Cabdi-Qaasimoow
La Kala Guur Gabalkii oo Wali Dhicin
God aad iyo aad u dheer ha qodin, haddaad qodanna
ha dheerayn ku dhici-doontaana ma ogide.!
Cabdi-qaasim markii loo caleemo-saaray madaxweynenimadii
maqaar-saarka ahayd ee ujeedooyinka badan lahayd,
asaguna ujeedo ugaar ah oo qarsoon buu lahaa.
Waxaa heshiisku ahaa in Baydho la tago, laakiin wuxuu
ka doortay Xamar oo ugu xaglinaayay inuu xigtadiisa
oo Mugdisho inteeda badan xoog ku haysata si xaqdara
ah xukun iyo dhaqaalo gacanta ugu galiyo, badadeedna
gabood iyo gacmo uu adeegsado uga dhigto. Fagradaan
oo uu ka bartay kaligi-taliyihii Ina Siyaad oo uu
muddo dheer gacan-yare u ahaa.
Cabdi-Qaasim waxaa u qarsoonaa inuu burburiyo maamulada
dalka ka jiray oo nabad iyo horumar muujiyey, adduunweynahana
tusay in Somaliya aysan dad xun wada ahayn ee ay jiraan
qaar samaha iyo wanaagga wax-walba ka hormariya.
Haddaba, si uu taa u qariyo iyo xumaha Xamar yaalay,
ayuu wuxuu bilaabay olole uu kula dagaalamaayey jiritaanka
maamuladaas asagoo xoog, dhaqaale iyo wax-magarato
u dhalatay intaba u adeegsaday carqaladayntooda iyo
kala daadintooda.
Ina Salaad wuxuu amaaminsanaa ama u qarsoonaa in
marna aanay ka guurin guryaha, beeraha, iyo gobolada
ay qaraabadiisu xoogga ku haysato, kuna taakuleeyo
fagradaan dhul-doonka ah. Ugu horraytiiba wuxuu gacantii
ugu horraysay u fidiyey kuwii xaqdarada ku qabsaday
dhulalkii dadkii lahaa laga bara-kiciyey ee kala ahaa:
Jubbooyinka, Shabeelada Hoose iyo agagaarka Xamar
cadde.
Raggii u dhashay reer Puntland oo uu Cabdiqaasim
u adeegsaday carqadaynta maamulkii ay dadkaasi samaysteen,
si ay uga nabad-galaan dabkaan ka shidan Somaliya
mid mid ayuu uga takhalusay markuu arimuhuu ka lahaa
ka oofsaday. Waxaa ugu horreeyey Ina Galaydh, waxaa
ku xigay Kinkoon, Ina Habaana har dharaar ah buu ka
huleelay; Walaalkay Jaamac Cali Jaamacna meel cidlo
ah buu uga tagay, markuu arkay inuusan fulin karin
shaqaduu u dirsaday oo ahayd kala daadinta dadka reer
Puntland.
Cabi-qaasim Salaad wuxuu door-biday Xasan Abshir oo
ay muddo dheer si wada jir ah Maxamed Siyaad ugu wada
shaqaynayeen, uuna Ina Salaad ogaa in Xasan yahay
nin ku wanaagsan qaadashada awaamiirta madaxweynihiisa,
haddii dantiisa loo fulinaayo, ayuu u magacaabay wasiirka
kowaad ama gacan-yare u adeegga, dagaalkii Garoowe
uu ku hayeyna gacan kusiiyo. Markii arintaa si wanaagsan
ugu fuliweysayna Ina Booy wuxuu bilaabay dibu-gurasho
iyo ka gaa-gaabsi uu kula dhaqmo Xasan Abshir; Xasanna
wuxuu dharaar cad arkay asagoon waxba ahayn oo saxiixiisii
iyo amarkiisiiba midna soconayn.
Digil iyo Mirifle waxay ka mid yihiin dadkuu Cabdi-qaasim
danbiyo dadban iyo kuwa cadba ka galay, asagoo adeegsaday
dad u dhashay qowmiyaddaas. Wuxuu u tafa- xaytay siduu
u kala daadin lahaa midnimadoodii, colaadna dhexdooda
uga abuuri lahaa. Wuxuu Deerow u adeegsaday siduu
u caraabin lahaa oo meel cidla ah uga soo hari lahaa
Ina Galaydh.
