Maxamed
Mooge oo 1-da Luuliyo/July maamuusay iyo Maxamed Dirirdhaba
oo maalin madoow ku sheegay!
“Labo dhaqan kala dheer”
Nin baa mar dad tujiyey markaasuu
Qur’aankii dhaqaajin waayey. Markuu marar badan ku
celceliyey “ACUUDU BILLAAHI MINA SHAYDHAANI RAJIIM”
ayaa nin ku dabo tukanayey wuxuu yiri: shaydaan
dambi ma lahee waxaad akhrido ayaadan garanayn!
Maxamed Mooge Allaha u naxariistee
mar uu ka hadlayey 26-Juun iyo 1-da Luuliyo wuxuu
ku sheegay inaan lulanay laakiin markuu ka hadlayey
21-Oktoobar wuxuu ku sheegay inaan luufluufnay oo
leel-leelnay.
Maxamed Mooge oo aan ognahay
sidii suugaanta u yaqaanay marna eedda dusha ugama
tuurin 1-da Luuliyo maxaa yeelay waqtigaas xoog ma
jirin. Nin walba xirfadiisa iyo xoolaha uu haysto
ayuu isticmaalayey. Markuu 21 Oktoobar ka hadlayey
wuxuu haystay Maxamed Siyaad ee wuu ogaa inaysan maalini
dambi lahayn.
Muxuu Maxamed Dirirdhaba 1-da
July maalin madow ugu sheegay? Horta waxaan filayaa
inaan aniga iyo isaga midna waqtigaas dhalan. Carabtu
waxay tiraahdaa “Laysal khabaru kal mucaayanah” oo
ah wax laguu soo tebiyey la mid ma ahan waxaad usoo
taagnay.
Maxamed waxay ku fiicnaanlahayd
inuu waraysto waxay dareemayeen maalintaas dadka hadda
Somaliland horbooda iska daa dadweynaha kalee.
Annigu waxaan aaminsanahay
in maalmaha laga daayo inay shirki noo soo jiidaan
oo aysan dhaqamada shisheeyuhu na saamayn ee marna
ma oran waa maalmo dhib noo keenay.
Waxa jirta in dhibta Soomaaliya
looga horeeyey Waqooyi haddana looga dambeeyo.
Horta sideeda dimuqraadiyadu
ma ahan xukunkii Ilaahay rabay laakiin waxaa la isku
raacay inay shuuciyadda dhaanto. Maxamed wuxuu xusay
Aadan Cadde, C/Rashiid iyo Ra’iisul wasaarayaashii
kale.
Aadan Cadde ma xoog baa loo
qaaday madaxweynanimadii? Ma qabiil ahaan buu awal
xukunka ku qabtay? Ka warran C/hi Ciise Allah u naxariistee?
Maxamed waxaa la rabay inaad
daristo waxa Soomaalida ka dhaxeeya ee ah diin, midab,
Af, walaalnimo iyo darisnimo. WALLAAHI sheekadan aan
soo wado haddaad u dhabo-gasho waxaad is leedahay
waa khiyaali.
Markii la rabay C/hi Ciise Allaha
u naxariistee waa ra’iisul wasaarihii ugu horeeyey
ee Soomaaliya in loo diro Yurub waxaa looga baahnaa
in la talaalo. Nin ka soo jeeda Bari ayaa yiri hadday
Talyaanigu damcaan inay sumeeyaan anaa talaalka qaadanaya
si aan u dhinto intii C/hi Ciise dhiman lahaa. Allaahu
Akbar. Maanta labada qabiil waxay u muuqdaan inay
yihiin labada qabiil ee Soomaaliya isu neceb. Isla
C/hi Ciise waxaa lasheegaa inay dad reer Waqooyi ah
oo London jooga ka caawiyeen inuu Paris ama meel kale
tago.
Maxamadoow maalintii Nabi Muxamed
laga cayrshay Makkah oo ahayd magaaladii ugu qiimaha
badan Caalamka, Nabiguna (SCW) wuxuu yiri waxaad tahay
dhulka Ilaahay tan xagayga loogu jecelyahay, haddii
ayna tolkaa iga kaa soo saareen kaama baxeen.
