Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

ISKAHORIMAAD DAD KU DHAAWACMEEN AYAA MAGAALADA LAASCOONAAD KU DHEX MARAY BOOLISKA IYO DAD RAYID AH

Radio Midnimo, Boosaaso, 22 July, 2003- Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay iska horimaad dhex maray Booliska iyo dad Rayid ah oo degenaa Iskuulka Hoose Dhexe ee Laascaanood.

Iskahorimaadkan ayaa wuxuu ka bilowday kadib markii ciidamada Boolisku isku dayeen in ay dadkaas ka saaraan Iskuulka ay deganaayeen, waxaana halkaas dhaawac ka soo gaaray Saddex ka tirsan Ciidamada Boolska oo mid ka mida uu aad u liito lana dhigay Isbitaalka magaalada L/caanood.

Xaalada magaalada L/caanood ayaa iminka aad u degan, kadib markii ciidamada Daraawiishtu ay howlgal xoog leh kaga hor tageen carqaladihii shalay galab ka dhacay magaaladaas.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


MAGAALADA MUQDISHO AYAA DADKU WAXAY HADAL HAYAAN QARAXII SHALAY KA DHACAY VILLA SOMALIA OO IMINKA AH XARUNTA XUSEEN CAYDIID

Radio Midnimo, Boosaaso, 22 July, 2003- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay si weyn u hadal hayaan dadku ku nool magaalada Muqdisho qaraxii xooga weynaa ee shalay galab ka dhacay Xaruntii Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaanay Villa Soomaaliya oo iminka ah xarunta Xuseen Caydiid.

Dadweynaha Muqdisho degan qaar ka tisan ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee ay maqlaan qarax caynkan oo kale ah tan iyo wixii ka danbeeyey dagaaladii cuslaa ee Muqdisho ka dhici jiray.

Degmooyinka Shibis iyo Boon Dheere ayaa la sheegay in ay si weyn u qarisay qiiq iyo uuro badan oo ka soo baxay qaraxii miinada.

mid ka tirsan maleeshiyooyinka Xuseen Caydiid ayaa lagu soo waramayaa in uu isagu ku furay bartii ay miinadu tiilay rasaas kadibna uu halkaas qarax ka dhacay ayna ku burbureen Saddex Bakhaar oo waaweyn.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


CIIDAMO MAAMULKA SOMALILAND KA KA SOCDA AYAA CABSI LOOGA QABAA IN AY GOBOLKA SOOL YIMAADAAN

Radio Midnimo, Boosaaso, 22 July, 2003- Sida uu noogu soo waramayo weriyaha Radio Midnimo ee jooga magaalada L/caanood waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in gobolka Sool ku soo wajahan yihiin ciidamo Maamulka Somaliland u soo diray gobolkaas.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Maamulka DGPL uu diyaar garow xoog leh ka galay arrintaas, Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cabdi Xaabsade ayaa isagu sheegay in maalinimada Talaadada ah ay ciidamo xoog lihi soo gaari doonaan gobolka kuwaasoo uu sheegay in sugi doonaan amaanka gobolka.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool Sulub Cali Gaas oo ka soo laabtay jiida hore ee Guumeys ayaa weriyaha u sheegay in uusan dareen dheeraad ah oo arrintaas ku saabsan uusan maqlin, wuxuu kaloo intaas ku daray in ay diyaar garow xoog leh ugu jiraan siday u ilaalin lahaayeen aaga xuduuda gobolka iyadoo buu yiri ciidan xoog leh ku sugan yahay tuulada Oog oo 100Km dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Laascaanood.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.