DKMG ah,
ahna Federaalka ee Somaliya
1992dii ayey UNka ku talisay in Somaliya
loo dhiso dawlad federaal ah lehna 4 ama 5 maamul
gobol oo ku dhisan in ay israacdo inta israbta.
Habkaan federaalka ah ayaa waxaa ku dhaqma wadamo
badan oo ay ka mid yihiin Jarmalka, Mareykanka, Hindiya
iyadoo waliba Talyaaniguna rabaan in ay u wareegaan
habkaan federaalka ah.
Dhanka geeska afrikana waxaa ku dhaqma wadanka aanu
deriska nahay ee Itoobiya balse dastuurkeedu kaga
la mid aheyn kuwa aan soo sheegay oo ay qawmiyad walba
ay xor u tahay in ay gooni isu taagi karto marka ay
doonto.
Isbedelkaasna wuxuu yimid markii la riday kaligii
taliyihii hore ee Mengistu oo cadaabta ku hayey Somalida
halkaas ku dhaqan, kuwaas oo maanta heysta xuquuq
badan oo waagii hore mustaxiil aheyd in ay helaan
sida afka somaliga oo iskuulada lagu dhigto, xafiisyada
oo looga shaqeeyo iyo waxyaabo la mid ah kana mid
tahay astaanta calanka Somaliya oo iyagu astaan
u ah inkastoo waxyaabo badanna ay ku waayeen jahawareerka
siyaasadda Somalida ee qabyaaladda ku dhisan iyo dawlad
la'aanta Somaliya ka taagan.
Habkaan federaalka ahna wuxuu heli doonaa taageerada
Somalida oo dhan marka laga reebo kuwo tiro yar oo
waxyaabaha hoos ku qoran aad ku garan doontid :-
1. Somalida oo dhan oo sas ka qaaday xukunkii
adkaa ee Siyaad Bare.
2. Somaliland oo goosashadeedu ku saleeysa
in loo diidanaa in ay isxukumaan ayaa habka federaalka
ah si sahlan Somalilweyn loogu oggoleeysiin karaa.
3. Puntland oo iyaduna diidan in Somaliya la
kala gooyo ayaa taageersan habkaan cusub.
4. Anagoo ogsoon in S/land iyo Pl iskudarka
ballacoodu uu ka badan yahay 50% dhulka Somaliya ayaa
hadana waxaa jirta in habkaan ay rabaan dadyowga deggen
Shabeelle, Benaadir,Hiiraan, Gedo iyo Jubooyinkuba.
Sidaas oo ay tahayna, waxaa jira kuwo cadaw ku ah
federaalisamka una arka in dantoodu ayan ku jirin
maxaa yeelay waxay ka cabsi qabaan in awoodda u suurta
galisay in ay Carte madaxweynenimo ku helaan, dhulka
ayan laheyn sii heystaan ay meesha ka bixi doonto
iyadoo aakhirkii Somalida cad uga heli doonaan oo
keli tirada ay yihiin iyo deegaanka
kooban ay leeyihiin oo ah qaybo ka mid ah Mudug iyo
galgaduud. Shaqsiyaadkaas oo iska soo horjeeday waxay
u midoobaan in ay ka soo horjeestaan oo waxay doonaan
yiraahdeen sida Itoobiya ayaa wadata, Somaliya ayaa
lagu kala qaybinayaa, Sool iyo Sanaag S/Land baa leh
iyo waxyaabo badan oo la mid ah laakin mawjadda socota
ma aha mid iyaga iyo qeerkoodna horistaagi karaan
sida hoos ku qoran:-
1. Somalidu waxay arkeen in C/qasim uusan ballan
laheyn markuu diiday in uu beeshiisa ka saaro dhulka
xoogga ay ku heystaan oo waliba sida uu sheegay Cali
Khaliif uu xoolihii magaca qaranka lagu heleyna uu
ka dhigay wax uu jeebka gashto, kuwo uu beshiisa siiyo
iyo kuwo daganaan darro kaga abuuray meelo badan oo
ay P/L ay ku jirto .Intaasna waxaaba wehelisa iyadoo
dadku ayan illaabi doonin in C/qasim uu u soo jeediyey
Itoobiya in dhulka Somalida ee Itoobiya uu u saxiixo
laakiin nasiib wanaag ay Itoobiya ay diiday!
2. Maanta kuwa wadaniyiinta iska dhigahayana
waa Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Siyaad oo ay weheliyaan
daneystayaashii C/qasim la socda Carte sida Prof.
A.I.Samatar iyo qabqablayaalka wadanka furfurtay oo
walina guryo booli ah deggan sida Caato iyo Qanyare.
Dhamaadkiina, waxaan u rajeeynayaa dawladda Kenya
ka soo bixi doonto in ay guuleysto iyadoo ay muuqato
in shacabku uu diyaar u yahay sidii ay u soo dhoween
lahaayeen si ay uga baxaan kuwa isu baheystay in wadanka
dawlad u dhalan.........
