BBCda
Laanta Afsomaliga iyo Cabdiqaasim iyo Alitixaad ma
ku guulaysan doonaan Qorshaha ay Shirka Kinya ku minjo
xaabin rabaan.
Qofna kama qarsoona in ay BBCda Laanta
Afsomaliga, Cabdiqaasim iyo Alitixaad ku qanacsanayn
Qaabka uu Shirka Kinya ka socda u socdo waxaana la
wada ogyahay in ay isbahaysteen sidii ay Shirka burburin
lahaayeen waxaanay bilowgii Shirka isku dayeen in
ay Shirka Boqnaha gooyaan.
Laakiin Qorsho kasta oo
la rabay in Shirka Kinya ka socdo lagu curyaamiyaan
iyo isku daykasta oo la isku dayey in Shirka looga
ma dhalays waa lagu fashilmay oo way Dhicisoobeen,
taas oo keentay ugu danbaytii in uu Cabdiqaasim oo
wariyihiisa khaaska ah ee Xasan Bariise wata in uu
Shirka soo dhex istaago.
Inkasta oo uu Cabdiqaasim ku fashilmay
in uu Shirka dumiyo haddana kama uuna daalin in uu
wali isku dayo, maxaa yeelay wuxuu Cabdiqaasim Shirka
yimid isaga oo ka duulaya Oraahda tiraa Ciyaarta Qofka ku dhexjira
ayaa qarbudikara ama Guusha qaloocsan karo, wuxuuna
soo qorshaystay isagoo BBCda Laanta Afsomliga kaashanay
in.
·
Ama
in uu Shirka Kinya ka socdo la wereego oo markale
Cabdiqaasim la soo caleemo saaro oo Dad cusub oo Alitixaad
u badan markale Baarlamanka laga buuxsho, Dadkii sideeda
bilood howsha Shirka soo wadayn ee la hubsaday in
aanay badanaa Ururkaas Shaqo ku lahayn la kala cayriyo.
·
ama
in uu Shirka gudaha ka burburiyaan oo ay wixii la
tabcayey tacab baŽay ka dhigaan, si Shir ay soo maleegeen
Alitixaad Gudaha Somaliya loogu qabto.
Hadaba si ay Qorshahaas u fuliyaan
waxay BBCda Laanta Afsomliga iyo Cabdiqaasim soo goŽaansadeen
in ay dhawr talaabo oo ay uga gol leeyihiin in ay
Shirka ku burburiyaan qaadaan kuwaas oo kala ah.
·
In
Tirada lagu Heshiiyey ee Baarlamaanka la yareeyo,
taas oo haddii lagu raaco Albaabka u furaysa in waxkasta
oo horay loogu heshiiyey oo xataa Fidaraalkii lagu
heshiiyey ku jiro markale Dib loogu noqdo iyo waliba
in Cabdiqaasim ka aargoosto oo uu badalo Ragii isaga
ka falaaboon ee Shirku in uu heerkan soo gaaro sababta
u ahaa iyo in iyadoo waqtiga yar oo aan Dadka la kala
ogaankarin laga faaŽiidaysano meeshana Alitixaad markale
sida Baarlamankii Carte la soo buuxiyo.
·
In
meesha laga saaro wax la yiraahdo Fidaraal si loogu
gogol xaaro in Somaliya labo Gobol oo Fidaraal ah
oo Xamar iyo Hargaysa laga xukumo u noqoto iyo si
aanay u dhalan Dowlad Goboleedyo laga xukumo Garoowe
iyo Baydhabo iyo meelkale toona, taas oo looga gol
leeyahay in Beelaha qaarkood faraha ku dhigaan Awooda
Dowlada taasna waa sababta uu Prof Samatar uga soo
horjeed Fidaraalka in ay Gobaladakale qaataan.
·
In
Odayaasha Dhaqanku xulida Baarlamaanka ka qaybqaataan,
taas oo uu Cabdiqaasim ku helayaan Odayaal Dhaqameedyo
iyo Siyaasiyiin oo in kasta oo ay Magac u yaalnimo
ahaan Beelahooda u matalaan laakiin isaga u afduuban
oo uu siduu doona ka yeelo, maxaa yeelay inkasta oo
ay Ragaasi Beelahood matalaan, Barlamankana Magac
Beelahooda ku
fadhiyaan haddana in ay Barlamaanka ka mid noqdaan
Cabdiqaasim baa GoŽaanka iska leh, wuxuuna Cabdiqaasin
Oday Dhaqameeyadaas iyo Siyaasiyiintaa ku cadaadinkaraa
si ay xubin Baarlamaanka u noqdaan in ay Xasarad Gobaladooda.
ka abuuraan.
Waxana qorshayaashaas fulintooda qaybta
ugu wayn loo xilsaaray BBCda Laanta Afsomaliga waana
sababta Xasan Bariise Xamar looga soo xawilay.waxaanay
si ay qorshahaas u taabo galiso BBCda Laanta Afsomaliga Qaaday dhowr talaabo
oo ay ka mid yihiin.
