Mbagaati [MOL] 21 Jun 2003- Wararka naga
soo gaaraya madasha uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta
Somalida ee mbagaati ayaa sheegaya in shirku dhawrkii
beri ee la soo dhaafay uusan wax talaabo oo la taaban
karo uusan qaadin. Shirkaan oo la filayay inuu soo gabagaboobo
18-kii bishaan ayaa la sheegay inay hareeraysay khilaafad
u dhexeeya ergada Somalida. Caqabadaha ugu weyn ee hortaagan
shirka ayaa waxaa ugu duran Dastuurka Dawlada KMG ah yeelan
doonto, tirada xubnaha Baarlamaanka iyo cidda soo dooran
doonta.
Qodobka Dastuurka ee la isku hayo ayaa kooxda
Carta iyo qabqablayaasha dagaalka ee Muqdishu waxay ku
doodayaan in la sameeyo Dawlad dhexe sidii Dawladii hore
halka golaha SRRC iyo Dawlad goboleedka Puntland ay rabaan
in la dhiso Dawlada Federal ah oo leh Dawlad Goboleedyo
midaysan, arintaas oo ergada inteeda badani rabaan.
Tirada Xubnaha uu ka koobnaan doono baarlamaanka
Dawlada KMG ah ee la filayo la dhiso ayaa iyana noqotay
Caqabad kale. Dawladaha xiiseeya Arimaha Somaliya ee hadda
shirka jooga iyo ergayga Qaramada Midoobay ay sheegeen
in tiradii ay ku hisheeyeen hogaamiyaasha Somalida qaarkood
ee ahayd in tirada Baarlamaanka la gaarsiiyo 450 xubnood
ayaa sheegay inaysan ahayn mid suura gal maadaama Somaliya
tahay wadan ku burburtay dagaal sokeeye, dhawr iyo toban
sannona aysan ka jiran wax Dawlad ah, aysan markaas awoodi
karin tirada intaas le'eg.
Qodobkaan tirada xubnaha baarlamaanka ayaa
waxaa wali la fahmi la yahay waxay hogaamiyaasha Somalida
qaarkood ugu dhegan yihiin in lagu saleeyo 450, iyadoo
la ogyahay golaha SRRC waxyaabihii shirkii Carta ay ku
diideen ay ka mid ahaayeen tirada badan ee xubnaha baarlamaanka
oo iska magac ahaa aanan qaban karin wax hawl ah.
Ka sokow dhaqaalaha oon lacag loo hayn 450
xubnood ayaaba waxaaba adkaanaysa sidii intaas oo qof
meel la isugu keeni lahaa oo ay wax ugu heshiin lahaayeen.
Waxaa xaqiiqa ah haddii la sameeyo tiro yar oo karti leh
inay fulin karaan hawlaha adag ee looga baahan yahay ee
Dawlada KMG ah.
Mudugonline.com
Maxaa kala
haysta Gen. Morgan iyo xulufada Kismaayo ku habsatay
Baydhabo [MOL] 21 Jun 2003- Wararka ka imaanaya gobolka
Bakool oo deegaan ka mida ay horey u joogeen ciidamo ka
mid ahaa ciidankii Gen. Morgan ayaa haatan waxaa soo noqnoqanyay
warar sheegaya inay ciidankaas ku soo biireen Ciidamo
kale oo ka kala yimid gobolada Somaliya.
Wararkaan oo inta badan ay faafinayaan Saxaafada Kooxda
Carta oo taageerta Isbahasiga walaalaha galgaduud ee haatan
xooga ku haysta magaalada Kismayo ayaa aysan jirin wax
xaqiijin ah oo loo hayo ciidamadaas la sheegayo. waxaad
moodaa in Gen. Morgan ku noqday kooxda isbahasiga laf
dhuun gashay oo ay ka wadan la' yihiin hawlahoodii bililiqada
oo haatan si xawli ah uga socota Magaalada Kismayo tan
iyo intii Shirka Somalidu soo gaaray heer gobogobo ah
taas oo ay isbahaysigu ogaayeen haddii Dawlad loo dhan
yahay dhalato in bustahooda banaanka loogu tuurayo.
Wararkaas sheegaya in Gen. Morgan ku soo socdo Kismayo
ayaa waxay u muuqdaan kuwa laga leeyahay arimo siyaasadeed
oo lagu qarinayo xasuuqa dhawkii bilood ee na soo dhaafay
sida isdaba jooga ah uga socday magaalada Kismaayo, xasuuqaas
oo asbuucii ugu dambeeyay sii xoogaystay ka dib markii
hogaanka Isbahaysiga lagu wareejiyay ninka lagu magacaabo
seeraar oo Cabdiqasim Salad qaraabo yihiin masuulna uga
ah magaalada. Seeraar ayaa la sheegay inuu damacsan yahay
sidii uu magaalada ugu beeri lahaa beeshiisa oo uu sheegay
inaan Magalada loo ogolaan jirin waa sida uu yiriye. Seeraar
oo qaybweyn ka soo qaatay dagaaladii sokeeye ee magaalada
Muqdishu iyo Baydhabo ayaa haatan wuxuu ku qatimayaa magaalada
Kismaayo.
Magaalada Kismayo ayaa haatan jid walba waxaa yaala isbaarooyin,
meel kastana waxaa lagu baaranayaa laguna dilayaa dadka
deegaanka ee la hastyaasha ah. haddii Ciidanka Gen. Morgan
imaan lahaayeena waxaa hubaal ah in dadka deegaanka ee
la haystayaasha ah ay si fiican u soo dhaweyn lahaayeen.
Mudugonline.com
Wararkii RadioGalkacyo
ee shalay
20-06-2003-RG:Wakiilka Dawlada
Itoobiya oo beeniyay in wadankiisu ka baxay shirka dib
u heshiisiinta iyo warar kale oo xiiso leh >>>>Halkaan
ka dhagayso>>>>>>>>>
Gaari la gadoomay
Wasiirka Hawlaha Guud ee Puntland
Gaalkacyo, (AllPuntland)- Gaari uu watay wasiikra hawlaha
guud iyo gaadiidka dawlad goboleedka Puntland Axmed
Maxamed Cigaal ayaa ku rogmaday aga gaarka Tuulada Abaareey
ee ka tirsan magaalada Gaalkacyo.
Sadex qof oo ahaa ilaaladii wasiirka ayaa
halkaasi dhaawac fudud ka soo gaaray , waxaase bad baaday
wasiirka hawlaha guud oo u muuqday qof aan waxba qabin
marka laga reebo Shock ku dhacay markii uu gaarigu la
qalibmay , waxaana caafimaadkiisa lagu tijaabinayaa isbtiaalka
guud ee magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka oo in dhawaydba ku hawlanaa dhismaha
garoon laga dhisayay magaalada Garoowe ayaa ka soo kici
timay shalay isla magaaalda Garoowe .
Dad waynihii isugu tagay meesha uu gaarigu
ku gadoomay qaar ka mid ah ayaa AllPuntland u sheegay
inay la yaabeen marka la eego sida uu gaarigu u wax yeeloobay
iyo sida uu dadku dhaawaca u soo gaaray inay tahayd mid
aad ukala duwan ,waxayna ku tilmaameen arintaasi ku tilmaameen
"GAR-GAAR EEBBE".
Isla agagaarka tuuladaasi Abaareey ayaa
todobaadkii hore uu gaari kale oo ku gadoomay gaystay
dhimasho iyo dhawaac soo gaaray dadkii saarna.
Cabdulqaadir C. Cusmaan (Farayaamo)
AllPuntland
|