Radio Midnimo, 14 Jun 2003, Boosaaso-3 qof ayaa ugu dhintay
magaalada Garacad ee Gobolka Mudug shuban calooleed la
sheegay in uu halkaas ka dillaacay, warku wuxuu intaas
ku darayaa in Isuduwaha Caafimaadka G/mudug iyo hay’ada
MSF ay deegaanka Garacad socdaal ay ku soo xaqiijinayaan
xaalada caafimaad ee deegaankaas ugu kicitimeen.
Dhinaca kalena wararka aanu ka helnay Guddiga ka hortaga
cudurka Daacuun Caloolaha ayaa sheegaya in deegaamo ay
ka mid yihiin Carmo, Kala-bayr, Al-xamdulilaah iyo Qardho
iyana laga soo sheegay astaamo muujinaya in shuban biyood
uu ka jiro.
Ceelaha iyo berkadaha magaalada Boosaaso ee dadweynuhu
ka cabaan ayaa lag bilaabay daaweynta biyaha ee maadada
Koloriinta, Guddiga ka hortaga cudurka Daacuunka ayaa
iyaguna waxay dadweynaha uga digayaan in ay ilaaliyaan
nadaafada deegaamada ay ku nool yihiin iyo nadaafada biyaha
si cudurka Daacuunku uusan u haleelin.
Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com
IMTIXAANKII
DUGSIYADA SARE AYAA MAANTA SI RASMI AH UGA BILOWDAY GUUD
AHAAN MAGAALOOYINKA WAAWEYN EE PUNTLAND
Radio Midnimo, 14 Jun 2003, Boosaaso- Guud
ahaan waxaa manta ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee
Puntland imtixaankii fasalka ugu danbeeya ee Dugsiga Sare
looga gudbi lahaa.
Magaalada Boosaaso ayaa imtixaanka dugsiga
sare looga gudbayo waxaa u fariisan doona arday gaareysa
73 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira, waana markii
ugu horeyay tan iyo markii la waayey dowladii dhexe ee
Soomaaliya imtixaan noocan oo kale ah uu ka dhaco magaalada
Boosaaso iyo guud ahaanba Puntland.
Munaasibad lagu maamuusayey furitaanka imtixaanka
oo lagu qabtay dugsiga sare ee Boosaaso ayaa waxaa ka
soo qayb galay masuuliyiin ka socday Dowlad Goboleedka
Puntland oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka
DGPL Md. Maxamed Cabdi Xaashi.
Maxamed Cabdi xaashi ayaa halkaas hadal
gaaban ka jeediyey wuxuuna sheegay in aduunyadu ay ku
tartanto sidii qof walbaa heerka koowaad u noqon lahaa,
waxaana uu ugu bogaadiyey aradayda ka qalan jebinaysa
dugsiyada Sare ee Puntland in marka la eego heerka ay
mareyso Tacliinta Soomaaliyeed in ay heerka Koowaad ay
ka joogaan, wuxuu kaloo intaas uu ku daray in cilmiga
iyo tiknoolajiyadeeda adduunka oo heer sare mareysa in
ay nasiib darro noqotay in aynu noqono kuwii ugu horeeyey
ee manta ka baxa dugsiga sare.
Ku xigeenka Madaxweynuhu wuxuu kaloo xusay
in aynu laheyn Jaamacado, Iskuulo Sare, machadyo, balse
aynu inagu burburinay.
Wasiirka Waxbarashada Xasan Maxamud Dhiilood
ayaa isaguna ka mid ahaa masuuliyiintii xafladan ka soo
qayb galay, wuxuuna sheegay in aradaydaani ay yiniin mudadii
Dowlad la’aanta kuwii ugu horeeyey ee imtixaan dugsi sare
u fariista, wuxuu kaloo intaas ku daray in uu guul u rajeynayo.
