Wararka Mudugonline

Barnaamijyo ku saabsan dadaalka loogu jiro sidii loo horumarin lahaa adeegyada waxbarasho ee laga wado Jaamacada Afrikada Bari ee Bossaaso.

U hiilli Iftiinka Aqoonta Isbeddelka Addunka Wadda!
http://www.radiogalkayo.com/clips/xayeysis.rm


From our own correspondent in the field, Hassan Jidka, Galkayo
http://www.radiogalkayo.com/clips/weriyejidka.rm

Dagaalkii degmada Mediina oo mar kale xalay dib u bilaamay

Muqdishu , 2 March 2003 (MOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya inay shalay galab gaabkii ay markale dagaalkii ka socday beryahaan degmada Mediina ee ka mida xaafadaha magaalada Muqdishu dib u bilaamay. dagaalkaan oo u dhaxeeya Muuse Suudi iyo Cumar Filish oo mar ahaan jiray ku xigeenka Muuse Suude ayaa la sheegay in uu laga baqayo inuu keeno qasaare balaaran. wali dhab looma oga qasaaraha dhabtaa ee dagaalkaas.

Dadka rayidka ayaa la sheegayaa inay u qaxayaan dhinaca degmada Kaaraan. guud ahaan magaalada Muqdishu ayaa nabad galyadeedu aad hoos ugu sii dhacday ka dib markii dhawr hogaamyie kooxeed reer Muqdishu ah ka soo baxeen shirkii dib u heshiisiinta Somalida ee ka socday wadanka Kenya.

Mudugonline.com


Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in ciidamo mucaarad Puntland ah aysan joogin Somaliland

Muqdishu , 2 March 2003 (MOL) -Waraysi maalintii shalay uu madaxweynaha Somaliland Riyaale siiyay idiicada BBC laanta afka Somaliga ayuu ku sheegay in ay wadanka Somaliland joogaan dad ka soo qaxay dagaalkii Puntland ee aysan wadankiisa joogin wax ciidan ah waa sida hadalka u dhigaye. Waxuu intaas ku daray inaysan wadanka Somaliland joogin ciidan uu hogaaminayo Jan. Cadde Muuse.

Rayaale ayaa sheegay inuu magangalyo Dawladiisu siisay dad la soo dhibaateeyay oo ka soo qaxay Puntland mana jiraan wax ciidan ah oo dadkaas ku jira. Riyaale waxuu sheegay in dhibka uu wado Col. Cabdulahi Yusuf waxuuna kula talinayay Cabdulahi Yusuf inuu dadkiisa ka daayo dagaalka iyo dhibaatada uu ku hayo.

Haddalka ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliland ayaa muujinaya inay Dawlada Somaliland ku adkaysnayso inay taageero milatary oo hub iyo tababar lehba u fidinayso maleeshiyada Mucaaradka ah ee uu hogaaminayo Jan. Cade Muuse oo la ogyahay inay fariisino ku leeyihiin deegan Goobweyn ee xaduudka Somaliland. Talaaabadaan ay qaaday Dawlada SOmaliland oo ah mid cusub ayaa laga cabsi qabaa in ay wax ka badali doonto nabad kuwada noolaanshihii shacabka Puntland iyo Somaliland intii uu dhacay burburkii wadankii Somaliya.

Waxaa jira tuhun ah in xisbiga Riyaale ee UDUB ee hadda Talada Somaliland haya in halkaas siyaasad la gashay. beelaha xaduudka la leh Puntland ayaa horey odayaashoodu u sheegeen inay ka hor imaanayaan wax walba oo lagu burburinayo nabad galyada qaangaarka ah ee u dhaxaysa labada shacbi ee Puntland iyo Somaliland.

Mudugonline.com


Wararka Shirka Somalida ee Kenya
Talyaaniga iyo Masar oo dadaal badan ugu jira inay xaqiijiyaan kaalintooda; Go'aan kama dambays ah oo laga sugayo gudiga farsamada IGAD

Nairobi , Maarso 01, 2003 (AllPuntland)- Wararka ka imaanaya halka uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Somalida ee Kenya ayaa sheegaya inuu jiro dareen xoog badan oo isasoo taraya oo dawladaha Masar iyo Talyaanigu ku eedaynaya inay ka shaqaynayaan inuu fashilmo shirka Kenya uga socda Somalida.

Warka ayaa tilmaamaya in lagu arkayay danjirayaasha labadaasi dal ka jooga Nairobi oo siyaabo kala duwan ula kulmaya qaar ka mid ah madaxda Somalida oo ay kaga dhaadhicinayaan inay ogolaadaan in shir kale lagu qabto Talyaaniga, waxaa horay u jiray warar sheegaya in Talyaanigu door bidayo in shirka Somalida loo wareejiyo dalkiisa.

