Radio Midnimo, Boosaaso, 11/06/2003- Afar qof ayaa ugu
yaraan ku dhintay dagaal shalay ka dhacay xaafada Madiina
ee magaalada Muqdisho.
Wararka Muqdisho naga soo gaaraya waxay sheegayaan in
dagaaladaani ay u dhexeeyeen Maleeshiyooyinka kala taageera
Muuse Suudi Yalaxow iyo Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar
Finish” oo inta badan ku dagaalami jiray deegaankaas.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in nin ay walaalo yihiin
Muuse Suudi Yalaxow oo lagu magacaabo Maxamed Suudi Yalaxow
uu dagaalkaas ku dhintay.
Iska horimaadkan ayaa wuxuu sababay in dad badani ay
bara kacaan deegaanka xaafada Madiina oo ay ku noolaayeen.
Hase yeeshee warku wuxuu intaas ku darayaa in saaka xaalada
xaafadaasi ay degan tahay kadib markii dagaalkii shalay
uu saameyn weyn ku yeeshay.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili uu magaalda
ka maqan yahay Hogamiye kooxeedka Cumar Finish, lamina
yaqaan sababta dhalisay dagaalkan hase yeeshee, warar
ayaa sheegaya in labada Maleeshiyo oo dagaalamay uu dagaalkoodu
ka bilaabmay kadib markay isku maan dhaafeen lacago baad
ah oo laga qaado gawaarida isbaarooyinka loo dhigto.
Arrintu siday doonto ha ahaatee, waxaa jiray dadaal odayaashu
ugu jireen siday u nabadeyn lahaayeen Hogaamiyayaasha
Maxamed Dhere iyo Muuse Suudi Yalaxow oo in mudo ah muran
ka dhex aloosnaa.
DEGMADA B/WEYNE
AYAA WAXAA KU SOO BADANAYA DADKA CIYAALKA XADA.
Radio Midnimo, Boosaaso, 11/06/2003- Sida uu noogu soo
waramay weriyaha Idaacada Midnimo ee magaalada Muqdisho
wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in
kooxo hubeysan ay dhibaato ka wadaan deegaankaas.
Warku wuxuu intaas ku darayaa ciidamada Maxkamadaha Islaamiga
ahi ay dhowaan ku qabqabteen kooxo hubeysan oo burcad
ah gudaha magaalada B/weyne, kuwaasoo dadka dhacayey dilna
u geysaneyey.
Warku wuxuu kaloo intaas ku darayaa in magaalada ay si
aada ugu soo badanayaan dad la sheegay in ay xadayaan
ciyaalka, ilaa iyo iminkana waxaa tirakoob la sameeyey
uu sheegayaa in 27 ciyaal ah laga xaday magaalada B/weyne
gudaheeda, aana la aqoon meel lala aaday.
Dadka falkan geysanaya ayaa la soo sheegayaa in ay adeegsnayaan
dharka Jalaabiibta loo yaqaan, dabadeedna ay markay ciyaalka
dafaan hoosta gashanaya.
Arrintan oo iyadu welwel weyn gelisay dadka ku nool deegaankaas
ayaa iminka qorsheynaya siday gacan u siin lahaayeen Maxkamadaha
Islaamiga ah ee la dagaalamaya kooxaha burcada ah.
|