A.O.Dirie
ALLOW UR UBIXI
Waxaa in muddo ah Soomaalidu Daalaadhacaysay
Fagaaraha nolosha Aduunyada iyadoo kamidaysan Midab
Af iyo Diinba oo waliba Mad-hab qurana ku abtirsata
haddana hadaad dib ujaleecdo Taariikh nololeedka
Umaddaan waxaad arkaysa in aysan marna kabixin oodan
iyo karin ciriiryoon.
Waxaase yaab badan maxaa sababay murugada iyo kufaakaca
umaddaan haleelay waxaa layiri ninba ceesaantii
ceel keenye waxay inaga ila noqotay hadaan in mudda
ah qaadaa dhigay oo aashay aan gorfeeyay in ay sababtu
tahay Caddaaladda oo aan bulshadaanu waana indhaha
saarin.
Hadaad jaleecdo waayihii tagay ee Bulshada Soomaaliyeed
waxaad markiiba indhaha ku dhufanaysaa ama garaadkaagu
soo tuurayaa Umada ku faanta Dilka Dhaca iyo hagardaamaynta
dhexdooda ah waayo waxaa markii lagaaga sheekeeyo
Jiilalkii hore lagu amaanayaa ama Jifa walbaa ku
faantaa Raggii nin karmeedka miiran ahaa ee ay kasoo
askuntay oo kuligood Dil Dhac iyo Dhibaatayn dadkale
oo ay Jaal ahaayeen waagaas waxaadse yaab anfariiraysaa
marka haddana lagu dhoho ninkii nin karmeedka ahaa
awliyo ayuu ahaa oo waaba duuli jiray.
Waxaa taa Xigay Isticmaarkii Ummadda kadilay damiirka
iyo dadnimadaba asagoo taa ku garab waday Dil Dhac
iyo Jaaifayn xoog badan taasoo markiiba ay soo bexeen
dad la halmaala Gumaystahaas oo iyagu ku agnool
kuna Dulmiya Bulshada inteeda kale taasoo markiiba
laga dheegtay in marba ninkii figta saarani uu suu
doono yeelo.
Haddii maalmuhu is cirbiyeen oo rag ka gilgishay
Isticmaarkii oo ay tuseen inay Gobanimo aqoolkeed
hiddo ulahaayeen oo uu ka huleelay gumaystihii Dalkeena
ayaa waxaa dhacday in Dawladihii Soomaalida ee kala
danbeeyay ay midiba miday badeshay kadarnaatay Dulmiga
iyo eexdaba.
Waataan horay ugu bilaabay in eexdu hidde utahay
Bulshadeena Caddaaladna aanay waligood is arag waxaa
dawladihii noocaas ahaa dhaxlay Jabhado aan turayn
oo qabyaaladda si aad uga xirfadaysan sidii hore
u adeegsada yaqaana meesha ay kadagayaan fagaarha
jarta ee ay ciyaarayaan Hogaamiyayaasha kooxahaan
iyagu dhaxlay dawladdii dhacday.
Haddii haraad lagu raagay dariiq dheer oo caga gubyo
iyo goxondhaba leh lasoo maray oo reerka abaari
ku raagtay ayaa waxaa loo hayaamay dhulbadan oo
roob lagu filayay oo laakiin dhul qaniin leh ku
noqday dagsiimadii hayaantay ayaa hadda hayaan kii
u danbeeyay loo aaday Xaggaa iyo Koonfur.
Waxaanse aad uga naxsanahay ragga laga sugayo inay
xoolaha waraabshaan oo reeka oodaan oo aan laga
yaabin inay noqdaan marna ceelalyo heshiis ah ilaa
haddaan ceelalyo heshiin xoolo ma cabaane hadayse
heshiiyaan amaba lakhasbo maxaa kasoo baxaya waa
Caddaalad daradii shalay lagu hoogay ileen maba
aha rag maaalina caddaalad dhigtay inay ku dhaqmaanba
daayoo.
Waxaa indheer garadka muslimiintu sheegeen (Al kufru
yaduumu macal cadli wal islaamu yazuulu macal jawri)
oo macneheedu yahay haddii gaalnimo ay caddaalad
lafalgasho ay dhalayso in Dawladdaasi raagto halka
haddii islaamnimo caddaalad darro lafalgasho ay
kadhalanayso in dawladaasi inay waarto daaye aanay
raagi karin mudo yar.
Haddaba haddaan Caddaaladda la dugsan oo aan rageed
lahelin Illaahna aan loo noqon waxaa dhacaysa inaynu
Gabaahirig kadaran tii hore uguureno oo markaaa
faraha looga gubto haddaba Soomaaliyeey bal dib
uxisaabtaama oo dib u eega taariikh nololeedkiinii
hore iyo kii dhawaaba oo markaa isdaba qabta si
aad rays iyo barwaaqo udagtaan.
Haddaba waxaan kusoo koobayaa alloow ur ubixi oo
nasamata bixi. Aaamiin.
Gacal Toodhe
daadihiye@hotmail.com