Radio Midnimo, Boosaaso,
10/06/2003- Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa
sheegaya in wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka
Puntland C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka dhoofay garoonka Kanooko
ee magaalada Garoowe.
Weftiga uu madaxweynuhu hogaaminayo ayaa waxaa ka mid
ah Gen. Cadde Muuse, weftigii Golaha SRRC iyo xubno kale
oo reer Puntland ah.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in weftigaani ay u kicitimeen
madasha shirka dibu heshiisiinta Soomaalidu uu ka socda
oo ku taal duleedka magaalada Nayroobi.
Madaxweynaha ayaa ka soo maqnaa madasha shirka mudo Laba
Bilood ku dhow, Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayo
ayaa mudo toddobaad ah booqasho ku joogay magaalada Gaalkacayo
ee Gobolka Mudug, wuxuuna dhowaan kula kulmay meel degmada
Goldogob u jirta qiyaastii 18km saraakiil Itoobiyaan iyo
Mareykan isugu jirta.
Madaxweynaha ayaa safarkiisani wuxuu ku beegmayaa xili
uu gabagabo yahay shirkii dib-u-heshiisiinta ee ka socday
dalka Kenya, shalyna war ka soo yeeray Guddoonka shirka
ayaa wuxuu muujinayaa in bisha fooda inaga soo haysa si
rasmi loogu dhawaaqi doono dowlad Qaran ah oo Soomaaliya
ku mideysan tahay.
Hogaamiye kooxeedyo dhowr ah oo iyaguna ka maqnaa shirka
ayaa iminka lagu soo waramayaa in ay dib ugu laabteen.
Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com
KUWO HOGAAMIAYAHA MAALMULKA CARTA
AYAA MAANTA SHEEGAY IN JIRAAN CIIDAMO ITOOBIYAAN IYO DALAL
SHISHEEYE OO DHAQDHAQAAQ KA WADA GUDAHA SOOMAALIYA.
Radio Midnimo, Boosaaso, Somaliya 10/06/2003- Wararka
naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan
in Dr. C/qaasim Salaad Xasan Hogaamiyaha Maamulka Carta
uu maanta hadal ka jeediyey kulan uu la yeeshay Labada
Gole ee xukuumadiisa, wuxuuna ku sheegay in ay jiraan
ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo uu ku tilmaamay in ay dalal
shisheeye oo uusan magacaabin ay dhaqdhaqaaq ka wadaan
gudaha dalka Soomaaliya.
Hadalkan ayuu C/qaasim ka jeediyey qado sharaf uu u sameeyey
maanta xubno ka tirsan Golihiisa Baarlamaanka iyo kuwa
Xukuumada, wuxuuna carabka ku adkeeyey in ay jiraan ciidmadaasi,
balse ma uusan sheegin tirade ciidankaas, goobaha ay soo
degeen iyo meelaha ay dhaqdhaqaaqa ka wadaan toona.
Dr. C/qaasim wuxuu intaas ku daray in DKM ay isha ku
hayso dhaqdhaqaaqa ciidamadaas oo uu ku tilmaamay in ay
yihiin kuwo doonaya in ay mustacmarad cusub geliyaan dalka
Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Carta Dr. C/qaasim Salaad Xasan
oo ka halay arrinta Maamulka isku magacaabay Soomaali
lanad ayuu sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in
Soomaaliya la kala goos goosto, midnimada Soomaaliyana
ay muqadis tahay “Labada Gole haddaanu nahay waxaanu
diirada saareynaa midnimada Soomaaliya in ay Muqadis tahay”
ayuu yiri C/qaasim Salaad.
