Assalamu Calaykum
Waraxmatullahi Wabarakatuhu:
Dhamaan Jaaliyadda Somaliyed
meelkasta oo ay joogtaba waxannu ku salamaynaa Salaanta
xaqa ah ee kor kuxusan, bacda Salantaas.
Waxannu Umadda Somaliyed
ku wargalinaynaa, intii danaynaysa iyo intii ay qusaysaba
in Mashruucii Horumarinta ganacsiga Soomaliyeed ee Amal
Plaza uu joojiyay, in laqabto Sharer Cusub(Saami-CUSUB)
tasoo uu wax yar ka harsanaa kamid noqoshada in Sharer
Cusub lagu soo darsan karo mashruuca, hasayeshee hadda
aysan jirin Sharer Banaan oo uu buuxsamay .
Haddaba qofkii raba inuu
share cusub kusoo darsado mashruuca Amal Plaza, waxannu
ogaysiinaynaa in hadda wixii ka danbeeya uu qofku hadduu
u baahdo inuu share ku yeesho Mashruuca Amal Plaza uu
ka gadan karo Suuqa Caalamiga ah, jaaliyadda gudaheeda
hadba qaabka isaga u fudud.
Mashruucan oo ay soo agaasintay
Shirkadda Xawaaladda Amal Express Ent, ayaa waxa uu dhiiri
galin wayn u noqday inuu horay u mariyo Ganacsiga Somaliyeed,
gaar ahaan Ganacsiga kajira Geeska Africa, mashruuca waxaa
uu hadda ka hirgalay dalka kenya, magalada Nairobi, Mashruucan
oo ay ku baxday malaayin ah Lacagta adag ee maraykanka,
waxa uu yahay dhisme wayn oo kakoban
illaa (600)oo Qol, kuwasoo loogu talagalay inay ka faa'iidaystaan
Jaaliyadda,Ganacsatada,Iyo Umadda Somaliyed.
Haddaba, markale waxan
ku dhiirigalinaynaa shaqsiyadka danaynaya inuu kamid noqdo
Saamilayda Mashruucan Amal Plaza, fadlan waxad ka baayacan
kartaa Saamigaada oo ka'iibsan kartaa SUUQA Xorta ah ama
ciddii kale ee iska iibinaysa, bahda Amal Group of Companies
waxay kaa caawindoontaa oo kali ah inay kusiiso caddaynta
inaad saami kuleedahay Amal Plaza, haddii aad suuqa ka
soo iibsato oo caddayn latimaddid(CERTIFICATE OF SHARE
HOLDER).
Mahadsanidin.
Amal Group Of Companies
Kassim Ali Jama
Project Manager.
Waxad wixii faahfaahin
ah kala sooxariiri kartaa E-mailadan hoose
mamul@emirates.net.ae
amalchair@hotmail.com
amalplazanairobi@hotmail.com
Nasiib Wanaagsan.
|