Maamulka
Puntland waxay u baahanyihiin in la baro "Economics
101"
Waxaan maqaal aan aad ula
yaabay ka akhriyey shaashada ku hadasha codka
Dawlad Goboleedka Puntland ee Yamayska, kaas oo ahaa
in la joojiyay ruqsada ganacsiga ee Isgaarsiinta;
http://yamayska.com/news/news_item.asp?NewsID=56
Mudanaha wasiir-xigaha ee soo
saaray wareegtadaas waxaad moodaa inuusan fahmin ganacsiga
xorta ah, iyo horumarku inuu ku xiranyahay inaan la
hor-istaagin ganacsiga xorta ah.
Waxaa dhowaan aad u ololeenaayey
in arinkaas lasoo jeediyo (Duopoly) labada shirkadood
ee ugu weyn Puntland sida Galkom, iyo shirkada Cali
Khaliif Galaydh ee marba magac la baxda.....
C/shakuur Mire Aadan wuxuu ku
andacooday "iyada oo aanay dalka ka jirin baahi
isgaarsiineed" iyo dhinaca dhaqaalaha oo ay keeni
karto dhaqaale burbur ama wiiqan ku yimaada shirkadaha
hadda ka jira DGPL, si fiicanna reer Puntland uga
haqabtiray dhanka isgaarsiinta"
Wasiirku wuxuu sheegay
inaysan baahi isgaarsiineed jirin (demand), sidoo
kalena wuxuu noo sheegay in la haqabtiray dhinacii
isgaarsiinta Puntland (supply), iyo in laga hortago
inay wiiqmaan shirkadaha jira!...
Haddii C/shakuur runtiis ay
tahay in baahida isgaarsiinta ee Puntland la haqabtiray,
waxaan shaki kujirin in qiimaha telefoonka uu hoos
u dhici lahaa sida Xamar oo uu tagay 45cents, waxaa
kaloo dhici lahaa in shirkado badan ka baxaan suuqa,
dadkuna helaan service hagaagsan oo ka firfircoon
kan ay labada shirkadood hadda siiyaan shacabka reer
PL.
Dawlad Goboleedka Puntland,
haday ku darsatay shaatigii Askarinimada mid kale
oo ah Central Planning..Shuuciyad, waxay ila tahay
inay samaysan doonto cadaw badan....
Dadka isticmaala isgaarsiinta
(consumers) waxaa marwalba u fiican in "ay shirkad
cusub soo gasho suuqa, qiimaha telefoonku wuu dhicin,
shirkadii kalena tartan cusub bay gelin"..
Mudane C/shakuur Mire Aadan
waxay ahayd inuu u taagnaado danta shacabka ee ma
ahayn inuu maanta noqdo af-hayeen u hadla, difaaca,
isla markaana u eexda labo shirkadood oo muddo haystay
Duopoly.
Dikireetada Wasiir-xigaha waxay
kasoo horjeedaa qaanuunka Puntland ee malaha uusan
akhrisan:
"QODOBKA
95AAD" HABKA DHAQANDHAQAALE EE SUUQA XORTA AH