Mbagaati [MOL] 28 Jun 2003- Waraysi ay Idaacada HornAfrik
ee Muqdishu la yeelatay Madaxweynaha Puntland Cabdulahi
Yusuf oo ku saabsanaa meesha uu marayo shirka Mabagthi
ee Somalida ayuu ku sheegay in shirka uu guulaysan doono
haddase ay jiraan caqabado ay hor dhigeen dad leh ujeedooyin
u gooniya. Mar la weydiiyay in Golaha SRRC iyo kooxda
TNG-Carta qoloba mar ay shirka ka baxday ayuu ku tilmaamay
taas in aysan isagu inta uu ogyahay aysan dhinacooda marna
ka bixin shirka, qofkii ka baxa shir socdana uusan garan
karin waxa uu uga dan leeyahay.
Cabdulahi Yusuf oo la weydiiyay sababta dhinacooda ay
wali ugu dhagan yihiin in xubnaha baarlamaanku noqdaan
450 ayaa sheegay in taasi ay ahayd wax horey loogu heshiiyay,
dadka haatan diidana in tirada xubnaha Baarlamaanka laga
dhigo 450 xubnood ay ahayeen isla kuwa hadda raba in tirada
wax laga badalo, dadkaas oo uu ka magacaabay Maxamed Qanyare
iyo Xasan Abshir Farah. dadka noocaas oo Cabdulaahi siyaasadooda
ku tilmaamay mid la mida dabaysha xagaaga mana laha mowqif
iyo mabda'a siyaasadeed iyo meel loogu soo hagaago toona.
Cabdulahi Yusuf ayaa sheegay in kooxda Carta markii hore
dan gooniya kalahayd in xubnaha baarlamaanka la gaarsiiyo
450 iyagoo rajaynayay in 245-tii xubnood ee baarlamaankii
Carta lagu soo daro tiradaas si loo gaarsiiyo 450, arintaas
oo hadda suuragal ahayn ka dib markii xubnaha baarlamaanka
lagu qaybiyay "saamiga 4.5 rule" oo lagu saleeyay
qabiil..
Mar la weydiiyay in Kooxda SRRC iyo Maamulka Puntlandba
ay aad xulufo ula yihiin Dawlada Itoobiya oo rabta inuusan
guulaysan shirka iyo in Gen. Morgan oo ciidamo Itoobiyaan
ah wata uu ku soo wajahan yahay Magaalada Kismayo ayaa
Cabdulahi sheegay inuusan cidna ka habaysanayn arrimaha
la xiriira danta Somaliyeed, danaha Ummada Soomaaliyeedna
inuusan kala tashnayn cid ajnabi ah. waxuu kaloo ku tilmaamay
dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa, dad iska baqaya oo
meel cidla ka baqaya weeye dadka warkaas Itoobiya faafinaya,
markii ay iyagu wax qabsan waayeen, dhaqana ka dhigtay
inay arimahaas lacago ku qaataan weeye dadka fidiyaa wararka
beenta ah ee ah in Itoobiya Somaliya soo weerarayso. Waxuu
sheegay Cabdulahi Yusuf in arintaas wax jirana aysan ahayn
isna raali ka ahayn in Somaliya Dagaal dambe ka dhaco.
Mudugonline.com
Diyaargaroow dagaal ayaa ka
socda Koonfurta Somaliya
Muqdisho, (AllPuntland)- Wararka ka imaanaya
koonfurta Somaliya ayaa xaqiijinaya in diyaargaroow
dagaal uu saameeyay gobolada koonfurta Somaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda diyaargaroow xoogan,
hogaamiye kooxeedka Cusmaan Xasan Cali (Caato) ayaa 4
tikniko ah iyo afar gawaarida waaweyn u diray Jubbadda
Hoose, inkastoo laba tikniko ah iyo laba wiish ay dib
ugu soo noqdeen Muqdisho ka dib markii maleeshiyadii saarnayd
ay isku afgaran waayeen dagaalka loo diray, halka afartii
kale ay ka gaareen Mugaanbe oo ay ku yaalaan beero Cismaan
lee yahay oo la sheego in dalaga ku beeran ay ka mid yihiin
maandooriyayaal (daroogo).
