Bosaaso [MOL] 30 Jun 2003- Sida uu u xaqiijiyey
Mudugonline isuduwaha caafimaadka gobolka bari Dr Cisman
saaka waxaa dib ugu soo cusboonaaday tiradii dadka qaba
cudurka daacunka magaalada Boosaso.
Waxaana xalay la keenay cusbatalka guud
tiro shan qof oo qaba cudurkaasi. Waxuu kaloo isuduwahu
sheegay in baaritaan lagu sameeyey dalka Kenya la ogaaday
in Cudurkaasi yahay Daacuun lana hubiyey baaritaankaasi
lagu soo sameeyey dalka keenya ka dib.
Waxaa horey u jiray gudiga la dagaalanka
Cudurka daacuun caloolaha oo uu madax u yahay Eng. Faarax
Maxamuud Yuusuf “Dooxo-joog” ahna Sii hayaha Maamulka
Dowladda, gudigaas oo hadda ay muuqato inaysan hawshoodii
wali dhamaan. cudurkaan ayaa bishaa horaanteedii ku
dhacay dad kor u dhaafay 100 waxaana uu saameyn weyn
ku yeeshay deegaanka gobolka Bari. illaa hadda lama
oga sababta keentay in cudurkaani dib u soo noqdo iyadoo
dhawrkii asbuuc ee la soo dhaafay aan la arag dad qaba
cudurkaan.
Weriye C/risaaq (Sheekhaduun)
Mudugonline.com
Wasiirka Ganacsiga Puntland oo
Siminaar xiray
Boosaaso, (AllPuntland)- Siminaar kor
loogu qaadayay aqoonta maamulka oo ay ka qaybgaleen
hawl wadeeno ka socday hay'ado dawli ah iyo 28 ururada
aan dawliga ahayn (NGO) ee Puntland ayaa maanta lagu
soo gabogabeeyay xarunta ururka WAWA ee Boosaaso.
 |
Wasiirka
Ganacsiga Puntland Faarax Maxamuud Yuusuf (Dooxa-Joog)
|
Xaflad loo qabtay xiritaankii siminaarkaasi
waxaa ka hadlay gudoomiyaha Dalada Talo-wadaag Axmed
Ciise Maxamed oo daladiisu soo qabanqaabisay Siminaarka
wuxuu ka warbixiyay muhiimada uu u lahaa ka qaybgalayaasha
cashardii ay ku qaateen siminaarka, wuxuu mahad u celiyay
ka qaybgalayaasha, maamulka Puntland, hay'ada caalamiga
ah ee Care kaalinta ay ka qaateen socodsiinta Siminaarka
iyo sidoo kale dalada WAWA oo ku deeqday goobta lagu
qabtay Xaflada Siminaarka.
Cabdijibaar Xasan Diini wakiilka Care
ee Boosaaso oo isaguna ka hadlay munaasida ayaa sheegay
in hay'ada Care oo Somaliya soo gashay 1992-dii mudadii
ay joogtay ay hawlo muhiim ah ka qabatay Somaliya guud
ahaan gar ahaan Puntland, sida uu sheegayna ay joogtayn
doonaan wx qabadkooda.
Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga Puntland
Maxamuud Ciise oo isagun ka mid ahaa dadkii ka hadlay
munaasibada ayaa mahadcelin u jeediyay qabanqaabiyayaasha
Siminaarka, wuxuu sheegay in aqoontii laga faa'iiday
lagu baahiyo goobta shaqada.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ahna
sii hayaha xilka Dowlada ee gobolka Bari, Puntland Faarax
Maxamuud Yuusuf (Dooxa-Joog) oo isagu siminaarka xiray
ayaa ku adkeeyay ka qaybgalayaasha in ay ku dabakhaan
hawl maalmeedkooda, ayna gaarsiiyaan aqoonta ay ka kororsadeen
hawlwadeenada aan fursada u helin ka qaybgalka Siminaarka
si buu yiri ay u hagaagaan adeega maamul ee loo hayo
bulshada Puntland, isagoo xusay doorka aqoonta oo uu
ku sheegay inay tahay tan lagu horumaro.
Swirqaaade Cabdifataax Jaamac Mire
AllPuntland