Wasiirka oo mustaqbalka ardayda ka hadlay
ayaa sheegay in la rajeynayo in dowlad Soomaaliyeed ay
dhalan doonto oo ay soo dhowdahay, dowlada dhalan doontana
ay baahi weyn u qabto aqoonta iyo waxbarashada ayna Iskoolarship
u raadin doonto,
Dhinaca Puntland ayuu sheegay in ay jiraan
Iskoolarshibyo ay u raadiyeen oo ay heleen, wuxuu kaloo
carabka ku dhiftay in qaarkood Booliska loo tababaro oo
fursado laga siiyo.
Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com
DEGMADA CARMO
OO SHALAY XAFLAD BALLAARAN LAGU QABTAY
Radio Midnimo, 14 Jun 2003, Boosaaso- Xaflad
balaaran oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin fara badan
oo Puntland ka socda iyo odayaasha iyo waxgaradka beelaha
ayaa lagu qabtay magaalada Carmo.
Weriyayaal Radio Midnimo ah oo ka qayb galay
xafladaas ayaa sheegay in xafladani ay ahayd mid aad u
heer sareeysa oo si weyn loo abaabulay, ayna ka dhex muuqdeen
inta badan Golaha Xukuumada DGPL, Taliyayaasha Ciidamada
Daraawiishta iyo Booliska, Maamulka iyo Degmada Gobolka
Bari iyo dadweyne aad u fara badan iyo kooxda Fanaaniinta
Walaalaha Gobolka Bari.
Wasiirka Maaliyada DGPL C/raxmaan Maxamed
Faroole ayaa sheegay in dowladdu ugu deeqayso 20 Kun oo
Doolar qodida iyo biyo gelinta magaalada Carmo oo la filaayo
in ay dhowaan bilaaban doonto.
Wasiiru Dowlaha Amniga Warsame Cabdi Shirwac
(Seefta Banaanka) oo isaguna xafladan ka hadlay ayaa ku
tilmaamay magaalda Carmo meesha ay ku taal in ay tahay
meel Barakeysan, wuxuuna dadka degan ugu baaqay in ay
magaalada dadeeyan ee aysan ciddeynin. Wuxuu kaloo intaas
ku daray in ay noqon karto magaalo muhiim u ah ganacsiga,
xoolaha dhoofaya lagu nasiyo iwm.
Wasiirka Ganacsiga ahna Sii hayaha maamulka
dowladda Faarax maxamuud Yuusuf “Dooxo-joog” ayaa isaguna
si weyn ugu mahad celiyey dadka deegaanka oo muujiyey
isku kalsoonaan dheeraad ah, wuxuuna ku booriyey in ay
sii laba jibaaraan howlahooda, isagoo intaas raaciyey
in Maamulku uu karaankiis gacan ka geysan doono horumarka
degmada.
Wasiirka Waxbarashada, Xasan Maxamud Dhiilood
ayaa isaguna muujiyey in loo baahan yahay in magaalada
loogu talo galo iskuulo ay wax ku bartaan dhalanku, garoomo
iy meelo ciyaalku ay ku ciyaaraan,
Ku xigeenka Wasiirka Dowladdaha Hoose C/risaaq
Cali Siciid ayaa isaguna sheegay in dhowaan la soo dhisi
doono maamulka magaalada, wasaaraduna ay gacan ka geysan
doonto hirgelinta mashaariicda qaarkood.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Ibraahin Cartan
(Xaaji Bikiin) wuxuu isaguna sheegay in degmada laga rabo
howlihii ay degmo qaban jirtay oo dhan, wuxuu kaloo ku
booriyey in deegaanku magaaladu uu noqdo meel dadku u
siman yihiin oo qofkii doonaa uu soo degi karo.
Ugu danbeyntii, Duqa magaalda Salaad Cali
Hogoto ayaa wuxuu ka codsaday Maamulka iyo hay’adahaba
in ay gacan ka geystaan horumarka ballaaran ee ay wadaan
dadka reer Carmo.
Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com
|