Mbagaati [MOL] 26 Jun 2003- Wararkii
ugu dambeeyay ee ka imaanaya madasha shirka ee Mbagathi
ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in golaha SRRC shirkii
shalay ka caroodeen ka dib markii kooxda Carta iyo isbahaysiga
G8 ay soo jeediyeen in tirada baarlamaanka laga dhigo
360 xubnood. Golaha SRRC ayaa ku doodaya in horey hogaamiyaasha
siyaasadu ugu heshiiyeen tirada baarlamaanka iyo cidda
soo magacaabaysaba.
Golaha SRRC ayaa wali ku dhagan
in tirada baarlamaanka loo daayo 450 xubnood taas oo dawladaha
deeqda bixiya ay ku tilmaameen tiro aan suura gal ahayn.
Deeq bixiyaasha iyo Dawladaha xiiseeya
arimaha Somaliya ayaa soo jeediyay in baarlamaanka dawlada
cusub laga dhigo tiro dhan 170 xubnood. tiradaas oo dadka
intiisa badan ay u arkaan caqli gal, waxaase moodaa in
kooxaha Somalidu aysan xal wadin ee ay meesha u joogaan
in koox walba ka soo horjeesato waxa kooxda kale taageerto
ama soo jeediso.
Mudugonline.com
Cabdiqaasim
vs Deeroow
AllPuntland, (Gaalkacyo)-
Madaxweynaha DKMG ah/Kooxda Carta Cabdiqaasin Salaad
Xasan ayaa hor dhigay shirka ka soconaya halka loo yaqaan
Mbagathi shuruud hor leh oo aad mooddo inay kuwii hore
ka adagtahay.
Cabdiqaasin waxa uu sheegay in shirka
haatan soconaya laga saaro labada xubnood ee ugu sareeya
maamulkiisa marka asaga laga soo tago oo kala ah Gudoomiyaha
Baarlamaanka Cabdalle Deeroow iyo Ra'iisul wasaaraha Xasan
Abshir, sida ay sheegayaan warar aanu ka helnay halka
uu shirku ka socdo Cabdiqaasin ayaa dalbaday in cidda
shirka DKMG ah/Kooxda Carta uga qaybgalaysa uu isagu soo
xulanayo.
Arintaan ayaa soo baxday markii
uu guul daraystay isku day lagu doonayay in lagu soo afjaro
khilaafka u dhexeeya Cabdiqaasim iyo Cabdalle Deeroow,
khilaafkaas oo keenay inuu Cabdalle ku dhawaaqo inuu yahay
Madaxweynaha DKMG ah/ Kooxda Carta, Cabdalle Deeroow Isaaq
gudoomiyaha Baarlamaanka isla markaana ah madaxweynaha
garabka kale ee DKMG ah/ Kooxda Carta ayaa gaashaanka
ku dhuftay isku day lagu doonayay in lagu heshiisiiyo
isaga iyo Cabdiqaasim, Deeroow ayaa loo balan qaaday 200,
000 oo dolorka Maraykanka ah haddii uu ka noqdo mawqifkiisa
sababay kala qaybsanka DKMG ah/ Kooxda Carta, taasi oo
uu iska diiday, Deeroow ayaa ku adkaysanaya in xiligii
DKMG ah/ Kooxda Carta uu dhamaad yahay, uusana wax shuruud
ah hordhigayn in dawlad tooda xilka kala wareegta lagu
soo dhiso Mbagathi, Xasan Abshir iyo Cabdiqaasim ayaa
iyaga la xaliyay khilaafkii u dhexeeyay, Xasana wuxuu
hormood ka ahaa isku day lagu doonayay in Deeroowna heshiiska
kusoo biiro.
Waxaa horay uu Cabdiqaasin uu u
dalbaday in shirku uusan socon doonin inta ay Somaliland
ka maqan tahay, isagoo dalbaday haddii aan la keenin inuu
shirku noqonayo midaan loo dhamayn.
Waxaa jira masuuliyiin badan oo
Cabdiqaasin kula taliyay inuu shirka ka qayb galo isla
markaana uu ka miro dhaliyo, balse dadka siyaasadda ka
faalooda ayaa sheegay in arinta Cabdiqaasin u egtahay
Dawladaydiiba socon waydaye tukale yaysan socon, taasoo
bulshada caalamka ay horay digniino uga soosaartay cidii
shirka xagal daacinaysa in wax laga qaban doono.
Cabdulqaadir Cabdullahi Cusmaan
iyo Xarunta
Allpuntland
Warkii Shalay ee Radio Galkacyo:
25-06-03 Radio Galkacyo:GUJI
HALKAAN.
|