanka laga tiri badan yahay, ergada Soomaalida markey akhriyeen cinwaankaasi qof kasta wuxuu xil iska saaray inuu dadkaasi wejiyadooda aqoonsado ,waxaa meesha yimi 4 qof oo midkood uu ka aadaami jirey mowlaca ay ku tukato ergadii degeneed Mount Veiw hotel ee Eldoret .Markey Ergada Soomaalida ay ka soo guureysay Eldoret 17kii febraayo , kooxdaasi wey ka hareen ergada , maalmo ka dib ayaa laga soo qaaday waxaana la geeyey Duguna Geust House oo ugu yaraan 10km u jira halka ay ergada Soomaalida  degan tahay , meesha la geeyey waxa weeye  dugsi Mad-habta Katoolliga laga barto (kiristiyaanka), nin ka mid ahaa oo isaga tagay oo u warramay wargeyska Assiyaasa ayaa sheegay raggii Jarmalka ahaa ee mas’uulka ka ah dugsigaasi ay yiraahdeen : ragga Soomaalida ee Kiristiyaanka sheegtay si bey u degdegayaan ma sii heyn karno .

Nin ka mid ah ragga sheegtay kiristiyaanka oo ahaan jirey mu’adin ayaa u sheegay nin ka tirsan culimada Soomaalida shirka jooga mar ay wada sheekeysanayeen, wuxuuna yiri : aniga muslim baan ahay, ee waxaa igu kallifay inaan kiristiyaan sheegto anigoo doonayey inaan noqdo xubin ka tirsan ergada Soomaalida , oo tani waxey noqotay waddada aan is tusnay aniga iyo saaxiibadey oo aan  kaga mid noqon karno ergo rasmi ah maadaama beelaheena ay inoo diideen ,oo dhammaantannada waxeynu wada degeneen hal hoteel markii aan Eldoret joognay, sheekha Soomaaliyeed ayaa ugu jawaabay i dhaaf diinta Islaamka waad ka baxday .

 Markii la keenay xerada Mbagathi durbadiida waa la sawiray iyagoo loo aqoonsaday iney yihiin xubno rasmi  oo goob joogayaal ah .Soomaalida  waa dad muslimiin ah oo  qabaa’il u diriray , waxaana la heshiisiinayaa qabaa’ilkii diriray, ee ma jiraan sidii dadka reer Lubnaan dad diimo kala duwan haysta oo isku dal ah oo markaa la heshiisiinayo, 4.5 baa ergada loo qeybsaday, qabaa’ilka Soomaalida qabiil lagu magacaabo kiristiyaanna ma jiro, haddii beelaha ay ka dhasheen kuwa sheeganayo kiristiyaanka ay ku darsadaan baarlamaanka ama xubinnimada ergooyinkooda cidina ma diidi karto, haddii taa la waayo, lama yaqaan qaanuun kale oo u saamaxayo iney gaaraan sababtii ku kalliftay iney diintoodii hore ka tagaan

Qof kasta waa xur diintuu doono ayuu  sheeganayaa, laakiin shirka dib u heshiisiinta ka mid noqoshada ergo rasmi ah qaanuun xaddido ayaa loo sameeyey oo la yiraahdo 4.5 oo qaab beeleed ah, ee ma aha macnaha khaldan ay kooxdan fahamtay oo qaab diimeed, haddii waddadan ay furanto kooxo badan baa soo baxaya oo oranayo annaguna kiristiyaan baan nahay ergey hanalaga dhigo. Haddii qof tiibisho qabo meeshii cirbado antibiyootik looga duri lahaa lagu duro icrbadda foosha maxaa dhacaya, sidaa soo kale weeye Soomaalida wey buktaa waa beelo muslim oo diriray oo u baahan in la heshiisiiyo, marka la furo bad kale oo been abuur la sheego, laguna furo mushkilad diimeed aan hore u jirin oo kiristiyaan iyo muslim baa wax loo qeysanayaa  waa marin habaabinta dib u heshiinta oo maanta meel fiican mareyso ,sidii ninkii tibishada qabay oo lagu duray cirbadda, iyo dabkii hurayy ee dagaallada qabaa’ilka oomeeshii demintiisa loo adeegsan lahaabiyo, loo adeegsado badrool.

Beel ka mid ah beelaha H/gidir oo soo saartay talooyin xal u ah dhibaatadda Soomaaliya.

Maalintii khamiistii ahayd ayaa shir jaraa’id waxaa qabtay Gudiga sare ee siyaasadda reer Xaaji suleymaan wuxuuna war saxaafadeedkoodu u qorayd sida tan:

Insaanku waa mid isir isku mid ah ka soo jeeda hase yeeshee ku kala duwan midabka luuqadaha, afafka, afkaaraha iyo aqoontaba, taa macnaheedu maahan in la hafro ama laga been sheego xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dhanka iskaashigooda, talo wadaagooda iyo sinaanta xuquuqda Qofka, Qowska iyo tan Qaranimadaba. Somaliya oo ah dad gacal walaalo ah kuna kala duwanayn Diin Af, iyo dhaqanba, waxaa isweydiin mudan maxaa isku dilay kalana diray? Waxaan dhihi karnaa sababtu waa mid ku kooban 4-Arimood:-

1 Qabiil :-ma ahan wax la inkiri karo jiritaanka Qabaa’ilka Somaliyeed, balse waxaan la aqbali Karin qabyaalad oo macneeheedu yahay isir isir ka wanaagsan baa jira, anagaa ka cadad iyo cudud badan ree hebel iwm.

