Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Cilmigii dadkii tagay la siiyey iyo tiknoolajiyada hadda

Asalaamu calaykum

Allaah baa mahad leh, Caalamiinta Rabbigooda ah. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Imisa ilbiriqsi ayey qaadanaysaa in inta kalkaaliso waraaq ka soo qaado miiskeeda ama meesha ay ku shaqaynayso ay u dhiibto Madaxweynaha Maraykanka? Ama Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska? Waxaan shaki lahayn in ay hal ilbiriqsi ka badantahay.

Ka warran axadkii cilmiga la siiyey ee hal ilbiriqsi carshigii Boqoraddii Qur'aanka lagu xusay ka soo qaaday meel (Yeman) oo geeyey meel kale (Falastiin)? Malaga yaabaa in haddii adduunku sii jiro muddo dheer ay Binu Aadam waqti intaa le'eg inta meel wax ka soo qaadaan ay meel kale ku geeyaan? Kolay waxay qaadanaysaa ugu yaraan ilbiriqsiyo in inta jikada/kushiinka cunto ka soo qaado aad la soo gasho qol aad ku cunayso.

Dadka qaar baa is dhihi kara, ka waran e-mail-ada iyo telofoonada ay dayax-gacmeedyadu ilbiriqsiyo ku tebiyaan? Qofna ma inkiri karo arrintaas laakiin waa war, qoraal ama humaag waxa hadda dhaqsaha noocaas ah lagu diro. Saliida Bariga Dhexe intee Maraykanku kaga qaadi karaa halkaas oo uu waddankiisa gaysan karaa? Ilbiriqsiyo?

Miyeynaan xasuusan Nabi Maxamed (SCW) oo dagaalkii Mu'tah ka warramaya oo si toos ah ula socda dagaalkii oo socda? Inkastoo waxyaalo badan aan ku fiirsano "live" sida Sport-ga waxaa dhici karta mar adoo kubbad cag fiirsanaya aad arki waydo mar uu qofi uu qof kale khalad ka galo waayo waxaa dhici karta kaamaradii koowaad oo kubbada cayrsanaysay inay khaladkaas ku tusi waydo, laakiin waxaa laga yaabaa in kaarmarooyinka kale ay qabtaan oo iyadoo aan "live" ahayn dib naloo tuso.

Ka warran haddii Nabi Sulaymaan (CS) uu quraanjo hadalkeed maqlay oo uu shimbiraha hadalkoood yaqaanay? Saynis ahaan waxaa la fahmaa sida cayayaan iyo xayawaan iskula xiriiraan oo waxaad garan kartaa codad iyo baaqyo laga duubay oo la fahmay waxay ka wadaan oo haddii iyadoo la duubay dib loo daaro waxa la arkaa in noocyadii xayawaan ee codkaas ka yimid ay ka jawaabaan baaqaas sidii isagoo xayawaan uu hadda ku dhawaaqayo oo aan cajalad ahayn. Laakiin waxaan shakki ku jirin in qisada hud-hudku aysan ahayn baaq ee ay tahay wax xaqiiqo ah sida Qur'aanka laga fahmayo oo ay Nabi Sulaymaan (CS) iyo hud-hudku hadalka isku cel-cesheen oo loo diray howl culus.

Dayax baa la tagay, Mars baa "robot" lagu dajiyey iyo hadda loo socdaa iyadoon la keenin wax caddayn ah ayaan dabo orodnaa. Yaa shakki kaga jiraa dheelmidii Nabi Muxamed (SCW)? Waxaa dhici karta in muslimiinta qaar dhahaan Nabigu (SCW) ma isagoo ruuxdiisa iyo jirkiisu dhanyihiin buu samada koray mise ruuxdiisa kaliya ayey ahayd? Salaada ayaa Nabiga lagu soo faradh yeelay. Marka salaada ma Nabiga ruuxdiisa kaliya ayaa lasoo faray?

Waxaa dhici karta in dadku ku riyoodo isagoo dambi falaya, ayna ka suuroobin inuu sameeyo isagoo soo jeeda. Ruuxdu riyooyinka ma la xiriirtaa? Mise waa maskaxda kaliya?

Waxaan shakki lahayn in riyooyinka Nabiyadu ay xaq tahay laakiin ma maqal cid tiri markay riyoonayaan ayaa ka cad marka ay soo- jeedka xaq ku sheegayaan.

Miyaan sida Xaddiiska saxiixa ah ku jirta Nabigu uusan arag Janada iyo cadaabta isagoo tukanaya oo uusan oran Aniga iyo darbiga dhexdayada ayaa la keenay? Oo uusan horay u durkin si uu hoobaanta jannada u goosto. Haddana uusan dib usoo guran isagoo tukanaya si aysan cadaabtu u taaban. Waa salaad dhexdeed. Allaahu Akbar.


