Radio Midnimo, Mbagaati, 18 Jun 2003- Mr.
Kibligat ayaa maant shir saxaafadeed uu ku qabtay xaruntiisa
mbagaati wuxuu ku sheegay in dib loo dhigay muddadii dowlada
somaliyeed loo qabtay in looga dhawaaqo mbagati
Kibligaat gudd.shirka Soomaalida ayaa maanta shir saxaafadee
ku qabtay goobta uu shirku ka socdo ee mbagaati, kibligat
shir saxaafadeedkiisan wuxuu in doora uga faalooday wajiyadii
Labada ahaa ee uu soo maray shirku iyo marxaladihii kala
duwanaa , kibligat waxaa kaloo uu sheegay in ilaa iyo
iminka ay socdaan wadaxaajoodyo dhex u ah soomaalida dhexdooda
kuwaasoo ay ku dhameynayaan khilaafaadka yaryar ee ku
kala dhexjira.
wakiilada wadamada Jabuuti iyo Itoobiya ee shirkan ayuu
sheegay inay dhankiisa fadhiyaan si weyna ay ugu faraxsanyihiin
31tartame oo isu soo bandhigay inay u sharaxanyihiin jagada
madaxweynenimo ,
kibligaat waxaa kaloo uu tibixaay in ay ku wargaliyeen
Afrikan Union iyo Qaramada Midoobey heerka uu mararyo
wadaxaajoodaka Soomaalida ,
kibligaat wuxuu codsi gaara iyo baaq u jeediyay hoggamiyayaasha
Soomaalida ee aan ka soo qeybgalin shirkan oo uu ku sheegay
inay 3 yihiin , waxaa kaloo uu intaa raaciyay in tiradii
4.5ay wili kuwada qanacsanyihiin soomaalida inay wax ku
qeybsadaan,
ugu dambeyn Kibligat wuxuu saxaafada u sheegay in shirka
uu ka dib maray xiligii ku dhawaaqista baarlamanka iyo
madaxweynaha oo ku beegneyd maanta oo taariikhdu 18-6-03
u u na filayo isagoo si raja ah uga warbixiyay inuu soo
gabagaboobimidoono bilowga bisha todobaad ama kowda bisha
toddobaad oo iminka 12 maalmood ay ka hartaty.
Mukhtaar Siciid Cumar
Radio Midnimo
Mbagaati
Kenya
Mudugonline.com
Wararkii RadioGalkacyo
ee shalay iyo Maanta
18-06-2003-RG:Maamulka gobolka
Mudug oo la kulmay NGO-yada, ...& Baaq uu soo saaray
gudoomiyaha dhalinyarada Puntland oo ku saabsan shirka
Mbagaati.
17-06-2003-RG: Gudoomiyaha
degmada Jariiban oo sheegay in cudurka Calool xanuunku
ka dilaacay degmada Jariiban, .... & Dahir Mire Jabril
oo ka tirsan ergada Puntland ee shirka Mbagaati oo sheegay
inuu shirku gabogobo yahay.
>>>>>>>>>>>>>>>>Halkaan
ka dhagayso>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>
Caawin will
yar oo xanuunsan, ku inta kheyrka & wanaagga jecel
Waxaa maanta nagu soo booqday Mbagathi odey Soomaaliyeed
oo lagu magacaabo Mahad Cabdi Maxamed oo deggan Muqdisho
, waxaa la socday wiilkiisa yar ee lagu magacaabo : Ismaaciil
Mahdi Cabdi oo dhashay ayadoo xubnihiisa taranka ay hal
meel ka soo wada baxeen sida aad ku arki doontaan sawirkiisa
ku lifaaqan war bixintan .
Mahad Cabdi wuxuu wiilkiisa geeyey cusbitaal ku yaal Jiddo
-Sacuudiga waxaa loo sheegay haddii uu bixiyo lacag dhan
78000Riyaal Sacuudi la qalyo wiilkiisa si loo daweeyo
, waxaa kale arinta wiilka yar la hor dhigay cusbitaal
kale oo ku yaal dalka Imaaraadka Carabta waxaa isna uu
codsaday $US 23000 doolar hadii la siiyo iney daweynayaan
.
>>>>>>Halkaan
GUJI si aad u aragtid sawirka wiilkaan yar ee dhibaataysan>>>>>>>>>>
Mahadi cabdi ma awoodi karo dhaqaalaha intaa la'eg , bal
taa iska daayee waraaqaha uu maanta ugu qeybinayey hoggaamiyeyaasha
Soomaalida ee shirka jooga qoraal ay ku qoran tahay in
isaga iyo wiilkiisa laga saaray hotelkii ay seexanayeen
oo ay markaa dibadda ay seexanayeen muddo 3 maalmood ayadoo
ay u dheer tahay dhaxan iyo gaajo .
Sidaa aawadeed waxaa laga codsanayaa dadka Soomaaliyeed
meel kasta ha joogeen iney wax ka qabtaan dhibaatada wiilkaa
yar sidii loo dawen lahaa ay gacan ka geystaan .
Waxaa kharashka daweynta ku baxeysaa la soo dirayaa hadduu
Alle idmo :To Ismaaciil Mahad Cabdi , Xawaaladda Dahab
Shiil Nairobi
C/o Mahad Cabdi.
C/o :Room 9 Madoobe Lodge 3street, Eastliegh, Nairobi
Tel : 254 -2-765941 Nairobi
Email : ugaali11@hotmail.com
ama
Xawaaladda Dahab Shiil Muqdisho
c/o : Mahad Cabdi 2525-657330
Ustaad Xuseen Cali Cilmi
Cheif Editor of Assiyaasa Newspapers
&
Chairman of Somali Human Rights Organization
KCCT Mbagathi , Nairobi
|