·
Dooda
joogtada noqotay ee ay BBCda Laanta Afsomaligu maalinkasta
sii dayso ee ah Caalamkaa raba in Ciyaarta wax laga
badalo iyo in tirada Barlamaanka la yareeyo iyo in
Odayaashii Carte soo dhisay Ciyaarta lagu soo diro.iyo
waraysiyo been abuur ah ama sida kale loo badalay
ay soo tabiyo sida waraysiyada ay ugu yeeraan Bulshada
Caalamka oo ay ku banaysanayaan in ay u suurto gasho
in ay tarada baarlamaanka ku yareeyaan si uu albaabku
gugu furmo in ay waxkasta badalaan.ayaa ah qayb ka
ah qorsha BBCda fulintiisa loo qoondeeyey.
·
Si
Dadka Shirka jooga loogu bisleeyo Fikrada Fidaraal
diidka ah waxay BBCda Laant Afsomligu bilowday Barnaamujyo
wadani ah oo uu Ali ha u naxariistee Timacade Atoore
ka yahay si ay u hirgasho Fikrada kuwa Xamar iyo Hargaysa
waxkasta laga xukumo wata.
·
Isku
dayeyga ay BBCda Laanta Afsomaligu isku dayeyso in
ay Dadka ka indho tirto Cida GoŽaan kama danbaynta
ah iska oo xaqiiq ahaan Somalida iyo IGAD oo Gogasha
u fidisay oo kaliya ah iyo Qaabka ay Dadka uga dhaadhicinayso
in waxa ay Caalamka ugu yeertay oo xaqiiq ahaan in
ay goŽaamada la gaaray in taageeraan iyo in ay talobixin
soo jeediyaan mooyee aan iyagu Shirka shaqo kale ku
lahayn, ayaa ku tusaysa qorsaha ay BBCda Laanta Afsomliga
loo soo dhiibay in ay fuliso
·
qaabkii
ay BBCda Laanta Afsomligu Cabdulaahi Deeroow u waraysten
ayaa cadayn u ah in ay BBCda Laanta Afsomaligu cid
gaar ah la jirto waxaa kale oo waraysigaa ku cadayd
sida ay BBCda Laanta Afsomaligu uga ciilqabto in uu
Deeroow Dadkiisa u daneeyey oo Habka Fidaraalka ah
doortay.
Ma ahan mid hadda bilowday Qorshaha
ka hortaga Fidaraalka oo ay Cabdiqaasim iyo BBCda
Laanta Afsomliga isu bahaysteen ee wuxuu ahaan sababta
Carteba loo soo qobtolay, Maxaa yeelay.
·
Labada
Beelood ee BBCda Lanta Afsomaliga bililiqaystay oo
ka soo kala jeeda Beesha Cabdiqaasim iyo Somaliland
midna ma rabto in ay Baydhabo iyo Garoowe ama Magaalo
kale ay Caasumado Dowlado Fidaraal ah oo Xamar iyo
Hargaysa u dhigmaan noqdaan.
·
Siyaasadaas
Fidaraalka Diidka ah waa Siyaasadii uu Cabdiqaasim
ku shaqeeyey markuu Dhaqaalihii Dalka u adeegsaday
isku Dirka reer Baydhabo iyo reer Puntland si uu Riyada
iyo Rabitaanka Dadkaas ee ku salaysan Firadaalka u
baabiŽiyo waxaana taas la hirgaliyey BBCda Laanta
Afsomaliga.iyo Alitixaad Gobadadaas ku noolaa.
·
Dooda
halhayska Cabdiqaasim u noqotay ee aha Somaliland
Shirka ha la keeno ma dhaafiisna iidheh uu Somaliland
u samaynayo iyo Siyaasad uu Fikirka Koonfur iyo Waqooyo
ku fidin rabo, kamana dhacto Iidhehda ay BBCda Laanta
Afsomligu maalinkasta Hargaysa iyo Xamar u samayso.
Waxaana hadda cad in Weerarka ay BBCbda
Laanta Afsomaligu ay Shirka ku hayso uu Waji cusub
qaatay iyadoo waliba Weerarka sii xoojisay Markii
uu Shirku BBCda Laanta Afsomaliga xaga Warbaahinta
ka xoroobay oo uu yeeshay Tilifishin u qaar ah.
waxaana hubaal ah haddii aan haddeer
Weerarka BBCda Laanta Afsomaliga laga hortagin oo
aan Caalamka carqaladaynta BBCda looga caban in ay
qorsha ay Cabdiqaasim iyo BBCda Laanta Afsomaligu ay wataan uu Shirka
Kinya ka socda burburinkaro.
