is
caddeeya waxaad tihiin
Ku.dadweenaha
reer puntland Dalka iyo dibadda.
Asalaamu
caleekum marka hore sabab too ah salaanta muslinka
waa xaq.Salaan ka bacdi waxaan rabaa intaan u
galin ujeedadayda inaan hadal yar iraahdo idinkoo
raali iga ah dadweenaha sharafta badan oo waqtigooda
siiyay inay akhristaan qoraalkayga.Haddaan udhaadhoco
hoos ama ulajeedadayda.Ciwaankeedu ahaa is caddee
waxaad tahay.
Waxaan
rabaa inaan u sheego dadweenaha sharafta badan
reer puntland.Dadka magacooda qaar qariyay. Iyagoo
raba inay dadka khaldaan oo iska dhigaan kuwo
ka shaqeeya danta reer puntland. Hadaba dadkaan
sida ay ku dhaqmaan ama ku shaqaystaan iyo magaca
ay wataan iyo magacooda runta ah. haddaan ka faaloodo
wax yar.
1-waxay
ka shaqeeyaan isku dirka umadda
2-
waxay been ka sheegaan qabiilooyinka
3-waxay
af lagaadeyaan isimada
4-
waxay hortaagan yihiin horomarka
5-
waxay jecel yihiin baaba puntland
6-
waxay jecel yihiin horomarka xamar
Waxaa
layiri wax la cayriyo waxaa u gaabiya been waxaana
kuu caddaynaya tii ugu dambaysay oo ahayd ninka
layiraahdo. Col.maxamuud caynab ayaa ku biiray
colka ceel afwayn iyagoo intaas raaciyay wuxuu
wataa dadkiisi ama qabiilku ka dhashay waxayna
ku daren annaga la ahdalnay. Wali been ka way
ma aragteen dadweenow.Waa nin isbitaal u tagay
burco. Qabiilku ka
dhashayna waa layaqaan waxay aamisanyihiin waa
dad jecel ama ka shaqeeya nabadda. Aaminsanna
waxay aamisanyihiin dadwenaha reer puntland.
Midda
kale waxay af lagaadeyan ciidamada aad u taqaaniin
daraawiishta. Laakiin anigu u aqaan ka hortaka
dadka bahaloobay.
Haddaan
u dhaadhoco ciwaanka hadalka oo ahaa is cadde
waxa weeye waa magaca ay ku shaqeestaan oo ah
puntlandpost. Laakiin waxaa u fiican inay labaxaan.
puntlandpost/usc.Hadaba intay ka shaqeenayan wanaaga
xamar ha ka shaqeeyan horomarka xasbahale ama
orculus iyo sunajiif iyo meelaha ay dagaan. Boqorada
sharafta badan iyo dhulka lagu yaqaan nabadda.
puntladpostay.
Anigu waxaan idin aqaan.(puntlandpost/usc ). Laakin
waxaan jeclaan lahaa ama ku farxi lahaa inaad
noqotan puntlandpos run ah oo ka shaqeeya nabada.
horomarka dadkaad sheeganaysan wanaagooda.
Noqo
mucaarad wax dhiasa ha noqon mucaarad wax dumiya.
Qore.
G.Y. abdiasis kalif xaaji jama.
e.mail. abdiasisjama@yahoo.com
SUAAL-MA
HARGEYSA KELIYAA LOOGU YEEDHA SOMALI WAQOOYI AMA
WAQOOYI SOMALI???
SUAAL-MAXAA HARGEYSA KELIGEED LOOGU
YEEDHAYA WAQOOYIGII SOMALIYA---PUNTLANDNA KA MAANACAY
INAY METESHO SOMALI-WAAYO IYADU 2 DABA WAA WAQOOYI
IYO KOONFURE WAY KA KOOBAN TAHAY,MANA HUNGURAYNAYSO
ILAA XAD INAY MAGACII SOMALI KELIGEED QAADATO
,MAXAA KA SIYA S/LAND OO AY IYADU ISKU
TIDHI KELIGAA KU FAASHLEE AMA KELIGAA SHEEGO SOMALI
WAQOOYI?
------------- SO LAMA WADA ARKO
INAY PUNTLAND KA MACQUUL SANTAHAY S/LAND SABABAHA
SOO SOCDA AWGEED 1)-DEGAANKOODA MEEL AAN AHAYN
MA AY SHEEGAN 2)-KU MA DOODAAN INAY SOMALI JEJEBIYAAN
IYAGOO AWOODA INAY SIDAA U HADLAAN.