Khudbadan uu jeediyey Dr. C/qaasim ayaa ku soo begantay
xili uu beri u socdaalayo magaalada Nayroobi ee dalka
Kenya, wuxuuna hadalkan jeediyey mar ay soo gaartay casumaad
uu ka helay Madaxweynaha dalka Kenya Md. Kibaki, Dr. C/qaasim
ayaa sheegay in safarkiisani uu yahay oo keliya mid uu
kula kulmayo Madaxweynaha Dalka Kenya Moi Kibaki
Su’aal ay weydiiyeen suxufiyiintu Dr. C/qaasim oo aheyd
fikrada uu ka qabo ninkii dhowaan isu magacaabay Madaxweynaha
Soomaaliya C/nuur Axmed Darmaan ayuu C/qaasim ka gaabsaday
in uu ka jawaabo wuxuuna ku amray suxufiyiinta in ay demiyaan
rikooradooda, maadaama uusan su’aashaas jawaab u haynin.
Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com
SHIR LOOGA HADLAY CUDURKA DAACUUN
CALOOLAHA AYAA MAANTA LAGU QABTAY ISBITAALKA GUUD EE MAGAALADA
BOOSAASO.
Radio Midnimo, Boosaaso, 10/06/2003- Shir ballaaran oo
ay ka soo qayb galeen masuuliyiin badan oo Maamulka Puntland
ka socday, Hay’adaha Caalamiga ah ee qaabilsan arimaha
caafimaadka iyo dhaqaatiir ayaa saaka lagu qabtay Isbitaalka
Guud ee magaalada Boosaaso.
Shirkaan oo uu guddoominayey Sii hayaha xilka Dowladda
Eng. Faarax Maxamuud Yuusuf “Dooxo-joog”, ayaa looga hadlay
sidii wax looga qaban lahaa cudurka daacuun Caloolaha
oo ka dillaacay magaalada Boosaaso maalimihii la soo dhaafay,
sida ay caddeysay baaritaan ay hay’ada WHO sameysay.
Dr. Ciise Dheere oo ah ku simaha Agaasimaha Isbitaalka
Boosaaso ayaa sheegay in cudurkani uu ku dhacay 65 qof,
Hal qofna uu isbitaalka gudihiisa ku naf waayey, wuxuu
kaloo intaas ku daray in Saddexdii maalmood ee la soo
dhaafay uusan cudurkan ciddina u dhiman, balse Hay’ada
African 70 masuuuliyiin ka socday ayaa sheegay in cudurkan
ay magaalada gudaheeda ugu geeriyoodeen 12 qof, waxay
intaas ku dareen in 50% cudurkani uu saameyeey dadka degan
Boqolka Buush
Wasiirka Madaxtooyada Dr. C/raxmaan Siciid Gacamey “Dhegaweyne”
ayaa isaguna sheegay in cudurkani uu jiro loona baahan
yahay in wax laga qabto.
Sidoo kale Sii Hayaha Xilka Dowladda ahna Wasiirka Ganacsiga
Eng. Faarax Maxamuud “Dooxojoog” ayaa codsaday in si deg
deg ah arrintan wax looga qabto.
Waxaa shirkaas ka qayb galay masuuliyiin badan oo ay
ka mid yihiin Duqa Degmada Boosaaso Bashiir Siciid Aadan,
iyo Wasiir ku xigeenka Was. Warfaafinta C/shakuur Mire
Aadan iyo masuuliyiin kale
Ugu danbeyntii waxaa shirkaan lagu magacaabay Guddiyo
ka howl geli doona sidii cudurka Daacuun caloolaha ay
ula dagaalami lahaayeen, waxaana ka mid ah:
- Guddiga Daaweynta Bukaanka oo ka kooban Isbitaalka
iyo WHO
- Guddiga Daaweynta Biyaha oo ka kooban: Agaasimaha
Cudurada Faafa Dr. Muuse Qaybdiid
- Isuduwaha Caafimaadka G/Bari, Dr. Cismaan Xuseen
- Duqa Degmada Boosaaso, Bashiir Siciid Aadan
- Hay’adda UNICEF, Afrikan 70 iyo Oxfom
Guddiga Wacyi gelinta oo isaguna ka kooban
- Wasaarada Warfaafinta
- Wasaarada Caafimaadka
- Idaacadaha Madaxa Banaan
Radio Midnimo, Bosaaso
Mudugonline.com
|