Saasooy tahay muslimiintu maalintaas
waxay ka yeesheen maalin taariikhi ah. Maxaa yeelay
cuqdad looma baahna. Hijradii waxay sababtay in dowlad
Islaam ahi Makkah ka dhalato. Dhibtii gaartay saxaabada
waxaa ka waynaatay dheeftii ay heleen. Ilaa waqtigaan
la joogo muslimiintu maalintaas waxay ku hayaan qalbiga
oo waa u maalin taariikh ah.
Maxamadoow soo maanta xor ma
ahid. Ma cid baa idin khasabta? Maad dhibtii aad sheegaysid
ka baxdid. Haddii aad maanta runtii ogaateen, 21 Octoobar
faa’iido ayaa idiin ku jirtay maxaa yeelay waxay sababtay
in aad halgan gashaan oo aad maanta meeshaad marayso
gaartaan iska daa inaad eedayso 1-da Luuliyee.
Teeda kale haddii aad Koonfur
ka tabanaysid inay belaayo gooni ah idin ku sameeyeen
ma waxaan ka liidanaa wiilashii walaalkood Nabi Yuusuf
(CS) oo dhallaan ah ceel ku riday?
Nabi Yuusuf (CS) wuu cafiyey,
waliba wuu u duceeyey in Ilaahay u dambi dhaafo. Marka
haddaad tihiin walaalahayo naga hormaray noo soo duceeya
ee taariikh aanaan dhibkeed garanayn iyo belaayo ha
soo xusin.
Sida kale Nabi Muxamed (SCW)
wuu cafiyey qaraabadiis iyo Qurayshtii Makkaad markuu
galayey Makkah. Ina adeerkiisii ugu gabyi jiray (Abuu
Sufyaan) oo diinta dhibay markuu u yimid ayaa Cali
Binu Abuu Dhaalib (RC) wuxuu u sheegay wixii ay Nabi
Yuusuf (CS) Walaalihiis ku dhaheen. Haddee maxaad
ka filaysaa Nabi Muxamed (CSW) oo ahaa shakhsigii
ugu naxariista badnaa, isna sidii oo kale buu cafiyey
oo Ilaah uu dambi dhaaf u waydiiyey.
Maxamed Mooge Allaha u naxariistee
ka soo hadalnay ee meeye Hadraawi, Qaasim iyo Cabdi
Qays? Waa abwaanadii Soomaaliya ugu caansanaa. Ma
aragtay iyagoo ka hadlaya waxaan dadka sufahaada ah
gaysteen? Way arkaan waxaan la isku falayo laakiin
waxay ogyihiin qaddiyada dhabta ah.
C/Qays wuxuu aaminsanyahay in
Jabuuti ay Soomali tahay iska daa in Xamar xisaabta
ka baxdee. Ka warran markuu laha:
Agoon xoolo kama dhicin
Xargo goysna maan noqon
Eexana rag kama galin
Jabuutidaan u xaydnaa
Ee Soomaali laga xaday
haddii aan xaggaa tagay
Ma shidaynin xeerkee
Maxaa la igu soo xiray?
Hadraawi Balweyn waa u duceeyey
oo heesta dadka badankiisa waa yaqaaneen.
Qaasimna gabayadiisa guubabada
ah waa lawada ogaa oo wuxuu xusay in dhibka lala qabo
sidii markuu lahaa:
Annaga iyo Saleebanada waa
na sidataaye
Seeftii Abgaal bay agtaal saawirta ahaaye.
Wuxuu xusay in Soomaalida oo
dhani dhibbantahay ee ma aaminsana sidaada oo kale
in aad adinka kaliya belaayo qabtaan. Dad badan oo
Xamar iyo Kismaayo degenaa ayaa wali dhulkoodii ka
maqan. Sidoo kale dhul beereedyada dad deganaa hantidoodii
waa kala abaadeen.
Marka abwaanadii cadaabka iyo
xariga ka soo maray taliskii hore hadday wali kuwaas
yihiin, wax aad idiga oo Maxamed Dirirdhabe ah aad
lasoo dhawaaqdo ma arko.
Ilaah baan dambi dhaaf waydiisanaynaa.
<Halkaan
ka gal qoraalka maqaalkani u dhacayo>
<Qoraalkii
hore ee waaxid Khaliif>
cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com