Fiiro
gaara:(somaliyey waa godob lagu jebiyey axdigii
60kii ee somalid ku midoowday kuna dhisatay dalka
maanta jira, hadaan hada loo istaagin arinkan
waxay noqonaysaa ilaa 9dal,oo yaryar in ay u kala
baxdo somaliyi is hubsada--- somali( hurudo,wax
ma garato badar iska ruugto). S/land ta maanta
waa qabiil-waxa leh isaaq---ma aha waqooyi oo
dhan ama looma wada dhama aan idhaahdee, Puntlandna
waa qabiil- waxa leh Daarood oo dhan iyo Al jabarti
oo dhan Hadaba: ku: socota somalimeelkasta oy
joogto (nimaan kuu rareen yaanu kuu furin somaliyey)
_og:mediada caalamka moqifkaas(½puntland
majiro) hadaan nahay shacabka SSH anagaana dhisanay
puntland,iclaam ahaan mana laga soo goyn karo
positionkayaga-- lagumana dari karo meel kale
oo aanay raali ku ahayn laakiin waxaa jira inaad
ogaataan½somaliland oo ah hal qoysoo dega
waqooyi galbeed --sheegtana X somali land .
_ogaadana beelaha isaaqow waa kuwa dhulkii
hore ee s/land la odhan jirey 60kii ka hor
-- ka sheeganaya dadkii la lahaa iskuna magacaabay
keligoodsidaa daraadeed noo daaya dhulkayaga ssh
hana ku sheegina waqooyi somaliya ama s/land maanta,
waayo ilaa1982gii ayaad keligiin marba gooni isula
taagaysen arimaha dhulalkaas anagaa waqooyi ah
keligayo markaa sinaba isu fahmibamayno ,mudadiina
waa dheeraatey 22sano ku dhawaad bay maraysaa!!
Anagoo ah harti galbeed ee SSH waxaanu idiin sheegaynaa
inaanu diyaar u nahay jawaab ka bixinta hadaad
nagu soo doonataan dhulkayaga iyo inaad eedi doontaan
aadna odhan doontaan maxaa nagu watey, waa idinka
leh waxbaan idin marsiinaynaa ,intaasi waa ujeedada
qormadan aan doonayo inaan idiinku cadeeyo mowqifka
hartiga dega waqooyi khaasatan SSH oo aad qabiil
ku kala baxdeen 1982 sababtana idinkaa keenay
colaada iyo xinkii qabiil kuna bilaabay dadka
degaankan dawo la aan buuna marayaa cudurkaasi
waqtigan la joogo, hadaan usoo noqdo beenaha aan
raadka lahayn ee aad ku tidhaahdaan isku wadan
baanu ahaan jirney ama ku sheeganaysaan dhulkan,waar
dhulkan so dhulkii somaliyeed ma aha ,dee reer
kastaa ama dawlad ha noqdo ama suu doono hayeelee
nin walbaa meeshiisu ha deeqdo .1982gii oo la
kala tegey baan u taagnaa,1982gii hubsiimaa hal
la siistaa,1982gii dhubuq dhubuqda hore dhabano
hays danbay leedahay,ama afeef hore yeesha ama
adkaysan danbe reerkaasow.
Awalan.
---wali sidii dawladii ugu danbeeysey ee somaliya
u burburtay miyey beelaha Wada degas dhulkii 60kii
ka hor la odhan jiray S/L Wada hadleen oo isa
soo hor fadhiisteen oo ingiriis u garnaqay ?waa
maya ,mana suuroweyso weligeed ilaa ingiriis u
gar naqo oo uu yidhaahdo ku soo noqda gacantayda
aan idiin gar qaadeehadii kale civil war
baad doonaysaan hada bilaabma, waxaad ku
jirtaan tuugaaleysi aad marba qof intaad isla
taagtaan aad ka been abuurataan aadna tidhaahdaan
dalkuu nala kala goynayaa gaar ahaan midhmidhka
duubabka,hawshaasina waa hawl aan ka goin somalida
degta dhulkaa SSh oo dhan mooyee xitaa qof iyo
laba iyo ka badan sidaa daraadeed quruun ama qabiil
kastaa dhul bay leedahay hadaba isaaqow dhulkiinu
ha idinku filaado .waxaanu idin leenahay dhulkan
aad media-da ku beer la xawsataan ee aad tidhaahdaan
BRITISH-s/l- sheekadaas waxay dhamaatay 60kii
ha ku daalina, waxaa idiin dhaami lahayd inaad
aamintaan isaaq land iskuna filaataan waayo reer
qudha ma sheegan karo magacii hore ,mana ku qadhaabankaraan
ileen ka socon maysee,hadaad isku daydaan inay
idiin marto ku talo gala civil war ciida la idinku
gubo,teeda kale somali cudurka qaldan ee ku habsaday
ee adigu aad uga quusatay xamar ayaanu anaguna
uga quusanay
hargeysa land .
