Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

HAY’AD MIINO SAARIS AYAA TAGTAY MAGAALADA LAASCAANOOD EE GOBOLKA SOOL

Radio Midnimo, Boosaaso 12/06/2003- Weriyaha Radio Midnimo ee jooga magaalada Laascaanood ayaa wuxuu ku soo waramayaa in magaalada Laascnood ay timid Hay’ad lagu magacaabo HALLOW Trust, hay’adan ayaa shaqadeedu tahay siday dhulka miinada uga saari laheyd.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Hay’adani ay horay u timid magaaladaas iyadoo la socota wefti uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaali-land Md. Daahir Riyaale Kaahin.

Hay’adan waxaa hogaaminayey nin lagu magacaabo Dr. Whuu oo afrika u qaabilsan miino saarida, ayaa waxay howsheedii ka bilowday deegaanka ku xeeran magaalada waxyaabaha qarxa ka ururiyey dhinaca waqooyi ee magaalada, waxayna hay’adu iminka howlo ka wadaa meel magaalada u jirta 12 Km.

Imaanshaha ha’adan ayaa dad badani waxay ku eedeeyeen in hay’adani ka soo jeedo dhinaca maamulka Soomaali-land, waxaana la hadlay gudi odayaal ah ee deegaanka, balse masuuliyiinta hay’ada oo uu ka mid yahay Jamaal Saleebaan Warsame ayaa sheegay in hay’adani aysan ka socon wax maamul ah, howshooduna ay tahay in ay raadsadaan waxyaabaha qarxa

Waxay kaloo masuuliyiinta hay’ada Hellow Trust intaas ku dareen in ay ku socdaan deegaanka Puntland oo ay ka dhowrayaan ogolaasho buuxa, wuxuuna intaas ku daray masuulku in ay wada hadleen qaar masuuliyiinta Puntland ka tirsan.

Mashruucan ayuu ku tilmaamay mid faa’iido u soo hoynaya bulshadda Soomaaliyeed ee deegaanka Sool iyo meelaha kale ee ay miinooyinka ka saaraan.

Odayaasha deegaanka ayaa waxay go’aamiyeen in sugi doonaan hay’ada ammaankeeda ilaa iyo wakhti kama danbeys ah oo ay soo saari doonaan go’aan kama danbeys ah marka ay la tashadaan maamulka iyo xubnaha kale ee maamul goboleedka Puntland ee ku sugan magaalada L/caanood.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


DHUL MURAN KA TAAGAN YAHAY MAGAALADA CEERIGAABO

Radio Midnimo, Boosaaso 12/06/2003- Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in uu sii siyaadayo muran xoog leh oo beryahaanba ka taagnaa magaalada Ceerigaabo, murankan oo salka ku haya dhul la isku hayo.

Heshiis dhulkan iminka la isku hayo ayaa lagu soo waramayaa in la gaaray sanadkii 1993dii, hase yeeshee sida weriyaha Midnimo ee magaalada L/caanood noogu soo waramyo waxaa heshiiskan fulin waayey dadka degan Waqooyiga magaalada L/caanood, tanina ay dhalisay in dadka degan Koonfurta Sanaag in ay ka muujiyaan caro fara badan.

Shir balaaran oo arrintaan looga hadlayey oo lagu qabtay magaalada Ceerigaabo oo ay ka qayb galeen odayaal iyo waxgaradka deegaankaas, iyo cuqaal ka tegay magaalada L/caanood ayaa looga wada hadlay sidii arrinta dhulkaas loogu soo dabaali lahaa nabadgelyo.

45 maalmood ayaa guddi loo saaray in arrintan ay kaga soo baaraan degaan go’aan kama danbeys ahna ay ka soo gaaraan. Labada Beelood ee dhulkan isku haya ayaa ciidamo fara badan oo Maleeshiyooyin ah soo dul dhoobay magaalada maalmihii la soo dhaafay tanoo cabsi looga qabo in arrintu faraha ka baxdo.

Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.