Madaxdii Itixaad oo taageerada iyo ciidanka ugu deeqay
dibu gurasho iyo dhumaalaysi bay bilaabeen, ka dib
markii ay ogaadeen inay Tuke canbaar leh ay adduunka
ka yihiin oo la ugaarsanaayo, ha i sheegin iyo hay
sheegan bayna ku kala maqan yihiin.
Haddaba, Cabdi-Qaasimoow, wax walba oo xumaan ku
bilowda oo aan xaq ahayn cawaabin xumada ay leeyiin
iyo meesha ay ku dhammaadaan, waxaa la hubaa inaad
macalin maanta aad u tahay, waayo waxaad ka mid ahayd
taliskii Ina Siyaad, meeshii uu marayna waad ogeyd,
maantana kii Carte oo laguu caleema-saaray asagoon
gaarin waqtigii aad qabsateen baa gabalkii ka dhacay
oo aad mugdi iyo meel madow aad soo istaagtay.
Godkii dheeraa eed qoday maanta Mudane Cabdiqaasim
Salaad Xasanoow adaa ku dhacay, sidaad uga baxdaana
la arki-doonaa!
Raage Jama
jamarage@aol.com
U.S.A
Majaraha
soomaali yuusuf garaad ma leexin karaa?waa maya.
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wa wabarakaatuh
dhamaan somaali inta somalinimada jecel iyo webka
ay ku wada kulmaan ee mudugonline. Waxa igu kelifay
inaan soo qoro maqaalkan-- dood aan ka maqlay jimcihii
idaacada BBC da ee u af duuban yuusuf garaad, uuna
dooda u qaybinayey laba oday oo somaliyeed, hadaba
su'aalaha yuusuf uu danta gaara ku watey ee uu weydiiyey
waxaa ka mid ahayd federalka somali lagu dhaqayo somaliland
ma ka soo qayb gelaysa mise?
Hadaba su'aashaas somaliyi inta ayna ka jawaabin,
waayo somalilanda maanta? ma waxa weeye tii uu ingiriisku
magaca u bixiyey, mise waa qayb ka mida tii magacaa
la odhan jirey wixii 60kii ka horeeyey, hadaba akhristow
X somliland (before 60) waa qayb ka mida somalilanda
maanta iyo qayb ka mida puntlanda maanta ,mar hadii
ay puntland joogtoshirka waa(dismiss case), markaa
yuusuf garaad ujeedadii?-- yuuse qaldi karaa mise
shirka somaaliyi u dhantahay ayuu masiirkiisa bedeli
karaa ( I think --the game is over mr yuusuf garaad).shirka
somali uga soconaya kenya inta ka soo qayb gashay
way joogaan,somalilanda maanta waa loo qoondeeyey
xaqeedii iyo kuraasteedii ay ku lahayd somali beel
ahaan-- hadaanay hore u iman shirka bilowgiisii, hadaba
waa la sugayaa iyo wejiga 3aad,waana ka mid shacabka
somaliyeed ,hadii hore wax uga lumeen beelahaa, hadaba
maamulkooda u gaarka (dawlad goboleedkooda) ha ku
dhisteen gurigooda iyagoon somalinimadii ka tegin.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa inaan sadex hal I dhaahdo:
a) somaliland, b) yuusufgaraad iyo noociisa, c)shacabka
soomaaliyeed. Hal waxaan idhi somalilanda maanta -
- walaalayaal (somalinimo,islaamnimo) ha isku deyina
inaad somali gees uga baxdaan idinkoo beelbeela -nebigeena
naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu
yidhi bahalku wuxuu cunaa
ka goonida ugu baxa. Halna waxaan idhi sixun wax u
doonka beeshiisa u afduubaya dadka - - (cala sha `an
masiirka ummada), uuna ka waantoobo xadida mediada
ummada waayo cun cun waxa ku xiga cuni waa.