Anagu
markaanu punt land dhisanayney waxaanu ahayn waqooyigii
hore x(British-s/landbari) ,iyaguna waxay ahaayeen
koonfurtii hore x-majeerteeniya (italia somaliland
), aanu idinfahamsiine waxbaa idinka qaldane walina
somalinimo kamay quusan oo kaadhkoodii somalinimo
may gubin ,haday doonaan way dhawaqankaraan gooni
isu taag wax ka maanacaya ma jiraan waxa iyaga
ku weyn walaaltinimada somali inaan lagu ciyaari
karin, waxaanu caalamka u sheegaynaa puntland
ugu kaalaya positionkeeda iyadoo qarana oo mida
mana suurowayso in puntland lookala googooyo
waqooyi iyo koonfur waa habeenkii xalay ahaa laga
soo gud bay-puntland waa qaran isku haya somali
hadii gujada badan somali ka deen weydo waxa qayrkeed
ka soo yeedhay bay ku
dhaqaaqi, gabogabo reer waqooyi galbeed hada waad
ka soo kabateen colaadihii sokeeye ma idinla tahay
in nabada aydaan ku khamaarin oo aad ku negaataan
guryihiina hargeisa ,ciidamadan aad leedihiin
xuduuda jabuuti baanu ka soo qaadnay oo waxaanu
ku duulaynaa puntland iska hubiya hadalada
qaarkood!! burburkii S/Landta baa soo uraya aynu
sugno iyo guga ina soo haya, waliba inkastoo aad
somali tihiin oo aanan ku farxeynin jabkiina laakiin
idinkuse aad jabka somaliweyn intiina badani jeceshahay,markaa
waano ka waan tooba xiqdiga iyo xasidka aad walaalihiina
somaliyeed u haysaan,ilaahiina u toobadkeena,
wanaaga walaalihiina u soo jeesta iyo ka shaqeynta
dib u dhiska somaliweyn.
Wa bilaahi tawfiiq
Axmed
Moxamud
moxamud19@hotmail.com
waa
su'aal da' wayno madaxa daalinaysa???
03/01/003.
Asalaamu
caleekum marka hore salaan ka bacdi.waxaan rabaa
inaan hadal yar iraahdo intaanan u galin ulajeedadayda.Hadalkaas
oo ah dadkeena qaarkiis waxyaalaha ka hadlayaan
ama qorayaan oo u muuqadda inay u kala cadayn
qodobadan hoos ku qoran.
1-muxaafad
iyo mucaarad
2-puntland iyo abdulahi
3-dhisidda iyo baabinta
4-nabadda iyo nabadla'aanta
Ulajeedada
hadalkayga waa kuwa ku soo qoraya ama ku hadlaya
afxumada oo leh ciidamo reer mudug ah ayaa ku
biiraya ceel afwayn. Waxaan leeyahay kuwaas
ka soo jawaaba ama soo hela ...
Su'aasha
madaxa daalinaysa waxaa weeya horta intaadan
meelkale ku boodin mahaysaa ama masheegikartaa
wax dhaama. abdulaahi yuusuf. Intaa ka bacdi
markaad soo heshid ayan kuu kala cadaynayaa
afartaas qodab oo aan kor kugu soo sheegay.
Faah faahin badan markale ayan idiin sheegaya
hadda wakhtiga ayaa igu yar.
Hadaba
walaalayaalow ka fiirsada waxaad qoraysaan.
kuwiinaan leh ciidamo reer mudug ah ayaa ku
biiraya ceel afwayn.Midda kale col.maxamuud
caynab waa xor meeshuu raba ayuu aadigaraa laakiin
markaad leedihiin dadkuu ka dhashay baa ku biiray
ceel afwayn. dadkaas reer mudug ama reer puntland
waxay qabaan bay laqabaan nolol iyo geeri.Waana
umad farabadan oo ka fiirsada
waxay ku dhaqaaqayaan jecelna har iyo habeen
nabadda wax walba oo yimada shar iyo khayr ku
dhameeya nabadda iyo horomarka ummadda. ma aha
dad lugu badaligaro qoraalada lagu soo qoro
webabka. Waa dad mooqif leh runtana ka hadlla
wax kastoo yimaada waa dad jecel nabadda. Aqoonna
wayn u leh nabadda iyo dagaalka.
Qore.
G.Y. abdiasis kalif xaaji jama.
e.mail. abdiasisjama@yahoo.com