Dhinaca kale Gen. Galaal iyo col. Xasan Daahir Aways
oo isagu ku jira liiska uu Maraykanku radiyo ayaa Muqdisho
kula lahaa beelaha degan wadahadalo ay ku macneeyeen siddii
looga hortagi lahaa weerar ka soosocda dhinaca Itoobiya,
waxaa socda dhaqdhaqaaq xoog badan oo lagu uruurinayo
maleeshiyooyin.
Dhinaca kale magaalada Kismaayo ayaa waxaa ugu yaraan
la isugu geeyay goobo kala duwan ilaa 600 oo maleeshiyo
ah, uruurinta maleeshiyaadka oo uu ka dhashay muran badan
oo la xiriira maleeshiyooyinka oo dalbaday mushahaaro
ay ku dagaal tagaan ayaa hadda la xaliyay ka dib markii
loo balan qaday in la siindoono lacag.
Inkastoo dhaqdhaqaaqaan lagu abaabulayo in lagaga hortagayo
weerar uu soo wado Jenarla Morgan ayaa haddana dhinaca
Gen. Morgan ay sheegayaan in uusan jirin wax weerar ah
oo ay maagan yihiin Col. Mahdi Miicaad oo ah afhayeenka
Morgan ayaa sheegay in ciidankoodu ay joogaan rugahay
horay u joogeen uusana jirin wax dagaal ah oo ay meel
ku damacsan yihiin inay ku qadaan.
Dhinaca kale ayaa Gen. Galaal oo Muqdisho joogaa sheegayaa
inuu ka hortagayo waxa uu ugu yeeray ciidamo itoobiyan
ah oo soo dagay Ceel barde, oo uu sheegay inuu horkacayo
Gen Morgan.
Wararka laga helayo dadka socotada ah ee ka imaanaya
Bakool ayaa sheegaya in Gen. Morgan oo mudo ka maqnaa
dhulkaas uu iminka yimid fariisamada ciidamadiisa, warku
ma sheegin ciidamo Itoobiyaan ah oo aagaas soo galay,
waxayse dadku sheegeen in markii gen. Morgan naf ahaantiisu
yimid halkaas ay dib isku uruursadeen maleeshiyaadkiisii
horay xooga looga soosaaray Kismaayo oo mudooyinkaan dambe
ku kala firirsanaa Bay iyo Bakool.
Warar laga helay Kismaayo ayaa sheegaya in deegaanka
Bu'aalo looga cabsi qabo inuu ka bilowdo dagaal, ka gadaal
markii maleeshiyo laga soo diray Kismaayo ay halkaas soo
wajaheen, iyadoo taageerayaasha SPM/SRRC ee aagaasina
ay diyaar garoow bilaabeen.
Waxay u muuqataa mid diblaamisayada loogu talo galay
marka la eego hadalada diblamaasiyadeed ee Itoobiye weerarka
ah ee ka soo yeerayay Madaxweynaha garab ka mid ah DKGM
ah/ Kooxda Carta Cabdiqaasim Salaad Xasan oo isagu ku
sugan Nairobi iyo qaylo dhaanta Gen. Galaal ka wado Muqdisho
oo uu ku sheegayo weerar ka soosocda Itoobiya, tani oo
dadka Muqdisho u fasirteen in beesha labada nin ay kasoo
wada jeedaan ay dadaal ugu jirto inay siyaasadooda ka
iibshaan Muqdisho, iyadoo ay u muuqato mid quusatay DKMG
ah /Carta marka la eego shirka Somalida uga socda Kenya.
DKMG ah / Kooxda Carta qofba sidda uu u yaqaan ayaa la
ogyahay in awoodeeda siyaasadeed, mida ciidan iyo mida
dhaqaalaba ay gacanta ugu jirto beesha Cabdiqasim iyo
Gen. Galaal.
AllPuntland, Muqdisho
|