Halna waxaan idhi shacabka intiisa kale - - waa inay
(waantoobaan) ka waayo qaataan wixii hore ee soo maray
si taariikhdu u saxdo khaladkooda hana ogaadeen shacabku
inay u iman doonto waa cusub (dhibka laga baxayo)--waa
la doogiye yaan la dacaroon.
Wa bilaahi tawfiiq.
Axmed Moxamud
moxamud19@hotmail.com
Suudi Mala
Socon Karaa Siyaasadda Maanta??
Qofka qoomiyad hogaaminayaa wuxuu matalayaa magacooda
iyo aragtidooda labadaba; Markuu hadlo wuxuu ku hadlayaa
afka ummadda uu matalaayo, hadduu khaldan yahay iyo
hadduu saxan yahayba. Markii larabo in qowmiyad la
ogaado heerka ay ka gaarsiisan tahay dhinaca Xadaaradda
iyo Ilbaxnimada waxaa la fiiriyaa hogaamiyahooda.
Haddaba, anigoo xushmad iyo karaamo weyn u haya qowmiyada
Muddulood, ogna inay intooda badani dad wanaagsan
yihiin, dhibaatada ka dhacday Somaaliyana qaarkood
si xun u wax-yeelaysay, ayaa maanta waxaa nasiib-darro
u eg in Suudi u ekeysiiyo inay yihiin kuwa nabad Somaliya
ka dhalata hortaagan.!
Aragtida Yalaxoow, oo ku fadhida sida loo kala xoog
badan yahay ha laysu xukumo, reer Muddulood ma ku
raacsan yihiin? Muuse ma og yahay inay Somaliyi walaala
tahay oo aysan kala xoog iyo xoola badnayn, isuna
baahan tahay?
Walaalkeen, Yalaxoow, wuxuusan aqoon u lahayn qabiilku
inuu yahay cudurka ugu xun ee bini'aadan ku dhaca,
Mana oga inuu meesha aan maanta fadhino uu nadhigay,
asaageena uu inaga reebay.
Xaaji Yalaxow, walaalaheen Abgaal ummadda Somaaliyeed
waa hogaamiyeen, ayagoo ku mahadsan, mustaqbalkana
waa hogaamin-doonaan haddii Alle idmo, ayagoo leh
aragti ka duwan middaada oo ah Somaalinimo, walaalnimo
iyo aqoontooda iyo karaamadooda oo lagu doorto. Maanta
waa maalintii aan wada sugaynay inaan mar labaad walaalowno
oo dhibaatada iyo dhibtaan aan ka baxno, waana maalintii
lays-wada cafin lahaa, gacmahana lays-wada qabsan
lahaa ee ma aha maalin lagu doodo Xamar anigaa xaabada,
ukunta iyo caanaha keena ee waa in aan madaxweyne
ku helaa. Ma qabo in aqoonyahanada iyo waxgaradka
reer Muddulood la aaminsan yihiin fagradaan foosha
xun ee uu Suudi lasoo shirtago mar-walba ee Qabiilka
salka ku haysa, laakiin waxaa hubaal ah in dad badan
oo aqoon yari, waaya'arag la'aan iyo cadiifad qabiil
la jidbaysan ay mar-walba u riyaaqaan fagradda uu
aaminsan yahay Xaajigu.
Su'aasha u baahan in lays-weydiiyo maanta waa sida
ay uga jawaabidoonaan qowmiyada reer Muddulood aragtida
Muuse iyo inay noqondoonaan kuwii lagu yaqiin samirka
iyo durqaadka ee la oran jiray "Abgaal la daris
nabadda bay ku wanaagsan yihiin". Dhowr iyo tobankii
sanno ee ina soo dhaafay dadkii Somaaliyeed isbadal
weyn baa ku dhacay dhinacyada dhaqanka, akhlaaqda
iyo dulqaadkaba. fagradda Xaajiguna uma eka mid ka
turjumaysa aragtidii lagu yiqiin reer Muddulood, haddaan
cudurka dad badan ku dhacay uusan haleelin, mana aha
mid caafimaad qabta oo la saan-qaadi karta marxalada
maanta taagan.
Raage Jama
jamarage@aol,com
U.S.A