Radio Midnimo, Boosaaso,
15 Juun 2003- Hal qof ayaa ugu geeriyooday cudurka Daacuunka
maanta Isbitaalka Boosaaso, Sideed qof oo kale oo uu cudurku
halelayna waxaa la dhigay isbitaalka, sida uu noo xaqiijiyey
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdi Cawad.
Dhinaca kale wuxuu Agaasimuhu intaas ku daray in ay dadaal
xoog leh ugu jiraan sidii cudurkan looga hortegi lahaa,
isagoo sheegay in kiisaska cusub laga helay goobaha ay
degan yihiin dad ka soo bara kacay Koonfurta Soomaaliya
iyo wadamada deriska la ah Soomaaliya.
Wuxuu kaloo Agaasimuhu sheegay in ay daaweyn ku wadaan
ceelasha iyo berkedaha magaalada Boosaaso si looga hortago
cudurka Daacuunka oo dhowaan ka dillaacay magaalada Boosaaso
iyo meelo kale oo Puntland ka tirsan.
Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com
SHIR AY XALAY KU DHEX MARAY RUGTA
GANCSIGA GANACSATAD IYO MASUULIYIIN REER PUNTLAND AH
Radio Midnimo, Boosaaso, 15 Juun 2003- Dhinaca kale,
Shir xalay lagu qabtay Rugta Ganacsiga oo ay ka soo qayb
galeen ganacsato iyo masuuliyiin Puntland ka tirsan ayaa
ganacsatadii shirkaas ka qayb gashay Waxay dhaqaale ugu
yabooheen la dagaalanka cudurka Dacuunka.
Shirkaan oo uu ka soo qayb galay Wasiirka Ganagsiga ahna
Sii-hayaha Xilka Dowlada Eng. Faarax Maxamuud yuusuf “Dooxo-joog”
ayuu ganacsatada ugu baaqay siday ganacsigooda u horumarin
lahaayeen, una sameyn lahaayeen warshado yar yar oo sameeya
waxyaabaha dibadda laga keeno, wuxuuna si baahsan uga
hadlay Wasiirku kheyraadka kala gedisan ee dalkeenu uu
leeyahay iyo sida la doonayo in ay ganacsatadu uga faa’iideeyaan
bulshadooda.
Sidoo kale Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta C/shakuur Mire
Aadan ayaa sheegay in waa cusub beryey, Soomaaliduna ay
yihiin kuwa wax dhaliila oo keliya, balse loo baahan yahay
in qof waliba dhankiisa uu howsha ka qabto.
Xoghayha Guud ee Rugta Ganacsiga Dr. Cali Maxamed Ciise
ayaa isaguna ganacsatada ugu baaqay in ay ka mid noqdaan
rugta ganacsiga oo uu sheegay in ay ganacsatadu iska leeyihiin,
loona baahan yahay in ay xubno ka noqdaan.
Guddoomiyaha Ganacsatada ee Rugta Ganacsiga Maxamed Curcuro
ayaa isaguna carabka ku adkeeyey in la horumariyo qaabka
xoolaha loo raro, wuxuuna ka digay doonyaha iyo maraakiibta
xoolaha lagu raro in aysan noqon kuwo tayadoodu hooseeyso.
Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com
Dilka Afduubayaasha oo la
baneeyay
Muqdisho, (AllPuntland)- Odayaasha beelaha
Hawiye ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray
go'aan lagu banaynayo dilka cis alaale iyo cidii ka
mid ah afduubayaasha magaalada Muqdisho.
Odayaashan oo amarkaan ka soo saaray shir muddo u socday
,ayay hogaamiyeyaasha Muqdiso ee kala haysta xaafadaha
Mudisho kaga codsadeen inaysan noqon xaafadaha ay haystaan
kuwo afduubka lagula soo dhuunto
Go aanka odayaasha Hawiye ayaa yimid ka dib markii uu
faraha ka baxay amaankii magaalada Muqdisho afduubyaduna
ay noqdeen ganacsi ka jira magaalada Muqdisho.
Waxay is waydiintu tahay Go'aankaan wax ma ka badali
doonaa afduubka ka jira magaalada Muqdisho?,Yaase dili
doona dablayda wax afduubta?
AllPuntland
|