Mid ka mid ah madaxda kooxaha Somalida oo dalbaday inaanan magaciisa xusin oo AllPuntland la hadashay wax yar ka dib markii uu soo dhamaystay kulan uu la lahaa danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Somaliya, ninkaas oo aan waydiinay waxa ay kawada hadleen isaga iyo danjiraha Talyaanigu ayaa ku soo koobay hadalkiisa inay isla soo qaadeen sidda ay suuro gal u tahay in shir aan ahayn kan hadda ka socda Kenya lagu qabto dalka Talyaaniga.

Danjiraha Talyaaniga ayaa dadaal badan ku bixinaya siddii dawladiisu door ka wayn kan hadda ay ku lee dahay shirka Somalida ay ugu yeelan lahayd shirarka Somalida, waxaana jira warar si hoose kusoo baxay oo tilmaamaya inay jiraan heshiisyo uu kooxaha Somalida qaar kula galay inay xaqiijiyaan kaalinta Talyaaniga.

Danjiraha Masaarida u qaabilsan Somaliya ayaa isagana la arkayay isagoo marba mid gooni ula faqaya madaxda Somalida, warar ilo ku dhaw dhaw faqyadaas ay AllPuntland ka heshay ayaa xaqiijinaya in danjiraha Masaaridu dadaal ugu jiro siddii uu dawladiisa uga heli lahaa shirka Somalida kaalin la mid ah kaalinta dawladaha safka hore ee IGAD oo iyagu u xilsaaran qabsoomida shirkaas.

Masaarida oo muran biyeedka wabiga Niil uu kala dhexeeyo Itoobiya ayaa xooga ugu badan saaraysa in kaalin ka weyn tan dawladaha Itoobiya ay ku lahaato go'aankasta oo ka soo baxaya dib u heshiisiinta Somalida, Itoobiya ayaa ka mid ah dawladaha IGAD u xilsaartay shirka Somalida, halka Masar aysan haysan kaalin taas la mid ah oo ay hadda dadaal badan ugu jirto, iyadoo u maraysa dadaalkeeda kooxo Somaliya oo ay gacasaar la la leedahay, Itoobiya laftigeeda ayaa dadaal kaas masar la mid ah ugu jirta inay kaga horayso Masar go'aan kasta oo kasoo baxaya shirarka dib u heshiisiinta Somaliya, iyadoo labada dal ay midba kan kale doonayso inay kaga riixato kaalinta Somaliya.

Waxaa saaka kulan deg deg ah ku lahaa Kenya gudiga farsamada IGAD ee shirka Somalida, kuwaas oo xal u radinaya caqabadaha shirku horay uga socon waayay, waxaa laga filayaa go'aan inay kasoosaaraan shirkooda maanta, go'aankaas oo ku aadan siddii shirku u socon lahaa.

Waxaa muuqata in kooxaha Somalidu ay u muuqdaan kuwo u kala shaqaynaynaya dawladaha dibada ee danaha ka leh Somaliya, kooxaha Somalida ayaa iyagu danaha kaliya ee ay ilaashanayaan uu yahay sidday u kala riixan lahaayeen hoogaanka siyaasada Somaliya, waxayna badankoodu u muuqdaan kuwo iska iloobay danihii qaran Soomaaliyeed.

Allpuntland


SOMALIA: Monitoring committee meets after heavy fighting in Mogadishu

A newly-formed committee, set up to monitor a shaky ceasefire accord between the warring sides in Somalia, met on Thursday following clashes between rival warlords in Mogadishu.

The monitoring committee - made up of the US, EU, AU, Arab League and the regional Intergovernmental Authority on Development (IGAD) - met at the venue of the Somali peace talks in Mbagathi near the Kenyan capital Nairobi, sources close to the talks told IRIN on Friday.

They discussed the issue of imposing sanctions - such as travel restrictions - against sides which breach the cessation of hostilities agreement, signed by faction leaders and the Transitional National Government (TNG) in the Kenyan town of Eldoret last October.

The committee's views are being referred to a meeting of the foreign ministers of Djibouti, Kenya and Ethiopia - the so-called frontline states making up the IGAD technical committee which is steering the talks.

A routine meeting of the foreign ministers is due to take place in Nairobi on Saturday, although Djibouti has reportedly asked for a postponement until next week as its foreign minister is otherwise engaged.

Heavy fighting broke out on Wednesday in Mogadishu's Medina district between the Abgal militias of Umar Finish and Musa Sudi Yalahow. The clashes continued on Thursday, and at least 10 people have been killed, the sources said. Large numbers of civilians are reported to be fleeing the area.

On Thursday, Finish - who is in Nairobi - held talks with Kenya's newly-appointed Special Envoy to the talks Bethwel Kiplagat. Yalahow is currently in Mogadishu.





Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001