Maxaan Ilaah uga baqi la'nahay oo aan reer Galbeed iyo tiknoolajiyadiisa looga baqaa, khaasatan aaladaha hubka la xiriira? Xataa Soomaaliya oo ay qabqablayaashii iyo dadkii heshiin waayey oo ay ka jeesteen Qur'aanka iyo sunnada Nabiga (SCW) oo toos ula hadlaysa, ayaa la arkay iyagoo farta loogu yeeray oo la leeyahay saxiix halkan waliba iyadoon loo sharxin waxa uu saxiixayo.

Haddii ay qalbigaaga ku wayntahay diyaarad aan radar qaban ama hub aan wax nool ka tagin oo qaarado iskaga gudba oo meeshii la rabo lagu hogaamiyo. Axadkee Malaku Jibriil abuuray? Yuu ka amarqaataa?

Ciddii Malaku Jibriil iyo malaa'ig ka dhinac dagaalanto, ma filaysaan in reer galbeed isaka celin karo? Waligiin ma maqasheen howl Malaku Jibriil loo diray oo uu gudan waayey? Ma umalaynaysaan in qaryooyinkii loo diray inuu halaago ay dad ka dhuunteen oo ay buuro iyo waxyaalo kale ka hoosgaleen ama uu arki waayey?

Maraykanku dadkii uu daraadood dagaalada u qaaday sida kii Afganistaan wali ma hayo sida Usaama Bin Laadin. Ciraaqna Saddaam dhimashadi lama sheegin. Meeyey hubka indhaha leh oo aan loo goyn karin?

Mucjisooyinkii Nabiyada iyo Rususha la siiyey soo xasuuso. Karaamada awliyadana ku darso.

Waxaan filayaa inay sanadkii hore ahayd mar niman Maraykan ah oo dhulka hoostii ka shaqaynayey waxaan filayaa inay macdan qodayeen ay ku xanibmeen halkaas iyadoo waliba biyo ku furmeen meeshii ay ku jireen. Waxaa media-yaha Markaykanku ka bixi waayey imaysay halkaas ku jiri karaan? Ma noolaan karaan inta loo gurmanayo? Maraykanku wuxuu awoodi waayey in nimankaas tobanaanka mitir dhulka ka hooseeya, la sheego inay noolyihiin iyo in kale! Waxaad arkaysaa in isla Maraykanku dhaho dayax-gacmeedkayagu wuxuu soo sawiray molokuyuulo (molecules) biyo ah oo ku jira ubucda/caloosha meerayaasha sida Jupiter ama mid kale. Waxaa baas lahaatay tiknoolajiyad wax ka qaban wayday oo arki wayday dad nool nool oo ciid yari ka korayso oo Maraykan dhexdiis ah oo arki karta dhibco biyo ah oo ku jira ubuc xajmigeedu kiilo mitiro ka waynyahay oo maalyiin Km dhulka u jirta sida ay sheegaan. Waana halkaas halka qofkii Ilaahay uu maskax siiyey ka garankaro in waxa ay hawada sare ka sheegaan ay intooda badan been tahay.

Waxaa la ogaaday in ay noolyihiin markii meel geestooda ah laga qoday god oo wiish hoos loogu diray. Taasi waxay qabsatay "waddanka adduunka ugu xoog wayn".

Qofkii aan muslim ahayn waa yeelkii laakiin qofkii aaminsan Diinta Islaamkoow aan Ilaah talo saarano.

Miyeynaan maqal qisadii ukhduud. Miyaan Nabigu noo sheegin in ay jirtay dad inta miishaar la soo qaato labo qaybood laga dhigi jiray oo aan diintooda ka bixin, sidoo kale dad inta fargeeto bir ah lasoo qaato hilibkooda iyo lafahooda lakala dhigdhigi jiray?

Marka dadkeenii Soomaaliyeed Ilaah baqdintiis nagu yaraatay khaasatan qabqablayaasha iyo kuwa u adeega. Waxaan ka baqnaa waa dad, marka hadda ayaa dadkii aan cibaadada (baqdinta iyo rajada) siinay noo talinayaan. Waxaa taas ka sii daran iyagoo qabqablayaashii isa sii dhiibeen.

Halkii ay muslimiintu ka oran jireen Ilaahoow waan ku maqalnay waan ku adeecnay sidoo kalana marka dhib iyo wax laga naxo loo soo sheegana oranjiray Ilaah baa nagu filan, Isagaana ugu nimco badan Axad wax kafaalo-qaada. Laakiin qab-qablayaashu markaan Maraykan iyo Amxaaro ayey maqlaan haddii dhib ku dhacdana ayagay u qaylo-dhaansadaan sida aad BBC-da marar badan ka maqalaysid.

Ninkii xukun gaalo ku faraxsanoow waa kan soo kooryaya. Marka adkaysi dabme hala yeesho.

WABILLAAHI TOWFIIQ

cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.