2 Qab Qab dhaafay:- Qof kasta waxa uu leeyahay hoobaan iyo hanqal taag ku aadan sugida jiritaankiisa iyo danihiisa qof ahaaneed, balse lama aqbali karo in qabku qarkiisa dhaafo kuna fataho cid kale xuquuqdeeda sida iminka ka taagan dalkeena ayna ku hadaaqayaan shaqsiyaad iyo kooxo qabkoodu xad dhaafay kuna hugaamiyey dil boob barakicin bililiqo iwm.

3 Qori Qowlaysato:- Qorigu waa aalad loo adeegsan karo dhanka fiican iyo dhan xunba, hadbana waxa uu ku xiran yahay ficil ahaan gacanta uu ku jiro ee maamulaysa. Sida ay xil kas u tahay. Markaan eegno qoriga dadkeena gacanta u galay wuxuu badankiisu gacanta ugu jiraa wax ma garato iyo kuwo danta gaar ahaaneed ay kaga muhiimsan tahay midda guud. Lagama maarmaana waxaa ah in qorigu ku wareego xil-kas wadani ah si loogu adeego sugidda Nabadda iyo iska caabinta cadowga geyigeena maxaa yeelay manta dunida waxayna ka indha saaban Karin sida madiidin loogu noqday daddka warshadaha samaynta hubka ku horu maray.

4 Qaynuunka Duur:-joogta:- Umadeena Somaliyeed weligeed kuma diirsan cadaalad ilaalisa xuquuqda bulshada balse waxaa lagu hugaaminayey qaynuunka duur-joogta oo kale taasoo macnaheedu yahay midka xoogga lihi in uu dilo kan taagta daran, kan hodankaahuna uu cuna qabateeyo kan dan yarta ah kan aqoonta lihina candhuufta wajiga uga tufo mika jaahilka ah waxaanu wada ognahay in cadaaladu tahay xeerka kaliya oo dhowra midnimada sinaanta xuquuqda iyo nidaamka kala danbaynta,marqaati ma doontaana waxaa u ah mida maanta ka taagan dalkeena oo ah in qoriga, fowdada Qabyaalada, iyo nidaam la,aanta ay u fahmeen in badan oo bulshadeena ka mid ahi hurumoodnimada iyo mudnaantu in ay ku jirto waana khalad laga dhaxlay nidaamyadii dulmiga ku dhisnaa ee dalka iskaga danbeeyey.

Dulucda:- marka aan ka hadalno Gudigan waxaa la aas-aasay 17 Janaayo 2003 asbaabaha dhaliyey aas-aasidiisa iyo ku dhawaaqidiisa oo ka soo baxay shir balaaran oo ay beeshu yeelatay ayaa waxaa lagu doortay 21 xubnood oo metesha siyaasadda Beesha, ka dibna Gudigu waxa uu u gudbay howl maalmeedkiisii iyo habayntii nidaamiyihii iyo xeer hoosaadkii waxaana ujeedooyinkiisa siyaasadeed ka mid ah:-

1 In siyaasadu run tahay kuna salaysan tahay xikmad cadaalad sinaan iyo midnimo balse aysan ku salaysnayn dhagar dulmi isir ku faan iyo faquuqid umadeed.

2-In siyaasadda beeshu madax banaan tahay, dhex-dhexaad wax ku ool ahna tahay.

3-In siyaasadda beeshu ku salaysan tahay dib u heshiisiinta deres wanaagga iyo fara gelin la,aanta gudaha cid kale.

4-In siyaasadda beeshu ka tarjumayso halgan dheer oo ay soo gashay una dhabar adaygtay sidii isbedel cadaalad ku dhisan loo heli lahaa taasoo weli beeshu u taagan tahay.

5-Siyaasadda beeshu waxay soo dhaweynaysaa is kaashi cid kasta oo u adeegaysa danaha shacabka Somaliyeed.

6-Shirka dib u hashiisiinta Somaliyeed ee ka socda dalka Kenya beeshu wey taageersan tahay balse doorkeeda beel ahaaneed waa laga maqnaysiiey waxaana rajaynaynaa in dhamaan dhinacyada abaabulaya ama gacanta ku haya shirka ay ka soo jawaabaan qoraalo aan horay ugu dirnay oo ka hadlaya arinkaan.

Baaq:- Hadii aanu nahay Guddiga sare ee beesha reer Xaaji Sulaymaan waxaanu ugu baaqaynaa Umadda Somaliyeed meel ay joogtaba in ay soo ceshato karaamadii iyo sharafteedii dal iyo dad ahaaneedba.

©ASSIYAASA
NEWS PAPERS

 

Mudugonline.com


 






Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001