GEERAAR:Sida
Baraha Roobaad
W/T: Aden Dirie Ali
1. Geeraarka waw bogay,
2. Goortaan bilaababa,
3. Wuxuu ii bidhaanshaa,
4. Hawraar ballaqanoo,
5. Sida baraha roobaad,
6. Suugaan barwaaqiyo,
7. Murti igu ballaarshee.
8. Ninkii maanso baahshaa,
9. Nin buruudleh weeyoo,
10. Cilmi loo banneeyoo,
11. Cirka baaci gaaree;
12. Labo beyd ninkii roga,
13. Ama saddex ku buubsada,
14. Ama afar ku baayaca,
15. Ama boqol ka sii badan,
16. Oo gabay ku baanoo,
17. Hadduu baw ka siiyaba,
18. Jaangooyo bilanoo,
19. Daacad ugu bareeroo,
20. Badda moolka weyniyo,
21. Mawjado ka soo baxa,
22. Balse baaxad sooraah;
23. Misna buuro dheeriyo,
24. Cilmi falagga baaroo,
25. Hadal lagu baraarugo,
26. Kaga soo butaacshoo,
27. Bushimaha ku dararshoo,
28. Laaqayn ku beeree.
29. Haddaan been la doodayn,
30. Amaan baaqin heesayn,
31. Buunbuunin maayee,
32. Ninkii toogo beegsada,
33. Oo billad u haystaa,
34. Waa boqorka maansood.
35. Ninkii biidhaqaatiyo,
36. Maangaab bakhaylana,
37. Midna buuni noqon waa,
38. Buufanayska tuuguna,
39. Biliiliqo ma daayee,
40. Maxay bahal isdoorshaan eey!?
Soomaalidu been waa sheegtaa, beense
kuma maahmaahdo, anna maanso aan sugnayn ma tiriyo, deelqaafna
waan ka odoyoobay. Marka maansadaas caruurta ha loo dhigo,
si ay afkooda ugu bartaan, iyo habka geeraarka loo mariyo
kaasoo gabayga ka tixo gaagaaban, kana luuq duwan.
Aden Dirie Ali
Dhammaad.
|