Mahadsanidin
jagne
Soomaaliya iyo argagixisada
Waxaa maalmahaan saxaafaha kusoo kordhaya
kahowlgalka ay dowlada Maraykanka ka wado meelo
ka mid ah Soomaaliya iyada oo sabab ay u tahay baadigoobka
argagixisada. Waxaa kaloo iyana dowlada Kenya ay
joojisay duulimaadyadii ukici jiray Soomaaliya,
baaritaan xoog lehna lagu hayaa soomaalida wadankaa
ku nool. Hadaba waa su´aale Soomaaliya ma
saldhig argigixisaa? ma waxaa jooga xubno ka tirsan
Al-Qaacida? Iyadoo ay adagtahay in la ogaado ayaa
haddana dowlada Maraykanku ay aaminsantahay inay
joogaan shakhsiyaad ama xubno ka tirsan kooxo uu
Maraykanku u aqoosanyahay inay yihiin argagixiso
kana soo horjeeda danahiisa. Dowlada kumeelgaarka
ayaa iyadu ku haysa gacanta qaybo yar oo magaalada
muqdisho. Kooxda isbahaysiga SRRC ee iyadu ah isku
tag ay isku tageen ururo hubaysan kana hela mucaawino
dowlada Itoobiya, ayaa marar badan ku eedeeyey dowlada
kumeelgaarka inay la shaqeyso ururo argagixiso ah
ayna ka mid yihiin Al-Qaacida iyo Al-Itixaad.
Al-Itixaad
Ururka Al-Itixaad ayaa bilowgii dagaalada sokeeye
ee Soomaaliya ka qeybqaatay dagaalada hubaysan. Ulajeedadiisa
ayaa aheyd in Soomaaliya laga dhiso dowlad islaami
ah lagu dhaqo shareecada islaamka ah. Waxaa isla markiiba
lagu eedeeyey inuu gacansaar la lahaa Usaama una fasaxay
inuu saldhiga uruka kasoo weeraro safaarada Maraykanka
uu kuleeyahay Kenya iyo Tansaaniya sanadkii 1998.
Waxaa iyadana dowlada Itoobiya ay urukaas ku eedeysay
inuu bilowgii sanadadii 1990-yadii ka danbeeyey weeraro
ka dhacay magaalada Addis Abeba iyo in mucaawino ay
u fidiyaan kooxo mucaarad ku ah dowladaas.
Cunaqabateyn xaga dhaqaalaha
Bishii november ee sanadkii hore ayey dowladda Maraykanku
soo saartay liis kakooban shakhsiyaad iyo ururo ay
tilmaantay inay aragagixiso yihiin amaba kaalmo ufidiyaan.
Waxaa liiskaa ku jiray Soomaali ku nool waddankaan
Sweden oo iyaga ka ganacsan jiray xawilaada shirkada
Al-Barakaat. Raggan ayaa iyaga lagu eedeeyey inay
lacag kaalmo ah iyo inay hub u direen ururka Al-Qaacida.
Shirkada Al-Barakaat oo iyadu aheyd tan ugu weyn ee
xawilaada Soomaaliya isla markaana aheydshirkada ugu
weyn ee shaqaaleysiin jirtay dadka soomaaliyeed ayaa
laxiray, waxayna taas dhalisay in taleefano iyo internetkaba
uu ka joogsado Soomaaliya.
Maraykanka iyo Itoobiya
Su´aal isweydiin leh ayaa waxay tahay dowladda
maraykana diyaar ma utahay inay mar labaad faragelin
milatari ku sameyso Soomaaliya. Maraykankoo ku fashilay
faragelintiisii bilogii 1990-yadii kadib markii ay
18 askari ay ku geeriyoodeen ayaa si degdeg ah kaga
baxay Soomaaliya. Waxaa jira warar sheegaya in Maraykanku
ciidamo ka tirsan ay ku sugan yihiin Soomaaliya, kuwaas
baadigoobaya ururo argagixiso ah. Waxaa kaloo jooga
maraakiib ilaalinaya xeebaha Soomaaliya. Saraakiil
sare oo Maraykan ah ayaa la kulmay sanadii danbeeyey
masuuliyiin matala kooxaha hubaysan ee ka jira wadanka.
Kooxahaas oo iyaga ka balan qaaday Maraykanka inay
la dagaalami doonaan aragagisada ku sugan halkaas.
Arintaan masuuliyiin qaarkood kala dan leh inay kula
dagaalamaan kooxaha kale ee iyaga kasoo horjeeda.
Waxaa dhici karta in arintaan kordhiso ama dhiiri
galiso dad aan iyaga wax lug leh aan ku lahayn aragagixisada.
Waxaa kaloo dhici karta in ay tahay arin ay dowlada
Maraykanka kaga danleedahay inay dunida tusto goobjoogeeda
geeska Afkika amaba inayba tahay qeyb ka mid ah isku
diyaarinta doorashada soo socota ee madaweynenimo.
Hayaan Cabdisalaam Ismaaciil, Sweden